site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Arin xasaasi

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Archive (Before Oct. 29, 2000): Arin xasaasi
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

A.J. falax

Monday, October 16, 2000 - 07:49 pm
wallal waxaa ihaysata dhibaato la xidhiidha xagga cafimaadkayga wxayna tahay gabadh xaas ah ayaan ahay markaa wxaan jeclahay ninkayga inaan had iyo raali geliyo nasiib daro waxa uu dhibsadaa hawada afkayga ama neefta ka soo baxda si toos ah iiguma sheegin balse anigaa arinkaa ka dareemay waxaana arkaa arin lumin karta ama dumin karta gurigayga kolkaa maxaad i odhan lahaydee idinkoo raali iga ah waana dhici kartaa in dad badani ila wadaagsadaan arinkan igoon is ogey waxaan idiin raacinayaa wax dadaal ah oo aan hagradayna majiro.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QADAR/SEATTLE

Tuesday, October 17, 2000 - 09:10 am
WALLAHI MAGARANOYO WAXAAN KUUS SHEEGO.......LAKIIN USHEEG NINKAAGA LANA TASHO SIDA ISAGU RABANA URAALIYEEL ABAAYO WAAYO........UMALYNMAYO INUU KUDHIHIDOONO KUGUMARABO SIDAAS.........
GOOD LUCK

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

haboon

Tuesday, October 17, 2000 - 10:54 am
Assalaamu caleykum.
walaashay waan ka xumahay arintan ku heysado,hadaba waxaan kugula talin lahaa in aad dhaqtar u sheegatoh.Waxaan kaloo kuu raacinlahaa, hadii ay jiraan ilkahaaga qaar jajaban oo cuntadu gali karto way sababi karaan arimahaas ee iska soo samee waa hadii ay jiraane, waxaa kaloo jiro waxyaabaha cuntada lagu carfiyaa in ay sababaan, sida basasha, tuunta iyo kuwo kaleba.

by haboon.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Adan

Tuesday, October 17, 2000 - 02:48 pm
Waan ka xumahay dhibta ku haysata,waxaan kugu biirinayaa waxyaalo aan dad ka maqlaye aqoonna uma lihi,haddaba hadday tahay wax afka ku eg iyo hadday tahay mid uurka ka imaanaysa adaa kala og ee waxaad yeeshaa wixii neefta soo raacaya ee uurka ka imaanaya cabidda biyaha badso werwerkana iska ilaali,haddayse ilkaha tahay waxaa dhici karta inay bacteria keentay ee u tag Dhakhtar

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Awdheere

Wednesday, October 18, 2000 - 09:24 pm
Walaashey qaaliga aheey, arinkaada waa arin la xiriira xaga caafimaadka, taasna waxay ila tahay in xalkeeda la heli karo hadii aad dhaqtar la xiriirto ilaahna talo saaratid. Anigana waxaan maqlay sida uu AADAN noo sheegay iney biyihu door weyn ka qaataan caafimaadka gaar ahaan hawada ka soo baxeysa uurka hoose. Laakiin hadii ay arintu afka ku eg tahay, waxaa laga yaabaa inuu ciridka ama qumanka hoose ee dhuunta midkood jiran yahay, waxaanse filayaa in taa daawo loo heli karo.

Sis, mida kale sheydaanka ayaa was-waas dadka ku abuura ee iska NAAR mar walba, kana bari Allehii ku abuurtay inuu caafimaad taam ah ku siiyo marka aad salaadaha tukaneysid khaasatan "sujuuda" markaad ku jirtid, anigana ilaah baan caafimaad kuu weydiinayaa insha Allah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muxubo

Thursday, October 19, 2000 - 01:44 am
Asalamu alekum dhamantiin


Abayo waan ka xumahay dhibka ku heysto laakin macaaneey ma u maleynaayi in uu yahay wax saas u sii dhib badan sida Haboon kuugu sheegtay u tag Daqtar waxaa laga yaba oo kale in uusan ku xirneen urka ilakahaga ee dadka qaarkood gudaha oow kaga soo baxaa wana arkay dad badan abaayo wxaa jiraano waxyaabo ka hor taga urka afka ka imaado marka waxad weeydiin kartaa xitaa Farmshiyaha oo wa laga helaa koleyba waxaan wax dhamaanaayo ilahey hakaga dhigo..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

A.j.falax

Monday, October 23, 2000 - 06:57 pm
Asalaamu caleekum
wallaal kulligiin waad mahadsantihiin sidii qiimaha badneyd ee aad iigu soo bandhigteen talooyinkii la xidhiidhay codsigaygii. Run ahaantii ma qiimeyn karo sida aan uga faa iideystey waxanse halka aan idiinku farxadgelinayaa inaan tijaabiyey tilmaamimihii kala duwanaa sida dhakhtarkii,EEBBe duca badintisii , iwm kadibna Alla wuu iga fududeeyey dhibaatadii werwerka faraha badan igu haysey sidaas darteed aad ayaan uga faa iideystay mar labaad waxa alle uga mahad naqayaa wallaalahayga sida hagar la aanta ah ii iiga soo caawiyey arintaan kor ku soo sheegay ugu danbeyntii waxan jeclahay inaan tilmaamo inaan diyaar u ahay inaan ka caawimo qofkii dhibaatadan oo kale haysato waase adagtahay qofku inuu arintan oo kale uu isagu dareemo .
Jasaakumu laahu kheyra.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abu-cumayr

Tuesday, October 24, 2000 - 05:11 pm
asalaamu calaykum.....
salaantaas ka dib..marka ugu horaysa
waxaan aad iyo aad mahad ugu celinayaa
dhamaan walaalaha halkaan ka dhiibtay taladooda
weli ma arag in taan ku jiray somalinet
bog sidaan u cajiib badan...
waxaa isugu yimid qofba qofkuu ka fiicnaa
edebta iyo walaaltinimada iyo nasteexada
ka muuqata waa shey aad loogu farxo..
waxaan alaah weydiisanayaa in uu
walaalaheen somalida dhamaan sidaan iyo si
kasii fiican uu ka dhigo...
walaalayaal dhamaan tiin waad mahadsantihiin..
sidaas oo kale ha u jirto walaaltinimadu iyo
wax is la qabadku....

A.J.FALAAX...

UKHTIL CAZIIZAH...
Waxaan filayaa hada wax kuu haray in ay san jirin.
walaalahaa talooyin bay ku siiyeen
sidaad sheegtayna wax baad isaga dareentay..
aniguna waxaan alaah kaaga baryayaa...
in uu caa fimaad taam ah ku siiyo....
wasalaamu calaykum

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.