site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Ten ways to improve your marriage.

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Archive (Before Oct. 29, 2000): Ten ways to improve your marriage.
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xareed

Thursday, October 19, 2000 - 04:56 am
walaalayaal waxaan jeclahay in aan halkan ku soo bandhigo tobankan qodob ee wax ku oolka ah balse midbaan ka cudurdaaranayaa qofwalba si ayey ula muuqataa fikradiisa ee hadii aad ku aragto qalad amaba aad saxeyso ila soo xiriir ee ha iska caroorin fadlan waa talo uun

1)XUSHMADA
in labada qof ee isqabaa qofba qofka kale xushmeeyo,weyneeyo, la socdo talooyinkiisa
2)GARAB ISTAAGA
waxaa lagaa rabaa ninkoow /haweentooy in aad garabistaagto,wax ka qaadato adigoo wax ku darsan kara talooyinka iyo habka uu u rabo in reerku ku hormaraa odeygaaga/haweentaada
3)KA FARXINTA.
qodobkan waxaad moodaa in uu aad noogu yaryahay soomaalideena ama dadka ka farxiyaa haweenkooda /nimankooda ay aad u yar yihiin,
haweeneydu waa hooyadii guriga,shaqada guriga oo dhan ayey iyadu isku xilsaartay waanu wada ogsoonahay in ay naga hayso qayb balaaran oo reerka ah in aad ka farxiso bishii amaba labadii asbuucma mar waa ay wanaagsan tahay u keen hadiyad wanaagsan,hadal qaali ah iwm.
4)KA ILAALI DHIBKEEDA.
waxaan ula jeedaa ha ku sameyn wax aysan kugu sameyseen,sida ka jeedsasho aad ka raacdo haween kale,hadalada dhiba ee la xiriira arinta maseyrka.
5)NOLOSHEEDA KA DHIG MUHIIMADA KOOWAAD.
qofta nolosha kula qaybsaneysa waa aad garan kartaa in ay kugu weyn tahay hadaba sii xaqeeda,ha ku cayaarin,nolosha ugu sareysa la jecloow,adiguna haweenyahay sidaa oo kale odeygaaga ha kuu ahaado hadab iyo wax ka qaalsan.
6)XIISAHA.
in labada qof isxiiseyaan waa arin wanaagsan oo aan soo jeedinayo waxaanse ka reebayaa haweenka in aysan bilaash uga bixin gurigooda xaajada ay u baxayaan ay tahay arin weyn ,balse raga waxaan leeyahay iska soo horjeedka badani waa la isku dhibsadaa xoogaa ka maqnoow guriga waxa aad ku maqantahayna ha ogaato xaaskaaga.
7)HA U CAROON XAASKAAGA/NINKAAGA WAX KA MBADAN SADEX CASHO.
hadii qilaaf idin dhexmaro waayo waxaa horey loo yiri carab iyo laba daan ayaa isugu dhow ayaguna waa isqabtaane,ha ka tagin guriga ka shaqee xalinta arinta yaanu sheydaan idinka dhexfaaiideysan adigoo si wanaagsan u fiirinaya xaalka islamarkaana hadii aad qaldantahay garowsanaya qaladkaaga kana cafis dalbanaya xaaskaaga.
8)CAYDU WAA INAAD KA ILAALISAA AFKAAGA.
hadii xanaaq dhaco ha caytamin walaal afkaaga ilaali waayo haweenku inta badan ma iloobaan cayda xumi ee lagu yiraahdo afkaaga bar eayada wanaagsan sida xabiibi,gacaliso, iwm
9)WAXTARKA GURIGA.
guriga inaad ka cawiso haweentaada waa kuu wanaagsan tahay hadii aad ka rabto reerkaaga in uu waaro oo ilaahay kaaga dhigo reer isku nagaada guriga oo aad ka gacan qabataa haweentu waxaa ay u aragtaa in aad jeceshahay islamarkaana u naxariisaneyso.
10)SAMIRKA.
qodobkan aan ugu dabadamariyey fikradaheyga waa kaalin muhiim ah oo aan la,aantiis aysan waxba kala soconeynin in qofba qofka kale u samro waa la idinka baahan yahay hadii aadan u samrin dhibkeeda,xanaaqeeda,caradeeda yarta ah gabadha,waa ay balaaraneysaa waxaana suuragal noqon karta in ay sababto heerxun oo burbursababta marka xasuusnaada marwalba samirka.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.