site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Dawacaa socodkeedii ka tagtay !

SomaliNet Forum (Archive): Ila Qosol - Jokes: Archive (Before Dec. 16, 2000): Dawacaa socodkeedii ka tagtay !
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Salaad beeleey

Monday, November 06, 2000 - 04:25 am
Maalin dawacaa waxay aragtay libaax si wanaagsan u socda markaasay isku dayday inay la sheekaysata wayse kari wayday muddo ka dib go,aan waxay ku gaartay in ay bal socodkeeda u badasho sida libaaxa u soconayo way isku dayday balse waxay timid meel fagaare ah markaasay socodkii bilowday lagu wada qoslayoo la yiri:DAWACAA SOCODKEEDA KA TAKTAY KII LIBAAXNA GAARI WAYSAY.

Tan waxaan ula jeedaa dadka iska doonaya inay af ay lahayn wax ku qoraan sida ingríisida oo ay waliba QALAD BADAN ka galaan afafkaa shisheeye, waxaanan garanin dadkani ma qorista Af Soomaaliga ayaynan aqoon mise waa ulajeeddo iska yeel reer gabbed "western"? waa laga fiican yahay adigoo af qoran oo dunida laga aqoonsanyahay leh aad caado ka dhigataa qorista ummado kale afkooda.

Qore:Salaad beeleey l/h Tampere Finland.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kaftan

Monday, November 06, 2000 - 05:03 am
Mitaa kuuluu kiitoos hufa???
salaad waan kugu raacsanahay waxaad sheegeeyso sxbkiis waxaa ay dadka ku sharfayaan marka aad is sharaftid oo aadan ku daysan aad tusid in aad noolaanjirtay inta aadan ayaga la kulmin ama aysan ku arag inaad dhaqan kooda ka fiican ama ka'duwan aad leedahay oo ay su'aalo ku weeydiyaan ay xii seeyaan laa kiin ahadaad ku dayato waad ka hooseeysaa""""""""" reer taw tawle ka waran (finlandeska)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, November 06, 2000 - 07:17 am
Ku Salaad & Kaftan

Waxaan rabaa inaan wax yar idinka iraahdo fikraddiina ah in af soomaaliga wax lagu qoro waan idinku raacsanahay arinkan, laakiin waxaad idinku meesha ku dartaan inay jiraan dad aan af soomaaliga qori karin oo tiro badan ay jiraan. waxaad ogaataa dadka da'doodu kayartahay 21 sano 90% inaysan afsoomaaligu qori karin waayo iyagoo 10 sano jiro ayaa wadanki laga soo qaxay, kaasoo noqon kara galaaski 4 ee dugsiga hoose dhexe. Marka waxaan idin warsaday imise ayaa wax qori kartay galaaskoodi 4aad ee hoose/dhexe. Marka ha canaanan carruurtee waxaad canaanataa cidii keentay dagaalka.

Nabad galyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, November 06, 2000 - 11:01 pm
waan kaxumahay hadaysan qori karin afkoda hoyo seelayeelayaa walaal wa adiga sooqoray dawocoo gari wayday libaax kaja waab waryaaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Salaad beeleey

Tuesday, November 07, 2000 - 03:46 am
To Kaftan & saaxiibada kale

Waan idiin salaamay aad bay u wanaagsan tahay hadaan isla garanay arrinka taladuna ay joogto sidee la yeelaa,anigu waxay ila tahay inteena fursadda qaaliga ah helay ee afkooda wax ku bartay aan isku daynaa inaan u gudbino kuwan aan nasiibka u helin barashada afkooda, qof kastaana masuul ayuu ka yahay gudbinta aqoonta.


to kaftan :huva kuuluu enta sinulle,missa sina asut skandanaviassa ruotsissa,norjassa,tanskassa? sina puhut huva suomea.


Salaad Beeleey l/h Tampere Finland.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kaftan

Tuesday, November 07, 2000 - 03:50 am
TO frist Anonymous
walaalkiis taas sabab ma'noqoneeyso iyagooyar ayeey dalkii ka soo tageen'' aniga kula hadlayo walaalahay qaarbaa ku dhashay wadamadan westernka oo waxaan degeneen meel soomali aan lahayn hadana walaalahay aniga oo soomaaliya shool ku soo dhigtay way iga badiyaan waxaad rabto waad baraneeysaa lakiin caruurta soomaaliyeed luuqadooda way ka faanaan walalkiis.
waxaan kuu sheegayaa wiil yar oo aan aniga school geeyey oo hooyadiis aqoon luuqada dalka ayaa maalintii labaad diiday schoolkii oo jiri hooyo aniga afkooda ma'garanayo ee guriga ayaan joogayaa waa laqasbay 2-sano kadib ayaan waxaan arkay kii yaraa oo aan afsoomali ku hadleeyn oo hooyadiis markay kula hadasho afsoomaali ugu jawaabayo luugadii dalkaas warkaas aan ku idhi hebel maxaa kugudhacay wuxuu iigu jawaabay luuqadii kale oo uu igu yiri waan fahmayaa lakiin kuma hadlikaro afsoomaaliga ayaan xasuusiyey maalintii uu schoolka diidayey ayuu qoslay marka taa wax ku tusinaysaa caruurta soomaalida way ka faanaan luuqadoodii iyagoo buska saaran hadaad kula hadasho way ka xishoonayaan marka adiga jawaab isii hee.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Salaad beeleey

Tuesday, November 14, 2000 - 06:07 am
Fr:Salaad beeleey
To: Sxbada oo dhan
Walaalayaal marka hore waa salaaman tihiin marka xigta waxaan u malaynaa inaan isla wada fahmin dulucdii ay sheekadu ku saabsaneed oo ahayd dadka kara ama yaqaana af soomaaliga ee hadana ka doorbiday inay luqado shisheeye ay ku soo qoraan iyagoo markaasi afka soomaaliga hadba eray ka soo qaata oo ku dhex lifaaqa afafka kale oo sidii af guri ama luqad aan qornayn ka dhigay afkoodii.

Hadaba ulajeedadu sidaas ayay ahayd ee caruurta aan aqoon qorista af soomaaliga iyagu waxaan umalaynaa inaysan wax qalad ah ku lahayn haddii ay wax iskugu qoraan ama ku sheekaytaan af kale oo ay isla yaqaanaan,xitaa dadka yaqaana afkooda hadana doonaya inay afaf kale oo ay xiisaynayaan wax ku qoraan ma qaldana oo waa loo baahan yahay baan u malaynaa in dadku wax barto oo uu dunida la
xiriiro laakiin waxaa qalad ah meel sida bayjkan oo kale ay soomaalidu qoraalada iyo sheekooyinka isku dhaafsato ama qaybaha kale soomaalida ee internet-ka afka ay wax iskugu qoraan ama adeegsadaan uu noqdaa inta badan afaf shisheeye HADAAD U FIIRSATAY BAYJKAN.

Waxaan kula talin lahaa dadkaa inaysan iloobin afkooda,haddii ay doonayaan inay afaf shisheeye wax ku soo qoraan ay yareeyaan oo 99% afka ay wax ku soo qoraan badi uu noqdaa AF SOOMAALIGA SI UUSAN U DHUMIN DHAQANKII.

Qore:Salaad beeleey.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.