site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

War qashinkani waaxay!! Wa ayo qofkan ilaahay caqliga tiray ee maamula meeshan!

SomaliNet Forum (Archive): Ila Qosol - Jokes: Archive (August 2000): War qashinkani waaxay!! Wa ayo qofkan ilaahay caqliga tiray ee maamula meeshan!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Candhaf

Unrecorded Date
Layaab!!!!!!

Waxan waa wax layaab leh. Bog baan meeshan kafuray aan ugu talagalay in laysku dhaafsado gabayadii Sayidka iyo cali dhuux isu tirin jireen. Maanta uun baan meeshi kusoo noqday mise boggiiba waa la tirtiray. War balayo idinku dhacdaye maxaa dhacay. War xattaa maad meesha cudur daarasho ama wax lamidah kusoo qortaan. Waxa layaanka leh in aanan meeshaba lugusoo qorin wax aflagaado ah amaba afxumo. Waxaa kasii daran meel kale oo marhore aan wax kusoo qorayna waa latirtiray. Bal ii warama mawax dadka qaarkood uun ku saabsanbaa mise waa loo wada simanyahay. Takale waxaas oo qudhun lagusoo qorayo iyo kilmado xun maad wax kaqabataan. Mid kale meesha Islam loo bixiyay waxaa wax kusoo qoray kuwo gaalo ah oo dadka diintooda iyo dhaqankoodaba caynaya kana shakisiinaya bal haday idinkatahay wanaagdoon maad kuwaa tirtirtaan. Waxaan u badantahay in aad tanna aad tirtiraysaan!!!. Wallahay waan idinka shakiyay.

Soomaali yaaban oo layidhaa,
Candhaf

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ali

Unrecorded Date
Candhaf:
Waxaan u malaynayaa inaa meesha kusoo khaldantay. Meeshani maaha makhaayadaha lagu qayilo sidaa daraadeed wxyaabaha qabiilka waa laga titiraa. Waan akhriyey qoraalkaa sheegeysid waxaana maamulayaasha meesha ugu xanaaqsanaa sababta ay u ogolaadeen in qabiilo meesha isku caayaan. Laakiin hadda alxamdu lilah waa titireen. Sidoo kale waxaan akhriyey qoraal kale oo aad dadka meesha maamula kufaar kusheegeysid marka jawaabtii waxaa ku siiyey Axmed. Waxaan kugula talin lahaa gabayada tolka orodoo meelaha kale oo la isku caayo la aad. Qabiil jecel inta meel ma uga banaana. Igu salaan adeer C/Laahi una sheeg wiilashii iyo gabdhihii reer somalinet inay qashinka ku dareen gabayadii qaaliga ahaa ee tolku ku faani jirey.

Ali.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.