site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Dhibaatada qurbaha ka taagan

SomaliNet Forum (Archive): Ila Qosol - Jokes: Archive (August 2000): Dhibaatada qurbaha ka taagan
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Amran

Saturday, August 05, 2000 - 07:10 am
Islaan soomaaliyeed oo joogta waddan yurubta ka tirsan ayaa waxaa ka dhacay kaarkeedii(I.D.)ga kadib waxay u tagtay ninkii social workerka u ahaa oo u dhiibtay si loogu soo cusboonaysiiyo,maalintii ku xigtay ayaa nin tuug ah ka soo baxsaday askar qabatay,ninkii waxaa lagu tuhmay in uu ku dhuumanayo xaafadihii islaantu daaaganayd ,markaas ayuu gurigii islaanta askari garaacay oo uu damcay in uu islaantaa u digo,islaantii ayaa albaabkii furtay oo aragtay ninka askariga ah markaas ayuu ku yidhi inta tusay kaarkiisii waxaan ahay askari-hebel waxaan kaaga digayaa nin tuug ah oo soo galay eariyadaadan,islaantii inta ka qaaday kaarkiisii oo tiri mahadsanid(oo ahayd kalmada kaliya ee ay ka taqaanay luqadaas)ayay albaabkeedii xiratay,ninkii askarigii wuu yaabay oo inta ciidan kale dalbaday yiri waxaan filayaa in ay islaantani qarinayso tuugii,askartii inta ku jabiyeen albaabkii ayay islaantii qori ku qabteen oo dhaheen maye ninkii,islaantii markay arkeen inay naxsan tahay ayna afka garanaynin ayay u waceen turjumaan,markaas ayay islaantii u sheegtay in ay u malaysay kaarkeedii ka dhacay in uu u soo cusboonaysiiyay....maka naxdeen mise ku qososheen..

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.