site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Macawuusta uga bixi dabada. (QISO DHAB AH OO DHACDEY)

SomaliNet Forum (Archive): Ila Qosol - Jokes: Archive (Before Sept. 29, 2000): Macawuusta uga bixi dabada. (QISO DHAB AH OO DHACDEY)
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Lee

Sunday, August 20, 2000 - 05:57 am
Dugsi qoraan ayada oo lajoogo maalin casar gaabad ah ayaa macalinkii dugsiga asagoo salaada casar u degdegsan uu ku yiri ardeydiisii hala sii wado subciska, anigu salaada ayaan iska bixinayaa.

Wadaadkii salaadii buu xirtay oo bilaabey,mar ala markii uu rakuucay ayaa macawuusta dabada ka gashey oo ileen hadii aadan kastuumo ama nigis aadan qabin waa sidaa, oo macalinku maalinkaa muusan wadan .

Hadaba dugsiley waxaa ku dhexjira ardey aad u dhib badan , mid ardeydaa ka mid ah ayaa waxuu bilaabey in uu ku qoslo macalinka markaasaa ardeydii isweydiisey waxa uu ku qoslayo markaasuu yiri macalinka dabadiisa eega , ardeydii oo dhan baa qososhey oo la sii eegey macalin kii.

Ardey ardadii ka mid ah oo xishood badan macalinkana ka baqa ayaa foolxumadaa fiirsan waayey markaasuu macalinkii macawuustiisii soo dhuftay si ay dabada uga baxdo, nasiibwanaag macawuustii kama furan macalinka oo waa ay u hagaagtay, ardeydiina qosolkii halkaa ku joojiyey, balse maxaa ka danbeeyey.

Midkale oo fadaro ah oo ardeyda ka mid ah ayaa waxuu ku yiri wiilkii macawuusta ka saarey dabada war miyaad waalatay macawuusta in aydabada gasho salaada ayay ku jirtaa ee maxaa macalinka kuu geeyey oo aad salaada uga qaseysaa , e inta aan lagu dilin meesheedii ku celi macawuusta, ardeygii kama fiirsanine waxaa u darneyd in la dilo, waxuu bilaabey in uu macawuustii uu meesheedii ku celiyo asagoo fartiisa ku riixayo macalinka dabadiisa balse taasi weysuura geli weydey oo dhaqso macawuustii uma gelin , ardeygiina isma dhiibine waa uu wadey ila uu macalin dhaafo saligii si uu hadba usiqanayay marba markey fartu dabadiisu taabato.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sabrina

Thursday, August 24, 2000 - 04:41 pm
lol lol lol man u so funny really u make me laugh send wax badan soo dir so i can learn from u, walaahi ilaa hada waan qoslayaa lol lol lol,;;lollllllllll

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ILYAAS

Friday, August 25, 2000 - 01:03 pm
Sanrina


walashiis maxaa ku qososhayna bisinkee wax lagu qoslo muu sheegay bacoogaas LEE la baxay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Raageh

Sunday, August 27, 2000 - 07:51 am
Waar waxaasoo kale waa sheeko aad rakhiis u ah, wax lagu qoslana ma aha ee yaan sharafta macalimiinta dadka diinta barta la dhaawicin oo dhalinyarooy is ilaaliya

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hanna

Tuesday, August 29, 2000 - 11:32 pm
Lee anaaba joogay markii ay arin taasi dhacday
oo qiso funny ah ayey ahayd waad ku mahadsantahay sida aad ii soo xasuusisay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nesreen

Wednesday, August 30, 2000 - 07:26 pm
i agree with raageh, i don't think it was good . and we shouldn't make jokes like that i mean come on there are other poeple to pick on them but not on releigious people.
bye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, September 02, 2000 - 03:35 pm
THERE IS NOTHING, I REPEAT NOTHING FUNY ABOUT THIS JOKE, AS MATTER FACT IT WAS SO FUNY I FORGOT TO LOUGH, IF U DONT HAVE FUNY STORY DONT POST IT PLEASE.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cabdi yare

Sunday, September 03, 2000 - 11:46 am
TO=LEE

SAAXIIBOOW WALAAHI WAAD IGA QOSLI SIISAY,MARKASTOO AAN SHEEKADAADA SOO XASUUSTABA QOSAL AYAAN LADHACAA,wabaaaaaac Wabaaaaaaaaac.

SAAXIIBOOW DADKAAN WARKOODA HA UBIXINE EE NOOSOODAA HADII AAD HEYSID KUWO KALE OO QOSOL BADAN,
WAADNA MAHADSANTAHAY

by cabdi yare

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KHAYR SHEEG

Sunday, September 03, 2000 - 09:21 pm
Qof Damqada ma nagu jiro?, dulligaan ka daafaca, diintii macaaneyd, ila qosolta uga diga.

Walaalayaal guri walba waxa uu leeyahay irrid laga galo, waana lagama maarmaan in la barto sidii lagu geli lahaa irridaas.
Ogaadana meelkasta oo la joogo diinta Islaamka in lala diriro oo shabaq loo daadiyo ayaa lagu heshiis yahay, waxaana ka sii daran in laguu adeegsanayo mid adiga kula dhashay (haddii uu og yahayna waa wareer) (haddii uusan ogeyna Allaah ha u danbi dhaafo, laakiin waa in uu qof feejigan yahay oo uu aad uga taxadaro in diinta islaamka xaggiisa laga dumiyo)
Arartaydu waxa ay ku saabsan tahay Macalinka diinta baraya ardada iyo sida loo ihaaneeyey oo ila qosol macno darro ah loogu kor allifey.

Walaalayaal ixtiraamka ugu horreeya waxaa iska leh kuwa dadka baraya Diinta Rabbigii idiin abuuray in aad isaga caabudaan.

Iska ilaaliya waxyaabahaan oo kale waa tijaabooyin la idinku fiirinayo heerka ra'yigiinu taagan yahay, sida aan ku tuhmayo mid ku soo qoray Forumkaan (waxaan ahay... wax aan afka la soo marin karin) iyaduna waa tijaabo la idinku fiirinayo heerka uu gaarsiisan yahay Temper-kiinu.

Walaalkiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

fay

Tuesday, September 05, 2000 - 06:44 pm
Fay-to-Lee
I believe you are very very ignorant,stubbed,and very kid. I believe U need to learn what joke is. there is nothing to laugh bout kids playing on their teacher. they are just kids and they did not know what they were doing. And you were just like them when you posted this joke. But to be honesty I laugh when I read this joke not because it was a great joke, but it made me think how U lee wou be one of them

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

nasteex

Wednesday, September 06, 2000 - 06:07 am
waa yaab gabdho xishood dhigay oo doqonkaa sheeka niicdiisa ka helaa.
Ka feker Liigoow in salaada ALLAAH iyo macalinka quraanku aysan mudnayn hadal niica oo kaasoo kale ah in aad ka alifto.xisho oo wax iskula hadh.
be careful next time and say astaqfirullaah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, September 07, 2000 - 07:29 am
waxaan daganahay Mannisota,Saint Paul.1st year of collage wixii fun ah ama education ku saabsan ila soo xiriira.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

samawado

Thursday, September 07, 2000 - 12:22 pm
samawado waxaa layaaba sida gabdhihii soomaaliyeed ugatageen xishoodkii; naawalaaliyaal usoonoqda xishoodkiinii.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

shaafici

Saturday, September 23, 2000 - 06:26 pm
lol@@@@@@@ walaahi sxb waaad iga qosli siisay that was relly funny..war sxb midkale hadaa heeyso noosoo sheeeg sxb thanks for ur shekadaadiiiii lol@@@@@@@@@@

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sunka

Sunday, September 24, 2000 - 11:24 am
Those people who feel this is not funny joke ,
I'm sure they have never been a "Dugsi Bacaad"
I started laughing before I finish the topic !!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

saamiya

Monday, September 25, 2000 - 03:26 pm
walahi sheko qosol ayaa noo sheegtay waligey wax
ka qosol badan ma arkin u make my day thnks lol
very funny

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

texasboy

Monday, September 25, 2000 - 04:38 pm
man i feel the same way as sunka does.
you ppl who criticise evry jokes.
i just think it was hilarios thanks for making
as laugh bro.
trust all these kids never went to ;dugsi bacaad;


texasboy,,,,,dirty south,,,,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, September 27, 2000 - 12:32 pm
Maba aha inaad ka hadshaan wax daba raga iyo dumarka midna ku saabsan waana anshax xumo balse aniguba waan qoslay. Aan ku qosolo wax kale oo ann dabada ahayn, Let us not talk about the •••• and the bump bump. we are not qoomu Luud. Keep the joke but make it nicer than this and plolite.

Thank you my brs and sis

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Haa

Thursday, September 28, 2000 - 09:06 am
22222@@@@####$$$$ aad ayay kugudaadatay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SULTANA

Friday, September 29, 2000 - 01:45 pm
VERY VERY FUNYYY LOOOL...LOL. OOH MAN U ARE SO FUNNY I CAME TODAY WITH A SAD FACE AND A LOT OF PROBLEM IN MY MIND BUT U MADE MY DAY WALAALKIS FORGET ABOUT THOSE PEOPLE THEY DONT HAVE AN IDEA ABOUT WHATS FUNNY AND WHATS NOT, SO KEEP UP THE GOOD WORK.....IM STILL LAUGHING LOL.LOL.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sahra

Friday, October 06, 2000 - 11:48 pm
walaalyaal diinta yaa la fara galin(( ee axmaqaas lee waa nin wareersan??

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, October 26, 2000 - 01:01 am
war walaahi waxaad ku hadashey waa wax laga xishoodo ee nin yohow isku xishood oo ilaahey kabaq waxaasoo kaleetona mar danbe haqorin
waad i fahantey sow maaha sidaas iyo wasalama caleykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

owkuuku

Monday, November 13, 2000 - 01:06 am
ninyahow, waxan mesha olin loma bahna adna,
saxibow markey socoto sheko sidanó kale fikrad ka dhibo, lakin DIN IYO MESHA HA KENI.
nin meshanan la yabanahay adna waa ka sii dartay, kulahaa macalinkeyga macawista ka dhacday, oo kastumo ma wadan. Waxas sheko miya mise wax qosol leh. adna waxaad ledahay saxib guru walba uga diga iyo sheko raqiis ah aad mesha la timiid ee kala dhex bax dadka JAW JAW ISKA QABTA WIXI QALDAN OO DHAN sida iyo nabad galyo.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.