site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Masayrkii ragga :)

SomaliNet Forum (Archive): Ila Qosol - Jokes: Archive (August 2000): Masayrkii ragga :)
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdifatah

Sunday, August 06, 2000 - 11:48 pm
Qisadan aan idiinka sheekenaya way dhacday waana dhab...

Reer meel wada yaal oo is qaba ayaa bari u dhawaa masaajid.
masaajidkaa nin cod macaan ayaa ka eedaama, gabadhiina ninkeedi waxay ku washay alla macanow wiilkaasu adimaad wacanaa:)
dabeetana ninkii ayaa shakiyey,,oo is yidhi gabadhaadiiba wadaadka aya u tashayday:)
markaasu, maalin maal maha ka mid ah, intu tagay masaajidkii ayuu mid yar soo diray oo u ku yidhi ,gabadha halkaa degen waxaad ku tidhaahdaa mu'adinka masaajidka ayaa ku doonayaa si deg deg ah u kaalay., alla markaasay soo carartay ,,oo ay u timi.
"""hada oogada waa ninkii oo iska dhigaya wadaadkii ee""


markay saas uugu timi ayu bahal budh ah kala soo baxay khamiiskiisa hoostii oo uu knock out kaga dhigay gabadhii..

subax dii danbe ayuu eedamay wadaadkii,,markaasu ninkii ayaa yidhi..allah wadaadku cod macaana:)

markaasay tidhi gabadhii!!!aha war bilayadu codna ma leh ee WAXAABA LA LAHAA DUMARKA AYUU LAAYA:))))

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, September 06, 2000 - 03:17 am
looooooooooooool

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, September 07, 2000 - 03:40 pm
waxaan uu maleenayaa adiga iin aad kahelan wadaadada.
but at the other hund i gues its just a joke.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abwaan

Saturday, October 07, 2000 - 05:51 am
gabaygii laga sameeyey wuxuu ahaa

Gabaygani wuxuu ku saabsanyay naag marwo ah Cawrala la yidhaa oo uu qabo nin la yidhaa Caydiid, isla markaan jeclaanaysa nin kale oo magaciisa la yidhaa Cigaal, Cigaal waa nin wadaad ah oo ka eedaama masaajid ku dhawo Cawrala & Cadiid gurigooda, Habeenkii markay reerku cashaynayaan iyo waxaa isku beegma eedaanka cishaayiga oo uu ku dhufto Cigaal, Cawrali markay maqasho eedaanka ayay had iyo jeer tidhaahdaa WAAKAA WADAADKII EEDAAMAY AFKU-KUMAGO,OOOOOOOOOO, Cawrala odaygeedii Caydiid wuu shakiyay markaa, markay Cawrali afka ka dhigiwayday Cigaal hadalhayntiisa, markaa wuxuu goostay inuu isagasoo dhigo Cigaal oo uu tijaabiyo waxay samayso, sidan ayaanay u dhacday arintii oo gabaygii ku bilaabmay.
Sheekh caalimoo..cibaadasta
oo codwanaagsanaa....
Oo cinda allaahu iyo
u adima cabsida.......
.Ayaa Cawraloo, Caydiid qabaa..
Waligeed Cigaal
Caynaan Jeclayd.
Caydiid ku garay,
Colka reerka galay
inuu yahay Cigaal.....
Cashadii danbuu,
soo cumaamatoo...
.Isagoon laga garan Cigaal,
Cawrala hormaray....
Coog coogtayaa(cawrali),
cidhba joogsataa...
Camalkay lahayd,
ma cadaynkartee....
Kuye culama awdiin,
cudur baa ihayee
cashar maa ii dhigtaan..
.Uu ku yidhi cabdow,
casharada dawada
aan wada cabnee,
adna dhiisha culo....
.Ana ceejiyuu
ciil beeliyaa,
maruun ha ii cuskado..
.Ay tidhi cakuye,
cawo badaniyaa,
caawiye halkee???.....
.Cayniga raha
cidhifkiisa bari
waa inoo cishaha...
.Iyadoo carfiyo,
Cidi-uunsiyo,
cuud shidataybay...
.cawayskii u timi
col u galay halkii....
.dhangad caaradeed
ciil loola qabay
ayaa Cawrala ku dhacay...
.Ceebtii dhacduu
Caydiid ogyee..
.Cawayskii danbuu,
Cawrala ku yidh.....
.Waakaa Cigaal,
Caawana adimee,
cod wanaagsanaa.....
Aytidhi cakuye
codwanaagna daa...
.Waar dumarkuu Cishaha
Caynta u galaa.
waa caashaqii CAWRALA & CIGAAL

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.