site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

CeeeeL-BuuuuR Part, 1

SomaliNet Forum (Archive): Ila Qosol - Jokes: Archive (Before Mar. 13, 2001): CeeeeL-BuuuuR Part, 1
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ceelbuur

Monday, February 19, 2001 - 02:05 am
Wuxuu soo dhex fariistay dad badan! bidaar weynna wey ku tiillay oo uu koofi ku qarin jiray nasiib darro waxaa cuncuntay bidaarti markaas buu Asiga oon koofidii qaadin ayuu koofida korkeeda madaxa ka xoqday balse Naag la yaabbaneyd ayaa ku tiri "war heedhe markaad koofida madaxa ku camcamineyso maad iska qaadid ee aad si fiican madaxa u xoqatid" asigoo xanaaqsan ayuu soo fiiriyey kuna yiri:
"Naa waxaan ku weydiiyey haddii ay futadu ku cuncunto ma waxaad iska bixisaa gogoradda iyo kastuumada markaas baad faraha la gashaa mise marada korkeeda ayaad ka xogataa!!!!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AliWuDog

Monday, February 19, 2001 - 06:33 am
Ceelka! Ar qosol aad iga keentay Wallaahi...Araa rageyda aad tahay. keep it up the jokes

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

bood

Monday, February 19, 2001 - 08:10 am
aad baan uqoslay saaxiib halkaa kasii xajoi

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

TRUE-SAY

Monday, February 19, 2001 - 12:55 pm
KAADI BAAD IGA KEENTAY

HA JOOJIN SAAXIIB

KEEP IT UP :)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

TQ

Monday, February 19, 2001 - 08:23 pm
to ceelbuur!
saxiib aniga iyo asxaab teeyda aad iyo aad ayaad nooga qosol siisay,ma aqaan waxaan ku dhoho laakiin dadka meesha looga bahan yahay aad tahay
waxaa kaa sugaaynaa qaybta sadexaad.
sidaas ku siiwad
by TQ

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QALANJO

Tuesday, February 20, 2001 - 11:45 am
THAT IS NOT FUNNY @ALL FUCKER SO KEEP UR MOUTH HUT

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

c/buur

Tuesday, February 20, 2001 - 01:23 pm
that was not funny. come up with real jokes. or else get the •••• out here.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ceelbuur

Tuesday, February 20, 2001 - 11:00 pm
Qalanjooy waxaa tahaba Ilaahey Qalanjo hakaa dhigo Illeen quruxbaa ku beer qaaddaye ah ah ah aha ah ah!!!!!!!!!!!
Abbaayo waa iska kaftan waana iska ducee haka xanaaqin maxaase kugu qasbay inaad caytanto gabdhaha xishoodbaa lagu yaqiine.

¨TO:C/bur

SX marka hore magaca ii daa oo Ilaahey magacyada wuu badiyaye waxaad la baxdaa Wabxo Jacar Bargaan Derri Galhareeri .........
Marka xigtana meesha aad ka bax i leedahay ma adigaa i keenay !!!!!!!!!!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

biikolo

Thursday, February 22, 2001 - 04:22 am
guulwade walbo ceelbuur ayuu afkiisa ku taagayaa ma ogtihiin ilbaxnimada iyo aqlaada iyo dadka diinta islaamka sida sexda ugu dhaqmo in ey ka yimadeen CEELBUUR.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BULACLE

Friday, February 23, 2001 - 08:53 pm
marka ugu horaysa waad mahadsan tahay ceelbuur shekadaana aad iyo aad ayay nooga qoslisay marka saaxiib halkaa ka sii wad sheekada , waxaan kaloo kuu sheegin in aan hada ka hor tagay bargaan inoo wada jaad oo aan iri dadkii daganaa war yaa jaad raba markaa ayaa lay yiri meeshaan waxaa jaad ka cuna nin layiraah jacoor isna jacar ayuu jiraa marka sida waxaanku qoslay sida hadalka laygu fududeeyay waad mahadsan tahay hana u qaadan si kale!!!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ceelbuur

Monday, February 26, 2001 - 03:44 am
sx-yaal waad ku mahadsantihiin sheekada iyo kaftanka aynu wadaagnay iyo sida dhanka wanaagsan uun wax looga fiirinayo,

BULACLE waad iga qoslisay waana Ilaahey mahaddii in ay jiraan deegaanno soomaliyeed oo laga helaya hal ama laba qof uu jaadku ibtileeyey, kolley dhaqan wanaag uun bay uga gaabsadeen haddala alle ma baro, tan labaad magacaada waan aqaan meeshana beribaan ku dhowaaday laakiin waxaan is iri "Dowlad-moog laguma fogaadee ka hako"..
Sx waa iska kaftan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dirri

Wednesday, February 28, 2001 - 06:25 am
C/buur;
Saaxiib su'aal aan inbadan jawaabteeda la'aa ayaan rabaa in aan ku waydiiyo:
Maxaa layiraahdaa "Ceelbuurkuyaaleey ceynkeeda leedahay" What does that mean?

M A H A D S A N I D

Dirri.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BULACLE

Wednesday, February 28, 2001 - 09:26 pm
CEELBUUR. saaxiib waad mahadsan tahay aad ayaana uga helay kaftan kaaga ee saaxiib halkaa nooga sii wad. waxaa kaloo kula socod siinayaa in aduun kii isbadalay oo aysan jirin waxdanbe oo layiraahdo dawlad moog lana ilbaxay. saxiib waxaan kaloo kaa ilaaway oo aan rabay in aan kuu sheego qiso ugu dhacday anoo jooga galhareeri. waxaan tagay galhareeri 1985 2dii galab nimo waxaan fariistay maqaayad waxaa ii ymid kabalyeri waxaan ku iri maxaa yaal maqaayada walaal waxuu ugu jawaabay BADAR. waxaan iri nuucee ka haysaa BADARKA. waxuu iyiri waxaa yaal badar kaliya waxaan ku iri is fahmi maynee iigu wac ninka maqaayada leh waxaa ii yimid ninkii maqaayada lahaa si fudud ayuu iiyiri waaruntii BADAR. kaliya ayaa yaala waan yaabay waxaan ku iri waa yahayee ii keena BADARKA sidaan wax kale u sugayay ayaa laykeenay.DIGIR IYO CAANO GAROOR Ah.waxaan la sii yaabay sida layskugu cuni karo digir iyo caano garoor ah waxaan naqaanay digir iyo subag waxaan kaloo layaabay markay magacii badar oo aan u aqaanay cuntadoo dhan laga dhigay digir oo kaliya. waxaase ka sii darnayd markii aan iri uga celiya oo layiri lagaa celin maayo ee lacagta bixi waayo waa laysku daray digirtii iyo caanihiiba ee ama qaado ama katag aniga oo layaaban magaaladaan yar oo sidaan ah hadana loo magacaabayo dagmo ayaa waxaa ii yimid nin aan is naqaan oo aan ku ogaa xamar oo la yiraah CABDI CALI BUUBAAL. nin kaa ayaa iga kaxee yay waana sii yay lacagtoodii .marka saaxiibow aduunkii waa is badalayee bal magaaladaa yar dabeeca deeda bal dib ha loo fiirio!!!!!!!!!!!!!!!!! MAHAD SANID CEEL BUUR.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ceelbuur

Thursday, March 01, 2001 - 01:58 am
Bulacle

Sx salaan keddib aad ayaa iiga qoslisay laakiin ma ogtahay in digirta iyo ci'da rakuhu ka marqaati kacaan barwaaqo iyo dhul naqeysan waxaadse yaabi lahayd markaad takto Wabxo iyo Cagacadde ee Rooti aad u yar-yar iyo koob yar oo shaah ah lagu hoos dhigo, haddaa diiddana lagula dagaallamo, waxaa lagu oranayaa wey kaa gadantahaye lacagta bixi (haddii kale waa ul iyo dagaal) tan labaad "Dowlad-Moog" waxaan maqlay islaan Reer-xamar ahayd oo Nin Cidda ahi qabay inay wiilkeeda u wadday si ay usoo caaneystaan!!! maalintii ugu horreysaba Willkii ayaa loo yeeray oo inta Haruub madaxa loo saaray la yiri "war Ninki shiish wanaag ku faanayow car Adigoon wiilka dilin haruubka xabbad ku qaad!!!!!! Dhowr shey ayaa madaxa loo saaray oo hadba xabbad looga dul qaadaa!!. islaanti wey kasoo carartay oo ciyaarta nuucan ah ayaa iyada qarracan ku noqotay. marka meesha aragtidaas baan ka heystaye wax kale ulama jeedin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

joke_lover

Thursday, March 01, 2001 - 02:42 am
that was the funiest joke i've ever heard
thx man u made me lough
keep up the goog work (joke)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ceelbuur

Thursday, March 01, 2001 - 02:47 am
TO: Dirri

Ceelbuur-ku-yaalle

Sx salaan keddib "Ceel-buur ku yaalley Ceynkeeda laadahay" sadarkani wuxuu ku jiray hees uu qaaday fannaankii weynaa ee Salaad-derbi, asigoo ammaanayey gabar agtiisa ammaan ka muteysatay, balse su,aashaadu waxay ku hobboontahay in laga jawaabo iyadoo ah "waa maxay Ceelbuur-ku yaalle"?

Ceelbuur-ku yaalle waa laba geed oo magaalada Ceelbuur daafteeda ku yaalla isla markaana Ilaahey qurux ku manneystay, waa laba geed oo markaad ka fogtahay higil madow ah markaad hoos joogtana cagaar ifaya ah, waa laba geed oo ka tilmaanan dhirta geyiga galgaduud, ruuxii arkaana ma hilmaamo oo waxay ku reebaan xasuus ma guurto ah Illayn naftiisa ayey raalli geliyeen indhihiisuna wey ku doogsadeene, waa laba geed oo ay harsigooda isku qoomeen maqluuq fara-badan sida dadka iyo Fardaha oo mid waliba damaaciyo inuu neecowda udgoon, harka qaboow, iyo udugga caleentooda ku raaxeysto, waa laba geed oo la deris ah balliyo xareeddu ceegaagto iyo shimbiro tiro dhaafay oo dushooda hoy ka sameystay, waa laba geed oo kaalinta koowaad ka galay quruxda PostCard-yada soomaaliyeed, Waa laba geed oonan wax la jaad ah soomaaliya lagu arag sidaa awgeed magacooda lama yaqaanno inkastoo ay quraca shaabbahaan, laakiin waxay kaga duwan yihiin dhererka xad dhaafka ah qodxa yarida iyo carjunta gu, iyo jilaalba ka hilqaneyso Xash iyo aqbana kama soo daataan,
Sx kolley waxaan u maleynayaa inaad hees laxan iyo cod wanaagsan leh ku maqashaye sharraxaaddeydu ma ku qancisay mise waan kuu sii faahfaahiyaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

yaw yaw

Thursday, March 01, 2001 - 03:43 am
to: ceel buur

ugu horeyn nin yahow aad ayaad ugu
mahad santahay shekoyinkagan, runtii
waxaad isoo xasuusisay aabehey oo
dhintay mar hore aadna u jeclaa
celbur.
waxaa kale oo aad isoo xusuusisay
sheeko igu dhacday anigoo usocdo
coos weyne si aan usoo arko ayeyday,
taas oo ahayd:
babur ayaan karacay xararyale oo
usocday meshaas.
waxaan helay meel aan fariisto oo
aad ufiicnayd, waxyar kadib ayaa
dad badan soo koreen,odayka midahaa
dadkaas ayaa igu kor fariistay waxaan kadurkaba
markii danbe ayaan is hayn waa yay
oo aan iri adeer anigaad igu
kor fadhidaa ee iga kac, markaasuu
yiri "anigu kuguma fadhee beesadeydaan
ku fadhaa ".

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

waqooyi

Thursday, March 01, 2001 - 06:39 am
fucking farahs

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Koofur

Friday, March 02, 2001 - 02:58 am
waqooyi maxaad ahayd

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BARI

Sunday, March 04, 2001 - 08:32 pm
waqoyi iyo koonfur maxaad ahaaydeen waa bari waxa idinla hadlayo maxase ka damacadeen arinta soomaaliya

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Koofur

Monday, March 05, 2001 - 02:28 am
Waxaan ka damacsannahay inaan isu keenno soomaali-weyn (Bari-Galbeeg-Koofur-Waqooyi)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BARI

Thursday, March 08, 2001 - 08:53 pm
waqooyiyee maxaa war lagaaga waayay wadan wadaha haku go'ee, waran haku galee, wadeeca kaa iftee, waran lagaa taag yee, habeen madoow bala hakugun soo boodee, saa waligiin baad reero muskood taagneedeen, ee waa bari wax kula hadlaysa sida ugu dag daga badaan u soo hadal ee balaayo ha kaa dhexbaxdee.............

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

diri

Friday, March 09, 2001 - 03:00 am
To: Ceelbuur:
Saaxiib waad ku mahadsantahay jawaabta. waana ku filantahay su'aasheyda hadaysan ka badneynba. inkasoo aan erayada qaar fahmin sida" aqbana, carjunta gu IWM; hadana ujeedadooda si fiican baan u fahmay.

M A H A D S A N I D

DIRI

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ceelbuur

Sunday, March 11, 2001 - 11:24 pm
Diri

SX haddii aad magaalo kusoo barbaartay gar ayaad u leedahay inaad fahmi weyso aqbo iyo carjun waayo waa erayo ama magacyo la xariira dhirta oo badanaa miyiga laga isticmaalo.
Carjun= waa marka uu geedku doogsado laamaha yar yar oo markaas soo baxa ee aad u jilacsan

Aqbo= waa miro korka ku leh dahaar adag hoosna iniino yaryar oo aad u adadag kana baxa geeda Quraca, badanaa reer miyigu waxay ka saaraan iniinaha hoose markaas ayey qolofta sare calaliyaan waxayna leeyihiin dhadhan macaan.
erayga gu waa taqaannaa waana xilli-roobaadka ka dambeeya jiilaalka.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.