site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Jeceylkii burburay

SomaliNet Forum (Archive): Ila Qosol - Jokes: Archive (Before Janury 23, 2001): Jeceylkii burburay
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

alkhaliif

Monday, December 25, 2000 - 05:12 pm
Nin baa beri wuxuu jeclaa gabar aad iyo aad u qurux badan oo Wax walba danteeda ayuu uga hor marin jiray,iyadana sidoo kale aad bay u jeclayd saaxiibkeed oo mar walba oo ay is arkaan qosol iyo istareex bay ka dhargi jiree, hal maalin inay is waayaana dhib weyn bay u ahayd labaduba.

maalin bay ku balameen in ay isgu yimaadaan gurigiisa. Mar alla markii wakhtigii la gaaray ayuu wuxuu shanqar ka maqlay albaaka, isla markiiba intuu booday ayuu albaabkii furay isaga oo faraxsan oo leh" Muxubo,Muxubo" Balse kolkii uu albaabkii furayba wuxuu arkay ri' hor fahdhida albaabka. Kolkaa intuu yaabay buu ish ish yiri, isla markiiba ri'dii carartay. waxyar kadib buu haddana shaqar albaaka ka maqlay, sidii oo kale ayuu soobooday isga oo leh Alla waa Muxubo, mise waa isla ri'dii oo haddana hor fadhida albaabka. Intuu aad u xanaaqay buu is yiri " war maanta maxay ri'daan naga rabtaa.
Kadib qolkii buu ku laabatay isga oo ciil cunaha u taagan yihiin oo gabdhiiba qalbigiisa wey ka baxday,oo wuxuu ku dhaaranayey in uu ri'dani kharajiyo. Nus saac ka bacdi buu haddana shanqar xaggii albaabka ka maqlay,kadib isaga oo indhaha guduudan oo gaatamaya albaabkii xoog u furay iskana soo hor mariyey haraati xoog badan,balse haraantadii xaaga badneyd waxay haleeshay oo beerka kaga dhacday gabadhii uu jeclaa oo maanta oo dhan sugayey.Aah aah intay gabadhii tidhi xanuun daraadiis ayey cagaha wax ka daydey iyada oo leh alla miyuu waashay my lover. Ninkii oo isna yaaban ayuu ka daba orday gabadhii isaga oo leh "war muxubooy ri'baan ku moodaye soo noqo"Balse booliis baa qabtay inta uusan gabdhii gaarin,jeelkaana loo taxaabay isaga oo lagu eedeeyey in uu dad islaameed cayrsanayo,halkaasaana ugu dambeysay gabar ay is arkaan.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.