tq | Sunday, October 22, 2000 - 12:17 pm Radio Finland ..... Radio Finland qaybta ku baxda luqada Finishka ayaa saaka saacadu markay ahayd 10.30 - 11.00 soo daayey barnaamij uu kaga hadlayey dawlada Soomaliya loogu dhisay dalka Jibuuti. Barnaamijkan oo socday mudo 30 daqiiqadood ah waxa lagu waraystay khabiirka caanka ah ee arrimaha Soomaalida wax ka qora ee magaciisa la yidhaahdo Emiraat Professor IM Lewis ee wax ka dhiga Jaamacada London School of Economics ee dalka UK. Sidoo kale waxa waraysi laga qaaday nin Soomaali ah oo qoxooti ku ah dalka Finland, magaciisana la yidhaahdo Cabdirisaaq Xasan. Barnaamijkan waxa noo soo dhagaystay Cabdilqaadir Awbile, isaga ayaana hoos inoogu soo koobay Mudo 10 sano ah ka hor ayaa Soomaaliya dawlad ugu dambaysay, 1988 kii ayey kooxo hubaysani Siyaad Barre dagaal ku oogeen ugu dambaystiina kursiga uga tuureen. Kooxahaasi markii Siyaad Barre dhacay ayey kala boobeen xukunkii wadanka, halkaas oo uu isku caleema saaray ninka la yidhaahdo Cali Mahdi, kadibna ay kooxihii kale ee dagaalka ku jiray ay u diideen inay aqoonsadaa. Dagaal hor leh ayaa gaar ahaan Koonfurta Soomaaliya ka bilaabmay. Dagaaladaasi waxay baabiiyeen wax kasta oo jiray, sidoo kale waxa Koonfurta ku habsatay macaluul laysay kumanyaal kun oo qof oo Soomaali ah. Qaramada midoobey ayaa hawl ka bilowday, hase yeeshee ugu dambayntii iyaguna way iskaga baxeen. Soomaaliya waxa looga tagay Soomaali. Bishan Oktoober ee aynu ku jirno dawlad cusub ayaa dhismaysa, taasoo lagu soo dhisay dalka jaarka ah ee Djibuuti. Halkaas waxa bishii hore lagu sameeyey gole wakiilo oo qoxootiya (Pakolais Parlamentti), kuwaas ayaana doortay nin 58 jir ah oo la yidhaahdo Cabdiqassim Salaad, kaasoo hore u ahaan jiray wasiir dawladii la riday ee Siyaad Barre. Ninkaasi isna wuxu wasiirka koobaad u sii doortay nin kale oo isna Siyaad Barre wasiir u ahaan jiray kaasoo diyaarad kaga baxsaday dalka sannadihii toddobaatanadii isagoo wata malaayiin dollar. Ninkaasi wuxu mar dambe aasaasay shirkad, wuxuna ku noolaa magaalada Dubei. Shirkan Djibuuti ee lagu soo doortay dawladan looma wada dhamayn. Dawlada Somaliland ee gobolada woqooyi cid umay dirsan shirkaas manay taageerin, sidoo kale Puntland ma taageersana wakiilona umay joogin shirka. Inta badan hogaamiye kooxeedyada Muqdisho, iyaguna may tagin shirka wixii ka soo baxayna may ogolaan. Jabhada ka wakiilka ah dadka beeralayda ah ee degan labada webi dhexdooduna jirtoo ay tagtay shirka markii hore, hadana taageeradeedii way kala noqotay dawlada. Sabtidii hore ayey kooxdii Djibuuti lagu doortay ku laabteen Muqdisho halkaas oo isla markiiba ay la kulmeen dhibaatooyinkii ugu horeeyey. Nin ay Cabdiqassim isku dhawaayeen ayaa toogasho lagu dilay, taasoo cadaysay xaalka dhabta ah ee Muqdisho maanta yaala. Waxanu hadaba wax ka waydiinay arrimahan isa soo taray Cabdirisaaq Xasan oo ku nool dalkan Finland, kaasoo la socday arrimaha Soomaaliya tan iyo intii shirku bilaabmay. Cabdirisaaq wuxu ku dhashay oo uu ku barbaaray Muqdisho, wuuna taageersan yahay natiijada ka soo baxday shirkii Djibuuti. Cabdirisaaq wuxu yidhi: " Dawlad la'aan aya dadka haysay, waxan rumaysnahay in ay dawladani meelmar noqonayso, dalku mudo 10 sano ah dawlad muu lahayn. Ilmihii maalintaa dhashay maanta waa 11 jir, mustaqbal muu yeelan, xitaa iskuul muu tagin mudadaa dheer. Waxan filayaa in dadku dagaal ka daaleen, maantana ay rabaan deganaansho iyo dawladnimo. Waxan rajaynayaa in Somaliya calankeedii aan mudadaa dheer la taagin kor mar kale loo taagi doono, waxan rajaynayaa in Soomaaliya ay mar kale ka mid noqoto aduunyada. Anigu waxan aaminsanahay in dawladani ay ku koobnaato Koonfurta Soomaaliya, awoodana ay saarto sidii sharciga iyo kala dambaynta loogu soo celin lahaa Koonfurta Soomaaliya, kadibna wada hadal la yeelato Somaliland. Waxa ila quman in dadka reer Woqooyiga laga qaado afti oo la waydiiyo waxay rabaan. Hadii ay dal gooniya noqonayaan waa in loo ogolaadaa, hadii ay Koonfur wax la wadaagayaana, waa in si cadli ah wax loo qaybsada. Puntlan dhib ma leh, iyadu kamay gu'in Soomaaliya inteeda kale. Waxan aaminsanahay in Xuseen Caydiid ogol yahay in wada hadal uu la yeesho dawladan cusub. Mar aan tagay Muqdisho, runtii way iska fiicnayd. Dadku waxay dareemayeen rajo". Hadaba Soomaaliya 10 sano ka hor ayey burburtay. Ugu yaraan saddex qaybood ayaa maanta dhulkii Soomaaliya la odhan jiray loo qaybin karaa. Kuwaas oo kala ah Somaliland, Puntland iyo Soomaaliyada kale. Somaliland nabad taama ayey gaadhay, horumarkuna aad ayuu u xawaaraynayaa, nidaam iyo maamul dawladeed ayaa jira. Sidoo kale Puntland maamul bay leedahay. Meesha qasnayd waxay ahayduun Koonfurta Soomaaliya. Hadaba labadan waaxood ee degeni wax wakiilo ah umay diran shirka, cid matalaysayna may joogin. Sidoo kale RRA oo markii hore ka qaybqaadatay oo taageertay shirka, imika waxay leeyihiin waanu la noqonay taageeradayadii. Sida ay wax-dhis u suurtoobayaan lama garan karo. Xaaladu aadbay ugu adagtahay dawladan Djibuuti lagu soo dhisay. Hadaba bal si aan arrinka wax uga fahamno waxan u tagnay nin khabiira oo ku xeeldheer arrimaha Soomaalida. Ninkan oo ku nool woqooyiga London waa Emiraat Professor wuxuna wax ka dhigaa London School of Economics. Magaciisu waa IM Lewis. Mr. Lewis wuxu amuuraha Soomaalida baadhayey mudo 50 sanadood ah. Markaa dalkan haatan Soomaaliya loo yaqaano wuxu u qaybsanaa British iyo Italian Somaliland. Mr. Lewis waa qofkii ugu horeeyey ee qabiilada Soomaalida oo fahamkoodu aad u kakan yahay warqad ku soo bandhigay si uu u fahamsiiyo reer Galbeedka, sidoo kale waa shaqsi si weyn looga dambeeyo culuumta Soomaalida iyo dhulka ay ku nool yihiin. Professorku wuxu dhigaa cilmiyada dhaqaalaha iyo bulshada. Mr. Lewis si aada ayuu uga soo horjeedaa Cabdirisaaq, markaan wax ka waydiinay dawladan cusubna wuxu yidhi: "Outsiders are imposing... dad shisheeye ah ayaa leh waxbaan idiin soo samaynay Soomaalaay oo anagaa idinka og waxa dantiina ah. Nidaamkani wuxu ka soo horjeedaa habkii EU oo ahaa in Soomaaliya dhulkii la odhan jiray aan la siku keeni karin mar kale, isla markaana ay haboon thay in lagula tacaalo sida ay xaqiiqda maanta taalaa tahay oo ah waxa loogu yeedhay ' block building ' amase kolba qayb dhis. Dalkii Soomaliya la odhan jiray way u dhamaatay, dalkaasi sidii uu waa ahaan jiray laguma soo celin karo. Soomaalidu dad maaha madaxa wax lagaga keeni kar, dadkani waa dad xor ah oo hab maamulkoodu yahay mid baahsan ' Decentralised '. Soomaalidu dad boqoro iyo amiiro ay soo xukumi jireen maaha. Dadkani lama mid aha Afrikaanka kale, dabeecada ayaa xukumi jirtay, cidina cid uma dhisi karto. Wixii meeshaa ka soo baxaa waa uun wax ay iyagu ogolaadeen. Sidaa awgeed, maadaama aan loo dhanayn oo 3 meelood marka loo qaybiyo 2 ay Djibuuti ka maqnaayeen, natiijada meeshaa kasoo baxday waa mid aan waxba keenayn. Bal eeg, sanadkii hore dhamaadkiisii iyo sanadkan bilowgiisii hore, Koonfurta Soomaaliya sidii hore way kasoo raynaysay. Dadku waxay ku dayanayeen horumarka iyo nabada ay Somaliland gaadhay, waxaanay hayeen dhabada saxda ah ee ay wax ugu dhismayaan. Tusaale ayey Somaliland u ahayd. Maanta wixii rajo ahaa intiiyoo laga qaaday ayaa dhibaato aan markii hore jirin la dul keenay. Aadbaan uga walaacsanahay waxa ka soo socda Koonfurta. Ogow shirkani kii ugu horeeyey ee Soomaali la isku dayey in dusha wax lagaga keeno maaha. Shirkani waa kii 13aad, intuba way burbureen. Sababtuna waxay ahayduun xaalada dhabta ah ayaa la iska indhatiraayey". Professor Lewis isagoo ka hadlaaya dadka shirka Djibuuti ka qaybgalay wuxu yidhi: " Who are the people who went to Djibouti and ... Waa ayo dadka tagay Djibouti, yaase u wakiisahay in ay halkaa tagaan, yey matalayeen baa mudan in la is waydiiyo. Waxa hubaal ah in ay iyagu is doorteen, islamarkaana aanay cidna matalayn balse naftooda oo qudha. Waxa aduunyada loo sheegay oo lagu qalday weedha sida xun loo isticmaalay ee ah ' civil society ', waa ayo dadkaasi. Ma fahmi karo anigu cida ay kuwaasi wakiilka ka ahaayeen. Dadbaa ujeedooyin gaara meesha ka lahaa". Mar la waydiiyey Prefessorka cida uu u jeedo wuxu ku jawaabay: "these stupid people are the UN people and the Djibouti young president, I mean... Dadkan maskaxda xun een u jeedaa waa kuwa QM u jooga Nairoobi iyo madaxweynaha da'da yar ee raadinaya magac ' statemanship ' ah kaasoo isna sidoo kale ujeedooyin gaara oo cadcad ka lahaa qorshaha dhan. Dadkan meesha isugu yimid ee is doortay waa uun nidaamkii Siyaad Bare, 'These are the Siad Barre's regime without Siad himself' dadkani waa xukuumadii Siyaad Barre oo Siyaad uuni ka maqan yahay. Qolooyinka QM u jooga Kenya waxay uun danaynayaan shaqadooda iyo musuqmaasuqa ay meeshaa ka wadaan, sidoo kale Djibuuti waxay aad iskugu dayeysaa sidii ay uga hortagi lahay horumar ka sal-qaada Somaliland. Waxad ogaataan in Berbera ay Djibuuti kula tartamayso suuqa Itoobiya. Itoobiya ayaa dhawaanahan bilowday isticmaalka dekedaa, sidaas ayuu ninka da'da yar ee Djibouti ka madaxda ahi ula soo degdegay qorshan, sida ay isaga ula muuqato, wuxu horjoogso is leeyahay horumarka halkaa ka soo socda si aanu suuqa dekeda Djibuuti loolan u gelin. Majarahani se ma aha mid aan anigu fahmi karo, Berbera way jirtaa gobolka ayeyna ku taalaa waana wax dhab ah in ay Djibuuti kula loolami doonto suuqa Itoobiya. Waxa qorshaha madaxweynaha Djibuuti si toosa uga muuqday dagaal uu Somaliland kula jiro". Professor Lewis waxaa sidiisoo kale wax u arka khabiir kale oo isna u dhashay Sweden oo arrimaha Soomaalida ku talaxtagay oo magaciisa la yidhaahdo Bernhard Helander. Mr. Lewis wuu sii waday hadalkiisii wuxuna yidha: " Haa waa run in awoodii dagaal oogayaashu ay hoos u dhacday, balse taasi macnaheedu maaha waa bilaa awood. Marka ay isku wada tagaan waxan aaminsanahay in ay ka awood badan yihin qoladan Djibouti lagu dhisay". Mar aanu Professor Lewis waydiinay sida mustaqbalka Soomaalidu ula muuqdo isaga wuxu yidhi: "Waxay aniga ila tahay in Soomaalidu hadii ay wax wadaagayaan nidaam samaystaan la mida ka Switzerland kaasoo awooda dawlada dhexe la wiiqo, isla markaana la wareejiyo kursiga madaxweynaha. Sidoo kale habka Carabta Midowday oo kale ayey wax u wadaagi karaan. Nidaamkii hore mid la midi ma suurtoobi karo". Waxa inoo soo koobay Cabdilqaadir Awbile Helsinki, Finland |