site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Laba Nin oo Gaajooday

SomaliNet Forum (Archive): Ila Qosol - Jokes: Archive (August 2000): Laba Nin oo Gaajooday
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Laba nin oo saaxiiba ahaa baa waxay ku noolaayeen (Jedah, Saudi) shaqo la'aan baa ku dhacday. Marka gaajo baa dhisay. Mid baa fikrad fiican ku soo dhacday mar kaas buu dooli(jiir) soo dishay jeebka buu gashtay. Wuxuu aaday Maqaayad. Markuu cunadii cunay buu yiri maraq (Fuud) ha la ii keeno. Markii lookeenay buu ku dhex riday dooligii (jiirkii). Wuxuu u yeeray ninkii maqaayada ka shaqeynayay wuxuu yiri fiiri waxaad ii keenteen markaas bay yaabeen oo dhaheen iska bax wax lacag ah kaama rabnee hana sheegin fadlan. Saaxiibkiis baa arkay ninkaa oo dharagsan oo dhal dhalaalayo wuxuu yiri saaxiib maanta see wax u jiraane. Kiibaa sheekadii u sheegay markaas baa kii baahnaa yiri walee way soconeysaa anigana inaan sameeyo waaye. Dooli (jiir) buu soo dishay markaas buu aaday maqaayad kale. Cuno buu dirsaday sifiican buu oga dhergay. Kabacdi buu maraq (fuud) dirsaday. Waxaa lagu yiri ma heyno maraq.looooooool. Intuu istaagay oo dooligii jeebka ka soo bixiyay buu yiri kan(dooligaan) maxaan ku sameynayaa. looooooool.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

bidixle

Unrecorded Date
walaahi walaal aad iyaan ugu qoslay waad mahadsatahay,

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.