site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Maanakoobiyo welli ma booqatey, by JEY

SomaliNet Forum (Archive): Ila Qosol - Jokes: Archive (August 2000): Maanakoobiyo welli ma booqatey, by JEY
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Jey

Unrecorded Date
Boggan waxaan ugu talagaley sheekooyinka la xiriira dadka waalan in laga aqristo, qof walbaana waa uu kaga tegi karaa wixii uu u arko iney xiiso gelinaayso aqristayaasha, waxaase muhiim ah iney tahay mid la xiriirto waali ama dadka waalan IWM.

Hadaba tan ugu horeysa waa mid aan filaayo iney idin xiiso gelli doonto, waxaana laga soo xigto Cusbitaalka Maanakoobiyo ee Muqdisho ka hor dagaalka,

Cusbitaalkaasi ayaa berri waxaa booqdey madaxweynihii dalka, sida aan ognahay madaxweynaha si aad ah ayaa loo ilaalin jirey oo askartii koofiya gaduud ayaa dhan walbaaba ka socon jirtey hadaba, markii uu cusbitaalka soo galey ayaa, labo ka mid ahayd kuwii walnaa intey arkaan, indhaha aad ula raaceen markaasaa mid yiri, "aabo, aabo maanta koo aniga iga daranaa la keeney", kii kalaa su'aaloo yiri sidee kaaga daran yahay, wuxuu ugu jawaabey," aniga maalintii la i keenaayey, labo qofood ayaa i keeneen laakiin kan maxaa waaye ciidamo hubeysan keentey"
Qore Jey

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.