site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

..Isna lacag la'aan ayaa loogu xiirayaa..

SomaliNet Forum (Archive): Ila Qosol - Jokes: Archive (August 2000): ..Isna lacag la'aan ayaa loogu xiirayaa..
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Keynaan

Unrecorded Date
Salaamun calaa mani tabacal hudaa

Title: ..Isna lacag la'aan ayaa loogu xiirayaa..


Nin da'ah, daryeel xumi ka muuqato, dulufyada uu watana aad la cajabeysid ayaa garkiisa si aad ah ugu baxay, wuxuuse waayey lacag uu isku daryeelo oo ku soo gato xataa wuxuu garka isaga xiiri lahaay. Maalin walibana wuxuu hor mari jiray nin Timo-jare ah oo baalbiyeri u furan, maalin maalmaha ka mid ah ayaa ninkii baalbiyeeriga ahaay ku yiri, "Adeer! maad garkan kugu baxay ee wasaqeysan iska xiirtid?" Ninkii kale ee miskiinka ahaay ayaa ugu jawaabay "Lacag aan isku daryeelo ma heysto" Kadib ninkii baalbiyeeriga ayaa u xabad garaacay oo yiri "Kaalay anigaa maanta kaa saddaqeysanayee" Mar alla iyo markii uu soo geliyey meeshiisii tima jaraha aheyd ayuu garka uga xiirayay sakiin aan AF laheyd oo haddana MIRIRSAN...XAX!.Alla xanuun badanaa.. Ninkii miskiinka ahaay ayaa ooyay oo illin tartiib tartiib uga qubaneysay maxaa yeelay uma adkeysan karin sakiinta aan afka laheyn ee xoog loogu xiirayo, teeda kale, ninka miskiinka ah iga daay ma oran karo maxaa yeelay LACAG ma dhiibayo oo SADDAQO ahaan ayaa horay xabadka loogu garaacay. Wax yar kadib iyadoo howshii sidaas u sii socoto oo aanba ka qasneyn tima jarahii ayaa waxaa banaanka ka cabaaday EEY (DOG) uu timaha jaraha leeyahay oo aad moodo in la garaacayo, markaas ayaa ninkii lahaa yiri, "Yaa eyga garaacaya?" Miskiinkii shibta ayuu ugu dadaalay, mar kale ayuu haddana eygii qeyliyey, sidoo kale ayuu baalbiyeerigii yiri, "Yaa haddana eyga garaacaya?" Ninkii maskiinka ahaay ayaa markan isheyn waayay oo ugu jawaabay "ISAGANA LACAG LA'AAN AYAA LOOGU XIIRAYAA." Ninkii baalbiyeeriga ahaay wuu fahmay ujeeddada sarbeebta, kadibna sakiin AF-leh ayuu kula soo cararay ninkii maskiinka ahaay oo si fiican ugu xiiray.

Akhristoow!
Saddaqadu, laqdabo ma lagu lifaaqi karaa? .

Mahadsanid walaalkiis/walaashiis.

F.G.

Intaadan i dhaliilin sheekada fahan, balse wax weliba welcome with my open heart!

Keynaan: ku nool Mareykanka, arday, waddani jecel diintiisa, dadkiisa, iyo dalkiisa. Qoraa ah, jecelna inuu noqdo dhaqtar (Abdominal surgeon) Insha Allaah.. Barasho wanaagsan oo wacan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

G***

Unrecorded Date
To. Keeynaan.

100 % mahadsanid, sheekadaadana waxaan ka dha-dhansanaynaa in aan daryeelno dadka tabarta yar.

Waxaay ila tahay ninkii ku dhaliila, in uu kugu danbaabay, waa sheeko, macaan, kuna salaysan, murti & mada daalo.

Waxaan kaloo ku leeyahay, Ilaah hakuu fududeeyo, howsha aad damacsan tahay, xagaada mustaqbalka.

Walaalkaa

G***

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

keynaan

Unrecorded Date
To: G***


Mahad tii Rabbi ha ahaato walaakiis ka sokena korkaada sidii sharafta badneyd ee aad u akhrisay sheekadeyda.

mahadsanid G.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Raaxeeye

Unrecorded Date
Saaxiib waxaad ka shakaysay..xaqiiqdii sheeko macaan waliba si cajiib ah ...haddii aan ka waramo waxoogaa canbaarayn ah sxb ...sheekadu somaliya may ahayan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

GEEDI

Unrecorded Date
TO Keynaan
aad iyo aad ayaad ugu mahadsantahay sheekadaada
quruxda badan, run ahaantii waa wax lagu qoslo,
hadana xikmad weyn xanbaarsan,waxaan jeclaan lahaa
inaan ku iraahdo dadka wax qoraya waa inay waxaasoo kale qoraan ama iska aamusaan ee aysan,
sheeko dac ah nala soo raadsan keynaanow mar labaad waad mahadsantahay,

waa saaxiibkaa GEEDI

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wasaaye

Unrecorded Date
war waxa aad qortay waa dac marka fadlan waxaas oo kale ha qorin waxaa tahay ninkii in uu tarjumo laga rabay oo iska hurdaaye marka waxaa kaa fiican bilaal marka nabadeey/////////////

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Unrecorded Date
Salaamu Aleikum!

Keynaan, waa sheeko xikmad leh. Qofkii Alle garansiiyo ayaa garta. Good luck with your study, brother.

Ha ubixin hana u jawaabin dadka xun-xun.

Rabadan Karim

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

keynaan

Unrecorded Date
Salaamun calaa mani tabacal huddaa (Nabadgelyo ha ahaato dushooda kuwa hanuunka raacay)

To: Ansaari, Geedi, iyo Raaxeeye.

Walaalaheyga qiimaha iyo qaayaha badnaayow waa xilli soon ah ee bil cibaado waxaan idinku salaamayaa salaantuu Alle inala doonay aheydna tii ugu kheyrka badneyd. Balse waxaan jeclaan lahaa inaan idinkaga mahadiyo sidii sharafta badneyd ee aad iila garab galeysaan wixii wanaag ah inaan qoro waloow kuwa aan wax magarato ah ay meel waliba joogaan dalkeennii suubanaa alaha ka dhigee, sidaa daraadeed mar labaad waad mahadsan tihiin Alle ka soke dhammaantiin.

Waa walaalkiin Keynaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

XAMARI

Unrecorded Date
KEENAAN
Walaalkiis aad ayaan uga helay sheekadda, oo waa mid heer sare ah. Waxaana kuugu hanbalyeenaayaa waxbarashadaada iyo diin jaceylkaaga. INOO WAAR
adigoo kale ALLAHA ha naga dhiggo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Keynaan

Unrecorded Date
salaaman dhammaantiin.

To: xamari

Mahad tii Rabbi dushiisa, mudnaana dushaada saaxiiboow. Ammiin weeyaan ducadaaduye, aqlaaqdaaada ayaa wax lala yaabo ah balse annagana Alle ha inaga dhigo sidaada oo kale ...aamiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

GIGA

Unrecorded Date
YO KEYN. I REALY FEEL YOUR JOKE AND I THINK YOUARE
A DEEP BROTHER SO I HOPE YOU REMAIN POSITIVE FOR LIFE. "PEACE"

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

keynaan

Unrecorded Date
salaaman dhammaantiin,


To: GIGA

Giga mahad tii Rabbi dheh bro, tan ka sokena waa mudnaane dushaada dheh bro.

Adiga sidoo kale Alle ha kaa dhigo bro...aamiiiiiiiin....


Bye, Keynaan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

weger

Unrecorded Date
kaynaan malmö sweden degen sheekadaadu waa waxba kama jiraan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

keynaan

Unrecorded Date
To: Walaalkeyga Weger,

Saaxiib waan ku salaamay marka hore, marka xiga mahadsanid walaal ra'yigaaga adligeed, laakiin ma ogtahay in uusan jirin ruux aan eed toona laheyn, Alle mooyaane, sidoo kale,saqiirada saacadaha dhow dhashaan xataa waxaa la leeyahay "Cunugu qeylo badanaa?" marka saaxiib soo dhowoow iina sheeg sababta sheekadeyda aysan waxba uga jirin adigoo si cad u taabanaya meelaha aysan ka jirin? wax murti iyo madadaalo xambaarsan noo soo kordhi aan kaa aqoon kororsanee ileyn walaalkeen soomaali ah ayaad tahaye?

Mahadsanid mar labaad weger!

walaalkaaga

keynaan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FAHAD

Unrecorded Date
ASALAAM UCALAYKUM WARAXMATTULLAHI WABARAKAATUHU

SALAAN KADIB WALAAL KAYNAAN RUNTII WAAN KU FARXAY HADALKAAGA QIIMAHA BADAN WAXANA MAR LABAAD NIYADA IS KA IRI WALI DADKEENII SOMALIYEED RAJO WAYN BAY QABAAN INTAY HAYSTAAN DHALINYARO BARAARUGSANWAXNA BARANAYSA .

WAXANSE RABAA WALAAL IN AAN KU TUSIYO MULAAXADO YAR WAXAAD TIRI (SALAAMUN CALAA MAN ITTABACAL HUDAA)SALAN TAASINA WAXAA LOGU TALO GALAY DADKA AAN MUSLIMKA AHAYN MUSA C.S WUXUU KU YIRI FIRCOON NABI MUXAMMADNA WUXUU KU DHIHI JIRAY DADKA AAN MUSLIMKA AHAYN FUQAHADA MULIMINTANA WAXAY ISKU RACEEN SIDAAS,MARKA ANNAGA MADAMA SOMALI AAN NAHAY WAXAN JECLAYN IN AAD TIRAAHDID AS/CALAYKUM OO AH SALAANTA ISLAAMKA MAXAA YELAY MA ICTIRAAFSANIN SOMALI AAN MUSLIM AHAYN HADAY JIRAAANA INNAGAA KA BADAN.
MARLABAD WAAD MAHADSAN TAHAY WAXANA AHAY WALALKAA MUSLIMKA SOMALIGA AAMINSANNA FIKRADDA WADDANI EE KU DHISAN AQOON IYOGARASHO MABAADI'

AXANA ARDAY 17 JIR AH MUSTAQBALKANA DAMACSAN IN UU NOQDO AQOONYAHAY MILLITARY AH

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
jyeyewkuu43litk43lkt;l43r
lrl3.kr4lkt43ltk43ljt4k3jtk43jtjtk43
fjjhejhejghrejhrthhhtjkjj4ui33mnijhemtnjugi
hehkjk

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.