site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Sheeko gaaban

SomaliNet Forum (Archive): Ila Qosol - Jokes: Ila Qosol - Jokes (Current): Sheeko gaaban
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ceelbuur

Thursday, March 15, 2001 - 01:01 am
Oday-faarax oo caruur ka dhalay gabar aad u qurux badneyd ayaa waxaa kasoo doonay 4 Nin oo aanan is ogeyn,
midba mar ayuu qaabilay wuxuuna yarad ahaan uga qaatay xoolo fara badan, asigoo mid waliba ku ballamiyey inuu dhowr bilood keddib gabadha kasoo doonto!
Faarax talo ayaa ku cuslaatay waqtigii ballantana waa la gaaray, muxuu falaa, hal gabar miyuu 4 nin u qeybin karaa.
waxuu jalleecay xero aqalka geestiisa ugu tiillay oo ay ugu xirraayeen, Ey, Dameer, iyo Sac, misana wuxuu yiri "Ilaahayow meesha ha igu ceebeyn ee seddaxdaan xayawaan gabdho iiga dhig.
Ilaahey amarkiis Eygi Dameerki Iyo Sacii ayaa looga dhigay 3 gabdhood oo quruxda la yaabo!!!
afartii nin uu ballanta lagalay ayaa usoo ardaa dhigtay, markaasbuu Afartii gabdhood ku kala daray.
waxay maalmuhu is beddelaanba sanado ayaa soo wareegay, waxaana u yimid Ninkii ka qabay gabadhii caadiga ahayd wuxuuna yiri "Adeerow gabadhii waxay noqotay gaari loo bogay oo tolkey magac iyo ammaan iiga soo jiidday ee haddiyaddaan iga guddoon.
haddana waxaa yimid kii aroosay gabadhi markii hore Eyga ahayd ee bini-aadamka loo beddelay, wuxuuna yiri "adeerow korkeyga fiiri!! waxaas oo dhan waa qaniinyo gabadhaada ayaana igu dhigtay, mana dhaqan karo oo waa tan sidaan ii gashay intaas waxaa dheer dhibaatadada ay dadka ku heyso oo aqalka hortiisa ayey fadhiisaneysaa iyadoo wixii soo maraba qeylo dhegaha uga jebisa..................

Waxaa mar seddaxaad yimid kii guursaday gabdhi marki hore Saca ahayd, asigoo cabanaya ayuu yiri
".....adeerow gabdhii waa laga yaabay gacan wax kuma cunto oo carrabka ayey ku leeftaa cuntada meelkasta oo la joogaba, waxaana iigu daran meeshii ay kasoo gaarto ayey ku xaareysaa oo musqul ma gasho .................................

Ugu dambeyn waxaa yimid kii qabay gabadhii dameerta ahayd wuxuuna yiri "adeerow ma nooli gabadhi ayaa haraati kow igaga siisay, waxaana noqonnay faamil deegaankeenna looga sheekeysto oo gabdhii waxay lasoo baxday ci lala yaabo iyo dhuuso aanan ka liidan oo gudo iyo bannaanba biiiiiq ayey ku heysaa.!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Buuryaqab

Tuesday, March 20, 2001 - 03:28 am
haahaaahaahaahhhh Loooooooooooooooooool

afkaaga caano lagu qabay waad iga qoslisaye bal qisada natiijadeeda noo sheeg gabdhaha miyaa la furay mise qaniinyada iyo dhuusadoodaa lagu haystay!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

samatar

Tuesday, March 20, 2001 - 08:25 am
dabaalyahow baaacyahow fiiri waxaas oo kale hanoola imaanin/ ma waxaad na moodey ilmo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qudhacqansax

Wednesday, March 21, 2001 - 03:00 am
Lo0o0o0o0oL***' qosolbaan la ilmeeyey mahadsanid Ceelbuur-----
Cali-samatar ha caytamin

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.