site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

EEEEH, WAA AY ILUG GOOYSAY, ALLE LUG IYO LABO HA KA GOOYEE!!!

SomaliNet Forum (Archive): Ila Qosol - Jokes: Archive (August 2000): EEEEH, WAA AY ILUG GOOYSAY, ALLE LUG IYO LABO HA KA GOOYEE!!!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MAGAN

Unrecorded Date
Cali Bariis oo uu deegaankiisu yahay London ayaa waxaa ay isqabteen
amaba ay isku xumaadeen afadiisa (xaaskiisa). Cali Bariis dhab ahaantii
afka ingiriisiga si fiican ayuu u fahmaa, laakiin hal ceeb ayuu leeyahay
marka uu ku hadlayo afka ingiriisiga midaasoo ah inuu u bedalo erayada
soomaaliga ah erayada ingiriiska taasoo ka timaado inta badan is afgaranwaa.
Hadalkaa yaan kugu daalin aqristoo, cali Bariis arinkii dhexmaray asaga iyo
afadiisii waxaa uu gaadhay meel aad iyo aad u xun.
Waxaa maalinkii danbe looga yeedhay poliska oo ay ka taalay dacwooyin badan ay
ka geesay afadiisa(xaaskiis).
Cali Bariis waxaa lagu yidhi maxaad gabadhan xaaskaaga ah ugu haysaa dhibka miyaadan
xishooneen ama si qumaati ah u qab amaba iska fur.
Cali Bariis ayaa hadalkii qaatay oo yiri:
Cali Bariis: SIR SHE CUT OFF MY LEG (waa ay ilug gooysay) AND MY ALLAH MIGHT CUT OFF ONE AND TWO OF HER LEG (ilaah lug iyo laba ha ka gooyee)......
NOW NOW I OPEN HER (hadana waa aan furay).
Niminkii askarta ahaa waxa ay layaabeen erayada cusub ee aanu wali maqlin uu Cali Bariis
isticmaalayo

by::Magan

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.