site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Yuuu, ILA QOSOSHA, REER MIYIGA

SomaliNet Forum (Archive): Ila Qosol - Jokes: Archive (August 2000): Yuuu, ILA QOSOSHA, REER MIYIGA
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cali

Unrecorded Date
ku soo dhawaada waa meel aan ugu talo galay in
la,isku dhaafsado kaftanka iyo waxyaalaha lagu qoslo ee baaddiyaha ka dhacay sababtoo ah dad badan oo reer miyi ah ayaana ka helin sheekooyinka reer magaalka tusaale ahaan mid ayaa ii sheegaya in uu nin marqaansani habeen bannaanka u baxay dabadeedna uu la fadhiistay RI ari-carbeed ah asigoo u maleeyo gabar, wuxuuna ku billaabay shukaansi oo ku yiri, " abbaayo maxaad iiga aammusantahay sow adiga kulama hadlayo,
ninkii asigoo ka quustay in lala
hadlo oo iska istaagi rabo ayaa wuxuu gabadha ku qaldayey u jawaabeen, yacni ridi, oo ku tiri
"macaaaaaaaaaaaaaaaaaaaac" markaas ayuu isku naxay oo meeshi isaga cararay,

haddaba waxaa jira dad aaney sheekadaanu macna u sameyneyn oon aqoon u lahayn marqaan IWM, ama sheekada dhanba ay la tahay sheeka caruureed, sidaas daraadeed waa in meeshaan la,isku weydaarsadaa sheekooyinka ka dhaca miyiga ama baaddiyaha, si loo abuuro kaftan iyo sheekooyin aanan hore loo maqlin maaddaama aanu ka daalnay kuwii reer magaalka.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cali

Unrecorded Date
beribaa nin aad iyo aad u xoog badnaa lagana cabsan jiray guuraday naag tabaryar oo iyada dhanba tif la moodo, waxaana dhacday inay naagtiisi iyo naag kale oo wax ka xoog badan ay is dagaaleen, waxaana baarka laga garaacay naagtiisi, habeenkaas ayadoo ooyneysa ayey guriga timid, habeenkii ku xigtana sidoo kale, ninkiina wuxuu u dacwooday naagtaas ninkii qabay oo u sheegay arrinta dhacaday iyo inuu naagta naagta uga celiyo, hase ahaatee dacwadiisi waxba umaysan tarin oo habeenkasta naagtiisi oo lasoo dilay ayaa u imaaneyso, yaab badanaa!
go,aan ayuuna ku gaaray inuu naagta soo dilyo laakiin aanan la,ogaan sababtoo ah nin naag la,dagaallamay waa ceeb. sidaas daraadeed wuxuu labbistay dharki naagtiisa wuxuuna aaday meel ay naaga badan buruunbur ku cayaarayaan waqtiguna waa habeen oo si fiican la,iskuma garan karo, markaas ayuu dhinaca ka istaagay naagti naagta ka soo dili jirtay oo meeshii ku cariiyey iyadiina waxay ku tiri "naa xagga iiga durug balaayo haku aragtee maxaa dhulka ballaaran kuu diiday". markaas ayuu asigoo naag iska dhigaya wejiguna u daboolanyahay ayuu indhaha candhuuf uga tufay,iyadii ma,eysan hubsan inay wuxu nin yihiin ee way kusoo boodday, markaas ayuu siduu feer ugu waday dhulka la dhigyey, naagihi kalana waxay ku qeylinayaan "war naagta naagta ka dhiciya, war naagta naagta ka dhiciya"

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

murtiile

Unrecorded Date
waryaa cali markaa rabtid in aad bulsho wax usheegtid waxa aad sheegeysid maskaxdaada ayaa lagu qiimeeyaa markaas kadib ayaa dadka loo sheegaaa ismadhahaayo nin weyn baatay dada ayaa ka kortay carabta waxay dhahdaaaa aljismu kabiir aqlu saqiir , marka mar dambo ppl haku soo qorin waxaano kale meesha

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Amir

Unrecorded Date
Waa sheeko aad u qiimo badan,

the man tried to help his wife without damaging his image

Thann you,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sadiq

Unrecorded Date
sxb.........cali siday kaanoqotay waxay waxaad soo qoraysid waabakadartee waxaan ku odhanlaa
doorka dambe kasoo fakar intaanad soo qorin
.......sababtoo ah dadbaa kaa eegaya..........
hayga xanaaqin sxb..............peace

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.