Axmed riverdale (Public user) | Unrecorded Date Nin baa beri geed talaal aad u dheer fuulay, isagoo geedka fiintiisa ku dhowyahay ayaa laan la soo jabtay, isagoo qaylinaya ayuu wuxuu ku soo dul dhacay waab ama daash geedka hoostiisa ku taalay dad badan oo geedka hoos harsanayey iyo kuwo gurayahay ku kala jiray ayaa waxeey ku soo baxeen ninka qaylidiisa iyo daashka lama yeerigiisa qowda ka yeertay, war waa Juxa, go'an aan aheeyn sideey wax kuu gaareen baa la su'aalay, saa Juxa intuu kacay buu boorka iska ja jafay oo intuu qosol ku dhuftay buu yiri "ILEEYN GEEDKA FUULOOWGIISA SOO DAGOOWGIISAABA KA SAHLANAA" |