site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Bariiskii

SomaliNet Forum (Archive): Ila Qosol - Jokes: Archive (Before Mar. 13, 2001): Bariiskii
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MadoobaYare

Thursday, March 08, 2001 - 08:38 pm
Waxa la yidhi nin reer miyi ah iyo inan uu dhalay ayaa gurigoodii ku soo laabatay waqti duhur ah iyga oo gaajaysan...badanaa reer miyigu caano ayuunbay cabbaan waqtiga duhurka ....badina waxay ku cabbaan xoolaha dhexdooda, oo guriga kuma soo laabtaan inta ka horraysa Habeenkii.. oo ay markaa casho culus cunaan..laakiin maalintaa muraad bay yeesheen ninka iyo inankiisu. ..Ninkii iyo inankii yaraa ayaa bariis karsaday, markii ay cuneen ayuu nikii inankiisii ku yidhi "Waxaan doonayaa in aad mid iga ballan qaaddo...marka caawa la soo hoydo ha u sheegin carruurtii kale inaynu maanta bariis karsanay..illayn waynagaa qadinnay é." inankii yaraa wuu ka aqbalay..in aanu cidna u sheegin.
Markii habeenkii laysku soo hoyday oo carruurtii oo dhammina joogto..ayuu wiilkii yaraa kacay oo yidhi.." Aabbo BARIISKII MA SHEEGAA"
Odaygii oo naxsan ayaa yidhi " WIXII KUU HADHAYBA SHEEG".......

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.