site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

RAAXEEYOOW YAA DANBIGA LEH

SomaliNet Forum (Archive): Ila Qosol - Jokes: Archive (August 2000): RAAXEEYOOW YAA DANBIGA LEH
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Raaxeeye

Unrecorded Date
Waqti waqtiyada ka mid ah ayaa wiil u soo haasaawe tagay guri uu ku ogaa in ay joogto gabar aad u qurux badan oo uu muddoba raadinayay in uu cidlo ka helo.
waa meel baadiye ah oo inta badan guryaha maalintii la ma joogo, waqtiganse waa uu ogaa in ay maanta guriga joogto.
Intuu hoodi yidhi ayay gabadhii hoddeey tidhi si uu usoo dhaafo waxayna inta ay cawskii ay samaynaysay u fidisay ayay tidhi soo fadhiiso cabbaarbaa halkii lagu sheekaystay iyada oo dhanka kalena ka samaynaysa cawskii, waxa isna la jooga lammankan wiil yar oo aan waxba la iskaga tirinayn....sidii loo sheekaysanayay ayaa mid aan filanayn dhacday inantii ayaa ilaah dabada neef ka sii daayay..(dhuustay)...baw....inta ay naxday ayay wiilkii yaraa ee meesha fadhiyay ay dharbaaxo dhabanada fujisay...waar awdan é nagadaa waxaad waddo..
..Wax yar ka dib ayuu ninkii ducday...mmmm
...mmmm ooo waabatan....bawwww buu kaga siiyay isna bahal la yaqaan. wiilkii oon ka fogaayn ayuu dharbaaxo dhabanada fujiyay...waar naga daaa bahasha oo duurarkaa la qabo..
Inantii baa tidhi waar maxaad wiilka nooga dilaysaa? markaasuu ninkii ku jawaabay
"WIILKA QOKII DHUUSAABA SAW DILI MAAYO

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
sheeko fiican beey aheey laakiin adi may kuugu dacday taasi?

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.