site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

IS AFGARAN WAA DHEX MARAY WAQOOYIGA IYO BAYDHABO

SomaliNet Forum (Archive): Ila Qosol - Jokes: Archive (August 2000): IS AFGARAN WAA DHEX MARAY WAQOOYIGA IYO BAYDHABO
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xarshin

Unrecorded Date
Mid marqaansan ayaa baska raacayay, Boosteejo(istaank) kuyaala berbera. Waxa uu agfadhiistay Mid eelaaya oo caraysan. Kan reer waqiiyi markaas ayaa ugu horaysay socdaalka Konfurta. Markaas ayuu waydiiyaya kee eelayga ahaa, "caawa halkeen seexanaynaa, markaan baxno hada". waayo dhulka muu kala aqoon.

Kan eelayga ah waxa uu ugu jawaabay "kuunto aadaa ayaan seexanaynaa" ilayn wuu xanaaqsanaaye.

Kii reer waqooyi, macnaha muuganaran, wuxuu oogu jawaabay "kuunta aadaa hadaan tagno, meel aan kaseexano maka helaynaa".

Kii eelayga ahaa ayaa sii carooday, meeshii ayaa dagaalan ka dhacay. Hadhaw ayaa gartoodii lookala sheegay, oolayiri, kii eelayga ahaa adaa cayda bilaabay, kana asagoon ku ugayn ayuu kuu jawaabay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kunta--Canbuulo

Unrecorded Date
Kan Qaldaan Wiiqa ah jeeko dheer ku dheh!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kusow

Unrecorded Date
To: Xarshin

Waryaa Xarshin, koleyba waxaad ka timid 'xarshin iyo harta sheekh" oo garan maysid reer baydhabo dhaqankooda, markaa baal aan xogaa kaa bixiya "laaxinka" aad wadato.

Horta runbaa fiican ee waan ku qoslay shekadaadi gaar ahaan "kuunta adaaa" ah ah ah.

Waxaan rabay inaan ku sheego in reer baydhabo oo dhan aysan aheyn Eleey. Markaa markaad rabtid inaad cabirto ruux reer baydhabo ama Somalida dagto isticmaal ereyada sida "reer baydhabo, dadka ku hadlo afka may mayga" ee ha dhihin Elaay, waayo Eelaay waa Qabiil ka mid ah Qabiilada daga wadanka. Markaa xogaa intaa ayaan kuu sixi saasna u la soco. wali waan qosli "kuunta adaa" ah ah.

Kusow
Safiirka reer baydhabo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NEEFOOWKANIINI

Unrecorded Date
Kuunto aadaa aa??????aankaala aalkaa,,,ma anaanan garan geela doofaaru laa???????ahahahahahahah


NEEFOOWKANIINI,,,,,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gerbida

Unrecorded Date
xarshin ka soo jawaab su'aashan
kooyla adaa iyo kurs geel hor isa aam tey.
ada laada kerkari unugshee kuunadaana may koo sheeni

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Salaam

Kusow:

Walaal, waxaan akhriyay topic uu furay nin cajiib ah oo uu leeyahay waxii 30 jira ama ka badan ra'i ha isku dhaafsadaan. Marka sidaan oola dhacsanaa oo aan uugu raaxesanaayay ayaan intii dambe arkay. Marka dooni maayo xagaa inaan wax ku qoro. Waxaan doonaya inaan ku iraahdo aad baad iiga qosolsiisay. Rageedi baad tahay! Adiga iyo Axoow! Walaahi, wax cilmi leh hadana sidaa u kaftan badan waa loo baahanyahay. Magacayga qorimaayo. Inan baan ahay, waxaan ka baqayaa in la is yiraado ninkii bay la dhacday! Ceeb ma aha laakiin waan ka dhintaa waxaa! LOL.

Walaal Xarshin raali ahow. Kamaan hadlin taada. Af soomaliga ayaa igu adag! LOL.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kusow

Unrecorded Date
To: Anon

Salaam

Abaayo marka hore salaan kulul dhab ku dheh. Marka xiga xogaa waan qoslay oo waxaan is iri waryaa sanad dhan ducadaadi hadaa la aqbalay oo "hebla" ayadoo socota ayeyba is keentay. "Waar inanku waa cawa dhalad" ah ah.

Horta igarteey sidaad shegtay waayo aniga iyo Saxiibkey Xayoow waxaanu nahay rag xogaa iska fareejesto markay arkaan in qofku soo jeedo.

Dhanka cilmiga walaaleey aniga kusow ah maxaa cilmi iiga dan ah toben jeer baaban ku dhacay "seeraalihi" ee.

Qalbiga muraayada waxaa xogaa iga dilay "Anon" kalmadaas oon aad iyo aad uga cabsooda si kastaba ha ahaatee. gabaygan oon kugu xushmeeyey ku sii bashaal. Markaa ka bacdi ayaanu dee sheekeysan donaa oon is waydarsan waxii kale ee dhiman. Sow maad garan.

Sidii dooni bacaad lagu eryoo dhagaxa jiiraysa
Ama gaari socon waayey oo mooto lagu jiiday
Ama Jiir cayilay oo bisadi qaadi kari wayday!!!!!
Ama ruux dibira haysa oo gaajo kiciwaayey
Gabadhyahay jacaylkaada waa laygu soo falay ee.

Guurna waaban kaa doonayaa sida xaqiiqdaye
Hadalada aan kuu sheegi waa lagama maarmaane
Talada hadaad yeeshidoo saaka aad i raacdo
Tumasho iyo aroos raaxo leh baan kugu barwaaqeyne
Anigana fariid baan ahay iyo deeqsi xoola leh
Hadaad maalqabeen tahayna waa la xaragoodaye
Dharka quruxda badan ee hadhow kugu mariinayo
Iminkaaban kuu shegayaa caymaduu yahay ee
Tobakaayo waxaan kaaga gadi baati faraq dheere!!!!

Mundulahana waxaa inuu dhaxtaal darinti wayneyde
Casiirkina inaan soo gadi baan dhaar ku marayaaye
Adiguna dhilqaha!waa inaad nooga celisaaye!!!!
Biilkana hadaan aroortii sumini kuu dhiibo!!
Kolkaasaad jawaan liin ah iyo moos inoo karine!!!!!!

Nimcadaa aan ku shegayaad habacsan doontaaye
Tamandhadana waad iibin iyo baradho nagoode
Ana kiish nacnac ahbaan intaa kuugu darayaaye
Naa haydiidin waa nigaa ku jecel sidi dhashadiiy eeeee!!!!!!!!!!

War maxaa ka yeersiyey inanta Kusow baan ka helay. Walaalay waan kaftan badanahay ee xogaa iga raali ahow inaan wax haba yaraatee kuu dhima marabi.

Kusow
Safiirka

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Malabey Macaaney

Unrecorded Date
Salaam

Kusow, walaal macaan aad baan u farxay kolkaan arkay inaad ii soo jawaabtay. Wadnihii ayaa xoog ii garaacay. Dhidhiid waa weyn baa iga yimid. Waan ku dhici waayay inaan furo jawaabtaadi. Cabaar kolkaan eegay ayaan is dhiiro geliyay oo waxaan is idhi haduu ku diido maxaa kaaga jira? Koley miyuu ku garanayaa?
Walaal meeshaan ayaan qosol iyo farxad la fadhiyaa! Wax kale ma aha, ducaadii markaan akhriyay waxaan is idhi aleeyle ninkuu xaas ma leh mise min yare baa rabtaa ama kaba sii fiicaan qudbi siro?
Hebla waa Malabey Macaaney. Qof meeshaan soo gasha dhif dhifna wax dhiibata baan ahay laakiin magaca kale lama qarxin karo! See waaye adi! Khatar aa ka ahay meelaha qaarkood!
Maxaan la dhacay tixdaad ii soo tirisay. Maxaan qosol la galgashay. Marna farxad! Kusow adoo kale yaa heli kara? Gabadh duceysan oo barakaysan mooye. War xagee kuu soo maraa? Miyaan kuu soo duulaa?
Walaal macaan, anba waan kaftan iyo dhib badnahay. La soco waan ka helaa qosolka iyo farxada. Ee bal soo jawaab. Intii hore waan la dhacay. Insha Allah khayr un baa ka dambayn! lol@kusow. Af maaymaayna waan baran. Hadaad kuuskoo tahayna waan is gaabin. Safiirkana waa kii la doondoonayay!

Malabey Macaaney

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Waryaa

Unrecorded Date
Salama.....

Ar-Kusoow, iyaah, igaarka, shukaansi "jiiro-mafia' miyaa mise tii makiinada "cajiinka," waaba shakiyee duqa. Ga kasii hee bajaqda, mise waaba kusii wadaa nooh. Haye, hee u burso sidii "qoleey isburis" camal.

Xarshin, sheekada abooste ay aheyd, lakiin duqa qabiil aa keentey meesha, sidaa kalmada u isticmaashey oo ah "reer waqooyi" waa fiicneyd lakiin maxaana "Elaay." Sidaa ula socoto Elaay waa laf kamid ah Rahweynta, ee saas ula soco. Maxaa almiina kuligood iskugu wici waysay Elaay iyo Qaldaan Wiiq, lakiin midaa Reer Waqooyi ugu wacdey kan kalana maka ugu magac-darin Reer Baydhabo.

Quite Peace!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aariirey

Unrecorded Date
Malabeymacaane, dooq fiican aa laydaha. Kusow simpaaaaaatico waaye. Ani xaata waxaan isgu daaya si aan uu barto af maay maay si aan uu aqristo sheekooyinkiisa.
Macsalaama

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Malaabey Macaaney

Unrecorded Date
Salaam

Aariirey, walaaley maxaa ku qaaday? Maad intaa dhagta iigu sheegtid? Ninku inuu nin nin dhaafay waan ogahay. Waa taa indhahaaga ku akhrisatay inuu alle bari ku jiray uu lahaa yaa Rabbi mid kheyr qabta bal ii soo jaleeci. Iminkuu is qaaliyeen.
Hadaad ayaar iigu sheegto xataa hadaad doonayso waanu wada qaybsan lahayn. Laakiin madaamo aad banaanka ka sheegtay oo xataa dadkii oo dhan igu soo jeedisay, waxaan go'aan ku gaaray tan agta ka soo marto inaan budh la dhaco. :-)
Kusow, soo jawaab, safiirnimadii baa kaaga dartay ma is tidhi?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kusow

Unrecorded Date
To: Malaabey Macaaney

Magacaaba i dilay, inay inantu tahay cawa dhalad waad garan. Xabiibi Xayaati "old style" waa kuu fecnahay, wax dhibna ma jiraan, dee lagamana yaaba intaad adiga macaanay ah aad jogtid inaan "Suxul baruur" bustaha la galo. Ee warka soo daa.

Ah ah ah "Dhidhiid waa weyn baa iga yimid" Alla maxay malabeey intay wiil yar ja jabsatay ooy si fiican u karsatay ay waliba maraqiisa 'fuuqsatay" ah ah..

ah ah ah "War xagee kuu soo maraa? Miyaan kuu soo duulaa?" Baabur maraahow ay iila buubee, Igaarkoo baari ee Bacdiis Qaboo kusow eroo, balad rooga waah"

aha ah ah Hadii aad ku santahay, Kusow, iyo kuusni kala dheer ee barinimo ayaa loogu bixiyey.ah aha h.

Xabiibi xayaati Malabaay, sidaad shegtay weeyo oo waxba islama waayneeni. Lakiin walaalay mid baa hada ka hor i lugoysay. Oo markan waxaan rabaa inaan isticmaalo formulada "xalaal maalinbaa la qashaa" Bal ka waran hadii aan jaceylkeenu uu noqdo public oo wax walba aan ku qorna in public. Oo hadii aan is af-fahmi waynana aan si public isku ukal tagno si hadhow naloogu garqaado. hadii aan is fahanan si public aan u cadeena si hadhow aan u noqona tusaal fiican. bal ka soo jawaab. Lakiin la soco inaan Doob ahay Bacdayda qabo, yeelayna offerkaagi ama hadalkaagi.

Malabeey macaan walaalay Cishqigayga wax ha u dhimin oo "ariireey" budh iyo hangool toona ha la dhicin ee ii daa inanta.

Malabeey waraa ka sugaa hee :)+:)

To:Aarirey

Igaartey afkaaga caana lagu qabay. Waad ku mahadsantahay sida fiican ee suuqa aad igu gashay. waa isku lenahay. Igu halee inaan waxaad shegi ana dhab ka dhigaa.

To waryaa

waryaa igamaba naxayside waa sidee duqa. War sodan jir bacdiisa qabaan ahay sidaan horeyba ku soo shegay, markaa "Qoolay Qoor Guduudan" haday ii soo gasho Inaan "waq waq gurug, waq waq gururug' dhaho xaq aan u leeyahay ee ha iga fiijin hee Qolayda. Waagi Cajinta lagu balamaayey waa la dhafay ee. Abaay adiga maska maa wadaa mise galeey waayo, abow galeey waayo, cajinta inaad laacesid ama taaban aa la iska dhigaa markasaa gabadha garabkeeda lagu tirsan, waaw,ar waqtigaa waa dhamaaday Waryaaaaaaaaaaaaaaaaaa.


Igu danbeen Alla yaa maanta Doorbina isiiya oo ii shega inay malabeey waxay shegi runtahay iyo inkale. Inay gabadh tahay iyo inkale, wayee way computerbaan nacay kuma shegahaya waxay Malabeey tahay.

Kusow
safiirka

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kamal

Unrecorded Date
hi all
lol@kusow hambalyo sxb ani waa daalay saan isbaaro u dhiganaayay meeshaan, siriq xitaa waa dhigay wax kusoo dhacooyo maleh, kusow inaa cawo dhalad tahay waaba muuqataa saf aa laguugu jiraa.

cafis all

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gerbida

Unrecorded Date
To; kusoow
Ardaal hooy melunyaa bilaan ke bug dhawehaydee,
isku jir hee bilaan iyo magal walii ate ma og.
Ludaay is mood moodmaa mis moog.


QORE
wardiyaha safiirka

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aariirey

Unrecorded Date
Aar Gerbidaa, (waa qoslay!) shakiga iska dee wiydaayow. Malabeey bilan ficaan iiegtey, sheekada ha kasin adi.

Kusow, aad mudan walaalkiis.

Kamal, aadi isbarahaaga waa modelkii 90's
Waa in lagu bilaabo "Isbaaro 202" lol, aawey Manaxdo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kamal

Unrecorded Date
hi all
lol ariireey ani modelkii 90's anba wataaye, maxaas ahaay 202? lol ii sharaxbo new model,
manaxdo course ee qaadanoosaa "shukuloow iyo fiiq fiiq" ladhaho markee soo baasto imtixaanka lee imaanee.

cafis all

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Waryaa

Unrecorded Date
Salama....

Inkastoo...title oo iska yahey..blah..blah..blah.

Kuuska..Shukul miyaa xataa ka dhax bax sidii cagaf cagaf camal. Run waaye waa laguugu fasaxay in aad ku qaban kartid afar, lakiin "waq, waq gurug-guruuug," see camal qoleey "baliil" maa ku heesaa mise "sharax." Haye hee ku qabo ee lakiin kistoo "dhuusada" u qafiifi.."lol"

kamal...*LoL* isbaaro aah..see camal Gaalkacyo Institution maa Masters ka keentey mise....*lol*

Lakiin siriq modern tactic waaye, lakiin isbaaro birteeda aaba intee laga soo arkaa, markaas aa ga lagaa siinaa nooh.

Quite Peace!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
lol@@@@waryaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kamal

Unrecorded Date
hi all
To waryaa, waa ka xumahay inaa kalmada "isbaaro"
ku relate gareyso gobol ama magaalo.
Meesha sheeko kale aa kasocotay lakin jiiro kale aa uleexatay. Koleey iney kaftan ka eheed ee iila muuqataa. Waa iga talo kafiirso waxyaabaha qaarkood intaadan qorin.

cafis all

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Malaabey Macaaney

Unrecorded Date
Salaam

Ariirey: walee qof sare baad tahay. Laakiin ha biqin, waan kula qaybsan xaajiga ama hadii is af garanwaa dhacana la wareeg! Dee xaajiginiina waa isaga yidhi ii daa inanta hadaba danta waxay igu qasabtay bal inaan budhkii dhigo. LOL.

Kusow: hee dheh, anigoo awalba wadna xanuun iyo werwer i heeyay ayaad dhiig kar iigu dartay! Waa maxay banaanka? Alaah hayaay! War ileen ninku dhibaato weyn ayaa hore u soo gaartay. Su'aal: miyaad diyaar u tahay inaad waxii hore ilawdo? Tan kale walaahi gabadh ayaan ahay ee ha baqin!

Kusow maleebay macaaney way soo tashan ee bal iga sug jawaab. Ruux dumar oo xishoonaysa baan ahay. Dibaada kama sheegan karo waxa ii heeya oo dhan! LOL.

Malaabey Macaaney

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Waryaa

Unrecorded Date
Salama....

Kamal.....Kaftan hee Macalinka!!

Ah!! Be not an easy-tightened man that gives me a reason to be a culpable man. I was only trying to make a little funity over that village-town-city. If you did interprated it in any other form that you fathomed, hence allow me to say that I wasn't really intended to....To relate to those who dwell that place in any misconduction way. However, only a relishment that our kidneys to have. Once more, said I sorry if I had rendered any emotional distression to that abode-livers people or you if you are an advocative.

Quite Peace!!

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.