site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

NINKII AWLIYANIMADA SHEEGTEY

SomaliNet Forum (Archive): Ila Qosol - Jokes: Archive (August 2000): NINKII AWLIYANIMADA SHEEGTEY
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Idil (Public user)

Unrecorded Date
walaalayaal waxaan halkan idiinku soo gubinayaa sheekadan dhacdey waan sidatan:nin reer miyi ah baa damcay in uu gabar la baxo wuxuuna ugu sheekeeyey in uu awliyo yahey, saa habeenkii ay balanta laheeyeen buu kabihii iyo buraashadii ku soo qariyey meel gurga u dhaw, markii ay xoogaa socdeen oo loo soo dhawyahey kabihii buu yiri alow wax aan kaa baryo kaama waayi jirine kabo caawa i sii suu kabihii helay, xoogaa ka dib buu hadana ala baryey oo yiri aloow caawa biyo aan cabno na sii baryada iguma qadiside saa wey heleen naagtii habeenkii wixii ka danbeeyey wey aamintey ninkii oo awliyey u qirtey.bye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

JIBRIIL (Public user)

Unrecorded Date
Sheeko wacan Idil, thanks. Tan runta ah iga hoo.Beri baa waxaa jiray nin iyo haweeneey is qaba oon wax caruur ah isu lahayn. Nasiib wanaag gurigooda wuxuu ku dhowaa masaajidka qudha ee ay tuulada ay degenaayeen lahayd.Aadaanka marwalba si fiican bay u maqli jireen mid koodse ma tukan jirin. Marka sheekhu aadaan ku dhuftaba gabadho la qabo ayaa aad ugu raaxaysata oo waxay tiraahdaa allah-allaaah yaa sowtu raxma!(cod naxariisle). ninku xaaskiisaq diin jacayl kuma ogayn oo wuu la yaabi jiray. Maalintii danbe ayaa odaygii xaafada lahaa xaafadiisii fiid hore ku soo noqday. Albaabka uu fur is yidhiba wuxuu maqlay cod nin oo odhanya,"habeenka dayaxu afartobnaadka yahay geedka ina-igare hoostiisa salaada cishe dabadeed isugu kaaya keen. Ninkii gabadha qabay ma uu hadlin wuu is qariyay.Wuxuu sii arkay in ninka xaaskiisa u soo dabamaraya ee la balamaya yahay muadinkii masaajidka, Wuu rumaysan waayay arintii wuxuuse go aan ku gaadhay inuu arinta si kale ku xaliyo. Xaaskiisii waxba umuu sheegin oo wuxuu ka soo qaaday tiiyoon waxba dhicin. Markay maalintii soo dhowdahay ayuu xaaskiisii ku yidhi,"maandhooy waan safrayaa oo reerihii baadiyaha yiil ayaan ka war doonayaaye muqumad(oodkac) ii samee.Suuqana intuu tagay ayuu dhar kii muadinka u eg soo iibsaday.Xaajigii anbabax. Gabadhii waaba siday doonaysaye hoostay ka qososhay.Maalintii balantaa la gaadhay. Ninkii gabadha qabay safar ma aadine intuu masaajika tagay ayuu muadinkii iyo dhamaan xertii habeenka afariyotobnaadka masaajidka ku casuumay.Inkastoo muadinku isku dayay inuu balanta ka warwareego hadana waa u suuroobi wayday.Fiidkii balantaa la gaadhay,muadinkii wuxuu ka casuumanyahay masaajidka oo ma soo bixi karo. Ninkii gabadha qabay intuu dharkii kuwo muadinka u ekaa soo xidhay ayuu goobtii ballanta is keenay isagoo muadinkii iska dhigaya. Gabadhii oo iyadu soo hormartay(ileen jacaylbaa belbelinayee), ayuu cunaha ku dhegay. Neeftaa miskiintii ku dhegtay. Waxbadso ayeey is lahaydee xanuunbaa ka raacay. Kolkuu arkay inuu aad u xanuujiyay ayuu sii daayay. Orodbay dhinicii aqalkeeda isu qaaday iyadoo odhanaysa, wadaadku siduu noqday! Laba maalmood ka bacdi ayuu ninkii aqalka lahaa xaafadiisii ku soo noqday(sidii isagoo safar ka yimid). Goortii salaantii la dhameeyay oo reerkii uga waramayo ayuu wadaadkii adin ku dhuftay. Ninkiibaa wuxuu yidhi allah-allaah yaa sowtu raxma waa wdaadkii codka macaanaa.Intay xaaskiisii si xamaasad leh u soo booday ayaa waxay tidhi"sowtu raxmana ma ahee waxaa la sheegsheegayay inuu geedka ina-igare hoostiisa dumarka cunaha ku qabqabto. Ninkii ujeedadiisii waa gaadhay oo dibdanbe cidna sowturaxma loogama maqlin. waa dhab dhacday. Ninka garanaya geedka ina-igare meeshuu ku yaalay waa garanayaa sheekadan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Idil (Public user)

Unrecorded Date
TO JIBRIIL
walaal mahadsanid waa sheeko xiise leh, ninku wuu
caqli badnaa xal aanu reerku dhib ku iman buusameeyey. ma heysaa mid kale. byeee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Quman

Unrecorded Date
Waligey mamaqal sheeko ka fiican sheekadan waxeyna tusaale u tahay qofkasta oo jecel inuu reerkiisa dhisnaado

mahadsanid Jibriil

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Sheekadan xamar ayay ka dhacday :
maalin ayaa labo wiil isdagaalay midkamid ahna xaafada ayuu degenaa kii xaafada degenaa ayaa korka looga fariistay oo la garaacay islaan xaafada degan oo garoob ah ayaa u soo gurmatay wilki oo waxay ka kicisay wiilki ka sareeyay.
wiilkii xaafada degenaa markuu istaagay misana boorka iska jafayayuu arkay islaanta maqaayadeeda (dabada) gacanta ayuuna ku qabtay, markaas ayay islaantii xanaaqday kuna tiri aabahaa ayaan kuu sheegayaa wiilki wuu cararay naagti oo xanaaqsan ayaa wiilki aabihii u tagtay odeygiyoo xoolaha cuno siinaayo markaasey ku tiri

waxay u sheektay sheekadii dhexmartay iyada iyo wiilka odeygii ayaa ugu jawaabay oo ku yiri

maandhey wiilka aad aragtay, aniga iyo dibigaas qooq aa farta kala xiranay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ruun

Unrecorded Date
jaaw jibriil

sheekadaada aad ayaan uga helay waadna ku mahadsan tahay aniga waxaan maqlay mid kaduwan taada oo ahayd nag baaba naagahooda ku furay markay maqlayn naagahooda oo dhahaayo ala ninka cod macaanaa in kastoo aanan xasuusan sheekadoo dhan

I can't wait to read u nex stoy jibriil

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.