site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Dhakhtarka dadka waalan

SomaliNet Forum (Archive): Ila Qosol - Jokes: Archive (August 2000): Dhakhtarka dadka waalan
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ibro

Unrecorded Date
Laba nin oo dhakhtarka dadka waalan ee Mugdisho ku jira ayaa waxa ay ka codsadeen dhakhtaradii daawaynayay in ay ladnaadeen oo cagligoodii u soo noqday anay u bahanyahiin in dhakhtarka ka baxaan si ay noloshoodii dabiciga ayayd ugu nooladaan. Dhakhtarkii dawaynayay ayaa ugu jawaabay, bari ayaan imtaxaan yar idinka qadayaa, hadaad ku najaxdaan waan idin fasixi doonaa.
Makrii wagii baryay ayaa labadii nin dhakhtarkii u yimaadeen si uu imtaxaankii uga qaado. Kii ugu horeeyay ayuu waydiiyay su'aashan;

Q) Hadii xabad muus ah lagu siiyo maxaad ku samayn lahayd?
A) Marka hore waan dhaqi lahaa, xaga hore iyo xaga danbena waan ka goyn laha, babadeena waan cuni lahaa diirkana qashinka ayaan ku ridi lahaa.

Dhakhtarkii oo ku faraxsan Jawaabta sax ah ayaa Yidhi, Dhinac u joogso adigu waad baxaysaaye. Kii kale ayuu u yeedhay uu waydiiyay su'aashan ?

Q) Hadii maroodi laguu keeno maxaad ku samayn lahayd ?

A) Marka hore waan dhaqi lahaa, xaga hore iyo xaga danbena waan ka goyn laha, dabadeena waan cuni lahaa diirkana qashinka ayaan ku ridi lahaa

Dhakhtarkii oo ka naxay jawaabtii ayaa yidhi, Dhinac u joogso adigu sandadka danbe ayaad bishi doontaaye.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muriidi

Unrecorded Date
Bal tanna eega.

Maxamed Siyad ayaa wuxuu booqasho ku tagay Maanakoomiyo.
Labo nin oo waalan oo Maanakoomiyo ku jira oo sheekeysanaya ayaa mid wuxuu arkay Mootooyin iyo baabuur boolis oo fara badan oo hoon yeerinaya oo isbitaalka soo galaaya. Intuu naxay oo qayliyay ayuu dhakhtarkii u tagay wuxuu ku yiri "Dhakhtar aniga meesha ha la iga saaro" Dhakhtarkii ayaa weydiiyay sababta. Wuxuu ugu jawaabay "Aniga maalintii la i keenaayay inta, saddex qof ayaa i wadday. Hadda ninkaan baabuurta iyo mootooyinka lagu wado see meeshaan ula joogeynaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
waad kumahansantihiin hahahahahahahahah

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.