site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

NIN WAALAN OO REER WAQOOYI AH vs NIN WAALAN OO REER KOONFUREED AH

SomaliNet Forum (Archive): Ila Qosol - Jokes: Archive (August 2000): NIN WAALAN OO REER WAQOOYI AH vs NIN WAALAN OO REER KOONFUREED AH
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

WARDI (Public user)

Unrecorded Date
Maalin maalimaha kamid ah ayaa waxaa isku faanay oo dadkii oo dhami isugusoo baxeen banaanka nin waalan oo reer waqooyi ah iyo nin waalan oo reer koonfureed ah. Isagoo midba midka kale ku leeyahay anigaa kaa waalan. Markaa dadkii meesha joogay ayaa waxay yidhaahdeen bal aanu ogaano kiina waalanee nin waloowba sheekadii kuugu xumayd ee kugu dhacday kasheekee. Markaa waxaa sheekadii bilaabay ninkii waalnaa ee reer konfureed ka ahaa wuxuuna yidhi, maalin anigoo kusoo habsaamay suuqa ayaa waxaan imi gurigayga albaabka ayaan garaacay cidina markaasay iga furi wayday markaasaan xaaskaygii magaceeda uugu yeedhay waanay imaqliwayday. Markaasaan daloolka uu furuhu uugalo ka eegay inuu furuhu kujiro, markaa fure kumuu jirin. Markaasaan intaan isdhuubay aan kagalay meeshii furaha.

Ninkii waalnaa ee reer waqooyiga ahaa wuxuu yidhi, aniguna sidaa oo kale ayaan guriga uuga soo habsaamay, markii aan albaabka garaacayna cidna igamay furin. Markii aan daloolkii uu furahu galayayna ka eegay waxaan arkay inuu furihii xaga kale kagasoo jiro, markaasay dadkii waydiiyeen oo yidhaahdeen oo maxaad samaysay markaa? Markaasuu yidhi waxaan sameeyey, waxaan ka wareegay xaga dambe ee guriga, waxaan badhtanka ka jabiyay pipekii galayey qasabada kijada. Waxaanan dhex raacay pipekii markii aan gaadhay meesha qasabada laga furo ee kijada ayaa mise qasabadu way xidhantahay. Markaasay dadkii waydiiyeen oo sidee ayaad uuga soo baxaday, markaasuu kujawaabay isagoo qoslaya “dhibic dhibic”. Hahahahaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Jihaan (Public user)

Unrecorded Date
ar waa iga qoslisay gax gax gax kuwaas wa waalnaayeen runtii....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xisbi (Public user)

Unrecorded Date
to wardi
alah ya cizk, malaa dadkuna waa wada walaayeen

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gaaaax (Public user)

Unrecorded Date
To. Wardi.

Qax, qax, qaaaax
Fi, Fiq, Fiq
Waxaan ku qosloo kaliya sida uu tuubada uga soo degay " dhibic....dhibic, laakiin waxa ka sii fiicnaan lahayd in uu uga soo dego tifiq...tifiq....
Qaaaaxm Qux, qaaax

Gaaaax

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cawrale (Public user)

Unrecorded Date
To all,

Waar wixiinan oo dhami waad waalantihiin. Mawaaxaasaad ku qososheen. None of have any sence of humor.

not funy at all.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Naa adaan xabad "sense of humour" ah laheyn ...ah ah ah h ah ah ah ah ah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AMSTERDAM

Unrecorded Date
CAERALA WAA RUNTEED, WAA "WITHOUT SENCE HUMOR"!!!!!!!! MALAHA KUWA SKEEKADANI FUUNY UHAYSTO AYAABA WAALAN !!!!!!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Geeraarshe

Unrecorded Date
To Amsterdam,
brother this was really funny. By the way do you know how many kinds of Dutch there are?

There is Amsterdam Dutch, Rotterdam Dutch and goddamn Dutch

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.