site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Maamadii wareersaaatay!!!

SomaliNet Forum (Archive): Ila Qosol - Jokes: Archive (August 2000): Maamadii wareersaaatay!!!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Madar (Public user)

Unrecorded Date
Sheekadaan waa sheeko run ah oo ka dhacdey dalka Holland bilowgii Sagaashanka.

Maalin maalmaha ka mida ayaa qof dumara oo Soomaaliyeed oo laba caruura oo yar yar heysata lacagtii ceyrta oo ey qaadan jirtey ka daahdey. Waxey sugtaba lacagtii soo dhici weydey. Iyadoo afna aan aqoon wax Soomaali ahna u dhoweyn waatan aadey xafiiskii ceyrta.

Markey meeshii tagtey bey dadkii numberka heystey gudubtey oo u tagtey ninkii meesha ka shaqeynayey.

Waxey ku tiri " ik wil verkering" which means in Dutch I need a date. Ninkii yaab baa ku dhacey, isagoo la yaabban qoftaan xijaaban oo jalaabiibka weyn, laba caruurana jiideysa oo leh ninbaan u baahanahay.

Wuxuu ku yiri " Sorry, this is not a dating office". Qoftii intaasoo ey si khalad ah usoo xifdisey leey taqaanee erey kale ma celin karto.

Waxey indhaha ninkii faraha ka geliso ooy ku celceliso nin baan u baahanahey oo wixii dad meesha joogey qosol la rafteen, ayaa markii dambe waxaa yimid odey meesha ka shaqeeya oo dajiyey galaas biya ah intuu siiyey wareystey.

Qoftii waxey weli la soo taagantahey Ik wil verkering. Ninkii xafiiska tirjubaannaduu wacey oo wiil soomaaliya baa u turjubaaney, markaasuu gaalkii yiri war bal qoftaan nakala furo. Nin bey rabtaa anguna ceyrta kaliyaan qaabilsannahaye.

Wiilkii qoftiiyuu wareystey arrimaheedii bey u sheegatey, markaasuu ku yiri oo maxey haddaa u leeyihiin nin bey na weydiisatey. Markaasey tiri nin...aaa.... waxaan ku iri ik wil verkering ee maxey beenta iiga sheegayaan, markaasuu yarkii yiri walaal haddaad sidaa tiri waa runtood ee waxaad tiraahdaa hadda ka dib ik wil uitkering not verkering. Qoftii waatan isku yaryaraatey magaaladiina ka guurtey ceyb awgeed.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abshir (Public user)

Unrecorded Date
Great, maybe she meant it and she wanted a date.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Jama (Public user)

Unrecorded Date
Dan baa heysay ee wax lagu qoslo maahan ee sheeko kale goobta la imoow. Wey guurtey run ma noqon karto maxaa yeelay danbi meeyan geline maxaa raraya?

Tani kuma haboona halkan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Daauud

Unrecorded Date
Saxiib sheekadan sida uu sheegay "Jama" sheeko lagu qoslo ma ahan lakiin wey fiicantahay in aad sheegtay si loo ogaado, waad mahad santahay saxiib


Daauu78@hotmail.com

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.