site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Sadex maan laawe........ sheeko gaabaan...oo qosol leh

SomaliNet Forum (Archive): Ila Qosol - Jokes: Archive (August 2000): Sadex maan laawe........ sheeko gaabaan...oo qosol leh
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Geedi-shaambow (Public user)

Unrecorded Date
Maalin ayaa waxaa is-la tukaday laba nin oo maan laawayaal ah. Markey salaadii dhameysteen ayaa midkood weydiiyey kii kale inuu duceysto asna aamiin u yiraahdo.....

kii koowaad ayaa wuxuu ilaahay ka baryey inuu ido badan siiyo. kii kalana aamiin ayuu u yiri. Markuu dhameystay ayaa kii kale ilaahay ka baryey inuu dawacooyin badan siiyo....

kii hor duceystay ayaa markaa intuu xanaaqay yiri:
"war ma idaheygaad dawacooyinka u baryeeysaa"
kii kale ayaa ku jawaabay:" maya ee adna ilaahey baad ido weydiisatay annah dawacaan weydiistay"

waa la' is af dhaafay, halkiibaana feer la isku bilaabay.

Goor cabaar la' is tumaayey ayaa waxaa meeshii soo maray mid dameer ku sita malab uu lix biloodna u sii socday meesh laga helo. lix biloodna ka soo socday.

Nimankii buu kala qabatay, dabadeedna wuxuu weydiiyay waxay isku heystaan. Markii arintii loo sheegay buu asagoon hadlin inta tanagii malabku ugu jiray dameerkii ka soo furay oo dhulka afka u galiyey ku yiri kuwii is-dagaalay:

"ilaahoow dhiigeyga sidaa u daadi inaan midkiina bar caaqibo ah lagu arag"


yax yax yax afka day! qosol xume.......................
enjoy it brothers/sister.......................

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Danbas (Public user)

Unrecorded Date
Waa sheeko qosol badan Gedi-shamboo.
Mahadsanid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NADIIRA

Unrecorded Date
TO GEEDI-SHAMBOOW
IGAGUDOON SALAAN QIIMOBADAN HORTA
LOL
LOL
LOL
U ARE FUNY SHEEKOOYINKAAGA DHAN WAAN AQRIYAY U are funny sheekooyin badan oo fiican baad taqanaa haye ok giv us ssome more anigana shekadeeyda hadaan rabtid inaad aqristaid waa waxaa ladhahaa
(3 nin oo shaleemada kacararay)MARKA isoo bari hee walaalkiis

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.