site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

FAKHRI KAMA BAXE!!!!!!!!!!!!

SomaliNet Forum (Archive): Ila Qosol - Jokes: Archive (August 2000): FAKHRI KAMA BAXE!!!!!!!!!!!!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Madar (Public user)

Unrecorded Date
Nin maskiin ah ayaa waxu reerkiisa ku quudin jirey xaabada uu dameerkiisa kusoo guro. Maalintii dambe deymaha lagu lahaa intey bateen buu dameerkii iska iibiyey.

Ninkii dameerka ka iibsadey habeen habeenada ka mida buu isagoo dameerkii inuu soo xereeyo raba uu dameerkii xaar dahab ah ka wareegey, ninkii yaab. Xaarkii buu gurtey oo maalintii dambe dahabaha ka iibiyey meeshiina taajir ku noqdey.

Muddo ka dib buu arkey fakhrigii uu dameerka ka iibsadey oo u mahad naqey arrintiina u sheegey.
Fakhrigiiyow wuxuu habeenkii dambe u dhuuntey dameerkii oo xaarkiisii dahabka ahaa soo gurtey.
Markuu waaga beryey oo uu dahablaha geyn lahaaba dahabkii xaar dameer buu ka noqdey.Habeenkii kaluu misna tijaabiyey, sidoo kale. Markaasuu dahablihii habeenimo la ballamey oo dahabkii intuusan is baddelin ku iibshey qiimo aad u raqiis ah.

Maalintii dambaa waxaa arkey dahablihii oo u mahad naqey una sheegey inuu aad uga faa'idey dahabkiisa. NInkii yaab baa ku dhacey, wuxuuna yaqiinsadey inuusan fakhrinimada waligii ka baxeyn oo uu u dhashey.The End.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ifraax

Unrecorded Date
abow qosol aa igu dishay ahahahahahahahahhahaha

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dhamo

Unrecorded Date
waraa funy aa tahay faqri kama baxe dameerka dartiis uu uga bixi wayay.hu huhuh huhu hu gix gix gix gix gux gux gux oh hoh hoh

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.