site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

ONLY wixii Europe degen!!!

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Archive (Before Oct. 29, 2000): ONLY wixii Europe degen!!!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ali.

Sunday, October 01, 2000 - 10:36 pm
Walaalayaal, waxaa jirta gabar walaashey ah oo ku jirta xero Germany ku taal, waxaana doonayaa inaan wadamadaan kale soo geliyo, gaar ahaan England, Norway, Denmark Holland iwm.

Hadaba fadlan iga caawiya arinkaas, waxaana ogolahay mukhalasnimo hadaad iigu dhameyn kartaan howsha.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Somaaliya

Wednesday, October 04, 2000 - 03:38 am
Saxiib helkee ayaa joogtaa marka hore!


Hadey gabartu joogta Garmany wey iman kartaa
holand ,denmark , wax dukumiitim ahna lama weydiinayo xadka u djexeysa HOLAND iyo Germany

Markaas sidaa ha sameyso oo ha timaado Holand dabeed England

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ali

Wednesday, October 04, 2000 - 10:49 pm
TO somaaliya:

Saaxiib mahad ayaan kaaga celiyey taladaada, waxaana joogaa Finland.

Ninyahoow waa runtaa oo waxaa laga yaabaa inaan la weydiin dukumiinti xadka u dhaxeeya Holland iyo Jarmalka, Denmarkse aad bey u adag tahay laakiin waxaan aad u door bidayaa wadamada Norway iyo England oo hada sharciga bixiyo inaan helo qof u gudbiyo.

Mahadsanid saaxiib, wixii kale oo aad igu soo saa'idineyso aad baan u jeclaan lahaa.

Walaalaha kale adinkana taladiina iyo waxtarkiina waan u baahanahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

C/fataax

Thursday, October 05, 2000 - 03:40 pm
Asalaamu calaykum.

Sxb gabadha hadii aad beeso u haysid waa laguu habeenaa leeman badan ani ayaa kasaayo ani ayaa yurub soo wada maray hadana waxaan joogaa USA hadii aad talo rabtid ii soo sheeg.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ali

Sunday, October 08, 2000 - 10:37 pm
C/fataax

Wacaleykuma salaam, sxb mahad balaaran ayaan kaaga celiyey sida wanaagsan ee aad wax iigu soo sheegtay.

Walaalkiis talo waan rabaa hadii aad haysidna E-mailkan iigu soo qor abdullahix@hotmail.com

Beeso waan hayaa, kaliya waxaa la rabaa qofkii howshaas soo dhameyn lahaa, sidaa iyo warsan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

XAAJI JAMAC

Monday, October 09, 2000 - 12:16 am
ASALAAMU CALYKUM CALI.
WALAL ANIGU WAXA AN KUGULA TALINAYAA IN AAD GABADH WIXII U ROON U SAMAYSO.
SUAAL GABADHA MALAQABA ? MA JECESHAHAY IN AAD NIN SIISO SAY KAAGA HWL YARAATO WAAYO GABADH HADEER YURUB SOO GASHAY DHIBTEEDA AYAY LEEDAHAY
HADII AADAN TA YEELAYN GABADHA HA JOOGTO AGTAADA SI AAD HAWLAHEEDA U OGAATID OO GABADHA CIDLO HA KU SII DEYN WALAAL SHAREECADUNA SAS AYAY QABTAA
ASALAAMU CALAYKUM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ali

Tuesday, October 10, 2000 - 12:14 am
XAAJI JAAMAC, mahadsanid walaal, waa talo wanaagsan balse waxaa jirta xaga sharciga oo ayaamahan meelaha kale ku yara adag.

Gabadha lama qabo oo waa gabar dhalinyaro ah, nina hadey is af gartaan aniga kolleey uma diidaayo oo waanba kula talinayaa.

Walaal sidaas iyo warsan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xaaji jamac

Tuesday, October 10, 2000 - 01:07 am
asalamu calaykum cali
waad mahadsan tahay laakin sxb adi xagaad joogta adise ma kaxayn kartid miyaa walal gabadha u qaad baasaboor gabadhkale meesha ad rabtana gee hablaha somaliyeed waa isu wada eeg yihiine.
hadii kale mukhalas kudar adna raac oo gee meeesha ay jeclaysato sida norwey iyo london
wixii talo oo kale oo ad u bahantahay igala soo xiriir hanad60@hotmail.com.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Barkhad33g

Wednesday, February 07, 2001 - 07:33 am
asalaamu calaykum;


walaal marka hore waad salaaman tihiin gabigiin,bal se waxan idin odhan lahaa inantu halkaa sharci makuleedahay haday ku leedahay mise kuma leh haday ku leedahay halkeedaa ilaahay ha ku aaminto ooha ku guursato ileen waa gabadh oo guur bay u joogtaaye hadii kale hala xidhiidho qof degen holland ka bacdi markay timaado halkaa mukhalasiin badan ayaa jira halkaa oo caawin doona hadii ilaahay yidhaa ka bacdi dadbadanoo waxan arkay soo galey England oo ka soo galay holland intaa ka bacdi nasiinkeeda haka qaado...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Daauud

Thursday, February 08, 2001 - 06:16 am
Walaal anigu waxaan daganahay Holland, Gabadhu haddii aad ladooneyso in ay Holland timaado taasi wax kaa hor istaagi karo majiraan, maxaa yeelay anigu xitaa waxaan tagaa Germany aniga oo baasboor iska dhaafee wax warqad ah aanan wadan, wax ila hadlayana ma arkin, marka walaal lacag haiskaga bixin een soodir Gabadha.
Laakiin haddii aad larabto in ay England tagto waxaan u maleynayaa in ay taasi wax yar ka adagtahay tan imaatanka Holland, mana wanaagsana in aan ku qalbi jibiyo haddana waxaa wanaagsan in aan xaqiiqda kuu sheego.
Walaal mid iga balan qaad: haku soo dirin GABADHA wado aanad hubin maxaa yeelay this is pretty hard world, mana u maleynayo in ay kabixi karto

thanks -- Ilaaheyna hakula jiro

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.