site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Mayd lala yaabay

SomaliNet Forum (Archive): Ila Qosol - Jokes: Archive (August 2000): Mayd lala yaabay
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
waxaa dhawaan ka dhacay dalkeennii hooyo in nin
beer leh uu nin shaqaale ah keensaday si uu beerta
ugaga shaqeeyo in muddo ah markuu ushaqaynayey ayu
qayb yar beertii ka siiyey oo yiri intaas adaa is
ka leh ee saad doonayso ka yeel sannadkii danbe
ayaa ninkii shaqaalaha ahaa labadii beerood falay
(abuuray)laakiin nassiib darro intii ninka loo sha
qaynayey way soo bixi weydey oo waxaa soo baxay in
tii ninka shaqaalaha ahaa markaas ayuu ninkii loo
shaqaynayey yiri taada kaliyaad beeratay in yar ka
dibna xabbad ayuu ku dhuftay markii ladamcay in
maydkii la qaado ayaa dhulka laga fujin waayey cid
walbaa inta isugu tagtay markii danbe ayaa ninkii
diley isku dayey in uu qaado markaas ayuu xabaaray
oo qabrigii loo qoday ku ridey markaasuu ku dhagey
oo si kasta inta la yeelay laga fujin waayey waana
looga tagey subixii ayaa loo yimi ayagoo wada meyd
ah oo kii waxdiley hooseeyo halkii ayaana lagu wa
da aasay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

XABAALO FUR (Public user)

Unrecorded Date
MR:MEYD LALA YAABAY
WAA SHEEKO RUN U EG OO FICTION AH
WAANA WAX AAD U QOSOL BADAN KEEP GOING

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

JOHN (Public user)

Unrecorded Date
Sheekadan hadda ka hor markaan maqlay waxaan mooday qiyaali oo si ba'aan ayaan uugu qosolnay markii la igu adkeeyay inay run tahay ayaan waxaan isku taxalujiyay inaan baaro sidaas awgeed ayaan dhowr farrimoo u diray somaaliya waana soo xaqiijiyay inay run tahay.
Sidaas awgeed ninka la yaaba oo mooda in ay been tahay waa howl assaga u taal laakin waa run.
WAXEEY KU FIICNAAN LAHEYD - X FILES - IYO FILMAANTA CABSIDA AH.
ANNIGA WAXAAN KU MAQLAY YURUB.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Sheekadan mayd lala yaabay waa run waana sheeko dhacday waxayna ka dhacday koonfurta soomaaliya waxayna u dhacday sidatan:-
waxaa jiray xiligii dowlada in nin beeraley ah uu u yeertay nin reer koonfureed ah oo uu yiri beerta ii fal markay sheekadoodu meelfiican marayso oo ay beertiina miro iyo anfacfiican yeelatay ayaa waxaa dhacay dagaaladii soomaliya kadibna ninkii beerta is kalahaa wuu qaxay wuxuuna u anba baxay dhinaca kismaayo

waayo kadib ayuu ninkii inta uu cayrtoobay waxa uu isyiri bal beertaadii wiilka fiicani kuu hayey u tag oo wax kasso jafjafo.
balse nasiibdaro waxa ka dhacay meeshii mucjiso iyo wax aad u yaab badan waana sheekada tan la magac baxday mayd lala yaabay.
markii ninkii beerta iska lahaa uu u yimi wiilkii wiil wanaagsane ahaa ee uu u haystay ninka fiican
ayaa waxaa dhacday in wiilkii uu u sheegay reerkiisa in ninkii beerta iskalahaa oo waxdoon ah uu yimid.

markaasaa waxa lagu yiri war mawaxaad waxsiinaysaa ninkii aan beerta kacayrsaney war dil oo is dhaafi si ay beeryuba u noqoto taadii.

isna sidii ayuu yeelay waxuu dilay ninkii goor casaradii ah waxaana ladamcay in la aaso markii ninkii la dhaqay oo la kafnay ayaa waxaa dhulka ka fuqi waayey shaxankii maydku ku jiray in ta si kasta layeelay ayaa dhulka laga furfuri waayey.

markii danbe ayaa waxa looyeeray wiil waalkii dilay markaasuu dhulka ka fuqay markii ninkii qabrigii qarkiisii lageeyey ayaa sidii hore oo kale waxa hadana dhacay in ninkii iyo naxashkii ay kala fuqi waayeen.

markaasaa hadana loo yeeray wiil waal sidii hore ayayna mucjisadu u socotaaye ninkii waaba uu kafuqay naxashkii waxaa intaas kasii mucjisaysnaa
markii ninkii qabrigii lagaliyey ee uu u dhimanyahay in lagaliyo iilka ayuu misna sidii caadiyanka u ahayd kudhagay dhulkii markaasaa waxa laguyiri wiil waal war heedhe waxakani waa wax aad gaysataye ninka cid aan adiga ahayn ma galin kadho iilkee bal orodoo iskuday ilayn waaba wax ilaahay isladoontay oo mucjiso ahee ninkii ayaa inta uu kubooday iskuduubay ninkii oo laga furfuri waayey waxana ladamcay in xoog looga furfuro balse waysuuroobi wayday.

waxay naqotay habeen bar waxaa madoobaadey dayixii markaasaa waxa layiri war naga ka xeeya awelba masiibo uu gaystay ayay ahaydee inta aanan ale anagana midoo kale nagu soo dajin markaasa laga caraabay oo uu ninwaliba gurigiisii aaday.
waxana la iskula balamay bal in bari loosoo noqdo oo bal la fiirsho sidii wax la oran lahaa aroortii oo aan awelba waxba kaharsanayn ayaa layimid qabuurihii mise waa wiil waalkii waxdilay oo hooseeya oo xaqlihiina sareeyo markaasaa ladamcay in la eego in ay kala fuqayaan iyo in kale wayna kalafuqeen halkiibaana lagu aasay labadoodiiba sheekadatan waa xaqiiq waxayna ka dhacday soomaaliya iyo wadankeenii wacnaa ee ay udanbaysay masiibadu..........................!!!
walaalayaal waxaan hayaa dhowr sheeko oo kale oo xaqiiq ah oo kadhacay dalkeeni dagaaladii kadib.
waa aniga oo idin leh asalaamu calaykum waraxmatu laah..
Igalasoo xiriira E-mail Address.
Abdihasan@hotmail.com .au

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CIILTIRE

Unrecorded Date
waa cibro loo baahan yahay in aan dhamaanteed ku cibro qaadaano waxay ku tusaysaa xaqa uu kugu leeyahay qofka bini aadaamka ahi ,,dulmiganu uu yahay xaraan sidiisaba
markaa walaalayaal aan ku cibro qaadaano

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.