site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Ragga iyo dumarku ma simann yihiin ?

SomaliNet Forum (Archive): Ila Qosol - Jokes: Archive (Before Oct. 29, 2000): Ragga iyo dumarku ma simann yihiin ?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Fiidmeer

Sunday, October 08, 2000 - 05:46 am
Horta waad salaamantihiin dhamaan dadka akhristayaasha ah ee halkan raba in ay iyaguna fikrad ka dhiibtaan.
Hadii aan u soo noqdo fikrada somalidu ka qabto gaar ahaan raggu, dhamaan dumarkeena somalida ah oo aynu badankeenu u haysano in ay inaga hooseeyaan. Ragg badan oo aan anigu ku jiro ayaa fikradaas qabay oo islahaa dumarku xoog ay wax ku qaadi karaan malaha, fikrad ay dad ku maamuli karaana ma leh (waana naag oo in loo taliyo ayuunbay ku fiicantahay)!
Anigu runtii ma qabo in dumarku ragga la MAGG yihiin kolkay noqoto xoolo, sidaynu wada onahayna ragga magtoodo waa 100, dumarkana waa 50.
Laakiin saxiibayaal taasi kama dhigna dumarku way inaga hooseeyaan (less human ). Anigu waxaaban qaabaa wey inaga biliaadansanihin marwalba!
Waxaanan kuu hayaa arimahan soo socda.
- Dalkii somaliya la odhan jiray waxa baabiyay
Rag uu u horeeyo SIYAAD BARRE.
(somalidu waligeed ma aysan yeelan gabdh wax
xukunta oo madaxweyne inoo noqota)
-Markii dalkii burburay dumarku maaha kuwa
dadk dhaca ee qoryaha wax ku doonaya
( And beleive me they could do it )

-Dumarku mooryaan ma noqdaan wax kasta oo dhaca
(dayday)

-Markii ragga badankiisu dagaal ku dhinteen
dumarka oo qudha ayaa caruurtooda u shaqaysta.
(Marnaba arki maysid marwo maqaaxi hadal ka
wada oo ku doodaysa qabiilkayga ayaa idinka
wanaagsan! )

-Dumarku marka dagaal dhaco dadka kama oohiyaane
way u ooyaan.

-Dumarka badankiisu qaadka (jaadka ) ma cunaan
reerkooda oo u baahan lacagta aynu siisano
bahalkan laynagu falay.
-Shirka Djabouti kuwa la kari la yahay ee raba
inay wax xukumaan dumarba kuma jiraan

Hadii aan arintii soo gabagabeeyo marnaba dhaqankeena somaliyeed ku arki maysid gabadh dhibaato wadda, kolkaa maxaad kaga fiicantahay ee aynu ku faanaynaa hadii aynu ragg nahay?

Waad ii jawaabi kartaa fikradayda adiga oo aan cayamin oo dhibaatona keenin.
waanad igu sheegikartaa inaan xaggga dumarka u yarra janjeedho. lollllllllllllllll.

sidaa iyo nabad-galyo
Fiidmeer

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.