site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Regional jokes.......................northern geezer!

SomaliNet Forum (Archive): Ila Qosol - Jokes: Archive (August 2000): Regional jokes.......................northern geezer!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Geedi_shaambow

Unrecorded Date
xariifkoo reer waqooyi aa maalin duhurkii qaad u fariistay. Maqaribkii oo sii tagaya uu wuxuu is-gartay inuu salaadii tukan.

qaadkii uu iska tufay masaajidkuu u soo cararey.
salaadii oo laga baxay uu imaaday.

Mid suneysanaya ayuu damacay inuu ku xirto. Gadaashiisuu istaaga markaasuu kor ugu dhawaaqay waxii uu ku xiranaayey. asagoo u sheegaya inuu tukanyo salaad maqarib oo sadex rakacadoo ah.(naweytu maqarib talaata rakacaad)

kii tukanyey baa gacanta ugu baaqay asagoo u sheegaya in suno tukanaayo.

xariifkii qayilsanaa wuxuu u maleeyay inuu ninkaan sadexda rakaco ka khanaasan yahay. markaa ayuu afar ku dhawaaqay.(arbaca rakacaad) kiiba hadana gacantii nuuxiyey.
shan buu uga dhigay. hadana gacantii baa kii nuuxiyey...

xariifkii qayilsanaa waa xanaaqay, kaligi ayaana salaadi iska xirtay..

goor uu kaligii tukanayo ayaa midkale oo sadex rakaco ku dhawaaqayaa damcay inuu ku xirto. Kii qayilsanaa waa soo jeestay markaasuu kii ku yiri

"Waar todobo fireesh ahaa nalaka diiday markaasaad sadex baarixiya noola imaaneysaa, waar nala dhaaf bahasha."


yax yax yax yax ............

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Geddi,
I LOVE IT, GOOD BOY,GIVE US MORE.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Lol @ Geedi

That was fun bro!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Colow

Unrecorded Date
Sheekadan e-mail ayaa la'iigu soo diray 1996 ilaa iyo hadana waxyaabahaan isku qosliyo ayey ka midtahay.

Laba nin oo Xamar baadiaheeda degan ayaa maalin magaalada isu soo raacay is'ay xoolana u geeyaan waxyaabo kalana kasoo gataan. Markay arimahoodii usoo dhamaadeen ayaa ayagoo magaalada ka sii baxaya waxay arkeen baale dhinac u dhacay oo fiiladii korontada dhulka dadsantahay. Waxay go'aan ku gaareen inay korontada goostaan si'ay xarig uga dhigtaan.

Mid kamida ayaa intuu toorey lasoo baxay fiiladii dhex gliyey, korontadii ayaa intay qabsatay kor u tuurtay. Xoogaa markuu hawada ku maqnaa ayuu dhulka qare camal ugu soo dhacay. Ninkii kalaa soo orday:

Fiidow: Ar Calasow xaa ku daaray?
Calasow: Aryaa, ar xarig xamar xaa ku xanuuna:-)

Colow

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

geedi fun

Unrecorded Date
iidoo ciyaal warta aad tahay maxaan iraahda aad ayaad iiga qoslisay laakiin kheyr ilaah ha na wada siiyo
waxaan kuu sheegaya aniga oo ku qoslaya sheekadii ayaa habar madoow ah oo aan qabo
iga codsatay in aan u fasirro marka xooga
shaqo ah ayay i gelisay balse marka danbe
hoos ayaan u qosli doona

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Geedi_shaambow

Unrecorded Date
ah ah ............ colow boy! you crack some joke.....

here is another regional joke........


Nin oday ah oo reer mudug ah ayaa askartii af-wayne qol ku xireen asaga iyo ilaa boqol qof oo kale.

Markii dhawr beri ku jiray meesh cariirigeediina u adkaeysan waayey ayuu maalintii danbe duhurkii xaar la dhex fariistay meeshii lagu xirnaa.

qayladii dadka iyo war nin baa meeshii najaaseeyeydii baa askartii ku soo bexeen. banaankaa loo soo bixiyey markaasaa la weydiiyey waxa uu falkaa u sameeyey.

Ninkii ayaa waxuu ku jawaabay ilaa waa hal reer mudug ahe: "Hade guriyaheenii baanu ku xaari jirnay hadaad na soo xiraysteen soo inaan xeradda ku dhex digoono ma'ah"


ah ha h ah ah a.............. enjoy it boys/girls

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Madar

Unrecorded Date
Oh, Man, Awgeedi Shaamboow Xaggeed bahasha kasoo daldalataa. Every story you've written on this page made me laugh like a child. I've got tears in my eyes man. Thank you brother, and keep up the funny work.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mahdi

Unrecorded Date
Wiil reer waqooyi ah, ayaa ciyaarihii gobollada ka soo qeybgalay, markaas ayaa lala dejiyay guri reer Xamari ah. reerkii ayaa u keenay wiilkii cunto. Markuu wiilkii cuntadii ka dhergay, ayaa odaygii reerku u qeyliyay gabadhiisi, wuxuuna ku yidhi: -aabbo wiilka shukumaan u keen.
Wiilkii oo shukumaanka u malaynaya wax la cuno ayaa yidhi: Wallaahi adeer waan dhergay, wax kalena uma noqonayo!!!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cabdiraxmaan

Unrecorded Date
Oday reerbaadiye ah ayaa xamar ugu yimid gabadhiisoo dagan Odaygii ayaa musqusha inuu kusoo xaajoodo damcay Markaasuu wuxuu labooday Tarmuus meesha yaala, si uu ugu istijoodo odayga wuxuu u malaynaayay darmuuska weel biyo lagu shubto= markaasaa odaygii oo cabaadaayo kasoo baxay musqusha asakoo dhahaayo "caku uba balad"

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.