site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

ARYAA QOSOL RABA YAAYAA MEEHAAN IMAADA(geedishaambow stuff)

SomaliNet Forum (Archive): Ila Qosol - Jokes: Archive (August 2000): ARYAA QOSOL RABA YAAYAA MEEHAAN IMAADA(geedishaambow stuff)
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

geedi_shaambow

Unrecorded Date
Baribaa nin macalin ah oo kismaanyo skool ka dhigayey waxuu imtaxaan meelaha banaan buuxi ah ka qaaday ardaydii uu wax u dhigayey...

imtaxaanka oo maadada soomaaliga ahaa ayaa waxaa ku jidhay su'aashan.


Labo qaawan ------- ---------


macalinkii meeshii uu ka filaayey in loogu soo qoro "isma' qaado" aa waxaa looga soo buuxiyey

"isku soo boodlee ahaa", "war maa yaal hee"," waa isku toostay " iyo wax la mid...........

akhyaartaan labo qaawan markay maqleen waxaaba u shidmay filin labo iska qabsaneys.


yax yax yax...................qosol xume....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
TO GEEDI:

waa sidaad tiriye waan kugu raacay QOSOL XUME

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Balqiis

Unrecorded Date
Yax yax yax, HEy, geedi_shaambow,

waan ku salaamey...waa xali oo magacii iska badasheye....some one also is using the damn Name so I droped it.......

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdi

Unrecorded Date
balqiis this aint a damn chatroom, and if u changed your name email him to know about it..................

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Balqiis

Unrecorded Date
Hey......Mr Abdi are u jealous or what.....don't worry, wax kaa dhugta ma weyneyside.... it's between me and geedi.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdi

Unrecorded Date
wow! Miss. Balqiis, i finally find something that makes me laugh! instead of them dum ass comedian wannabes y dont u write funny stuff like this............i understand that is between u and who ever but dont u think there are better ways to tell that kind of stuff?!? and one othet thing what would i be jealous of.........oh yeah, it is you not knowing what u r talkin' about.......

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Balqiis

Unrecorded Date
Hey, Abdi.....u just assumed there were same thing going between me and who ever.....with out fact knowing whether I am married, grandmother, or even great grandma.....so thing before u judge people for their writing, If u read same above jokes Geedi, I and some other brothers where joke patners.

About the jealoesy thing u seem to be offended by me directely talking to the brother...so cammon if u don't enjoy his jokes i do.

By the way let's call truce....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yaska

Unrecorded Date
Salaam,

TO: geedi_shaambow;

qax...qax..qax, Waar geedi baryahanba maan soo siyaaran meeshe... qaar baa igu daalieyey meel halkan ah oo ISLAM.ka looga hadlaye,, wali ma bahashii shactiro ahayd baad wadaa.. ma dhamaato miyaa..... keep the cool stuff coming!!!.......

Xariifkoo reer jamaama ah aa wakhooyi aabihii loo bedelay, Iskuul cusub aa isagana lagu daray...
Macalinkan wuu soo daahay, fiishadiritoorkii oo dibada taagan ayaa ku yiri: Waar cagaha wax ka day maxaa ka soo ruqaansanaysaa sidii habar walacaysa!!! Xariifkan waa yaabay!! cagaha wax ka day aa; Intow istaagay ow kabihiisa wax ka fiir fiiriyey !!! Maamulihii ayaa intuu is hayn kari waayey yidhi: Waar waxyahow walaweynka ahi orod baan u idhi;

:::::::::::::::::..

Xariifkoo kale oo reer buurdhuubay ah aa isna wakhooyi loo bedelay, xiisadii ugu horeysayba macalinka soomaaliga iyo kacaanka aa u soo galay, markii la xaadirinay ardayda ayaa isna la weydiiyey magaciisa: aniyaa!! xasan jaamow !!

Maclimkii baa kor u qaylieyey oo yiri: Xasan ayo ayaa lagu yidhaah, xasan jaamow ayuu kor u dhahay ardaygii cusbaa........ Ileyn waa xiisadii soomaaligee macalikii baa yidhi; Waar soomaaliga ayaan si fiican la idiinku dhigin, Waa maxay jaamoo!! waar Jaamac dheh .. laga bilaabo maanta Xasan Jaamac ayaad lagu dhahaa ma garatay!!!!

reer buurdhuub sidaas ayuu magicii looga bedelay!!
More reer waqooyi-ordinary peoples will be submitted occasionally

till next time............ salaamu aleykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

geedi_shaambow

Unrecorded Date
yax yax yxa......................... yaska that is wicked one .................


to: Balqiis......


take it easy with that kid, he is having hard time reading/writing somali.

listen to this ...............................


xariifkoo reer xamar aa ba'buur wuxuu la soo raacay qolyo reer baydhabo ah . gaarigii baa istaaga waloweyn. xariifkii reer xamar waa dagtay. markuu soo noqday uu wuxuu waayey boorsadiisii.
dadkii uu wuxuu ku yiri: "Boorsadeey aawinaa?"

reer baydhaboodkii waxay u maleeyeen inuu leeyahay "boorsadeey aami(meaning boorsaday waan cunay)"
hal mar ay waxay ku wada dheheen:" eebeey hakii daaweeyo ( illaahay ha kuu daaweeyo) "


yax yax yax...................... qosol xume......

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yaska

Unrecorded Date
Salaamu 'Aleykum...
TO geedi_shaambow

Wax... wax...qux....qux... Macalinka waa dhiman gaaray,,, I was starving before I read u post !!Salaada Jimcada ayaan ku maqnaa markaasay Saacadii Qadadu i dhaaftay,, markaan akhriyey... It took the edge off my hunger!! Thanks One more time.

Xariir ree waqooyi ah(my be loved target), aa baabuur wuxuu la soo raacay qolo reer baydhabood iyo mid reer xamar ah oo "sheeko badan".

Intii safarka lagu jiray oo dhan xariifkan reer xamarka ahi war luu afuufayey, oo sheeko luu dhuraayey,, maba kala joojinaayo.. qolooyinkii reer baydhabood waxay maqli jireen waa jira xamar rag KHANIISYO ah, waxaana lagu gartaa waa war badan yihiin !!!!

Hoos ay isula had hadleen,, nux,,nux,, kan kaniis waaye,,,, kan kaniis waaye. Meel dhex markii la gaaray ayey kii reer waqooyinga u sheegeen in ninkan reer xamarku yahay kaniis!! Khaniis aa!!

Xariifkii Reer wakhoooyi intuu BUD weyn oo watay dhafoorka/xiska kaga gujiyey ayuu Kor u qayliey:
" Waar yaa KHANIIS, Waar Inantiina wase hadal badnidaa,miyaananba yaabin,, waar maxaad ahayd?,

...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Balqiis

Unrecorded Date
Yax-yax-yax-Gaax-Gax....Thank you guys that was funny.........Listen this..

Xariifkoo reer xamar ah ayaa wuxuu baabuur la soo raacey, xariifkoo reer waqooyi ah iyo koo reer jabuuti ah....markaas aa sheeko lees dhaaf-dhaafsadey, xariifkii reer xamarka ahaa wuxuu arkey nimankaan markaysta oo ay sheekeynayaan in u mid leeyahay AGAH midna DHAGAH...xariifkii reer xamarka ahaa asagoo yaaban baa markii sheekadii asaga soo gaartey uu intuu soo booday, buu yiri eeh ILLA' nooh......... wuu u maleenayey nimankaan in meel xanuunaysa ay sheegayeen......

later

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

okaash

Unrecorded Date
SALAAMA SAXIIBADA IGU CUSUB.BY THE WAY KAX-KAX-KAX-AAD BAAN UGU QOSLEY .ANA MUGAYGA I MAQLA XARFAAN REER WAQOOYI AH BAA WAXAY LA SHIRKOOBEEN ODAY JIMCAALE WAXAYNA KA SHAQEYN JIREEN BUULAXAAWO KENYA MOGDISHO MARNA JAAMAC QALDAAN AA LACAGTA HAYN JIRAY MARNA ODOY JIMCALE ,IYAGOO BAABUUR U RARTAY KENYA LACAGTANA UU HAAYO REER
WAQOOYIGI ;MAXAA KU TAQAAN SOOMALILEEN WAR ;HA ISKA HADLO ; BARI BAA INAGOO SIMA IYO HARSHI QUDHICI DHAC WEYN AHAA HOOS ----WARYEE HE JIMCALL WAR MA ILA SOCOTAA? AW JIMCALE BAABUURKA IN LAGA HADLAYO AYUU U MALEEYAA NACAM.QALDAANKI WAA sii waday warki war jimc ma ila socotaa?jimcale waaba la xanaqay intaan kaaga heraa abeeso korkaaga haruugtee,beesa deydaaba jeebka kuugu jirtee;

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

faal-Gurey

Unrecorded Date
Qixii...Qixii...Qixii...Qixii
Salaama Calaykum akhyaarta.
Hal idinku qosol xun abidkeey shaahidu ma dhihin.

koo oo Ameerika isla joogno aa markuu imaanaayay aas is dhahay shaqo soo raajiciso.
Security aas ka bilaabi (Intee kale hee) Wells fargo le.
Application-ka aas waxaa ku taali:
D.o.b, Place of birth, age, race, sex.
Saan uus ku qoray:
D.O.B--- 10-21-1965
Place of borth--- Somalia
Age--- 34
Race--- No
Sex--- Sometimes.
Qaxaaa...Qaxaaaa...Qaxaaaaa....qaxaaaaa...qaxaaaa.

Awgeedi Booto meeshaada lee what's going down kaa dhahay.
Salaama.
Faalka Xaaji.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Deeq

Unrecorded Date
Aqyaarta waa salaaman tihiin kuligiin waa sheekooyin cajiib ah oo qosol badan fiiri tanbo.
Oday reer waqooyi ahaa ayaa wuxuu qabay gabar aan
maqlay inay reer koonfureed ahayd,maalin maalmaha
ka mid ah ninkii odaga ahaa oo ARBACATURUB ama AFARTURUB hadba kaa u taqaanaan ku cayaaraya maqaayad ku taala magaalada ayay gabadhii halkaa oo kale ay ninkeeda ka aragtay markaasay xoogaa soo ilka cadaysay ileen waxay isleedahay ninkaagii
baaba u jeedaa markay u soo dhawaatay ayuu inta bur qaatay ilkaha ka daadiyay yirina bal fiiriya dhilonimo meesha ay ka gaartay halka ay ilka cadayska ka soo bilowday lol.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Deeq

Unrecorded Date
Salaan aqyaarta kuligiin waa idinku soo laabtay hadana waa ku mahadsan tihiin kuligiin siiba Geedi
sheekooyinkiina qosolka badan bal tana ila fiiriya.
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa xariif gaari wata u
istaagay labo nin oo dhalinyaro ah iyo mid kale oo aan ayaga la socon,kan ka goonida ah waa uu cabsan yahay nimankaan maba yaqaanan qamri waa ay maqleen oo kaliya laakiin sida ay u urto mayaqaanaan,mid ka mid ah ayaa la saaqay markiiba
oo inta adkaysan waayay ku yiri kii kale ar Xaamuud xaa kuu uraayo kii kale ayaa ku JAWAABAY
FARMASHIYE,FARMASHIYE markaasuu kii kale yiri nabee halkaanaa FARMASHIYE ahlol.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Balqiis

Unrecorded Date
Faal..xaaji and Deeq.....afkiina .....Malab lagu qabey....saan u qoslaaye Xiiq-xiiq-xiiqdii baa iga dhamaatee...
Thanks guys..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Deeq

Unrecorded Date
Waad salaaman tihiin maryooleey caawa aniga oo rabo inaa seexdo aabo halkan soo booqday mise xoogaa amaan ah ay walaasheen BALQIIS na amaantay aanbo arkay hadana amaan doon aanbo ahay lol fiiriya halkan waa mid dhab ah oo aniga iyo saaxiibaday nagu dhacday.
Wadan yurubta ka imid ah ayaan soo galnay 1992 anaga oo nabadgalyo doon ah waa nala qaabilay kadibna xero ayaa nala geeyay aan ku sugno sharciga iskuul ayaan bilownay markiiba aan luqada ku barano, maalin maalmaha ka mid oo aan u malaynayo inay jimce tahay macalimadi tiri marka ay xisadi dhamaan rabtay ma rabtaan JALAATO oo ay afka wadanki nagu tiri, anaga oo yaaban waxa nala
waydiyay ayaan mid dhalinyarada ka mid oo markaa xoogaa iskuulka dhiganaayay weydiinay waxa nala waydiiyay asagana inta qatar iska dhigay ku jawaabay waxay macalimada tiri hilib QAANSIIR ma rabtaan maxaa ku taqaan hee maryooleey bacdiisa qabo oo la yiri hilib QAANSIIR kuligeen kor aa u boodnay waxaana la soo boodnay eraygii diidmada ahaa oo markaa fududaa, macalimadii ayada oo yaaban waxa aan u qaylinay ayay waxay keentay saxamo yar yar oo ay ugu talo gashay dhalinyaro carab ahaa oo iskuulka nala joogay iyo qaadooyinkii JALAATADA lagu cuni lahaa isla markiiba ninkii odayga ahaa saaxiibu qaansiir aan horay ka weydiinay duqa see wax u jiraan maxay tahay qaansiirka qaadada lagu cunaayo walaalkaa wuxuu ku jawaabay meeshaan AFRICA maa u maleeseen dhooreyaal yahow iska suga idinka cabaar kadib JALAATADI aa la keenay dhareerka hala daadiyo aa ka dhacday ileen waa rabnaa hadana ma dhehi karnee ama af waa rabnaa aan ku dhahno ma naqaanee halkii ayay JALAATADII nagu dhaaftay mahadsanidiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yaska

Unrecorded Date
Salaamu 'Aleykum
TO; okaash,

Yax...yax.. qux..qux.. waa fuurey macalika, ilkaha yeyna idinka daadanine masar soo qaata ma na dhahtidood!

Macalinka waxaad u sharaxan tahay GEEDI_SHAMBOW Comedia Nobel Price !!! Waa iyaga qaaday koobkii aan waday ee ahaa reer waqooyi-others.

Thanks all of you..... till next time salaamu 'aleykum.........!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CilmiBoodheri

Unrecorded Date
asalaamu caleykum,

cixi cixi cixi cixi

saxiibayaalow waa fuuri sidii u qoslaayi nooh.
walaahi dawlaa tihiin, keep da good work.

fiirya horta, adinka dagaalada ka hor intee jirteen acuudkee? maxaa comedian iskaaga noqon weyseen?

'till then asalaamu caleykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Deeq

Unrecorded Date
Waa idin salaamay maryooleey kuligiin shaqo aanbo
ku jiraa kii aan arko wax qosol ii sheeg aanbo
dhohooyaa waa tanaa ee qabsada hee.
Reer meel dagan oo dhowr caruur ah leh ayaa
maalin mid ilmaha ka mid suuqa loo diray waa uuna
soo adeegay kadib markuu guriga yimid ayuu alaabti
kala xareeyay laakiin hilibki ayuu garan waayay meel uu galiyo islaanti hooyadiis ahayd oo deerka
fadhiso ayuu u yimid laakiin islaanta DHUKAY ay guroosaa o dhagta ayaa qori ugu jiraa wiilki ayaa
waydiiyay hooyo hulibka intee geeyaa saacadaan camal maa waxa la is weydiiyaahee islaanti waxay tiri hooyo SHANBAYDA ki rid{AASHUUNKA GALI}ileen islaanta waa iska raaxeesanoosaa oo maba oga waxa ay leedahay,wiilki hilibki suu u waday AASHUUNKI uu dalaq ku siiyay cabaar kadib ayaa islaantii waxay istiri bal hilibki kari mise hilibki maba yaalo wiilki yaraa ayay waydiisay asagana wuxuu ku jawaabay SHAANBAYDA uu ku jiraa,islaanti waaba
qaylisay oo ul bayba la soo oroday yaa ku yiri SHANBAY aa wax aan biyo eheen lagu isticmaalaa
wiilki hooyo adiga aa i dhahay uu yiri ma inta
qalad sameesay ayaa hadana MASABID ku dartay ay tiri.RAALI KANOQDA WAA IDINKU DHEERAATAY.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

geedi_shaambow

Unrecorded Date
aqyaarta waan nii salaamay, shaaciroolayaal aa halkan isku helay.........


tana iga qabta............

oday-weyn aa mudug ka imaaday, wuxuu ku soo dagay nin weyn oo uu dhalay gurugiisa. odeygii wuxuu la seexan jiray wiilal dhowr ah oo awoow u yahay.

odaygu maalin walba wuxuu maqlaa wiilashan oo uun
KIITI(laga roone)ku haya.

maalintii danbe uu odeygii iyadoo la qadeynaayo wuxuu yiri:" Maandhooyow waxaan ini weydiiyey KIITI waa ina-ayo, Waaba nin balo ah hadalkiisaa iga bataye?


yax yax yax................ qosol xume.............afka day

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Deeq

Unrecorded Date
Waa idin salaamay maryooleey weli aruuriski aan
ku jiraa tana culeeskeeda iga dajiya.
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa labo nin oo Jar
cayaaraysa raadiyana dhagaysanaya ka maqleen
in labo nin oo cadaan ah lagu dilay SOUTH AFRICA
qabiil qabiilada soomaaliya ah oo waxaa jira LAF
la dhoho Cadaan ay ku jirto nimankaan qaraabo ay
la yihiin mid ka mid ah ayaa kii kale weydiiyay
ar JILICOW ma maqleesay xay ka jiriyeen SOUTHAFRICANA waa yaa bee kii kale aa yiri xaan
ka aqaan balo iyo baasay ka jiriyeene.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yaska

Unrecorded Date
Salaamu 'aleykum

ah..ah...ahh ... aryaa ar hada ka aala hee, Waar sownoga bakhtiyi gaarayba...

Halka qurbaha ayaa waxaa saaxiib ku noqday, inan reer jabuuti ah, mid reer xamar ah, iyo inan reer soomaalida itoobiya degan ah.

Inanta reer xamarka ayey booqdeen, waxaana la jooga/degen odeygii sodogeed ahaa (ninkeeda aabihii), markaas bay ku dhahday xariifyaasha ABKOWNA waa maqan yahay ee ila joogaba woxoogaa!!

Xariiftan reer jabuutiga ahi ABKOW waxay u malaysayba duqa magiciisa!! mar danbe o sheekado meel dhexe marayso ayey xariifii reer xamaraawiga ahayd jikada aaday, markaasay inantii reer jabuuti waydiisay inantii kale Yaakhii horta ABKOW halkuu reerka ka soo galay? tii kale ayaa tidhi AGAA! Awoowgaa la gubi waaye, ABKOW waa inanta AABAHEED,!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AXMED-GOLE

Unrecorded Date
YAX YAX YAX ........... QAX QAX QAX QAX ............ FIQ FIQ FIQ......... Geedi-shaamboow sorry Br I know you know but naqtiin ka dhigo mar kale


SHEEKO DHEXMARTAY XARIIFKOO REER WAQOOYI AH IYO ODAY REER MIYI AH OO SOMALIDA ETHIOPIA AH

Oday reer miyi ah oo ka imaaday Galbeedka-Somaliya ayaa soo aaday muqdisho waxayna gaadhi soo wada raaceen xariifkoo reer waqooyi ah kadib markii dhaxda lamarayo ayaa gaadhigii gadoomay

Odaygii reer miyiga ahaa ayaa sixun u dhaawacmay shock ayuuna qaday wuuna miyir beelay laakiin xariifkii kale wax weyn ma gaadhin ninkaan reer miyiga ah waligii magaalo ma arag safarkaan kahor, waa loo gurmaday gaadhigii gadoomay waxaana dadkii dhaawaca ahaa lakeenay Hospital kuyaala Muqdisho

Mudo kadib ayuu miyir saday odaygii, wuxuu arkay isagoo jooga meel wada dhalaali oo iftiin uusan horey u arkijirin leh, dad dhar cad cad qabana ay u adeegayaan siiba gabdhaha nursing ka ahaa wuxuu layaabay meesha nadaafadeeda iyo waxan uusan waligii arag ee meesha ka muuqda kadibna dhinacyadiisa ayuu eeg eegay isaga oo leh aduun waa ladaali kuna cel celinaya, wuxuuna arkay sxbkiisii reer waqooyiga ahaa wuxuuna weydiiyey meesha ay joogaan meesha ay tahay

Kii reer waqooyiga ahaa wuxuu gartay in sxbkiis wali wareersan yahay wuxuuna ugu jawaabay waar dee waa Aakhiradii soo ma arkaysid meeshaan waa meeshii Janada iyo naarta lagu sugayeeeee. Ninkii wuu yaabay wuxuuna rumaystay inuu dhintay hadana janada uu ku jiro ama qabriga xoogay jana ah lagu siinayo, becouse waligiis ma arag mana maqal wax sidan u nadaafad iyo nuur badan wuxuuna yidhi Aleelahay waa runtaa! karbuunana(toosh) arkayoo waligay ma arag wax sidan u nuuri(u'iftiimi)

kii reer waqooyi intaas kuma dayne wuxuu ogaaday in xariifkaan reer miyiga ah qaliin u diyaarsan yahay laga operation mayo meela wax kasoo gaadheen waxuuna ku yidhi mar labaad waar yaahee hada waxaynu ku jirnaa qiyamihi waxaan dharka cad cad qabana waa malaaigtii ee waxaa ogaataa hadii iridaa lagaa bixiyana waxaa lagu gayn cadaabkii (waa dhinicii theatre qaliinka) hadii taas kale lagaa bixiyana waxaa lagu gayn janadii(waa iridii dad caadiga ah kasoo galayeen)

Wax yar kadib ayaa waxaa imaaday qolyihii dhakhaatiirta ahaa oo doonaya inay camaliyad ku sameeyaan ninka dhaawaca ah waxaana loo qaaday dhinicii looga digay mise hal mar ayuu afka furtay isagooleh LAA ILAAHA ILLAALAAHU MUXAMADARASUULULAAHI WAR HA I CADAABINA ANIGU ISLAAMBAAN AHAY!!!

waxuuna kuwaashay towxiidsi iyo qaylo aan xadlahayn sxbkii reer waqooyina qosol baa naftu uga baxaysaa markii ninkii dhaawaca ahaa lawadi waayey lana arkay kan naftu qoslka uga baxayso ayaa laweydiiyey wuxuu ku qosli iyo waxa uu ka ogyahay ninkan ay wada socdeen xaalkiisa inuu waalanaa iyo inkale

Kadibna wuxuu u sheegay dhakhaatiirtii wxuu ninkan reer miyiga ah ka dhaadhiciyey aad ayaana loo qoslay, qaadan waana dadkii ugu noqotay waxaana adkaatay in odaygii reer miyiga ahaa lamarsiiyo irida cadaabka siday la'ahayd waayee.


--------------------------------------------------------------------------------

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AXMED-GOLE

Unrecorded Date
Sorry brs and siss sheekadaan kor ku qoran waa dheertahay laakin waxaan fili in si wanaagsan looga heli doona marka la akhriyi una qalanto dheeraanteeda

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Deeq

Unrecorded Date
Waad salaaman tihiin aqyaarta kuligiin
ayaamahaan meesha ma la soo booqdo maxaa dhacay
Geedi see camal duqa mise aruuris aa ku maqan tahay fiiriya bal tanna
Labo nin oo Xamaaliyaal ah ayaa maalin maalmaha ka
mid ah maqaayad muufo ka cunay mid ka mid ah ayaa
labadaba bixiyay oo kii kale ayaa yiri markaan
banaanka u baxno aan ku siinaa ee sii bixi dibadana wuu u sii baxay kii intuu bixinaayay kii kale baabuur kala gooyay oo wuu dhintay ninkii kale markuu soo baxay ayuu wuxuu arkay meeshaan oo
lagu tuuran yahay oo dadki leeyihiin war yaa ninkaan yaqaan kii oohin uu qabsaday dadkii ayaa
ku soo yaacay asagii oo weydiiyay inuu yaqaano
ninkaan dhintay markaasuu yiri haduu rabo ha dhintee halka badar{RAASHIN} uu iga qabo ayaa iiga
daran dhimashada.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISS G

Unrecorded Date
TO GEEDI_SHAAMBO AND THE REST OF YA BROTHERS.
URS STORIES ARE FUNY SPEACIALY URS GEEDI_SHAAMBO U R VERY FUNNY AND SO IS THE REST OF YA....ANYWAY CAN U DO IT A LITTLE BIT SHORTER, CUZ IT IS TOO LONG, BUT IT´S GOOD TOO. ANYWAY TAKE CARE U ALL.
PEACE PEACE AND LOVE TO U 4EVER.....MISS G

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Deeq

Unrecorded Date
Waad salaaman tihiin kuligiin aqyaarta mahadsanidiinna sheekooyinkiina qosolka badan
fiirshe hee.
waabaa waxaa dhacday ilmo yar yar oo meel ku
sheekeysanaya ayay waxay go,aan ku gaareen in
ay isu sheegeen waxooda ugu naxdinta badnaa siduu
marba mid u hadlaya aa xariifkoo la soo gaaray
kulahaa maalin anagoo gurigeena deerkiisa fadhino
aa ayeeyday soo gashay waaba dhamaatay lagu lahaa
ilmihii aa ku wada qeyliyay war adiga maalintii
kuugu naxdinta badneed sheeg aa lagu dhahay maxaa ka wadaa waxaas markaasuu dhahay idinka ayeeyday
say u ek tahay idinka maa arkay sawirkeedii
uu soo bixiyay ilmihii kabtay ma aragtay aa ka dhacday macnaha{xuux waaye}

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Observer

Unrecorded Date
DEEQ
Kongoman! that is real funny man. qosol weyn baan kuduftay , keep up bro!!

Saaxiib waan ba shakiyay kongomanka waa ino ayo?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Deeq

Unrecorded Date
salaan dhamaan
To Observer
saaxiib waa ku salaamay salaan kadib su,aashaadii
aan kaaga jawaabaa Kongoman habar KUTUBEEY aa dhashay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Geedi_shaambow

Unrecorded Date
yax yax yax yax........................... Deeq


macalinka waa iga qoslisay ....... ya yax .....


xariifkoo maalin waxaa lagu dhahay ... war nin- yahayow fool-xumidaa..... qosol uu ku dhuftay.... dadkii waa yaabeen wuxuu ku qoslaayo... cabaar marku qoslaayey uu wuxuu dhahay...

adinka anaa ila yaaban tahiin anah waxaan ku qoslaayaa walaalkey iga yar hadaad arki laheydeen waxaad dhihi laheydeen.............. yax yax yax

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AXMED-GOLE

Unrecorded Date
GAX GAX GAX ................. AARYAA GEEDI-SHAMBOOW ................ MASOO AAKHIRO TOOSTAY SXB WAA XUL AAD SOO XUSHAY TAN UNA QALANTA INTAAD NAGA MAQNAYD

FIQ FIQ FIQ ........... FIIIIIIIIIIQ ........... YAX YAX YXA ........ GIIIIIIIIIIIIIIIIIX

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LALA

Unrecorded Date
TO GEEDI SHAAMBOW,

THANKS FOR THE LOVELY JOKE, IT WAS HILLARIOUS KEEP UP THE GOOD WORK.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kii kuwasi jiray

Unrecorded Date
waryaahee waa nacaskaas la yiraahdo deeq waxaan ku leeyahay hadaadan ka dayn SOOMAALIDA caydaada qadhmuun inaan ku dilaayo maxaa yeelay dhiigaa ikacay anigana waan ku aqaanaa qofkaad tahay iyo meeshaad dagantahay ee waa iga digniinee qaa,inul wadanimad iyo kiiti nimada iskadaaaaaaa!!!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Buubaaye

Unrecorded Date
salaaman kuligiin
To magac xume
waxan kuu sheegaa inaanan iskaseen waa labo
deeq marka inta aadan i caayin ka fiirso
hadalkaaga teeda kale xoog badnidaa ma birahaa
qaadaa mise maroodi aa la shaqeen jirtay isku
xishood ninyahoow hadii kale caraa maanyaa ku siinaa!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cabdiraxmaan

Unrecorded Date
Oday reer miyi ah ayaa gabadhiisa oo madiina dagan u yimid odayga inuu musqusa kusoo xaajooduu rabay marka waxaa udhawaa tarmuus af-yaxaas ah odayga tarmuuska ubo ama kirli ayuu umaleeyay odaykii tarmuuskii oo shaah kulul kabuuxo ayuu isku shubay asakoo istijeesanaya odaykii asakoo cabaadaaya ayaa soo baxay oo dhahaaya "CAKU UBA BALAD" OO UU KAWADO TARMUUSKA.

Alla qosol badanaaaaaa!!!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

boowayaal

Unrecorded Date
Ila fiirsha tana.

Markii soomalidu usoo qaxday keenaya, waxaa la dejiyey xerada qaxootiga ee "Utanga". Marka, Maalinbaa waxaa isa soo raacay laba dhalin yara ah oo saaxiibo ah. Midka mid ah labada waa shactiroole, kan kalena waa series oo wixii loo sheegaba wuxuu u malayee inay run yihiin, Englishkan maba yaqaan. Waxay soo fariisteen baarku yaal Downtownka mombasa oo Tuuriste badan oo reer yurub ah ka buuxeen. Waxay ag fariisteen meel u dhow touristihii. Marka waxaa dhacay in labadii dhalin yaro kii aan Englishka aqoon, uu Candhuuf si khaldan ugu tufay dhulka, isla markiiba waxaa soo jaleecay Touristihii, wayna isla hadleen dhexdooda iyagoo aan dan ka laheeyn wuxuu sameeyey. Saxiibkiisii shacatirolaha ahaa ayaa yiri war hebel ma maqalaysay waxay gaaladu kugu tiri "Kini khashiinsanaa ma Utango buu ka yimid". Macalinkii durbadiiba wuxuu rumaystay wuxuu saaxiibkii u sheegay, wuxuuna ku dhaqaaqa dhinicii galada isaga oo doonaya inuu la "dagaalamo". alow nin aan warqabin ha cadaabin.

by boowayaal

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FaJiStE

Friday, July 14, 2000 - 10:52 am
QOSOL MALOODHINTEE;-QALDAANKOO DHEERIDA KA BATAY AA TAGAY BEYDHABO, MAALIN MAALMAHA KAMID AH AYUU OOMAY MARKAASUU GABAR OO DEERTA (BARANDO) ISKA XAAQANAYSO ARKAY AND THIS IS THEIR CONVERSATION;-
QAL;-NAA BAAD(BIYO)ISII,
BEY;-(iyadoo dheeridiisa layaaban uma layneysana inuu darbiga sookoray)WAR LANKAN MUXUU AHAA AREE GURIGA HA IGA DUMININ EE DHISTA KA DAG;
QAL;-(oo fahmin hadalkeeda,oo iska tagay)NAW! DEE MEEL BIYAHANA LA ISKU DIIDO MAXAA NA KEENAY.
BAY;-(oo intay banaaka ubaxday si ey u eggto ninkaan wuxuu ku socdo markay aragtay na tiri) AR LANKAN(NINKAN) WAA LA GU QASEERI! HADII LAKALA JARI LAHAA LAMA QOF AAS AAYADIIS(HOOYADIIS)U NO QON LA HAA.
ISH CALAA HAADAA BABAAY,MAASHUFNAA WALAASHUFNAA FII CUMRINAA(CARABI).

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gadudo

Friday, July 14, 2000 - 09:00 pm
Mohamed A Bhi.......Bet I'm right on that ha !
Whats this? Even our new comer couldn't figure this one out and he is here to help your sharpen your lost eelay language !
sidii ada inkooyti Canada afkii hilmanti !

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

faxda

Friday, November 24, 2000 - 12:19 am
man, this really hilarious

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SARANSOOR

Wednesday, December 20, 2000 - 12:35 am
HAYE HEE ANA MEELAHAAN MASOO BOOQAN JIRINEE HADAAN BILAABEE AAN BILAABEE INTA CAJADEEDA KU DUUBAN XARIIF CABSAN OO FADHIYA GARBADA BAYDHABO AYAA WAXAA SOO AGFADHIISTAY NIN CALOOSHA HEESTA WUXUU DHAHAY, MAY KADAARI, MAXAA KUGU DHAY, CAANAKAATA IHEYTE, DHAHAY HOOBO DAAWO KASIYO KUWARANBA DHAHAY, NINKII QAMRIGII LOO SHUBAY MARKUU KADHARGAY WUU SARQAAMAY UU WUXUU TAHAY WALAAHI IDAAWETI, WAXAAN KUU GU ABAAL GUDO MA AQAANO KOY ISWASANEEE LOL ILEEN SARQAAN WAAYE WUXUU KU HADLAAYO MA OGEE LOL

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.