site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

AA-ALLA MAXAA KAQABSADAY XAAJI CANTUUGAAYE XAAJADA

SomaliNet Forum (Archive): Ila Qosol - Jokes: Archive (August 2000): AA-ALLA MAXAA KAQABSADAY XAAJI CANTUUGAAYE XAAJADA
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Waxa maalin maalmaha kamid ah iskuul bilaabay inan yar oo layiraahdo Dhegay, kadib loo bixiyay Xaaji Cantuugaaye. Waxa ay ahayd maalin isniin ah magaalada London, xaafada Leyton ee East-London.Waxa laigu qaybiyay in aan inankaa soo galay fasalkayga aan maalintaa bal soo tustuso iskuulka iyo fasalada maalintaa. Waxa dhamaatay xiisadii kohoraysay qadada, maadaama uu inanka yari uu bilaabay xili danbe. Markii aanu u baxnay qadadii ayaanu galnay saf markaa bilaw ahaa.Inanka oo layaaban hoolka lagu cunteeyo qayladisa, cuntada urkeeda, iyo alaabta shanqadheeda ayaa lasoo gaaray markiisii uu qaadanlahaa qadadiisa. Aniga oo lasocday ayaa inta aan kohoreeyay waxa aan usharxay cuntadii kadibna su-aalay waxa uu doonayo. Markii uu dalbaday oo lasiiyay cuntadiisii ayaan waxa aan ku mash quulay cuntadaydii. Waxa jirtay in marka ardaydu ay soo qaadato cuntadooda ay maqalka lacagta ay imaanjireen siay ubixiyaan lacagtadheerida ah ee cuntada intii loogu talogalay kabadsada.Marka waxa ayahayd in uu Dhegay uu bixiyo intadheeraadka ah cuntada faraha badan ee uu qaatay lacagteeda. Cala-aayi kulixaal, marka aan soo dhamaystay cuntadaydii oo aan bixiyay intii igudheeraad ka ahayd ayaan waxa aan bilaabay in aan raadiyo Xaaji Dhegay. Waxa aan indho indheeyoba waxa aan arkay meel ay caruuru kutuunsantahay oo qosoli kayeeraayo. Marka aan soo dhawaaday ayaan arkay Xaaji dhegay oo kadhashay heero islaami-ah oo dhulka fadhiya, kuraasta dhexdooda, labada gacmood ku boobaaya raashinkii. Inta aan yaabay ayaan iri war waasidee, miiskaa waxlagu cunaaye kakacmeesha. Inta uu ifiiriyay, si qof ilayaaban oo iihaysta in uu yahay xawayaan, ayuu yiri:
'Huh! War mawaxa aad imooday in aan
kalajeclahay gaaladan dusha cas ee aan istijon.
Alla maxaa dad ba-ay, war ilaahhay waxa uu
nafaray in ay nu dhulka wax kucuno oo gaalo
aynu yasno...oo aynu gacmo wax kucuno...alle
kuduleeye illa soofariiso oo wax illa soocun!'

Waxa aan ku diidikariwaayay ninkan hadalkiisa saxa ah. Anigoo yaxyaxaya ayaan sitartiiba garabkiisa ufariistay oo ana raashinkii gacmaha kuboobay!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Samira

Unrecorded Date
To Anoun

Horey soomaali ku maahmaahdey "Dameer dabadiisa kuma diimo ee wuxuu ku diimaa dabo dameer kale leh" ee marka adigaaba markii hore u baahneyd in aad dhulka iskaaga cunteysid oo wehel un baad raadineysay>

Samira

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
To Samira;
Naa hadaad maahmaahaysid maahmaah hagaagsan sheeg.
waa maxay dameerka aad ninka ugu maahmaahday

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.