site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

SIDUU KUU GALAY KHAYR HA KUU GALO ! ! !

SomaliNet Forum (Archive): Ila Qosol - Jokes: Archive (Before Oct. 29, 2000): SIDUU KUU GALAY KHAYR HA KUU GALO ! ! !
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xayran

Sunday, October 01, 2000 - 07:28 am
Sheeko gaaban;

Berri aan ad u dheerayn ayaa gabadh gashaanti ahi xanuusatay oo loogu yeedhay Sheekh dabiiba oo dawo u qora!
Kadib markii loo caal waayay waxa gabadha hayaa ayuu sheekhii gabadhii u sheegay oo yidhi;
Gabadhyahay dawadaadii kitaabka ka baadhay, meelkasana eegay waxa kaliya oo ay dawdaadu noqotay in aynu dhinac kale uga wareegno oo aan kuu qoro dawo qiimo badan! Gabadhii yaabtay oo tidhi ii sheeg Sheekh dawadaas.
Sheekhii wuxu ugu jawaabay sidan:
Waxay dawadaadu noqotay guska afkiisa hore(dhalfo)in aynu bal dawo ka doono.lollololo.
Gabadhii yeeshay oo tidhi dee sheekh igu eegtaaba. Wadaadka markii horeba nafbaa haysaye gabadhii shaqo la yaqaano ka qabay.Waxay ogaatay in uu walaaadku raxaayasanaayo oo uu hore usii socdo, markaasay tidhi Sheekh waa sidee sownagii isku ogayn inta hore oo kaliya ayuunbaan u baahnaa!
Sheekhii oo dhididsan ayaa ugu jawaabay sidan;
ii aamus SIDUU KUU GALAY KHAYR HAKUU GALO E.

Akhriste ma u malaynaysaa in dumarku sidaa u cali xunyihiin?


Xayran

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dansiye

Sunday, October 01, 2000 - 08:30 am
spectacular!!waaa sheeko aad u layaab leh oo hadana qosol badan oo xikmad ku jirto...waan ku qoslay runtiii halkaa ka wad xaajow...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

OtawwasRuffRydette

Sunday, October 01, 2000 - 10:33 am
sheekow bal kalay anigana ii dhawee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

OtawwasRuffRydette

Sunday, October 01, 2000 - 10:33 am
sheekow bal kalay anigana ii dhawee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sahan Qaaid

Sunday, October 01, 2000 - 08:29 pm
Dadyowga halkan ku haasawayaan la hadlayaa. dulucda hadalkiinnu ma gole fadhi baa ? ma goob ciyaareed baa ? ma gudoodi shukaansi baa ? ma gugoo da'ay dhaantadii baa ? ma googaalysi ujeedda laa ? ma calool giigsan gufaaceed baa ? ma gardarro iyo guul baa ? ma galalaw micno la'aan baa?

Raalli iga ahaada haddaan goobta garan waayay waa markii iigu horreysay oo aan wax ku soo qoro SomaliNet.
Nin durbaan tumay sacab dalbay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Keyse

Monday, October 02, 2000 - 02:36 am
Nin yohow dumarku ma caqli xuma waxaana ku jira kuwo raga ka qiimo badan iyo doqonkaas aad tahay, culimadana intaad leedahay wax ka qosli ha u gefin.

hadaad aaminsanatahay in dumarku caqli xunyihiin HOOYADAA AYAA KA KOW AH hadaad diididna yaad hooyadiis caqlixumo kaga tilmaami

naga aamus caana nuug yohow

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Amran

Tuesday, October 03, 2000 - 02:47 am
macalinka waa kugu kacday haye, markaasaad sheekadan naf ka deyeysaa?
waa kuu naxaa waayo waxaan wax ka taqaanaa
meesha aad geedkaaga gelin lahaayd ee noloshaada macno u yeel!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AWsuufi

Tuesday, October 03, 2000 - 06:37 am
hahahahahahahahahahhahah WAR KILYAHA AYAA II XANUUNAY AR XUU YIRI SIDUU KUU GALAY KHEER HAKUU GALO BALAAYO KU KASHAY DHEHHHHH


WAR NINKAN YAAN LAGU XANAAQIN SHEEGADAN OO KALE SI RASMI AYEY SOMALIYA KAGA DHICI JIRTAY SABAB TOO AH ISLAAMAHA QALIIFIINTA AYEY AAD U AAMINSANAAYEN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, October 03, 2000 - 07:48 am
Ugu horayntii waxaan salaan guud u soo ljeedinayaa dadka fikadohooda halkan ka dhiibtay (sOOMAALIDU WAXAY KU MAH MAAH DAA ( Af geel qodax kama Boqo Af jaahilna eray kama Xishoodo )

run ahaantii markii aan akhrinay qiso ku sheegaan ninkani soo qoray aad ayaan uga naxnay waayo waxay gaf wayn u tahay 2qolo oo nolosha aadamiga laf dhabar u ah 1) Dumarka oo ah hooyadii dhashay walaashiis IWL
2) Culimada oo ah ku wii diinta nasoo gaarsiiyay
ha daba haddii jaahilkaasi uu xilo qabay way ka furmaan haddii uusan ahayn kuwa wata diinta looyaqaano 1991

hadaba u fiirsoo waxaa layiri war aan loo fiirsan iyo caano aan fiiqsi loo dhamin labaduba feeraha ayay wax u dhibaan haddii aan feerahaagu ahayn fero dameer

your Brother in Islam Mohammed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, October 05, 2000 - 03:18 am
xayranow sheekadan gaaban ee aad sheektey waa sheeko majaajileed, marka akhristayaasha waxaan arkey iqaar ka mid ah ay aad iyo aad uga xanaaqeen laakiin waxba ha xanaaqinana waa caddahay inesan aheyn wax dhacay laakiin wadaadku waa kulu laadee ragga ag joogow wax la raadiya.
by.norwey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xayraan

Thursday, October 05, 2000 - 02:04 pm
Marka hore aad iyo aad ayaan uga xumahay aniga oo ah ninkii sheekadan soo qoray. Wallaalo yaal khaasatan dumarka, uma aanan jeedin dumarka somaliyeed in aan afxumo u geyso. Sheekadani waxay ahay sheeko berri hore nin baadiye nooga yimid iiga sheekeeyey aad iya aad baanan uga xumahay in aad u qaadateen in aa rabo aflagaado aan ula jeedo dumarka wallaalohay ee somaliyeed. Waxay ilahayd aniga markii lay sheegay sheekadan sheeko qosol qosol ah, laakiin wallaaloyaal mar hadii aad xumaan u qaadoteen iga raali ahaada wixii qof dhibaataynayo (IS NOT A FUNNY).

Markale gabadhaha somaliyeed ee shakadani dhibtay raali ha iga ahaadeen.
Waxa la yiri nin aan hal seegin habari ma dhaline.

sidaa iyo Nabadgalyo
Xayraan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SomaliWomen

Monday, October 09, 2000 - 12:44 am
xayran!!
U should be ashamed of u!!!
Talking like that about us women. It's propebly u feel u have 2 lie to get anything. coz, no women want's u!!
Just coz u'r stupid doesn't make averyone stupid.
Wax yahoow galtiga ah, ma u maleenee in dumarka saas u aqli yaryihiin?? Wax soobarro horta.

SomaliWoman!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

WuDog

Monday, October 09, 2000 - 01:08 am
Woryaa! Xayran!! Sheekada waa mid qosol badan,lakiinse hoosta ayaad ka kharibtay.
Not Hoosta naagaha,but Hoosta sheekada.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FUNNY

Monday, October 09, 2000 - 09:34 pm
YO EVERYONE BACK OFF, THIS STORY WAS AWESOME, SH#T U CRACKED ME UP BROTHER, WE ALL KNOW OUR SIS AINT STUPID, BUT THERE WERE STUPID BACK IN THE OLD DAYS.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

YAABANE

Monday, October 09, 2000 - 10:12 pm
Waxaa wax aad u xunah caqli darana kuu ah inaad danbi gasho adoo dad ka qosli isleh. Waxaa taas kasii daran adoo danbigaad gashay qaarna qirtay qaarna kusii indha adag oo qaybna raali galain ka bixiyey qaybna ka aamusay.
Heeeey XAYRAAN Gabdhaha somaliyeed waad u gaftay waadna qiratay raali galina waad bixisay waa sax wa lagafaa waana laga noqdaa. Ee ma hilmaantay Culimada somaliyeed eed u gaftay inaad raali galiso, mase ogtahay in hooyadaa iyo aabahaa nin sheekha isku meheriyey xalaalna sidaas isugu noqdeen waaba haday ku dhaleen waalid saxa.
SXB waa inaad raali galain buuxda bixisaa aadan u noqon dhaqan xumadaas oo akala waxaana kaaga mahad celinayaa sidaad u garatayba inaad khaldantay waayo intaasaaba wax wayn ah ( gaal dil gartiisana sii)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NADIIRA

Saturday, October 14, 2000 - 10:33 pm
XAYRAANOW DUMARKA SOOMAALIYEED AYAAD CAQLI XUMO KU SHEEGAYSAAYE DHEGAYSO DOQONKII NINKA AHAA WUXUU SAMEEYEY.WAXAA JIRTEY GABADH AAN LA QABIN OO AAD U KIBIR BADAN MAALIN MAALMAHA KAMID AH AYEY KU KACDAY SIDA XAYRAAN OO KALE WAXAY U YEEDHAY MID DOQONA OO AAN WALIGII WAXBA SAMEYN KIIBEY KA FARO QABSATAY.SUBAXNIMADII AYAA REERIHII OO DHAN GUUREEN SI MEEL KALE LOO DAGO ILEEN MEESHU WAA BAADIYE MARBA MEESHII U BARWAAQO BADAN AYEY DAGAAN INTII SA GUURAYNAYEY OO DHAN DOQONKII INTUU MARBA DHINAC KA SOO MARO AYUU KU DHAHAA NAA WALAAL KU SOO RID WIXII MACAANAA MARKAY NAFTII U YAABTAY EE AY KA BAQDAY INUU DADKA U SHEEGO AYEY KU TIRI WARYAA WAXAAN KAGA SOO GOORAY GEEDKA GABIGIISIIBA XAAFADAAN KA SOO GUURNAY.KA DIB WUXUU WAYDIIYEY XAGAY KA DHIGTAY WAXAY U TILMAANTAY MEEL GOD AH OO GURIGOODII HORE DHINACIISAA .HALKIIBUU KA LUGEEYEY MARKAASUU SUU GODKII DULTAGEY OO UU GEEDKIISI KU RITAY GODKA WAXAA KU JIRTAY ABEESO ISLA MARKIIBA WAY QANIINTAY DOQONKII MA FAHMIN WAXA HAYSTEE INTUU MARBA KU CESHTO AYUU KU CELCELIYAA ALA XALAY WAY MACAANEYDE TA DHARAARTU MA SIDANEY U KULUSHAHAY ILAA UU KA DHINTEY.
XAYRAAN MA U MALAYNAYSAA IN RAGU SIDAA U CAQLI XUNYIHIIN.
NADIIRA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

haji-xaaraan

Sunday, October 15, 2000 - 02:44 am
looooooooooooooooooool hahahahah nadiira war saa hanoo galin, raga saa uma caqli darnee laakiin doqonka muu iska fiiriyo waxa godka ku jira intuusan la galin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xx.w

Thursday, October 19, 2000 - 11:03 pm
waad salamaanatihiin dhamaan marka hore.
bacda salaan, wax aad meesha ku haysaan yaaba iska yare ina kala kexeeya. sidaa iyomnabad galyo.
peace

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dino

Saturday, October 21, 2000 - 08:00 am
Nadiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiira
hahahahahahahahahahahahahahahahahahahahahahahaha
am speech less....oh my God. Nadiira...sistah good answer....walaahi meesha aad ka soo qabatay anaa ka baqay..hehehehehehehehehehehehehehehehehehehe
bahalkaa xun ee aan godkasta la raadinaynaa inuu abeeso afka naga galinayo waan ogaa.....
lol@@@@@@@@@@@@@@@@@@ nadiira Good joke sis am copying and telling my friends about this.
May Allaah bless you Dear Sista Nadiira.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NADIIRA

Sunday, October 22, 2000 - 09:29 pm
TO DINO WAAD MAHADSANTAHAY WALAAL
TO XAYRAAN XAGEED KA DHACDEY INAADEER MA AFKIIBAA JUUQDA GABAY.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xayraan

Monday, October 23, 2000 - 02:14 am
TO: all the ladies;

Gabdhayohow horta raali ayaad iga ahaan doontaan, sheeko danbena oo gabdho ku saabsan halkan ma rabbo inaan ku soo qaado, laakiin sowdikan iga daray maaha? Khalad, khalad kale laguma saxaro gabadhahay. Hadda ragii ayaad caqli xumo ku caydeen sow maaha?

lolllllllllllll. Ilaahay aynu ka cabsano dhamaanten.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Midhifla

Tuesday, October 24, 2000 - 07:22 am
hello ppl.

Sheekooy sheeko,

Nin mirqaansan oo rag badan oo saaxiibadii ah dhex jooga ayaa magaalada hargeesa arkay naag uur leh markaasuu yidhi "waar bal taa eega Allah maxay dharagtay Calool waynaa" nin marqaansana wax ka hadal dhaadheer ileen way maqashay,

Intay u timiday iyadoo cadho ayay tidhi calooshayda wayn dee waa la I wasee adigana kuwani mid ha waso.
Bal rag caqligooda ka warama?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Heykal

Wednesday, November 01, 2000 - 04:56 am
waa salaamantihiin dhamaantiin horta intiina meesha ku jirto aa iniii su,aalo waa yaabanahayee gabdhaha sanadkaan joogo dhalasho badana labo mar mee dhasheen waayaabee ani, walaahi sheeko igu dhacday waaye gaba ayaan is baranay ilaa mudo ayaana saaxiib eheen laakin waxay ii sheegtay maan maalmaha kamid ah inay dhalasho leedahay maalin indhaha isku qabtay waa toosiyay 6 maka sowareegan dhalashaa leeyahay bay iti mar labaad waa idaartay hadana maka qaxaa dhalashada sadaxaad intaan lagaarin mise see niila tahay iisoo sheega lol

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kuunyo baroow

Sunday, December 17, 2000 - 10:03 am
sheekada xayraan waa sheeko ku caana soomaaliya meela badan waana sheeko qosol qosol hadii aad ka xumaateen wuu idin raali galiyey qaladkiisiina wuu qirtay ka aqbala. allena halaga baqo dambigana ha layska dhowro

mida kale kale gabadh uun ma saamayso wadaado ayaa ayana lagu xusay sheekada markaa dumar iyo wadaadoba raali ahaada waa sheeko waa hore la yidhiye

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.