site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

NINKII BEENTIISU HODDEY!

SomaliNet Forum (Archive): Ila Qosol - Jokes: Archive (August 2000): NINKII BEENTIISU HODDEY!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

buubi

Wednesday, July 12, 2000 - 12:39 am
Qiso Dhab ah!!

Waxaa jirey nin, ninkaasi wuxuu caan ku ahaa inuu soo ogaado meel alle iyo meeshii sab ay ka jirto magaalada. Ninkaasi arrinkiisa waxaa ogaaday magaaladii oo dhan intii sabta xiisaynaysay iyo ciyaalkii, Jimcaha markii laga baxo ayuunbaa la eegtaa ninkaasi meesha uu u dhaqaaqay, dabadeedna meesha uu aado ayaa loo wada dareeraa si sabta loogala qayb-qaato.

Jumce ayaa waxaa dhacday inuu ninkii soo ogaaday reero sab qaba, laakiin waa reero iska dan yar ah oon dadkoo dhan sab ku deeqi karin.

Markii jumcihii laga baxay ayuu ninkii u dhaqaaqay goobtii sabtu ka jirtay, haseyeeshee dadkii iyo ciyaalkii magaalada ayaa sidii caadadu ahayd daba galay. Markuu arkay dadkii oo daba socda ayuu is yiri been u sheeg si aad keligaa sabta u aaddo, dabadeedna intuu istaagey ayuu dadkii ku yiri "sabtu waxay ka jirtaa gurigii reer hebel" oo been ah, hase yeeshee dadkii oo ninkaa ku bartay inuu sabta sheego halka ay ka jirto ayaa hal-mar gadaal u jeestay oo aaday goobtii uu u tilmaamay. Ninkii ayaa markuu arkay dadka tirabadnidiisa ayuu is yiri armay run tahay oo gurigaasba sabtu ka jirtaa, markaasuu inta is hayn waayey dadkii daba galay.

Halkaas ayaa isagii iyo dadkiiba qadadii ku seegtay!!!

hihihhuhuhuhuh

Waa qiso dhab ah, dad badanna ninkaa waa yaqaanaan!

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.