site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

ALLA SHEEKHU COD FIICANAA! ! ! !

SomaliNet Forum (Archive): Ila Qosol - Jokes: Archive (Before Oct. 29, 2000): ALLA SHEEKHU COD FIICANAA! ! ! !
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

XAYRAAN

Monday, October 23, 2000 - 02:45 am
Gabadh la qabo ayuunbaa ninkeedii ka dayn weydey alla sheeku cod ficanaa! Waan ka hela sida uu eedaanka ugu dhawaaqayo!
Ileen gabadhu sheekha codkiisa kama aysan heline waxay ka heshay aragtidiisa, ninkeedana kuma odhan karto ninkale ayaan ka helaa.
Ninkii gabadha qabay ayay tallo ku cadaatay, wuuna yara ogaa gabadhu inay odaygan masaajidka jooga ka heshay.
Maalintii danbe ayuu gabadhiisa u sheegay in uu magaalada ka baxaayo oo uu baadiye aadi doono muddo goan. Maalin ka dib ayuu ninkii wiil yar oo agagaarka jooga waraaq u soo dhiibay oo gabadhii waraaqdii arkhriday, waraaqdu waa ballan uu wadaadka magaciisu ku qoraa oo ahayd inay kulmaan caawo sideeda habeenimo geed hoostii.
Ninkii gabadha qabay ayaa iska soo dhigay sheekhii gabadhiina ku sugay geedka hoostiisa. Markii saacadi ka soo wareegtay ayay gabadhi oo socotaa soo gaadhay halkii ay balantu ahayd oo ahayd runtii meel aad u maddow. Ninkii wax hadallaba ma uusan odhane ul dheer oo uu sitay ayuu ku bilaabay gabadhii, ilaa inta ay kasii cararaysay goobtii.
Maalintii ku xigtay ayuu ninkii gabadha qabay soo laabtay oo uu iska dhigay nin meel dheer ka yimmid. Salaan ka bacdi ayay gabadhii qaddadii u soo dhigtay, markaasu sheekhiina sidii u eedaamay.
Ninkii ayaa gabadhii kor u eegayoo ku yidhi; xaq alaahu salaatul muuminiin, alla sheekhu cod wanaagsanaa!!
Markaasay gabadhii inta ay afka cirka u taagtay ku jawaabtay; WAXBANA MA COD FIICNA E WAXA LA YIDHI GEEDKAAS INA NUUR HOOSTIISA AYUU DUMARKA KU LAAYAA. WAA LA YIDHI.LOLLLLLLLLL.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

RUFRYDER

Monday, October 23, 2000 - 04:57 am
XAYRAAN M DABADAA WAX KAAGA XIMEY( 4XPLE QORI MADOW).ANAA KAA FUJIHAA .

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.