site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Alla xaajiyo necbiyaa

SomaliNet Forum (Archive): Ila Qosol - Jokes: Archive (August 2000): Alla xaajiyo necbiyaa
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Martiini

Unrecorded Date
Sandka Waa 87 dii waa galab qamiis ah Libaan wuxuu u soo daa dagey Siinay si qayb marduuf jaad ah u iibsado, Markii uu jaadkii iibsadey waxa uu yimid halka baaburta Wardhiigley lagaraaco asaga oo gacantiisa midig ku wata jaad, markii uu meeshee yimid ayuu wuxuu arkey gabar aad u qurux badan oo kamid ah dadweynihii badnaa oo baaburta sugayey, gabada wexey sidatey dirac aad iyo aad uqrux badan una qafiif ah,iyo dhamman inta ay haweenka soomaliyeed isku car fiyaan Libaana wuxuu sitey macawiis shaati iyo kabo jambal ah,nasiib wanaag gabadhii ayaa usoo dhawaatay iyadoo weydiinayso!waa imisa saacada waa sideedii oduhur- nimo ayuu ugu jawaabay asogoo sii raacinaya waqtiyadaan wey adag tahay in la hela baabuur nasiib wannag waxaa meesh soo istaagy xaajiyo firaaqo ah, dadka baaburta sugaayey wexey gaarayeen ilaa 100 qof.Libaan iyo gabadhii wexey nasiib u yeesheen iney xaajiyada fuulaan ayagoo helay qeybta istaaga ah.
libaan waxaa hortiisa taagnaa odey wayeel ah oo kayimid gobalada birta horeyna hestey waxaa gadaashiisa taagnaaa gabadhii qruxda badneyd oo weysey meel ay qabsato wexeyna dhaxda ka heysataa libaan,meesha ay xaajiyada usocoto waa wardhiigley wadada ay marayso waa dalacaada tiyaatarka, filla soomalia, askari jiifa, dagaan dagii,iyo dalcaadii uko.
Baabuurkii markuu dhaqaqay dadkana marnagadaal ayey liicayaan marna horey. Madaxtooyada horteeda markii lamaraayey ayoo odeygii wayeelka ahaay yiri ar naga jooji, dabakafuulkii ayaa yiri madaxtooyada horteeda lama istaagi karo, odeygii ayaa yiri oo saani u wadda dee dabakafuulkii ayaa yiri saani looma wadi karo sababta oo ah fiiri askariga jiifo
asagoo ula jeedo buurtayar oo lagadhisay laamiga dushiisa,marwalba oo xaajiyada horey uliiqdo liibaan wuxuu cusjiyaa odeyga markii ay gadaal uliiqdana waxaa iskudoobo gabadhii,quruxda,carafka issku darsatay.
ugu danbeyntii odegii waa uu qeyliyey, waa uu ashahaatay wuxuuna warnaga joojiya nin baan dacwad u qabaa, dhamaan dadkii oo idil ayaa yaabay, markaas ayuu odeygii yiri saldhiga wardhiigley halageeyo xaajiyada markii saldhiga layimid ayaa odeygii yiri inankaan gadaashey taagnaa ayaan dacwo uqabaa Libaan ayaa yiri innan taan gadaashey taagneyd ayaan dacwo uqabaa inantii ayaa tiri darawalka gaariga wedey ayaan dacwa uqabaa darawalkii ayaa yiri madaxtooyada ayaa dacwo uqabaa madaxtooyadii ayaa tiri.......iwm

iiiih.iiiih....iiiiih....hhhhh...eeeee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

WERdhiigley

Unrecorded Date
Run ahaantii sheeko aad & aad ayaan u qosley
aaah----hhhhhaaaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Marba haddii uu Siinaay ka gatay qaadka xagee xaajiyaddu ugu socotaa Wardhiigley, adiga Martiini maba kala taqaanid dhulka aad ka sheekeyneysid ee maad ka joogtid. Qaadkuna 87 Mamnuuc buuba ka ahaa in Siinaay iyo magaalada inteda kaleba lagu gado 36 ayaad dhex taagan tahay ee ha kaa saarto Mr Martiini.!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

G***

Unrecorded Date
Anonymous

l@@@@@@@l Gax, gax, gaxxxxxx.... "36 ayaad dhextagan tahay". Adiga waaba kaashakiyee NS maad ahayd. Rageedii...wixii darbo sheega qabo.

To. Martini.

...Saaxiib mahadsanid sheekadu weey fiicneed inkasta oo ay meelo yar yar "Off side" uga jirtay.Odayga reer baadiyaha waxaan umalaynayey in uu dhihi doono " Liibaan aa ibiishay ".

Fiq, fiq, fiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

martiini

Unrecorded Date
to by G

aniga rageeda ma ihi mana fiicno in lays caayo alxamdulillaahi waxaan leeyahay 5 caruur dadeydana waa 31 jir.
xammar waan ku dhashay waana ku barbaarey gaar ahaan madiino ama (wadajir)inkastoo markii igu daneysay ay aheyd 1988-disembar lakiin sankii hore ayaan tagay ETOOBIA waana kaxeeyey dhamaan caruurta iyo hooyadooda nasiib daro matagin xammar. laakiin caruurteyda wey lakulmeen Dhamaan qarabadoodasi haar ahaan Abahey iyo Hooyadey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
walaalkiis faannnnnn walaal waxba hanooooooo faniin. 31 jir hadda tahay maxaa meesha kusoo galiyeey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xayaat

Unrecorded Date
Walaal martiini sheekada aad ayay u dhaddhan la heyd dadka wax kaa sheegayana waa geel kuul maxaas ka kasaa dadkii la dhihi jiray kow dheh ha u bixin warkooda.

waad ku mahadsantahay sheekadaada quruxda badan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Martiini

Unrecorded Date
To Anonymous

wax aan ku faanaayo majirto waayo mataqaanid waxa uu faan yahay sababta oo ah markaan kaaga sheekeeyey nolosheyda ma faanbaa.aad iyo aad ayaan ugu xumahay in aad saas u fikirtid sababta oo ah ummad badan oo somali ayaan nasiib uyeeshan in ay u nooladaan sida ay abkowyaashiisii unolaan jireen.waan ogahay in aad Jabhad tahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

martini

Unrecorded Date
To Xayaad

Marka kowaad waad mahadsan tahay in aad waqti u heshay in aad aqrisato sheekadayda. marka labaad sida fahanka iyo sharafta leh aad igu soo hambelyeysey.

Meeshaada ka wad xayaad.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

tahaye

Unrecorded Date
tahaye
to:anonymous
maxay jabhad ka ogtahay anaa agaan noocada oo kale waxuu joogi jiray kaakuma
by:tahaye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Martiini

Unrecorded Date
TO Tahaye
Tahaye aad iyo aad ayaad umahadsantahay. Anniga iyo adigana meello badan ayaan isaga dhawnahay sida in aan la dagaalano afjaxuunta sida Anonymous

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xaaji

Unrecorded Date
to martiini
saxiib 1987 qaadku muqaadaraas ayuu ahaa marka sheekada dib ugu noqo
sorry br. that is the true

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

maxamed-yare

Saturday, August 05, 2000 - 11:58 am
martiini
br anonymous magac ma'aha ee lasoco.
waxaan arkay inaad si kulul ugu xanaaqsantahay anonymous, laakiin waa magac qof kasta oo aan magac la bixin kombuyuutarku ubixiyo.
ah ah ah ah ah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, February 17, 2001 - 07:22 am
waraa martiini adiga saxib sheeko xayawaaneed ayaad noo soo jeedisay waxaan islahaa sheekada way wanaagsan tahay waxaaba iigu soo koobtay dacwo aan kaqabaa kaas aa u qabo eheh see you guys

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.