site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

To:Qanciye

SomaliNet Forum (Archive): Ila Qosol - Jokes: Archive (Before Feb. 16, 2001): To:Qanciye
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wa

Thursday, January 25, 2001 - 11:42 am
Qanciye saaxiib aad baad u mahadsantahay sheekadaadii 2-dii nin ee reer waqooyi ee kismaayo tagay aad baan ugu qoslay. adna tan iga hoo:
Laba nin oo reer miyi ah ayaa iyagoon waligood magaalo iman Hargaysa yimid reer bay ku soo degeen habeenkii ayaa labadoodii qol la wada seexdeen,waxay gameen nalkii oo daaran goordanbe ayaa korantadii tagtay, cabaar kadib ayaa mid toosay misse waa qam wuxuu u maleeyay inuu indha beelay saxiibkiis ayuu toosiyay wuxuuna u sheegay inuu indha beelay, wuxuu ugu jawaabay saaxiib indha la'aanta la isku aragye bal wixii waa la baryo aan aragno.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QANCIYE

Monday, January 29, 2001 - 02:29 pm
Saxiib aad ayaad ugu mahadsantahay topicgan aad furtay sheekadaadana waa midaan la dhacay tani wali maanan maqlin..markaa saaxiib soo daa midkale bal iisoo daa.....thanx again!!1

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wa

Tuesday, January 30, 2001 - 12:08 pm
Sabaax(baabuur) Hargaysa ka yimid ayaa wiil yari Gaalkacyo kasoo raacay, yarka gaajaa si xun u haysay fiidkii markii dakii wada gam'ay ayuu wax baarbaaray wuxuu helay jeeg oodkac ku jiro si qiima leh ayuu uga dhergay markaasuu hurdo dhag la yiri, subixii baa islaantii oodkaca lahayd waxay aragta jeegii oo furan afkay qaylo ku shubatay darawalkii ayaa ra,yi keenay wuxuu yiri qofwalbe farihiisaan ursanayaa isagaa dan u soo bixi qofkii oodkaca islaanta ka cunaye, dadkii oo dhan baa la koontaroolay goordanbe ayaa la wiilkii yaraa oo meel laab ah iska hurda la arkay waa lasoo kiciyay farihiisii baa la fiiriyay mise subagbaaba ka da'aya haddii la suaalay maxaad islaanta oodkaca uga cuntay wuxuu ku jawaabay, nacallaa waaridkiin ku yaal intaan hurday farahaygii oodkac ku cuneen ma'oodkac baan meeshaan xalay seexday baan wali hurdaaye

By wa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QANCIYE

Tuesday, January 30, 2001 - 11:26 pm
LOL THAT'S FUNNY BRO. i've heard it but damn where you getting all these stories from hit me with another one bro...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wa

Wednesday, January 31, 2001 - 07:07 pm
Hallo: Qanciye

Ninkoo reer-xamar ah oo aad u quruxyar ayaa Gaalkacyo loo bedelay, markuu maalintii ugu haraysay soo shaqeeyay ayuu galabtii makhaayad soo fariistay: yaakheey bal hilib ii keen, cadkoo iska liitaa loo keenay, wuxuu yiri saaxiib kan waa foolxun yahaye iga soo badal, kabalyeeigii inta xoog u qoslay buu yiri adeer 10-sano oo hadda soo socotana nin kaa foolxul reer-gaalkacyo ka dhalanmayo hilibka cun, yaa kaa foolxun oo la siinayaa.
reer xamarku ha raali ahaadaan haday sheekada si kale u fasirtaan: it's just a joke!

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.