site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Ninkii fuleyga ahaa

SomaliNet Forum (Archive): Ila Qosol - Jokes: Archive (August 2000): Ninkii fuleyga ahaa
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Idil (Public user)

Unrecorded Date
Walaalayaan waxaan rabaa in sheekada dhacdey aan
maanta halkan idiinku soo gudbiyo.Waxeyna aheyd
sidan. Nin iyo naag baa is qabey oo caruur isu
lahaa, ninka waxaa lagu xaman jirey fuleynimo.
habeen habeenada ka mida buu damcey in uu reer
ka caano u soo liso caradu aad bey gurcud u aheyd,
markii uu caanihii soo dhameeyey oo ku soo noqdey
gurga buu wuxuu indhaha qac ku siiyey xaaskiisii
oo shaleysaneysa, waxey laheyd timo fara badan oo
qariyey wajigeedii, saa ninkii cabsi baa gashey
suu yiri naa ina ilka casey timaha qari aan
gurga soo galee, yaanan caruurta caanaha ka daadine,
saa wey ka dartey oo madaxii bey luxdey.
intuu caanihii dhulka ku dhuftey buu yiri wax ka
dheef oo orod cagaha dayey, intey ka daba orodey bey
soo celisey wey ku taqaaney fuleynimadee.
ahhhhh.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anony (Public user)

Unrecorded Date
waad salaam tahay;

ldil. waxaa meeshan wax ku qoray adi baa ugu roon intooda kale waxaay soo qoreyna erayo aan ku habooney inlaga dhigto qosol eysana ahaan wax qosol ah ey tahay wax ceeb ah iyo danbi marka halag fiirsado wax la qorayo hadaad wax qoreysan wax wanaagsan soo qora hadii kale iska aamuus.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

IDIL (Public user)

Unrecorded Date
TO ANONY
THANKS BRO
WALAAL MAHADSANID WAA SAX IN DANBIGA LAGA FOGAADO
BALSE LA ISKU DAYO IN LA SOO GUDBIYO SHEEKOOYIN
IYO MAAWEELADA SOOMAALIYA. BYE

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dhameel (Public user)

Unrecorded Date
by-dhameel.

walaalayaal waad salaaman tihiin.

sheekadani waxay ka dhacday baadiyaha ama miyiga soomaliya,sheekadaaasi waxay ku saabsanayd nin iyo naagtiis ayaa iyagoo goor habeen ah fadhiya gurigooda hortiisa ama aqalka hortiisa, ayaa islaantii ama duqdii inta kor eegtay ayaa waxay indhaha ku dhufatay diyaarad hawada xiimaysa odaygeedii oo ag joogay ayey ku tiri,walaahi waa nin raga ninka diyaarada wadaa, odaygii intuu xanaaqay buu yiri nacas ,nacas dhalay weeye xiligaasi baanu joogin cir iyo dhul toona.Waad fahanteen micnahaasi oo waxay tahay hinaase.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qaska xaaji (Public user)

Unrecorded Date
Akhyaarta bal tan arka
waxaa jiray nin iyo naagtiis ninka aad ayuu caato u ahaa waxeyna deganaayeen baadiyo ama miyi naagta makey rabto maahine odeyga marka kale waa ka cabsan jiray waxeyna lahaayeen hal wiil. habeen ayagoo is dagaalsan ayaa waxaa aqalka banaankiisa wada jiifey wiilka iyo aabihiis islaantane aqalka ayeey jiiftay
.xoogaa kadib ayaa waxaa imaaday roob xoog badan islaantii ayaa soo carartay iyadoo rabtay in ey wiilka aqalka u xanbaarato ayeey odeygii la booday oo ey aqalkii geysay odaygii intuu hoos ka qoslay ayuu yiri haye waad i keentaye wiilka yuusan roobku naga dilin markaasey tiri lagu qaad maxaad ii oofeysay odeygii baa yiri jaceyl lee isoo xanbaaratay !!!!!!!!!! dhamaad
nabadeeey

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.