site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Nebigaa bireeyay ... waar hadduu bireeyay ...

SomaliNet Forum (Archive): Ila Qosol - Jokes: Archive (August 2000): Nebigaa bireeyay ... waar hadduu bireeyay ...
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Arday (Public user)

Unrecorded Date
Nin baa wuxuu ka yimid gobollada galbeed (ogadeeniya), wuxuuna soo aaday nin reer bari ah ay habaryartii dhashay. Maalin baa kii reer bariga ahaa kaxeeyay ninka martida u ah oo uu saaray doon,si markaa uu usoo tuso kalluumaysiga. Waqti yar ka dib waxaa la soo qabtay kalluun, isla markiiba waxaa toorray la soo baxay ninkii martida ahaa oo yiri, "Dee wallaale ka bary aan bireeyee ..., oo qibladii mayday ". Ninkii reer bariga ahaa ayaa yiri maya walaalle nebigaa bireeyay iska daa (wuxuuna tusay halka uu kalluunku ka neefsado). Dhawr jeer oo kale ayay ku dhacday. Ninkii maalin dambe ayuu dib ugu laabtay reerihiisii.
Muddo dheer isaga oon joogin ayaa waxaa la gaaray xilligii mawliidka (xuska dhalashada nebiga).Isagii baa loo yimid, oo la yiri xoolahaaga wax ka keen. Markaasuu weydiiyay, waxaana loogu jawaabay waa xuskii nebiga. Markaasuu xanaaqay oo yiri " Waar Ninka aad sanad walba xoolaha nooga qaadaan..halkaas iyo bari ayuu xoolaha ka qalaa ....." .


dhammaad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Saxarla (Public user)

Unrecorded Date
walaal arday it is a funny joke, but waxay kutusaysaa dadkeenu inaynan diinta iyo nabiga wax yar ka ogyihiin...take care Bro ..good work
wasalam

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.