site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Nebigaa bireeyay ... waar hadduu bireeyay ...

SomaliNet Forum (Archive): Ila Qosol - Jokes: Archive (August 2000): Nebigaa bireeyay ... waar hadduu bireeyay ...
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Arday (Public user)

Unrecorded Date
Nin baa wuxuu ka yimid gobollada galbeed (ogadeeniya), wuxuuna soo aaday nin reer bari ah ay habaryartii dhashay. Maalin baa kii reer bariga ahaa kaxeeyay ninka martida u ah oo uu saaray doon,si markaa uu usoo tuso kalluumaysiga. Waqti yar ka dib waxaa la soo qabtay kalluun, isla markiiba waxaa toorray la soo baxay ninkii martida ahaa oo yiri, "Dee wallaale ka bary aan bireeyee ..., oo qibladii mayday ". Ninkii reer bariga ahaa ayaa yiri maya walaalle nebigaa bireeyay iska daa (wuxuuna tusay halka uu kalluunku ka neefsado). Dhawr jeer oo kale ayay ku dhacday. Ninkii maalin dambe ayuu dib ugu laabtay reerihiisii.
Muddo dheer isaga oon joogin ayaa waxaa la gaaray xilligii mawliidka (xuska dhalashada nebiga).Isagii baa loo yimid, oo la yiri xoolahaaga wax ka keen. Markaasuu weydiiyay, waxaana loogu jawaabay waa xuskii nebiga. Markaasuu xanaaqay oo yiri " Waar Ninka aad sanad walba xoolaha nooga qaadaan..halkaas iyo bari ayuu xoolaha ka qalaa ....." .


dhammaad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Somali (Public user)

Unrecorded Date

To: arday
nacas, ma hadda ayaad nabbi muxamed kii sharafta allah siiyay, oo diinta islaamka illaah ugu soo dhiibay ummadiisa kaftan ka dhigatay!!

Hadaba dib u fakir islaamnimadaadu ma sax baa?
Towbadda illaah waa furan tahay, ka waantow kaftanka noocaas oo kale ah.

aad ayaan uga carooday qoraalkaaga, hadiise aad door biday diinaha gaalada nacasow halkan ha nooga caayin (S.w.c rasuululaahi muxamed)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Msaid (Public user)

Unrecorded Date
Asalaama Caleykum

Ardey:

Waxaa ka mid ah waxyaabaha diinta islaamka buriya QOFKA OO KU JEESJEESA WAX KA MID AH DIINTA ISLAAMKA,hadaba ka waran adigu macaliinka basharka muxamed ibnu cabdulahi nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee,ayaad dooneysaa inaad dadka kaga qoslisiisid.

ILAAHEY TOWBADA HA KU WAAFIJIYO!!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Waryaa wax waxaajira lugu ciyaaro.
Qof islaam ah kuma ciyaaro diinta islaamka.
Una maleenmaayo in dayari ku heyso iyo diin xumo
Ee dadka kaqosli baad isleedahay Ee ilaaheey
U toobadkeen, Waxaa lugo duceestaa ilaahoow
Gef keena iyo geerideena hakulmin AAMIIN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Arday2 (Public user)

Unrecorded Date
to: arday

waaryaahee arday waad ku mahadsan tahay kaftankaaga.

Anigu waxaan u arkaa inaysan fiicanyn in kaftanka diinta la soo dhex geliyo, qisadaan hadda ka hor waan maqlay, sidaana uguma qoslin.
Laakiin sidoo kale dad badan ayaa keenay goobtan waxyaalo xun xun sida (sinada iwm) oo doonayay inay dadka kaga qosliyaan !!

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.