site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

***************rootigii gubtay***by:tahaye*********************

SomaliNet Forum (Archive): Ila Qosol - Jokes: Archive (August 2000): ***************rootigii gubtay***by:tahaye*********************
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

tahaye

Unrecorded Date
macalin ayaa wuxuu ilmo baraayay art ama
sawir,maalin maalmaha ka mid ah ayaa
waxaa maalintii imtixaanka markaasoo
yiri rooti hala sawiro
arday ka mid ah ardayda ayaa sawiray rooti
madoow badanm,
markaasaa macalinkii inta xanaagay ku yiri
war waa maxay waxan markaasoo wuxuu yiri
macalin musqushaan aaday intaan musqusha
ku maqnaa ayaa rootigii foornada iga gubtay
***ahaaaaaaaahaaaahaaaaaaaahaaaaaaaahaaaaaahah**
****************by"tahaye***********************

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

G***

Unrecorded Date
Gix gix gixxx

waxaad isoo xasuusisay sheekadan.

Wiil aan isku xaafad ahayn iskuna dugsi quraan ahayn ayaa wuxuu lahaan jiray loox bartamaha god ku leh.

Maalin anakoo cashar banaanka ku dhiganayna ayaa waxaa nasoo dul istaagay macalinkii dugsiga...isagoo check-garaynaya waxa aan samaynaynay & cashar sida aan u qornay.

Macalinkii suu uaqrinayey looxii cunuga ayuu wuxuu soo gaaray meeshii godka ahayd...hadii uu sii aqriyeyba mise meesha "woow" aa kamaqan.

Macalinkii aa weeydiiyey wiilkii " waraa aqri bal waxaad qortay" wiilkii ayaa looxii aqriyey...mise si sax ah ayuu uaqrinayaa " macalinkii ayaa yiri
"barako beele..."woowga" waadba sheegeeydaaye xaad maha ugu qori weeyday...barjo haku dilee"

cunigii aa soo booday oo yiri " macalin woow-gii godka ayuu ku jiraa " macalin Xassan oo ahaa nin qabiid ah qosolna lagu aqoon ayaa maalintii qosolkiisii xaafadaha dariska laga soo maqlay.intuu saas cabaar ufiirshay ayuu yiri " Ar hooy day kana cidaa badar siisaaydee day ".

Run ahaantii si hadii loo fiirsho jawaab logic ah ayeey ahayd...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

TAHAYE

Unrecorded Date
THANKX THURSDAY
WAXAAN JECLAHAY IN AAN MACALIN XASAN AQAAN
SOO KII WADADA AARGADA MAAHA MISA ANAA
MOODAY MAYBE
JUST THANKS ANY WAY***BY"TAHAYE***********

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

luul

Unrecorded Date
To G

That was funny thanks.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muhsin

Unrecorded Date
Thanks brother,

Sheekadan waxey i soo xusuusineysaa sheeko aan beri hore maqley, taasoo aheyd:
Macalin baa ardaydiisa ku yiri sawira tareen, markii ay ardeyda barkood sawireen ayuu macalinkii arkey ardey iska fadhiya oo laba xariiq oo kaliya sawirey. Markaas buu macalinkii weydiiyey sababta uu u sawiri waayey, ardaygii baa ku jawaabey: macalin waan sawirey tareenka laakiin intii aad soo socotey ayuu gudbey (marey) marka hada kuwan (labada xariiq) waa jidkii tareenka.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nour

Unrecorded Date
waxaan aqaan mid tan ku dhow waana tanaa:
macallin ayaa ardadii wuxuu u diray in ay sawiraan shimbir geed fuushan. Markii ay ardadii sawirkii dhameeyeen ayaa macallinkii inta gacmaha isku dhuftay(sacbiyay) uu yiri "soo dhiiba waxaad sawirteen", gabar yar ayaa waqtigii ku dhacay ayadoo geedkii kaliya sawirtay. Macallinkii ayaa waydiiyey gabadhii "muxuu yahay geedka kaliya, shimbirtii aawey". Gabadhii wax kale oo ay ku marmarsooto inta wayday ay tiri " macallin markaad sacabka isku dhufatay aa shinbirtii geedka ka haaday"

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

badhan

Unrecorded Date
hey, your joke was really funny but G***'s joke was much better than yours any way thank you for joke keep working on it hey, I never lough since the civil war started in somalia today was fist time since that time.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

badhan

Unrecorded Date
hey, G*** you are very funny I have been loughing starting to end it was very funny joke. why don't add joke list your joke better than any other jokes in the joke list except baranbaro one thank you again!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hadaaftimo

Unrecorded Date
badhan ina abti macaano maxaa qosolka kuu diiday ilaa iyo tobankaa sano? ina abti bal ilahay ha kuu sahlo runtii waan naxay kolkaad tidhi ma qoslo mise nin uur qabiid ah baad tahay? LOL.

ragga wax soo qoray waan la dhacay ee ku wada sidaa!

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.