site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

labadii nin oo xabaalaha qodan jirtey

SomaliNet Forum (Archive): Ila Qosol - Jokes: Archive (August 2000): labadii nin oo xabaalaha qodan jirtey
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Shooca (Public user)

Unrecorded Date
waxaa jirtey in laba nin oo saaxibo ah ay qodan jireen xabaalaha ama qabriyada iyagoo karfanta kala baxa qofkii la soo duugo ka dibna gata karfanta. hadaba maalintii danbe ayaa waxaa la keenay xabashii nin ahaa xaakin ama qaadi oo ay yaqaaneen inuusan ahayn nin xaq dadka ku kala saara.kadib markii ay habeen noqotay ayeey sidii caadadu u ahayd ay qabrigii ninkii qadiga ahaa qodeen oo ay is dheheen karfanta kala baxa hadaba waxay arkeen nikii oo meel walba abeeso uga dhegantahay cagaha ayeey wax ka dayeen maalintaas ayaa ugu danbeysay xabaal ay qodaan.hadaba mar ay dhowr sano ka soo wareegtey ayaa labadii xabaal qode midkood kii kale lacag ka inkiray maxkabad ayey isla yimaadeen maxkabadii ayaa weydiisay kii lacagta inkiray inuu ninkaan lacagtuu sheeganayo ka qabo wuxuuna yiri maya wax lacag ah ninkaan kama qabo hadaba nikii lacagta laga inkiray ayey maxkabadii waxay tiri waxaan kuugu dhaarinaynaa kitaabka ee ma ku qanacdaa markaas ayuu yiri maya ninkaan ha iigu dhaarto inuu ilaahay ka dhigo qaadi.kii lacagta inkarayna waa diiday oo wuxuu yiri qaadi sey abeeso ugu dheganayd baan soo arkey intaan ku dhaaran lahaa inaan lacagtiisa siiyo ayaa la ii qaatey...............

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.