site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

been Buusheegay Ninka yiraahda SOMALIDU Waa isku dhaqan Waana isku diin!

SomaliNet Forum (Archive): Ila Qosol - Jokes: Archive (August 2000): been Buusheegay Ninka yiraahda SOMALIDU Waa isku dhaqan Waana isku diin!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MRfaroole (Public user)

Unrecorded Date
Sheeko yaableh oo aniga iga fajicisay!.
Waxaa jiratay In aanu nin is niqiin oo dusha aanu iska niqiin , laakiin aanan saaxiibo dhab ah ahaayn , maalin maalmaha ka mid ah ayaan waxan arkay ninkii oo gaadhi yarwata xaga danbena aay u saaran yihiin gabadh soomaliyeed iyo nin ajnabi ah
labadaas ruux oo gaadhiga xagiis adanbe fadhiya waxaay samaaynayaa waxa looyaqaan (BAASHAAYNTA)
ama (IS JIQID) nin ka xoogeey ayaan daba socday inyar kadib ayuu nin kii soo noqday, waan u imi oo waan weey diiiye labadii qof uu siday waxaay ahaayeen waxaa uu igu yidhi waxaay gabdhu ahaayd walaashaay!!!!!!> waan yaabay ninkuna muxuu ahaa baan idhi, waxuu yidhi wuxuu ahaa saaxiibkeed.!!!
waxaan idhi waa qabaa miyaad kawadaa, wuxuu yidhi maya saaxiib waayeeeee!! waxaan idhi xagaad geeysay hadeer? waxaayidhi waan soo qadaayney waayan bexeen . waxaan idhi war waxakani wax dhaqanak iyo dinta soomaliyeed midna kubanaan maahee maad walaashaa sida u dhaantid. wuxuuyidhi intuu cadhooday , "waraa adi dabaal maatahy gabadh waaye dookheedu ninku rabo ayuu siin" aad iyo aad ayaan sheekadaas u layaabay waxaana idhi soomalida waxaas lagumayaqaan !? ninkaasi waxa uu ahaa nin aad u waayn ilaa 30 years .
maraka waxaan uga socdaa soomalidu isku dhaqan iyo isku diintoona maaha.
waxaan maqlaa reer koonfureedku waa ka ilbaxsanyahay waan ka horeeyaa soomalaida inteeda kale, malaha markaan fekeray waxyabahas iyo wixi la mid ah ayaay ku ilbaxsanyihiin oo ku horeeyaan.
anay way waxaan ku soo koobayaa hadalkii.

"Dnidu waa caayn ba caayn
Waxaad ceebta u taqaan
Qofbaay camalkiisa
Camalkiisa tahay "

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MOHAMAD ISSE (Public user)

Unrecorded Date
TO:FAROOLE
WAXAA TAHAY NIN AAN AQOON DIINEED IYO MID ADUUNYO TOONA AAN LAHAYN!!WAA MIDA HOREE DIINTU MA QABTO IN HAL RUUX WIXII LAGU ARKO UMAD DHAN DUSHA LOO SAARO,TAASI WAA XAGGA DIINTA DHANKA KALE HADII AAD NIN FIKIRAYA TAHAY IMISA MILLION OO REER KOONFUREED AH OO DIINTA KU TOOSAN BAA JIRA MAXAAD KUWAA U ARKI LA,DAHAY MISE KHAYRKA WAA LAGAA INDHA TIRAY
UGU DAMBEYNTII HADII AAD TAHAY NIN WAX ISKU FALAYA MAR DAMBE WAXAASOO KALE HALA SOO SHIR TAGIN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ThePatriot (Public user)

Unrecorded Date
To: Maxamed

Soomaaliddu waxay ku maahmaahdaa 'Gaal dil, gartiisana sii." Mid baad run ku sheegtay oo ah in aan dadkoo idil wada mid ahayn. Hase yeeshee, waxyaabuhuu Mr Faroole soo qorey wax baa ka jira.
Qaas ahaan haddii aad u fiirsato Soomaalidda waddamadda reer galbeedka ku nool. Beri baa Waxaa
dhacdey in nin ku nool cariggan Mareykanka ay xaaskiisu u dalxiis aadey Kanada. Markii laga wareystey arrintaa ayuu wuxuu ku jawaabey saaxiibkeed bey qabatey. Waxay dadku badanaa moodaanaa iney arrintani ay tahay mid lala yaabo, hayeeshee ma'aha oo waxay noqdeen kuwo iska caadiya. Taana micnaheedu waa tiraddii bey ka bateen oo qof la yaabaya ma jidho. Sidey arrini ahaataba, waxay anigu ilatahay in Soomaalidda baddi siiba kuwa dibeddaha ku nool ay dhalinrogmeen. Haba ugu bateen kuwa aan ku kicin waxyaabaha fooshu xun ee fuxshigga ah. Laakiin badiddoodu diintooddii wey ka farxasheen. Taasinna
waxay horseedeysaa waxyaabuhuu Mr Faroole halkan kaga waramey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Garaad (Public user)

Unrecorded Date
Kalifoorniyaan katagey kanada markaan usocdey kuryeeri anoo korfuulo kaligey meel fadhiya kaltuumaa waxey itiri aboow adi kumaad ahyd, Kanada markaan tagey kuryeeriga aan kadegey kordheeraan waxaan ka argey gabar kuusanoo madoow indhah soo kuulatee......! Caruurteyda hooyadood, agteeda markaan imi amuurtaan latimi. Albaabka markaan tumeey ilmihii igu soo ordeen Umeydii meedey iri indha hore isii galiyey Gaal ayaa ii faraxye. Waxaan iri iisho yareey war waa maxey eyga kani waxey hooy ogoow inanku waa boyfriend ha eegi irada dhaaf!.

Wadankeena burburey basali ahaay, dadkii barbaxeen balad gaalo degeen, barbaartii haloowdey dhego buqsadeen!..... bele eroow Bacawyahay bisinkaan qabsadey!

SAAS AYAA INUU DANBEEYSEY SOOMAALIYEEY!.

Garaadka Garaadada

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CADAR (Public user)

Unrecorded Date
AsALAAMU CALEYKUMU;

ma is dhahadeen dadkeeni waa dhalaan rogmeene oo diinteeni fiicney iyo dhaqakeeni waa laga tagay.

qiiso yar baan tusaalo u soo qaadanaya,
waxaa jiray libaax yar waxuu ku dhexkoray ari iyo waaxaro markaa lamid buu noqoday sidooda oo kale buu u dhawaaqa maalintii dhanbe baa libaax u soo dhacay arigii markaasay carareen libaax waxuu arkay arigii oo la cararay libaaxi yar marka uu yaabay oo is yiri maxaa ku dhacay midkan oo sidii ariga u dhawaaqay igan cararaaya markaa buu soo qabtay libaaxi yar oo ku yiri maxaad la carareeysa waxuu ugu jawaabay waan ka baqanayaa inaad i cuntid markasuu ku yiri ani iyo adi isku mida baan nahay markaa buu diiday libaax yar oo ku yiri ari baan ahay markaa libaaxi weyna baa yiri nakeen wax baan ku tusin wuu waaday waxuu geeyay meel biyo ka buuxan kuna yiri fiiri biya sidaan isugu egnahay labadeena ileen biyah ay murayada u ah xayawaanka marka buu rumeysay inuu yahay libaax usan ahen ari sidii buu ku racay libaaxii. marka soomaali hadaan nahay waxaan noqonay libaaxi ku dhexkoray ariga macneheedu waa anako ka fiican gaala ayaan iska dhignay inay tooda naga fiican tahay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MrFAROOLE (Public user)

Unrecorded Date
TO: mohamed isse:
ninyohow waxaan filayaa waxaa ku qaaday ficil iyo in aad tahay reer koonfureed>
runtaa weey in reer koonfureer dhakada lagasaaro maaha wax shakhsi samaayey laakiin marka wax latilmaamayo waxaa la cabiraa majoorati:
Waxaa hubaal ah marka layidhaaho soomaali ayaa dhaqan doorsoontay 100%85 waa reer koonfureed .
taasna waa wax cad. iyadoo taasi jirto waxaa xaqiiq ah in lagahelaayo umad farabadan oo wanaagsan diinta, dhaqanka, iyo dhinacyabadan ku adag .markaa anigu waxaan kahadlay majoorati .
gaar ahaan adga mohamed kuuma fiicna in aad samaaysid waxa layidhaaho (PERSONAL ATAC) waa manuuc waxaana kugu waanin fikradaad ayaa ladhiibtaa dadka lama aflagaadeeyo>

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

IIDI (Public user)

Unrecorded Date
to faroole
ANIGU WAXAAN AHAY NIN DIIN LEH DIINTEYDA AYAANA IGA REEBTAY BAL DAA UMAD IDILE INAAN SHAQSI KALIYA WAX KA SHEEGO SIDAA DARTEED MA RABO INAAN DHAHO BOQOLKIIBA SOOMAALIDA DHAQANKA KA TAGTAY BOQOLKIIBA INTAAS WAA REER KOONFUREED AMA WAA REER WOQOOYI!!!BALSE ARINTA LA YAABKA LEH WAXAY TAHAY NINKAAGAN KU TALINAAYA IN (PERSONAL ATACK) LA JOOJIYO ASAGUNA U BAREERAAYA (INTERNATIONAL ATACK)!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xariifada (Public user)

Unrecorded Date
first off all let me say you right for your point mr IIDI he saying no personal attack when he is attacking whole lot of people

to MRfaroole qurbahan la joogo waxaas iyo wax ka daran somalidu waa lagu arkay inay ku kacaan balse ha oran reer koonfureed wixi shaydaan u dulaynayo kalama lahan koonfureed iyo waqooyi umadi way isku jirtaa ee wixii dulaysani inuu ilaah soo hanuuniyo baa laga baryaa

salaamada

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Asad (Public user)

Unrecorded Date
Salaan ka dib,

Waxaan jeclaan lahaa inaan ku darsado fikrad dheer, balse waan soo gaabinayaa.. sida aan u arko waxyaabaha qaarkood ay soomalidu kala kulantay qurbaha, lakiinse la yaab mal laha oo waa arrin saameeysa dad walba oo iska burburiya GURIGOODII HOOYO. tan na haysatana waa ku wada jirnaa haddii aad ka imaan lahayd Waqooyi, Koofur, Jabuti, somaliglabeed,amab somali kenya..ha hilmaaminina marnaba in aan somali wada nahay, walina dhaqankii iyo diintii aan wadaagno. Sida kaliya ee lagu badbaadi karo waa iyodaa xal loo hello arrimaha qasan ee wadankeenii hooyo...somalidu waxay tiraahdaa "BIYO KAA BADAN IYO DAD KAA BADANIBA WAY KU HAFIYAAN"

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

IIDI (Public user)

Unrecorded Date
TO: XARIIFADA
AFKAAGA CAANO QABOW LAGU QABAY XARIIFADA WAXAAN QAADANEENAA TALADAADA ILAAHNA WAXAAN KA BARYEYNAA INUU SOO HANUUNIYO SOOMAALIDA INTII DHUNSAN REER WOQOOYI IYO REER KOONFURBA (ALLOW SOO HANUUNI SOOMAALIDA)AAMIIN AAMIIN AAMIIN!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ASAAS (Public user)

Unrecorded Date
WAXAAD KAHADLAYSAAN BOOSAASO MIYAA. I DO NOT UNDERSTAND A SOMALIA PLACE LIKE THIS, BUT I HEARD BOSASO.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dr. Runsheeg (Public user)

Unrecorded Date
WAXAAN MAQLAY IN AY SOMALIDA REER BARIGA, WAXAAN KAHADLAYAA KUWA DAGAN BARIGA SOOMAALIYE, INAY ARIMO BADAN CAADI U YIHIIN KUWAASO KASOO HORJEEDA DHAQANKA IYO DIINTA SOOMAALIYEED. HADAAN TUSAALE USOO QAATO, WAXAAN SHEEKO KUMAQLAY IN HADII UUSAN NINDHALIN BARIGA SOOMAALIYA, IN UU WALAALKII UGA DHALO NAAGTA SI UU U HELO ILMO, IYADOON MEHER UGU XIDHNAYN. MARKA, SAAXIIBADAYDA HALKAN FIKRADOODA KUDHIIBANAYOW WAXAAN IDIN ODHAN LAHAA HA ODHANINA ALL SOMALI ARE CHANGING THE WAY THEY USE TO BE, AND IT USED TO BE NORMAL ALL THE TIME, BUT SAY THERE SOME SRANGE THINGS IN SOME PLACES LIKE BARIGA SOOMAALIYA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FAALGURAY (Public user)

Unrecorded Date
Saaxiib Dr. Runsheeg aad iyo aad ayaad ugu mahadsantahay sharaxaad iga siisay arintaan iyada ah. aniga laftigaygu waan ogaa ee shaki baa igaga jiray. sidaas daraadeed waad ku mahadsantahay arintaas.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kamaall (Public user)

Unrecorded Date
to dr runsheeg i think you are the most lier i have eve seen dadka reer barigu waa somaali muslim ah kaana wanaagsan qaarkood kaana aqoon fican qarkood , ma ihi reer bari laakiin been abuurka waan necebbahay

to others:
maahmaah soomaliyed ayaa ahayd " geed kasta in gubtaa waa hoos joogtaa" somali meel kasta ha joogtee in wanag wada iyo in qariban waa ku jirtaa koonfur, waqooyi ama bari, badhtamaha, somali galbeed iyo mid kiiniya ka timi, mid qurbe joogta mid dhimatay iyo ku nool ba
qaar waa qabiilaystayaal, qaar waa kuwa jecel dadkooda dhulkooda necebna jahli iyo cadowga gudaha iyo ka debeda. kuwa waxii karaankooda ah qabto iyo kuwo aan waxaba ogeyn

haddaba inaka daaya anaa keer ah iyo anaa kan ah

kamaal

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ISMAACIIL (Public user)

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum
TO:DR,RUNSHEEG.
Allaah wuxuu yiri (hadii uu faasiq idiinla yimaado war hubsada).
Waxaan ku leeyahay waxaad latimi iftiraa iyo buhtaan iyo xishood daro miyaadan ogayn in nebigu yiri halaag ha usugnaado midka dad usheekeeya isagoo beensheegaya si ,uu uga qoslisiiyo,miyaadan ogayn in nebigu(csw)uu yiri qofku wuxuu ku hadlaa kalimad uu aanu waxba umalaynany inay gaysanayso oo uu naarta ugu fogaadaa todobaatan sano in loo socdo.Ma ilawday raqiib iyo catiid mise kalimadaas buhtaanka ah way ka dhaga la,yihiin.

ugu danbayntii waxaan arkay inaad meelo badan diinta uga hadashid waxaana ku mooday iyo waxaad noqotay kala dheer.

Walaal reer bariga waan kaa badiyaa waxaan islahaa tolw ma mingiskii ayuu soowadaa lakiin waxlga yaq-yaqsado ayaad latimi.

War allaah utoobad keen

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ASHA (Public user)

Unrecorded Date
TO.Farooleyahow.

Reer koonfur waa dad sharafleh diina laga soogaarey dhaqankana ku adag Marka waxaad ku hada shey hadalo qaldan oo weliba foolxun, waxaadna iska dhigtay iney Reer Waqooyiga adiga guri kuugu xiran yihiin! Mailow san tahay gabdhihii hore R.W
inay usoo doonan jireen koonfur rag ayagoo leh
Rag iyo rabi baan nahay (cidla joogayaal)
ku wii danbe waaba ogeen waa ku guyaha ijaaran jireen oo reerkoonfurka ay uaqrin jireen Afar afarta shartooda allaha namootiyo ku waan R.W ah
maxaa isku indho tiree ma ogtahay inaan dhahno
waqooyi AAAA wabi aadiiday inow uleexdo
Waa fahantay dhoore noo una fiirso qafkasta oo xun oo soomaali ah wuxuu ka imaaday waqooyi

dadka reer guuraaga ah .
oo soomaali waareerwaqooyi

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wadani (Public user)

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum ayuhal ikhwa ammaa bacad ilaahay hayna asturo oo hayna hanuuniyo, intaa kaddib waxaan ku waanin lahaa walaalahayga soomaliyeed inaad wax barataan waayo jahligu waa cadow cadowguna waa kudillaa. Dalkeennii iyo dadkeenniiba waa ina sugayaan balse ma`oga inaan galbeedka yurub iyo w/yiga ameerika aan wakhtiga qaaliga ah kuluminno reer bari,woqooyi iyo koonfur baa saas aha iyo ma aha.

Ilaahay hayna caafimaadiyo dhammaanteen
Dalkana wax haloo barto.

Sacii 26

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

koofururoow

Unrecorded Date
farole you sound uneducated,(racist evil hearted). you created a false story so you can express the hatred that has built up in your heart. i feel sorry for u low lifer u need to be educated.next time watch your filthy mouth or i will be all over you.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

amal

Unrecorded Date
walaalayaal marka hore waad salaamantihiin waxaan ahay gabadh soomaliya waxanan mudo dhawadku tagay booqaso dalkaygii waxanan arkay dadkii dalkeena joogay oodareesan inay dadka dibadu ujoogaa ayulanoqonayaan waayo arag nimo iyo aqoon dheeraada waxanse idiin arkaa dhalinyarada qaarkoodow inaad dhulkeenii kula noqonaysaan dhaqan xumo aanay hooyadaa kugu dhalin waxanan ujeeda kuwa kalaqaadqaadaaya dalkii hooyo iyo dadkaa kasoohalaabay waxase idin leehay intaan ilaahay idin xisaabin idinku isxisaabsha

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sheekh

Unrecorded Date
to faroole , kaaley hadaa isleedahay reer koofurta reer waqooyi ayaa kadhaqan fiican waa kuu jabaabaayaa meesha xun hadaa wax kafiirineesid anidana meesha xun baan kafiirineynaaa hada kahor 1988 waxaa xaafadeeda soo dagay qoos iga yaabsiiyay sababtoo waxaan arkey wiil walaashiis iyo hooyadiis haashka sigaarka kala qaadanaayo , taas waa mid mide kale waxaa weeye kalmada waa soo geerishay aan jaadka u isticmaashaan gabdhihiina waa lafiirsadaaa miyaaa carwo camal adeer waxaano kale mar danbe bulshada hala soo shirtagin baan ku dhihi lahaaaaaa reer koreed aan wax reebaneenin baa tahayeeeeeee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Rashid

Unrecorded Date
War Asalaamu calykum marka hore waa idin salaamay. Waxaana idin oran lahaa, inaad ka fiirsataan waxyaabaha aad u soo gudbinaysaan dadka inta aydin soo dirin intaas waa iga xasuusin. Maxaa yeelay ma fiicna aflagaado iyo isku xad gudbid. Haddii ay taas jirtana hore ayaan u soo sameyney maxaa yeelay waa waxa qaxootiga naga dhigay kuligeen. (Free your mind)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MRfaroole

Unrecorded Date
to MR ismaaciil :
Waad slaamantihiin dhaamn ikhyarata ka qayb qaadatay topic : waan gaar ahaan lahadlilaha ISMAACIL : walaal horta diinta islmaaka waa tiirkeena kowaad, waana laaynag dhalay laakiin anigu waxaan sheegay arin dhacday: waan ka xumahay inaad (ERSONAL ATTAC)maysid anigu commocn ayan kahadlay mana aha wax beenah ee waa shoo ko jirta : waxaanse anigu meesha u soo dhigay waxaa weeye , waxaan fialyaa in aadan qoon waxa losameeye meeshan aaynushaakdas kaga hadlayno" hadaan kuusheego waxaa loogu talagalay in qofku waxa uu u baahanyahya oo kubaahsan walaalihisa soomaliyeed uukaga faa iidaysto, waxaa kaloo loogu tala galay qof ku waxa uulayaabo in uu ku soo ban dhigo" waxaa kale oo loogu tala galay in wixii waano ah iyo wax tar leh laaysugu gudbiyo, anayway waxan hadalki ku soo geba gebayn ISMAACIIL in aad sidaas u hadashid waa lagaag fican yahay : nabaey :

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Ku:Dhaman Dhalinyarada soomaliyed ee doodan ka qayb qadatey.
Salaamu calaykum dhaman?.
Walaalayaal waxad ilowdeen in bulshadii soomaliyed ay ku dhaceen dhibaatooyin ad adag balse ay mar walba isku dayaan inay Illaah ka fogaan. Hadey dhacdey in nin soomaliyeed uu raali ka noqdey inuu walaashii gaal u fataalo waa ceeb,balse ma aha in korka laga saaro dhamaan bah wyenta soomaliyeed e ku dhaqan koonfurta,sababtoo aha sida bulshada kale ee soomaaliya ku dhaqan ayuu dadku isugu jiraa sheekh iyo shariif. Markaa Meel hanagaga dhicin Mr. Faroole, oo ogow in laga helayo kuwo kaas ka liita meeshaad ka timid.
markase lagu leeyahey Soomaalidu waa isku dhaqan ma aha mid lagu salaynayo dhaqan qofeed ee wa mid bulsheed. Markaa Kafiirso intaadan falin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Ku:Dhaman Dhalinyarada soomaliyed ee doodan ka qayb qadatey.
Salaamu calaykum dhaman?.
Walaalayaal waxad ilowdeen in bulshadii soomaliyed ay ku dhaceen dhibaatooyin ad adag balse ay mar walba isku dayaan inay Illaah ka fogaan. Hadey dhacdey in nin soomaliyeed uu raali ka noqdey inuu walaashii gaal u fataalo waa ceeb,balse ma aha in korka laga saaro dhamaan bah wyenta soomaliyeed e ku dhaqan koonfurta,sababtoo aha sida bulshada kale ee soomaaliya ku dhaqan ayuu dadku isugu jiraa sheekh iyo shariif. Markaa Meel hanagaga dhicin Mr. Faroole, oo ogow in laga helayo kuwo kaas ka liita meeshaad ka timid.
markase lagu leeyahey Soomaalidu waa isku dhaqan ma aha mid lagu salaynayo dhaqan qofeed ee wa mid bulsheed. Markaa Kafiirso intaadan falin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Cadar: xagee lagaa helaa oma maleenaayo in lagaheli doono ama laga helikaro gabdhaha maanta jooga yurub ama ameerika mid
Adiga oo kale ah.

Waxaa icajaa ibisay ama ideeqday isada aad u maskax badantahay.

my name yusuf said hassan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

yaasmiin

Unrecorded Date
salaamu calaykum waraxmatulaahi wabarkaatu,

To mrfaroole,

walaal bacda salaan runtii haaday dhacday sheekadan oo ay kaa dhabtahay waa masaa'ibka aduunka lakiin walaal waxad ku qaldan tahay in aad dad dhan oo somaliyeed aad afka wada geliso mida kale ma ogtahay in ay fiicneed in aad waaniso kadibna ku deeso meeshas oo aadan ceebta shaacin ma ogtahay in rasuulkiisalalaahu calayhi wasalam yidhi (qofkii astura cawrada walaalkiis aduunka ilaahayna tiisa ayuu asturaa akhiro) walaal inkasta oo anan u maleenayn in ay jirto nin muslim ah oo nadaalad heerka aad sheegayso ka gaadhay hadana wali anigu wadiga ayan ku leeyahay walaal ka fiirso waxaa aad la soo shirtagayso.

wasalaamu calaykum waraxmatulahi wabarakaatu
Yaasmiin.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.