site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

I think it is funny, How about you?

SomaliNet Forum (Archive): Ila Qosol - Jokes: Ila Qosol - Jokes (Current): I think it is funny, How about you?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Funnyman

Thursday, March 15, 2001 - 09:19 pm
Baribaa gabar baadiye soo aaday. Markay cabaar joogtay ay go'aansatay inay reerkeedii iyo magaladii ku noqoto. Reerkii reer baadiye ayaa Oodkac ay reerkeedii u geyso u jaray gabadhii. Gabadhii waxay soo raacday gaari ina adeerkeed lee yahay isguna wado. Markii meel dhaxe la marayey ayey gabadhii damacday bal inay eegto alaabteedii oo gaariga xagiisa danbe saarnayd, Mise Oodkacii waalaga cunay. Darawalkii oo ina adeerkeed ahaa ayey u dacwootay maarkaasuu dadkii oo dhan garigii ka soo rogay oo uu yiri:

Qof gaariga dib u koraya ma jirto ilaa aan gacmihiisa ursado mooyee.

Dadkii oo dhan ayaa fayl soo galay, markaasuu qofkuu gacmihiisa ursado oo wax ka waayaba gaari saaraa. markii la soo gaaray qofkii ugu danbeeyey ayuu gacmihiisii ursaday mise Oodkacii oo sidisii ah ayaa ka soo kankamay markaas ayuu ku yiri:
"tuug adigaa Oodkacii gabadha cunay"

kiibaa intuu gacmihiisii dib ula noqday yiri:
"War bal duu" markaasuu gacmihiisii ursaday, mise darawlku waa runtiis.

Intuu is yaabshay ayuu yiri: "Booyow, yaa gacmahaygii Oodkaca gabadha ku cunay"

Waa yaabee gacmahiisu ma fargeetaa, ninku been weynaayaa.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.