site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Old Flames - Talo Maheesaa?

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Archive (Before Oct. 29, 2000): Old Flames - Talo Maheesaa?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aweys

Tuesday, October 17, 2000 - 11:00 am
Akhyaarey meeshan ila tali walaal maanta ka hor akhriste aan ka ahaa dadka wax ku qorana waan ka yaabi jirey laakin xalay teleefon la iisoo diray markaan shan daqiiqo ku hadlay ayey igu soo dhacday meeshan.

Somaliya ayaan gabar isku jecleyn ilaa iyo yaraantayadii xataa sheeko waxaan amqalnay dadka dhiiga isku darsada waligood ma kala haraan oo intaan gacnmahayaga dhiig ka keenay ayaan istaabsiinay (caruur ayaan aheyn markaas)

Waxaa dhacday in labadayada Kenya imaadeen markii Soomaliya dagaaladu ka dheceen. Waxaan soo qaan gaarnay anagoo Kenya joogna walina aad isu jecel. laba magaalo ayaan kala degeneyn lakin waan iska warqabnay.

Waxaa dhacday in nin lacag wata uu u imaaday cidooda asoo ka balan qaaday inuu cidooda dhan dibada geynayo haday xaaskisa noqoto. Qoftii jeceylku naga dhexeeyey hal mar ayey is bedeshay. Waxaa niyadeeda galay USA sidii ayey ninkii ku guursatay cideediina USA u aadeen. Aniga gabar walaashay ah oo Canada joogta ayaa Canad ai geysey. Sheekadii waa iska dhamaatay jacaylka aan qoftaa su qabay iyo siday ii gashayna waxaan ka go'ay inaan la shekeysto gabar soomaali ah.

Xalay ayey teleefon iisoo dirtay. Wax telefonkayga soo siiyey ma garanayo waxayna ii sheegtay inay ninkii is dagaaleen oo ay is fureen ayadoo u haysa laba ilmood. Waxay rabtaa inaan mar labaad baabkii jaceylka furno laakiin ani qalbigayga way ka titirmatay waxayna iigu dhaaratay inay addunka kaligay igu leedahay mar walbana ilaa intaan kala maqneyn aan niyadeeda ku jiray. Waxay ii sheegtay wali inay sawiradayda heysato.


Marka soomaliyey qoftan maxaan ku sameeyaa? Qoftu waa jaceylkii iigu horeeyey ee isoo mara iiguna danbeeyey laakiin qalbigayga ayey wax u dhintay waxayna iga raacday nin sababtoo ah wuu iga dhaqaalo badnaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muxubo

Thursday, October 19, 2000 - 01:53 am
Hi Aweys

walaalkiis wax cusub ma ahin in arintaas o kale eey dhacdo... jaceelna wax fudud ma ahin kan ugu horeeyana aad uu xanuun badanyahay..marka aboowe ani waxaan kugu darsan lahaay in aad bal horti waxa eey adiga kula tahay fiiriso... adiga ma jeceshahay oo niyad ma u heysaa liana qof hadaad mar niyad u heyso dhib kasto eye kuu geesato waad iloobi kartaa laakin qofti ayada i jecel hadaad dhehdo oo aadan adiga waxba u heyn aboowe horey aad usoo cadabantay maxaa isu galinee cadaab kale...Marka adiga uun dib isugu noqo ee wax dan kuugu jirto miyaa bal da.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.