site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

ORGIGII RIYAHA TUJIYEY OO WARAABUHU KU XIRTAY!

SomaliNet Forum (Archive): Ila Qosol - Jokes: Archive (Before Janury 23, 2001): ORGIGII RIYAHA TUJIYEY OO WARAABUHU KU XIRTAY!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Bakayle

Sunday, January 14, 2001 - 10:23 am
Waa salaad magrib,riyihii waxay u dhigteen inay tukadaan,orgibaa iimaan u noqday, markii midig loo
salaama naqsaday, mase waraabaa safka midigta ugu xiga oo latukanaya! si caga jiida baa bidix loogu salaama naqsaday mase weerbaa bidix ugu xiga oo markaa salaada kabaxay! Riyo naxe,ducadii iyo dambi dhaafkii Alle lawaydiisan lahaa la hilmaan waa layaabay. halkaa markay marayso ayaa waraabihii hadalkii qaatay,waxuuna ku bilaabay sadatan "Riyow hadaad nagu taqaaneen Alle ka furasho iyo qaatilnimo, maanta waxaan nahay toobad keen,waxaana inii markhaatiya inaan maanta halkaan
salaaddii Eebbe kuwada tukanay,Alle hanaga aqbalee hilib dambana waa ii tusbaxaas" waxuu kor u taagay tusbax dheer oo hilib taxan kasamaysan oo uu hadba mid labaxayey, waxayna u qaateen inii yiri waa iga tusbaxaas,sidii awalba lagu dhaaran jiray,balse waraabuhu wuxuu u jeeday, inay riyuhu u habayn madoobaystaan oo is dhigtaan!.

Riyo mashxarade,waxaa lagu dhex dhacay idoh oo waxaa loogu bishaareeyay inay dhaariyeen maanta weer iyo waraabe, ido farxe oo rableeye, wanbaase madaxa hoos u rogtay oo aan hadlin,markii la waydiiyeyna waxuu ku jawaabay,"waxaan ini waydiiyey, tusbaxu muxuu kasamaysnaa? waxaa layiri
hilib taxan,wuxuu yiri caddii u diboodaysaa aydaa taqaan anigu gurigii baan qaban.
Raalli ahaada way dheertahaye.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Tolken

Sunday, January 14, 2001 - 11:25 pm
Saaxiib aad iyo aad ayaad umahadsantahay. Xaqiiqdii qosolkii ayaa iga dhamaaday - Fix, fix, fix.

Sxb waxaa kale oo icajibisay habka aad usheegtay. Tusaale: "Riyo mashxarade oo idoh ayeey ku dhex dhaceen" Lol.

Waxaan rajaynayaa in mid noocaan ah ku xigi doonto.


Tolken

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ceelbuur

Wednesday, January 17, 2001 - 03:55 am
waa sheeko qosol iyo xigmadi ku jirto waa haddii si qoto dheer loo eego
waad ku mahadsantahay sxb

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Checked

Wednesday, January 17, 2001 - 04:34 am
Sheekadaan waxay u eg tahay Dowladihii Soomaaliya soo maray.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Bakayle

Saturday, January 20, 2001 - 09:46 am
Waxaan ka cudur daaranayaa inaan ini iraado, waxaan ku lug yeeshay dagaaladii, runtuse waxay tahay waxii dagaalamayey waxay ahaayeen anaga Somali ah,balse iga raali ahaada waxaa ila gashay sheekadee.

Anagoo ilaa labo boqol ah oo wagii noo baryay,oo wax naga maqan ayan jirin,kuna sugan meel beer ah
oo banaan, korna ay nooga wareegsantahay ood ama sheeddii beerta iyo kanaal hoos u qodan,iskana ilaalinayna ciidan kale oo kanaalka dhanka shishe ka joogay nooguna dhawaa si aad ah, ayaa waxaa dhacday, qiso qosol iyo naxdin leh.

Waxaa la jitaabiyey qori "Jiijoot" la yiraado oo marka lasoo ridayo aan sharqamin,lakiin qarax kasameeya halka uu ku dhaco,waxaa loo riday dhankii ay naga jireen kuwaan iska soo horjeednay
waxuuna ku dhacay kanaalkii dhexdiisii oo ku qarxay.

Runtii waxaa lawada eegayey meesha uu ku dhaco oo sifiican isha loogu hayey,balse maxaa dhacay?!

Waxaa kasoo baxay halkuu ku dhacay wiil iyo gabar qaaqaawan oo si xoogbadan usoo ordaya ayagoo aan xataa kastuumana qabin,oo waxay isyiraadeen cadawgii baa ini hareereeyey,kaaga darane waa ina Habel iyo ina Habel! oo naga tirsan,mana ayan joogsan ilaa aygoo naxsan nagu soo dhexdhaceen!
waxaana la noqday wax qosol la daata iyo wax naxdin ladaata!.

Walaal, haddii Alle ku ceebaynayo waakaas,maxaad adinku dareemi lahaydeen?.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hodan

Monday, January 22, 2001 - 01:56 pm
Hi Bakayle Where have learned such funy tales? really they were very cheerful, please keep it up, we are very pleased.lol.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.