site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Amxaaar kadi xume

SomaliNet Forum (Archive): Ila Qosol - Jokes: Archive (August 2000): Amxaaar kadi xume
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Sheekadani waxay ka dhacday magaalada Addis-ababa.
waxayna u dhacday sidan....Sida aad qaar badan oo idinka mid ahi sheeko ku maqasheen ama shaahidba ku aragten waxaa caadi ah in Ethiopia in ay caadi tahay in dariiqyada lagu kaajo, waqti waqtiyada ka mid ah ayaa uu xukunkii Xayle salaase soo rogay sharci odhanaya in qofkii dariiqa ku kaaja la ganaaxo 1 shilin oolacag xabashi ah.
lacag yarna ma ahayn runtii.
maalin maalmaha ka mid ah ayaa nin dadka wax haysta ka mid ah ayaa waxa uu soo galay magaalada muddo ka dib ayay kaadi qabatay waxaana la socday nin kalkaaliye ah oo alaabta uu iibsaday u xammaala..nikiibaa isagoo hareeraha eegaya gidaar kaadidii ku taleejiyay , isagoo aan dhammaysan ayaa askartii wax ganaaxi jirtay mid ka mid ahai qabtay waxaanu u sheegay in uu ganaaxii baxsho ...muran muu galin intuu soo saaray hal bir ayuu yidhi isii baaqiga (halka bir waxa uu ka kooban yahay laba shilin Ethiopia) markaa waa in dabcan loo soo celiyaa hal shilin oo baaqi ah.
Askarigii baa intuu is baadhbaadhay tidhi anigu baaqi ma hayo ....cabaarbay murmeen markaasuu intuu ninkii dhinaciisa eegay buu arkay khaadimkisii oo bawdyaha is haya markaasuu ku yidhi waar maxaa adna ku haya markaasuu yidhi kaadi ...nikiibaa intuu qoslay yidhi kaadi adna ...oo intuu askarigii eegay ku yidhi xisaabtii waynu kala joognaa ee nabadeey...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
ahaha ahaha aha aha ah saaxiib sheeko oo cajiibaad ka sheekaysay ahahahaha

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.