site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

TUUG LA QABTAY

SomaliNet Forum (Archive): Ila Qosol - Jokes: Archive (Before Oct. 29, 2000): TUUG LA QABTAY
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

juri juri

Monday, October 09, 2000 - 11:05 am
Nin tuug ah ayaa gaari xamar u soo socdey ka soo raacay meel,u dhaxaysa gaalkacyo iyo dhuusamareeb, gaariga waxaa saarnaa islaan buuran, maadaaba roob da`ayey ayuu garabka ku qabtay islaantii, markii aasku damay ayaa islaantii lulmo soo weerartay,waana iska seexatay,ninkii ayaa baaray shandad weeyn oo islaantu wadatey, wuxuu arkay jeeg afka ka xiran,markaasuu uriyey ,mise waxaa ka soo uray wax uu jecelyahay waa(oodkac,muqmad) markaasuu agtiisa soo dhigtay .nafta ayuu ka ceshtey,markuu dhergey ayuu daac-daacsadey,oo aayar meeshii ugu celiyey, mid bidaar-dheer oo agtiisa ka quurinayey,ayuu marada uga tir-tirtay si loogu maleeyo in kaasi oodkacii cunay. subaxdii ayaa duqdii toostay mise wey dareentay in xalay la galay!.qaylo dhaan ayeey afka labadi yeertey, gaarigii baa la joojiyey,markaasbaa la yiri;- waryaa duqda oodkaceedii ka cunay?.mid inkaar qabe ah ayaa soo boodey,markaasuu yiri( qof kasta gacanta halaga uriyo).saaxiibkaa tuug waa isku naxay,markii lagu yimid ayaa subagii laga uriyey gacantiisa oo la yiri (k a n b a a c u n a y). markaasuu yiri oo anigu waa jiifey ee yaa gacanteeyda iiga cunay oodkacan la sheegay?....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suban

Thursday, October 12, 2000 - 04:46 pm
that is good one juri juri LoL.
i have another one for tuug.

waxaa jiri jiray nin boqor ah oo beer lahaa, beer tiisa waxaa u dhici jiray dadka xafada u dhow,. Markaas baa boqorkii labo askari keeney kuna yiri " qof kii lagu qabto isaga oo beerteyda xadaya waa in wax alla wixii uu wato dabada laga galiyaa". markaas baa maalin waxaa beer tii u dhacay labo nin oo saxiibo ahaa, waxey na soo gurteen wax alla wixii berta kabaxey, markaas baa mid soo hor baxay , isaga oo la ordaya 5 banbeelmo iyo tufaax, iyo muus, markaas baa askarigii ku yiri "war sharciga boqorka soo saarey ma ' maqal miyaa" markaas buu nin kii yiri maya, then askarigii baa shacigii u sheegay, markaas buu nin kii qosal la dhacay,aaahhhhhaaahhalol. markaas baa askarigi yiri "war maxaad ku qoslaysaa ma'adigaa qosal kuu yaal, waxey aheyd in aad bar yoo tantid" markaas baa nin kii yiri"WAXAAN KU QOS LAYAA SAXIIB KEY WAXA UU SAMEEN DOONO MARKII LA QABTO, MAXAA YEELAY WUXUU SOO WATAA QARO WEYN" lol.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NAASIR

Sunday, October 15, 2000 - 03:31 pm
AAD BAAD U MAHADSAN TIHIIN LABADIINUBA SI AAD AH AYAAD IIGA QOSLISEEN SIIBA SUUBAN SI GAAR AH!

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.