site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Waxaan rabaa nin somaliyeed oo aad u maskax furan

SomaliNet Forum (Archive): e-pals - Isbarasho: Archive (Before Dec. 16, 2000): Waxaan rabaa nin somaliyeed oo aad u maskax furan
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ogbad

Sunday, October 22, 2000 - 08:22 pm
waxaan ahay gabadh somaliyeed oo 32jir tacliin sare leh , shaqaysa , oo raadinaysa nin somaliyedd oo diin leh , highly educated , maskax furan , dadaal iyo karti leh
hadaad tahay ninkaa igala soo xidhiid
ogbad_20@yahoo.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

garyaqaan

Monday, October 23, 2000 - 11:27 pm
to ogbaad
walaal marka hore salaan sida aad sheegtay ama aad doonayso waan ahay haday tahay diin ,dadaal maskax furan iyo dadaal badni,hada ma shaqeeyo balse wax baan bartaa,waxxanse ahay sida aad soo sheegtay wiil da,da aad soo sheegatay 2 sano kaa yar xagayga wax macno ah kama samaynayso balse magaranayo adiga sidaay kuula eeg tahay,hadii aan noqday´ama aad igu qanacsan tahay
waxaad igala soo xiriir kartaa (e mail- fuaad55@hotmail.com
waanad mahadsan tahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, November 07, 2000 - 07:04 am
Laakiin adigu ma maskax furantahay? hadii jawaabtu tahay haa ilaa intii baad miskaxdadu furanatahy ?
jawaab dagdag ah Oskar in Saud Arabia

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xaaax

Tuesday, November 07, 2000 - 08:00 am
ogabad..maxkax furnaan maxaa ka wadaa?........ virgin ma ahi maa rabtaa inuu qaato? ar hada waxaas waa laga baxey la iskuma xiro.....mise wax kale ayaa ujeedaa cadee?.......xageese ku nooshahay......east coast of US?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kaabuli

Tuesday, November 07, 2000 - 09:21 am
UGBAAD waad salaaman tahay .salaan ka bacdi . maan fahmin waxaad uga jeedo {nin aad u maskax furan}ma waxaad u jeedaa 1.inuu yahay nin aad adigu u talin karto oo aan waxba kugu diidahayn. 2.mise waxaad u jeeddaa inuu yahay nin u dhaqma sida reer galbeedka oo furfuran oo aan waxba diidin waxna kugu khilaafin . fadlan bal su,aalahaas ma ka jawaabi kartaa ..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

aa

Wednesday, November 08, 2000 - 02:21 am
well done kaabuli, about you remarkets towards the desparete girl who is looking Maskaxfurne>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>. Ilaahey ha usaaaahlo gabadha.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Maskaxfurane

Wednesday, November 08, 2000 - 03:01 am
Walaal aniga ayaa miskax furan oo weyn leh ee ma kula wadi karaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FREEMAN

Wednesday, November 08, 2000 - 03:14 am
Waxaan kuusheegayaa gabaryahay in ninwalba oo aduunka joogaa uu maskax furan yahay inkastaba ha kula ekaatee, laakiin in ay jirto maahmaaho leh"...... IL CERVELLO DELLE DONNE E`PROPORZIONALE ALL' APERTURA DELLE GAMBE" marka waxwalba oo aad baratay iyo shaqadaadu wax ay yihiin malaha hadii aadan lugaha kalafurin ee ogaawtaas!!!!
FREEMAN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, November 11, 2000 - 01:36 am
Sidaan hore u sheegay waxaan idhi nin diin leh cilmi leh, aqoon leh , waxaanan uga jeeda maskax furnaanta
1. In uu yahay qofka haday mushkilad timado diyaar u ah in si fiican looga wada xaajoodo wixii laga maarmi waayana la yeelo ( somalidu waxay tidhaahddaa hadii dayaxa la waayo waxaa lagu socdaa xiddigaha ).
2. In uu yahay qof la qabsan karaya isbadalada dunida ka dhacaya isagoon lumin diintiisa , dhaqankiisa (waayo qofka hiirraaca ahi ma barbaarin karo because he doesn't have strong base)
3. In uu yahay qof jeclaan yara lana jeclaan karo ( waa nimco ilaah inuu qofku wax jeclaado oo ku dadaalo siduu uga farxin lahaa uma u raali galin lahaa qofka uu jecelyahay reerka daganna caruur fiicani way ku barbaari kartaa).
4. Dadkeeno dagdagay ku dheereeyaan waa inuu noqdaa qof hubsiimo

intaa iyo qaar kaloo badan ayaan uga jeedaa maskax furnida
haddaan tahay qofkaa ( muhiim maaha inuu qofka jaamacada ka soo baxo , inuu shaqo fiican leeyahay , waxaaka muhiimsan inuu yahay qof diyaar u ah inuu waxa qaato waxkastana intaanu qaadin kala shaandheeya ma u qalmaan diintiisa , dhanqankiisa IWM)
waxaan ahay gabadh muslim ah oo rumaysan ninku inuu reerka hogaamiyo , laakiin hogaankayga waxaan u dhiibaya nin maskax furan sidaan soo sheegay .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ogbad

Saturday, November 11, 2000 - 01:40 am
Sidaan hore u sheegay waxaan idhi nin diin leh cilmi leh, aqoon leh , waxaanan uga jeeda maskax furnaanta
1. In uu yahay qofka haday mushkilad timado diyaar u ah in si fiican looga wada xaajoodo wixii laga maarmi waayana la yeelo ( somalidu waxay tidhaahddaa hadii dayaxa la waayo waxaa lagu socdaa xiddigaha ).
2. In uu yahay qof la qabsan karaya isbadalada dunida ka dhacaya isagoon lumin diintiisa , dhaqankiisa (waayo qofka hiirraaca ahi ma barbaarin karo because he doesn't have strong base)
3. In uu yahay qof jeclaan yara lana jeclaan karo ( waa nimco ilaah inuu qofku wax jeclaado oo ku dadaalo siduu uga farxin lahaa uma u raali galin lahaa qofka uu jecelyahay reerka daganna caruur fiicani way ku barbaari kartaa).
4. Dadkeeno dagdagay ku dheereeyaan waa inuu noqdaa qof hubsiimo

intaa iyo qaar kaloo badan ayaan uga jeedaa maskax furnida
haddaan tahay qofkaa ( muhiim maaha inuu qofka jaamacada ka soo baxo , inuu shaqo fiican leeyahay , waxaaka muhiimsan inuu yahay qof diyaar u ah inuu waxa qaato waxkastana intaanu qaadin kala shaandheeya ma u qalmaan diintiisa , dhanqankiisa IWM)
waxaan ahay gabadh muslim ah oo rumaysan ninku inuu reerka hogaamiyo , laakiin hogaankayga waxaan u dhiibaya nin maskax furan sidaan soo sheegay .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ogbad

Saturday, November 11, 2000 - 01:58 am
TO FREEMAN
Freeman hobsiimo halbaa la siista ee waxaan uga jeedo maskax furnida maaha waxaad fahamtay ,waxaanan uga jeeda Tusaale ahaan dunidaydu way is badashay , sidii ilmaha ,ama gabadha lagula dhaqmi jiray maanta ma soconayso , waayo :
1. Dadkii dibadbay usoo baxeen , haday dadka diini qaban jirtay maanta ma qabato , waayo waxay joogaan meel ceeb lays odhanayn.
2. Hadaad is tidhaa xoog , canaan ama dilmo adeegso waadiga arkaya waxa dumarku ama caruurtu sameeyaan ,taan uga jeeda maskax furnida waa inaad u diyaar tahay inaad u xallayso siday wax u xalaysmayaan maaha sidii somaliya la yeelayay .
(Abilmalik ibn marwaan wuxuu yidhi
ma dhigo ushayda meeshay weedhaydu igaga filantahay , mana dhiga seeftayda meeshay ushaydu igaga filantahay)waxaan ka wadaa meeshuu hadal fiican ama jacayl daweenayo ha ku eegin dagaal iyo xumaan .
3. Waa inuu ninku ka fiirsada waxa keenay mushkilada intaanu eegen mushkilada nafteeda , ( carabtu waxay tidhaa hadaad la garto sababta , layaab jiri maayo) lagaa yaaba xumaantuba inay ka timid adoon reerkaaga daryeelin .

walaaal ninku waa hoggaanka qoyska waana mas'uul ilaahay waydiinayo gabadha ama caruurta uu ka mus'uulka yahay ee ninkasoow illaahay kaga baqo dadkaad ka mas'uulka tahay
Ogbad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gabalaax

Saturday, November 11, 2000 - 07:13 pm
To; Ugbaad(if I may spell your name correctly)


Ugbaad Salaan diiran,

Aad ayaan ula dhacay figradahaaga, waxaana laga yaabaa in ay kuwayga aad ugu dhawyihiin. Laakiin dhibaatadu waxaa weeye, qofkasta oo biniaadan ah wuxuu isu haystaa inuu kii kaliya yahay, sidaas awgeed hadaan idhaahdo, dhamaan arimahaas aad kor ku soo sheegtay waan wada ahay wax macna ah oo ay samynaysaa majirto. Laakiin waxaan jec lanaan lahaa inaan kuu sheego anigana Gabadha aan raadinayo bal sifaha aan ka rabo in ay noqoto:

Waxbarasho;

High school and some college education is enough.
Anything more than that will be a plus and highly appreciated.

Qurux:
Waa in ay dadkeeda ku dhexjirto, oo marka aad suuqa la maraysid aad ku kalsoontahay.

Dabeecad:
Waa in ay maskax furantahay, oo aduunyadan complicatated-ka ah ay ka dabaalankarto, lehna awood ay kula dhaqanto qof xun iyo mid fiicanba.

Caqli:
Ugu yaaran dhexdhexaad, hadii lagu cabirlahaa 0-10, waa in ay tahay uguyaraan 7. Oa arigtideedu ayna aad u gaabnayn(not to be short sighted).

Hoogamin:
Waa in go-aamadeeda ay iyadu kaligeed gaadhi kartaa, oo ayna haaheeyo raac ahayn(Taas ugama jeedo in ayna dadka la tashan, taladu waa lagama maarmaan, laakin waan in ay kala garan kartaa talada fiican iyo mida qaldan, ay iyadu go'aanka qaadan kartaa)

Diin;
Surely she must be proud muslim, but modarate and can keep the balance between this sophesticad world, her culture and the religion.

Dad la dhaqan;

social, out-going and has full confedance in herself.

Ugbaad, hadaad u malaynaysid in aan isku dadnahay, war halagaa helo.


Mr. Gabalaax

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ogbad

Saturday, November 11, 2000 - 10:31 pm
Gabalaaaaax mahadsanid walaaaaaaaal
Horta waxaad moodaa inaad akhriday waxa maskaxdayda ku jira , ee aan mid kugu kordhiyo
- tacliinta waxaa ka muhiimsan inuu qofku open minded yahay sidaad sheegtayba
- Kala saaro wuxuu isagu kalidii xaq u leeyahay iyo waxa lala leeyahay markay noqoto talo ( badidiiba dadkeena waxaa mashaakilka u keena dhexgalka dadka kale )
- Laga yaaba qofku inuu wax ku xisaabtamo lakiin ay tala meel kale ula guurto haday taasina dhacdana la wadayeelo ( as group) sidii loo xallayn lahaa ( wax kasta meesha fiican horta iska taag )dulqaadku waa halkiisa laga yaaba waxyaabo kula wayni inay kula yaraadaan waqti dabadii, laga yaabaa waxaad moodayso inuu sax yahay inuu qala ahaa sidaad sheegtay maaha sidaad is modayso ee siday runtu tahay .
- Waxna lawada doono ee aan wax lakala doonin
- waa in laysla ( waxa aniga ceeb ila ah ay kula yihiin ceeb yaqaana dhaqanka iyo diinta siduu luugo wada hadli caruurta (same language ) hortooda ( ilmakasta oo ku soo kuray aabo iyo hooyo isku duuban way ka kurmo fiicanyihiin dadka kale in terms of intellence, improvement .....
- Dadka waxaa ka dhaadhacsan inuu jacaylku yahy jacaylka hore ee gabadha ama ninka lala dhaco ee waxaan qabaa jacaylka runta ahi waa ka yimaado wada dhaqanka dabadii , adiguba is waydii hadaaad qofku( normal person) wanaag kaa arko xishmayn , ku dadaal sidaad u raali galin lahayd waxay ila tahay haduu ahaa wuxuu iskiin xedhay xadhig kaliya inuu ahaan doono boqol xadhig .

Guurso way fududutahay ee ku guulaysaa adag
waa in loodalaa guushaa sidii loo gadhi lahaa
somalidu waxay tidhaa fadhi iyo fuud yicib laysku waa ama laysla waa hadaad doonayso inaad tacliin barato waa la soo jeeda habeen iyo maalin iyadoo ku adag qofka hadana waa la dadaala ee maxaynu ugu dadaali laanahay sidaynu u dhisi lahayn qoys farxad iyo maamuus ku wada nool

Gabalaaaaaaax waaa taa taan kugu kurdhiyay ee hadaad u diyaar tahay ku soo dhawow gacmo furan walaaaaaaaal haday noqoto guur iyo haday noqoto walaltinamaba

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gabalaax

Saturday, November 11, 2000 - 11:59 pm
To Ugbaad,

Thank you for you response, I really like your ideas and they seem making good points.

By the way, this is a public forums and we cant talk as much as we want to, therefor I will give you my e-amail to further our correspondance.

TamanDhakal@hotmail.com

thank you

Gababaax

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

H,.JAMA YUSUF...

Thursday, November 16, 2000 - 10:04 am
TO. OGBAD OR GABALAAX...
ASALAAMU CALAYKUM..
BACDA SALAAN ..
WALAALAYAAAL WAXA AAN IDIN KU KORDHINAYAA MID YAR OO AH XAGA DHAQANKA WANAAGSANI WAXA UU KA MID YAHY DIIN TA .. WAANA RUN QOFKA AY HELAAN WAALID WANAAGSANI IN U NOQONAYO QOF DHISAN OO XUSHMAD U SAAXIIBA ..WAXA AAN TA UGA JEEDA HADII UU QOFKAASI KU DARSADO DIIN IN UUNOQONAYO QOF CAJIIBA OOO LAYAAB LEH , ....
LEHNA AWOOD UU KU HOGAAMIYO QOFKA KALE .. WAXA AAN IDIN TUSAYAA ARINTA GURYAHA WAXA ..LAGA YAABA IN LABA QOF OO ISQABAA UU MIDI NOQDO QOF LAGA WANAAGSAN YAHAY ISLA MARKAA QOFKA KALE WUXUU ISKU DAYAA IN UU QOFKA KU DHAQO DHAQAN WANAAGSAN ISAGOO QOFKAASI SAMAYNAYA DHAQAN XUN TAASINA WAXA AY KU TUSAYSA QOFKA WANAAGSANI IN UU YAHAY HOGAAMIYE ..MARKA WAXA AN IDINKU WAANINAYA IN AAD NOQOTAAN KUWO KU DHAQMA DIIN OO ISKU BARTA DIIN HADII TAASI SUURA GASHO WAXA SOO BAXAYA DAD WANAGSAN OO "NUQBO AH"MACNAHA XULAH....
MARKA WELIBA WAXA AN KUGU WANINAYAA OGBAD INAAD NOQOTO SIDA AAD SHEEGTAY INAAD KU SOO BARBAARTAY GURI AY JOOGAAN WAALID WANAGSANI IN AAD KU DARSATO DIINTA ..MARKAA WAXA KUU SUURA GELAYA INAAD HESHO WAX WALBA OO AAD U BAAHATO WAAYO ..
YOU ARE HONEST... I WILL HOPE YOU GOOD LUCKY..........BYEEEEEE

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xbn

Friday, November 17, 2000 - 10:10 am
Gabalaax,
You forgot to mention her IQ, but who cares, you've made love connection.

Good for you,,,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

omar

Saturday, November 18, 2000 - 02:46 am
Waad mahadsan tahay sidda aad soo tirisay, aad wax ku rabto, ma, ka bixi kartaa xilka guurka oo ma tahay inan mudnaansiineysa ninkeeda,ma ka dhalatey reer wanaagsan oo diinta si wanaagsan kuu soo barey, fadlan soo sheeg in lagaa soo doonan karo,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ogbad

Saturday, November 18, 2000 - 04:15 am
mudane omer mahadsanid marka hore
Hore waxaan u sheegay ninkaaan doonayaa inuu noqdo nin diin leh waxaanan idhi waxaan aaminsahay inuu ninku yahay hogaanka reerka taana madaxayga kamaan keenin ee waxaan ka keenay diinta islaam , guurkuna haddaanu ku socon sidii ilahay yidhi ogow waa aqal rukumu jelecsan , aniguoon naftaydaba ka hadal haddaad u fiirsato mashaakilka dadkeena haysta qoys ahaan waaa mashaakil ay keeneen fugaansho laga fogaaday diinta islaamka , hablaha maantu badi way shaqaystaan laga yaaba taasina inay keento mashaakilkeeda ,laakiin diinto ogow inay wax kasta miisaanto

lakiin rasuulku sallallahu calayhi wasalam wuxuu yidhi u guuriya hablihiina hadduu idiin yimaado nin aad ka raali tihiin diintiisa iyo akhladiisa labadaa wuu israaciyay rasuulku waayo dad waxaa jira diinta aad u yaqaana lakiin aan lahayn dabeecad ay dadka kula dhaqmaan gabadhuna reerkay doonto ha dhalato , mansibkay doontana ha gaadho ee waxay jeceshahy inay hesho nin hanta oo ay daba socoto (aniguna waxaan rabaa kaasi inuu noqdo nin diil leh maskax furan)
waxaan taa ugu adkaysanayaan waxaa weeye waxaa imnaysa in la adeeco ninka oo laga danbeeyo markaa haddaan doorto nin igu dhaqaya diinta islamka waa waajib walaal in aan adeeco oon hagarbaxaa , haday raali galitiisu tahay in xittaa cagaha loo maydhaa waa waajib in lasemeya
ma garatay
aniga oon naftayda oo kaliya wax u doonayn waxay ila tahay gabadh kasta oo muslim ahi waa inay ku dadaasho siday u heli lahayd nin sidaa aan sheegay , si iyana waajibkeed uga soo baxdo
wa salaaam

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jamac

Tuesday, November 21, 2000 - 09:26 am
to ogbad ..
asalaamu calaykum..
bacda salaan..
walal waad mahad santahay sida wanaagsan ee aad isugu deyayso inaad ku dhaqanto diinta islaamka .
waana waxa inagu waajib ah dhamaanteen ...
nebiguna (calayhi salaatu wasalaam) wuxuu yidhi u warkulanka dhalinyaradoow kii awood uleh in uu guursado ha guursado(macnaha baa,o) taasi waxa ay u wnaagsantahay indhahaiyo xifdiga farjiga ..kii aan awoodin waxa layidhi ha soomo iyada ayaa daawo ah e..
markaa walaal wad ku mahadsantahay sida aad wax u doonaysid kuna dadaal wiil yaqaan diinta oo dgaqan u saxiiba .....iskana ilaali wa ku jeclahay ooo afka ah..
ku dhaqan diinta ..
hadii ad waano rabto ama sheeko igala soo xidhiidh..daacad62hotmail.com
nabadeeeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Shawqi

Wednesday, November 22, 2000 - 03:17 am
Dear Ugbad,salam.
Ramadan Kariim,sanad wanagsan dhamaantiinba.
Slam Alykum.
Walaal waxaan u malaynayaa waxaad tahay qof xagga diinta ka hodan ah,cilmina leh.
waxa dhacady inaan in muddo ah akhrinayay bogaagan,markaa waxa aan la yaabay sida aad uga dhaadhicinayso ragga qaarkood diinta(sidii shareecada islaamka odhanaysay in reer lagu dhaqo ama lagu wada joogo)so,waxaan aran la'ahay kuwaaad wax u sharxaysaa miyaanay diin inaba wax ka garanayn,iyadoon layga qaadan khalad ayaa waxa aan arkaa xitaa xadiis aad usoo dalishatay,hadaba waxaan leyahay,ragga ay dhaanto inantani maanta waxaa jira kitaabo fara badan oo la fudaydiyey akhrintooda ama fahamkooda(lagu daabacay afsomali)sida riyaadu saalaxiinta,kutaabka quraamka kariimka,markaa walaalayaal cilmiga ka raadsada kitaabada ka faralka ah iyo sunaha(aqrista suuratul nisaa iyo riyaadul saalixiinta baabka ka hadalaaya haweenka xaqooda,ralinimada,masrrufka,arimaha guriga..)etc.
markaa walaalayaal hana u arkina gaf an idinku sameeyay ragow.
Slam Alykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, November 22, 2000 - 04:42 am
walaal marka waan ku salaamay,intaa ka dib waxaan rabaa inaan ku weydiiyo hal suäal oo toos ah,maxaa
kaa hor istaagay nin raadin wixii ka horay ama inta aadan gaarin da"da meesha kuugu qoran.
waad mahadsan tahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

waxshe

Wednesday, November 22, 2000 - 06:33 am
ogbad

waa adiga ninka maskaxda furan raadinayee ma dhilo baa ahaan jirtay oo koo iska kaa aqbalo miyaad raadineysaa?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DEEQ

Wednesday, November 22, 2000 - 12:31 pm
salamu calaykum, manetabacal hudaa

salaan kadib inantu su'aal ayey ina way diisay?
inta aanad kajawaabin akhri adigoon dag dagin pls markaa ka jawaab bro nin walba wuxuu rabay ayuu isaga hadlay nin caytama iyo nin kale hana is odhan caytan cidi kula joogto lakiin ((((fahuwa macakum ayna maakuntum)))) waa allee ka xishoo bro waxa aad ku hadlaysid bro intaas waa waano......

waan walaashayda islaamka ah rayiga aad sheegtat waab fahmay lakiin qof kii kuu qalmi lahaa alle hakuu sikhro waayo ((markaan eego taqwada alle efaray hadaan mas'uu liyadaado qaado waxaa isleeyahay in aan xaqaaqa gudi waayo haduusan alle ikarsiin..

you can email to this address fawsiwarfa@hotmail.co

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jama

Thursday, November 23, 2000 - 09:47 am
to deeq..
asalamu calaykum..
walaal lama caayin e suaashii walooga jawabey suaashuna wa fiqi waxa ay ubaahantahay fiqi lakiin intii ilaah naga garansiiyey waa u sheegnay ..... adigun au sheeg hadii al idmo..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, November 23, 2000 - 11:26 am
oo haduu maskaxdiisa furo ma dhimanaayoo????

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

just ping me

Sunday, November 26, 2000 - 10:58 am
inkastoo ragu ka baqaan gabdhaha well educated ka
ah aniga kama baqo as long as she satisfies me

waan ogahay rag badan baa kaa cabsanayo
hubso hadaad maskax furan leedahay.
waayo waxaad ku tiri tacliinteydu waa sareysaa.

ragguna naagahaas waa ka cabsadaan.
oo waa intaasoo ay tiraahdo kabaha ii polish
garey ama ilmaha diifka ka sii tir tir una qabee

qadadana sii diyaari shaqaan aadayaayee.

well am not afraid of u hadaad maskaxfurnatahay

anbo waan maskax furanahay .

by ugbaad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hamza

Sunday, November 26, 2000 - 11:41 am
waxaan ahay wiil soomaaliyeed oo aad u xishood badan,hana iiga qaadanina been, waxaan doonayaa gabar edeb badan,xishoodbadan,daacad ah,qurux ma ahan khasab,waxaanna karabo waa xiriir dheer iyo isfahan;haddii aad tahay qofkaan tilmaamay dooneysidna xiriir daacad ah oo aan qof bini aadan ah ogaanin fadlan igala soo xiriir e-mail-ka hoos kuqoran.fadlan idinkama codsan caay iyo wax lamida balse fikradeyda ayaan cadeeyay haddii aan dimoqoraadiyada qadarineynana dalkeenii muusan dumeyn ee ha lais xushmeeyo,war gaba gabadii waxaan ahya nin dheer,cad lafo weyn,mutacalim ah,shaqo sarena ka haya minneapolis,da'da waa 24 jir.mahad sanidiin!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ogbad

Monday, November 27, 2000 - 04:48 am
To just ping me
walaal waad mahadsantahay marka hore inaad akhriday hadalkayga , iina soo jawaabtay
laakiin taan la yaabay waxaa weeye ragaa ka qabsada gabadha tacliinta leh ,markii ugu horraysay ee schoolka nalagu daray waxaa nala odhan jiray cilmigu waa nuur , aqoontu waa mustaqbal fiican , waxaan kaloon maqli jiray dawladudu waxay ku kala horumarsnayihiin intay dumarkoodu tacliin leeyehiin waayo hooyadu iyada ayaa ilmaha in badan la fadhida , raashikiisa iyo tacliinta iyadaa door wayn ka qaadata khusuusan dadkeena oo aanu ninku ihtimaam wayn siin reerka ,ninkeedana gabadha mutacalimada ahi waxay u tahay garab , ra'yi iyo aqoona way kusoo kurdhin kartaa haddaad tahay qof akhriya taariikda islaamka ama siirada nabigana waxaa jirtay markii uu rasuulka sallaahu calyhi wassalam ku soo dagay waxyigu wuxuu la tashaday gabadhiisa oo ahayd khadiija radiyallahu canhaa , markaa modane haday aqoontii noqotay qoon alaw adaaa og waxa lagu hagarbaxo.
Halka aad ka hadlaysaana way jirtaa inay jiraan dad waxbarashada u haysta inay tahay iska wayniisiin ama xad guddub , walaal taasina waa dadka aan tacliintu waxay tahay aan famansanayn , waayo waxaa jira dad wax u barta si loo yidhaahdo waxbuu qofkaasku yaqaana oo ay faan katahay , dadna tacliinta ayay u bartaan si ay nolosha u fahmaan , anigu walal hadaba waxaan wax u bartay si aan nolosha u fahmo ninka aan guursandana haddaan wax ku dhaamo aan u sheego iyadoonay iga ahay quudhsi iyo wax u dhin ee ay iga tahay talo iyo waano , waxaanan kusoo qoray halkan inaan ahay gabadh ninka u qirsan huggaanka u ilaahay siiyay lakiin uma dhibayo hugaankayga nin u qalma mooyane .
ogbad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ogbad

Monday, November 27, 2000 - 04:52 am
To hamza
walaal xishoodku waa deeq ilaahay loogu mahadnaqo inuu qofku ka xishooda waxa xun , ilaahayna marka hore ka xishoodo , waanad ku mahadsantahay walaal inaad ii soo jawaabtay , walal waxaanan kuu rajaynayaa nolol fiican , lakin hamza walal aad baad iiga yartahay taasina walal dhibaatadeeda ayay leedahay , laakin walal haynoo dhaxayso barasho walaltinimo

ramadan wanaagsanna walaaaal
ogbad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

baajj

Monday, November 27, 2000 - 06:06 am
to.ogbad..
i wish to submet my hambla greating and gratitud to you i fully undstand youe sincially words which is reality to passauded one another i would like to discuss with you so what you say lady.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ogbad

Monday, November 27, 2000 - 10:43 am
to baajj
mahadsanid walaaaal marka hore , ramadaan kariimna , runtii waxay aniga ii tahay faido wayn inaan ka helay jawaabo farabadan dadkeena , oo runtii aan dhamaantood ugu mahadnaqayo , waxaanay i tusaysaa inuu dadkeenu wali nabad yahay , khayr badanina dadkeena ku jiro , walaal guurku horta waa nasiib lakiin runtii aqoon badan ayaa halkan iiga koradhay ,markaa walaal doodu way inuu furantahay ee ku soo dhawow gacmo furan iyo galbi furan walaaaal
ogbad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ping me

Monday, November 27, 2000 - 01:55 pm
salaam ramadaan kariim.

miss horta tacliin iyo tacliin la aan
guurku waa maslaxad.
sariirtana tacliin ma taqaano.
dawladdana arrimaheeda waa gooni.
third worldkana kuma maba sii jiraan.

marka ogbaad ogow hadaad ciyaalka ila korineyso
oo aad igu soo dayneynin waxbo kama qabo.
maslaxadda waa taas oo kale.

midda kale anigana waxbo kama qabo marka aad
adiga noo shaqeyneyso inaan weelasha dhaqo
gurigana xaaqo .
saacada shaqada aad aadeysana aan ku toosiyo.

hahaahhah marka dont waqti ha dhuminin
qof walba halkaan kuma qancin kartid.

wiil baad mar hore soo tuuri lahayd.
korkaada ay ilmaha saar saaranyihiin
inshaa allah.

by ogbaad,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xaanow

Tuesday, November 28, 2000 - 12:25 am
ogbadey hadaad rabto nin fiican ma tahay gabar fiican cilmigaad sheegtay se waa kii adun mee kii aakhiro asagaa anfici aduun iyo akhiroba.waa la dhima ee ogsoonow

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, November 28, 2000 - 03:09 am
walaal waan ku salaamey marka hore walaal waxaan
rabaa mowduucaaga waan fahmey aad iyo aad buu ii
qanciyey waana mid lala socon karo walaal marka
hore waad salaamantah marka xiga raga haku jees jeesin sababtoo ah hadii aad doonaysid guur rag
badan ayaa kula hadley ee maa waqla qabatid
hadaba aniga waxaan kuula dar daarmayaa raga waa ku dhaleen wayna kaa koreeyaan ee iyaga si fiican
uqanci ogbad waa magacyada aan aniga ka danbeeyo
hadaba aniga waxaan kaa doonayaa ina aad dardaaran
kayga qaadato soo dir jawaab

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, November 28, 2000 - 03:09 am
walaal waan ku salaamey marka hore walaal waxaan
rabaa mowduucaaga waan fahmey aad iyo aad buu ii
qanciyey waana mid lala socon karo walaal marka
hore waad salaamantah marka xiga raga haku jees jeesin sababtoo ah hadii aad doonaysid guur rag
badan ayaa kula hadley ee maa waqla qabatid
hadaba aniga waxaan kuula dar daarmayaa raga waa ku dhaleen wayna kaa koreeyaan ee iyaga si fiican
uqanci ogbad waa magacyada aan aniga ka danbeeyo
hadaba aniga waxaan kaa doonayaa ina aad dardaaran
kayga qaadato soo dir jawaab

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ogbad

Tuesday, November 28, 2000 - 06:04 am
To anonymous
walaaal mahadsanid marka hore
talabaad nasiib daro maan fahmin waxaad u jeedo , ilamaaha halkan inaan qofku xumeeyey ama aan ku jeesteeyey ee waa dhiskashan furan , lagaa yaaba inuu guur halkan ka dhaco ama aanu kadhicin lakiin way fiicantahay dadku inay kawada hadlaan waxyaabaha khuseeye ee maxaykula tahay mudane

ogbad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

samatalis

Tuesday, November 28, 2000 - 06:55 am
Ramnadan wanaagsan:

Waxaan doonayaa inaan guursando gabadh Somaliyeed oo guur u diyaar ah, waxaan ku noolahay America,waxaan jiraa 40 sanno, tacaliin iyo diinba leh,dabeecad la socodna leh(Open minded).
Marka haddii ay jirto gabadh u diyaar ah guur oo America deggen ha ilaga soo xidhiidho e-mailkan:samatalis3@yahoo.com.

waad mahadsantihiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, November 28, 2000 - 12:41 pm
Ilaahow maskaxda hanaga kala furin, ma anigaaba noolaan lahaa, xirnaanteda ayey ku roon tahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

OMAR

Friday, December 01, 2000 - 04:41 am
OGBAAD,waan ku arkey in aad soo jawaabtey walow ad ku jirto marxalad adag oo aad ku deysaneyso naftaada qoraalada inamadu kuu soo dirayan, baan doonayaa in aad heybada gabarnimo ee aad la soo qurux tagtey aad intaad qiirooto, bal nacfiga aad wax ku dooneysaa bal haluguu garaabee, ma kaa dhambaa guurkaagu ileyn cid kugu qasbeysa in shaashadan internet kaaga meherineysaa ma, jiraane, cadeyso waa haddii aad wehel dooneyso
walaal guurkaa , ka yaaban weeyaan
bal meesha aad omar ka martey, oo ku dembbeyso mid kaa farxiya oo kaa tuura heryada nin la,aneed ilaahey ha ku fududeeyo AAMIN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ogbad

Friday, December 01, 2000 - 05:34 am
To omer salaam walaal
lakin nasib daro kumaan fahmin waxaad u jeedo , mawaxaad i leedahay igama ah dhab
mise waan ku jestaynayaa dadka kumaan fahmin wlaal ee warka caddee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Raggii Hore

Friday, December 01, 2000 - 06:36 am
Ogbaad

Horta hadalkaagu waa macquul intii la doono.
Runtiina waan buuxiyey(macal mumtaaz) sharuudahaaga oo dhan.
Laakiin sidaan ku arkey gabdho badan, markaad wax raadineysaan ama aan la isa soogaarin aad baad u macaantihiin, markiise la xiriiro waa isbedeshaan oo waxaad soo baxdaan bedelkiina.

Marka waxaa fiicnaan laheyd inaad uurkiina soo gudbisaan, oo iska deysaan iscusbeynta oo la mid ah sidii bil labo ama saddex, taas oo la yiraahdo reerna waa kaa wadaa reerna kuma gaarsiiyo.

Bal mar kale ku noqo dalabaadkaaga, oo runta u bado, macnaha sheeg waxa uurka kaaga jira, mana waayeysid qof jecel nooc kasta oo aad tahay, xitaa haddii aad dadka hilibkiisa cuntid.

Intaas waa iga waano, iskana raali ahow.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ogbad

Friday, December 01, 2000 - 12:10 pm
To Ragihore
Raali ahow lagaa yaabaaa maad fahminba noocaan ahaye illaa imika
ogbad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

TALO

Saturday, December 02, 2000 - 12:34 am
Dhamaan dhalinyarada guurdoonka ah waxaan kula talin lahaa inaan wax sharuud ah laysku xirin,waa in lafiiriyaa qofka aad is barateen ma is dabeecad keeni kartiin,laakiin hadii layiraahdo anigu waxaan u baahanahay nin ama gabar sidaa iyo sidaas ah, masoconayso qofkastaana manoqonaayo sida adigu aad wax u rabto ee muhiimaddu waa qofka aad rabto inaad nolasha laqaybsato muslim mayahy?&nolashaan adag ee qurbahana ma isla fahmaysiin?.
Walaalayaal dhamaan Ramadaan wanaagsan, hana ladadaalo,Bashka

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

C M BROTHER

Saturday, December 02, 2000 - 12:57 am
TALO
TALO WANAAGSAN WEEYE TALADAADA WAANA MID DADKA INTOODA BADANI KA MAQNEYD. HADAAN TALADA LEEYAHAY SULDAANIMO BAA KUGU MAGACAABI LAHAA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ogbad

Saturday, December 02, 2000 - 01:14 am
To talo
walaal mahadsaid
marka hore horta dadku siday isku fahmaan waa in asaas laysku fahmaa uu jiraa asaaskaasina aniga waxuu ila yahay :
1. islaamka , waayo waa in dadku wada lahadaan reference laga wada bilaabo nolosha , hadaanu taasi jirina dee horta asaasba ma yimaado .
2. Dhaqanka oo ay dadku isla gartaan , waxyaaba badan ayaa jira oon qur'aank iyo sunnaha midna ku qornayn laakiin ay dagmo kastaaba isla taqaan oo haddaan labada qof isla aqoon ay iyaduna dhibaatadeeda leedahay
3. Dadku iyagoo hadana qodobka kowaad iyo labaad ka siman ayuu hadan qofkastaaba dabeecada gooniya leeyahay oo uu kala yimid gurigooda ,iyo waxyaabo kale oo lakala dhaxlo oo ku saabsan qoys kasta taan walaalo waxaa laga gudbi karaa maskax furnida aan sheegay .
Ugamana jeedo hadalkayga waxaan rabaa nin aniga daraaday loo abuuray . ee waxaan uga jeedo qof diyaar u ah wixii ladoonayo hadii lawaayo wixii laga marmi waayo yeela
ok
ogbad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

omar

Monday, December 04, 2000 - 12:52 am
OGBAD,salaan diiran
Walashey, haddii aan kaaga warbixiyo, codsiga aad ku dalabtey, in aan caddeeyo qoraalkii hore, waxa u taabaneyey,ujeedada aad damacsan tahay, oo cirka kularan, taasoo aan ku cabirey,in aad qudhaadu dabacdo, soonaha dhabta, ah timaado si isfahan balaarani yimaado, oo aad kala kulantid dabacsanan dhow akhyaarta,
mahadsanid ogbad yarey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ogbad

Monday, December 04, 2000 - 01:18 am
To omer
hadal iyo sharax in kugu filan waan ka bixiyay arritayda
ogbad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

omar

Monday, December 04, 2000 - 02:29 am
Waa runtaa,in aad sharaxdey ujeedkaaga ma ku wadnaa oo isfahan dhab ah oo ku talaabsano horumar kan ka dhow , calafku waa halkiisa, dabcan waan ka helay aragtidaada oraneysa in aan helo inan maskaxfuran la kulmo.
Yacni maanta gabar somaaliyeed oo ku taagan xaqa ay ku heli laheyd nin ay kula qeybsada nolasha,
ogbad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

omar

Monday, December 04, 2000 - 10:34 am
OGBAAD.salaam
Bal waxaan kuugu soo direy in aan ku iraahdo,haddii aad inan soomaliyeed oo diinta si adag u dhaqanta, aad tahay waa ilaahey galadii, waa mid teeda kale waxaad dooneysaa cadeysey, daahna nagama saarna, soow maad garan imtaxaanka maanta horyaala inamada iyo hablaha soomaliyeed waa uu badan yahay, marka lays doonayo macnaawi kala duwan ay ku saleysanaadan, xaqiiqdii marka laga soo qaato guurka qurbaha waa uu dhibaato badnaadey , sida lawada ogsoon yaheyna waxaa ku baahey siyaabo badan oo dhulalka la yimidi ay xambaarsanaadeen in ay fududeeyaan in guur si walba halugu keeno ay asiibto sharciyo ku sheegyada laga dhaqmo wadamada la yimid- hadaba aan u imaado ujeedada aan meertadan igu dhalisay in aan wax ka xuso, dabcan haddii aad dareemaeyso fikrada guurkaagu uu daacad ka yahay sidda aad sheegtey waa arin macquuliyan ah si uusan kaaga xumaan aad u heshaa wehelkii dhabta ahaa oo ogsoon micnaha xaqa aad wadaagtaan in uu dhowro, kuna dhaqantaan diintu guurka ay nagu adkeysay oo ah dhowraha rasmiga imaanka labada qof oo ka cabsada alle qof walbana uu xaqiisa ilaaleeyo, hadaba soomaali beynu nahay qabiil nagama marna oo guurkii waa uu yaala, taasna waa shey adag oo ubaahan i la,eego ramadaan wanaagsan ogbaadey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ogbad

Monday, December 04, 2000 - 05:05 pm
To omar

Omerooow haduu hadal kaa dhaba yahay halagaa helo war walaaaal
ogbad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

XASAY

Monday, December 04, 2000 - 05:21 pm
OGBAD WAXAAD TIRI WAXAAN RABAA NIN AAD UMASKAX FURAN HADII UU FOOLXUN YAHAY KAWARAN.NIN MASKAX FURAN OO KALIYA AYAAD RABTAA HADUU DHEER YAHAY HDUU GAABAN YAHAY HADII UU CILMI LEEYAHAY HADII UUSAN CILMI LAHEYN HADII MADOW YAHAY HADII UU CADYAHAY WAXAA SOO DHAN MALOO BAAHNA MIYAA?????SOO JAWAAB

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ayan

Monday, December 04, 2000 - 11:05 pm
To ugbad:
Abaayo waxaad u egtahay gabar aad u fiican in tii ladoono, sida aad sheegtay.
Waxaan kuway diinlahaa ma u aragtaa inaad aamini kartid dadka halkan wax ku qora oo aadan waligaa arag.
Sidee kulatahay qof aadan dadkiisa aqoon?
waxaa kuwaydiiyay mr omar maka dhalatay reer fiican oo sifiican malugusoo barbaariyey.
adiga ma aamin san tahay anay muhiiim tahay arintaas, maxaa yeelay qofka aad inta bartid maba taqaanid.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ogbad

Tuesday, December 05, 2000 - 04:27 am
To Ayyaan

ayaan walaaal mahadsanid marka hore
marka labaad walaal hadaynu ka hadalno xagga aaminaaada ninna ma aamini kartid waayo:
1. walaalo garashada guud iyo garashada guur way kala duwan yihiin waayo waxaa jira dad tolkaa ah oo xagga qoys aheeneed lays yaqaano oo aad
laysku ixtiraamo , lakin markay guur iyo guri noqoto aan lays fahmin , taasina waxay ku tusaysaa inaan garasho iyo sukeeyo loo wada fiicnayn layskuna fahmayn , sheesheeye iyo garasho la'aanna aan laysku seegin.
2. somalida badadeedu walaaal meelo badan ayay iskaga xidhan yihiin , innamo badan oo halkan igalasoo xidhiidhay walaal markaan iskwarasanay waanu is garanay ama waa qaar ii gartay qabiil , ama shakhsiyanb .
3. Guurku walaalo waa wax ilaahay lala kaashado marka hore iyo talo waalid ,walaal qofka islaamka ahi wuxuu isku xidhaa ilaahay oo marka arrintan ookale kula soo daristo waxaa jirta salaad la tukado oo layihdaahdo salatul istikhaara taaso aad ilaaay ka baryayso haddii ay arrintani ay khayr kuu leedahay inuu ilaahay ku waafijiyo , ogowna walaal qofka ilaahay isku xidhaa ma iishu .

ogbad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, December 05, 2000 - 04:50 am
Ogbad,

Ogbad walaalo waxaan hadaladaada u fahmay inaanad u jeedin guur,hase yeeshee aad wakhti isku dhaafis wax ugu soo qorayso halkan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

omar

Tuesday, December 05, 2000 - 06:58 am
Ogbaad salaamu caleykum , walashey waan ku mahadsan tahay in aad qeyb ka tahay in aanu horkacno ayaamo cusub oo yimaada, siddii aynu kuwada waari la heyn , xaggeeban u kacaa fariimo aan damcay in aan e imeylkaagana kor xusani waa uu gali waayey baltaasna ka waran waxaan sugaa warkaa halaga helo, omar

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dumar lataliye

Tuesday, December 05, 2000 - 07:54 am
aslaamu calaykum...
bacda salan..
waxa layidhi .. oo murti ahayd.."yaay kuhodin dhalantedka naftaada oo ah mustaxelka maskaxdaada"
horta waxa an leyahay ogbad. walaal horta waxa aad doonayso marwalba ku xidh diinta , qofka aad dooranaysana ku dooro diin ..
waana jirtaa qofkasta iyo dadkasta in ay leyihin dhaqan, laakiin wax kasta oo dhaqan ka kamid ihi waxa laga helaya hadi ay sax yihin diinta islaamka
marka walal waxa an anigu ku lee yahay doonistaadu yay ku hodin oo waqti badan ka qadin waayo dalabkagu waa adag yahay marka si loo eego.
taas waxa an u leeyahay mesha aad joogto waxa jooga inamo nooc walba ah hadii ay ku qan cin wayeen kuwaasi, waa suaale ma ku qan cin karaa nin ad kabaratay internetka?..
d ralina iga noqo hadii aan ku gefey....
...yaay kuhodin dhalantedka naftada oo ah mustaxelka maskaxdaada......
dumar la taliye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

odaywaa

Wednesday, December 06, 2000 - 12:03 am
ogbaadey waxaad baratay adigay ku anfici marka, marka xiga intaas oo nin baa kuu jawaabtay,anigu waxaan ku leeyahay ma nin mise nin dhaaf. hadaad nin rabtid waa na kan, mise hadaad nin dhaaf rabtid kuma jiro sababtoo ah waxaan ahay nin soomali ah.run iyo ilkaba waa la cadeeyaa,nin wadad ah dadkaa sheega balse ilaaheyga waan ka baqaa, dadkama amaan galiyaa,waa ku kaas .ogbad magacaa i dilay alow yaa muuqaaqa ma un i tusa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ayan

Wednesday, December 06, 2000 - 12:51 am
Abaayo waad mahadsan tahay, jawaabta fiican aad i siiyey, waa run taa qof aad waligaa taqanay ama qaraabo tihiin ayaa si xun kuu galikara marka dhaqanka runta ah ee uu guurka imaado oo waa nasiiib.
Laakiin waxaad leedahay adigan fursad aad ku aragto,iyo siduu kuula muuqdo qofka aad baratay.
Waxaan ku leeyahay good luck.
Dumarlataliye:
waxaan umalaynayaa aduunkaga kaligaa kujir diinta waa wax muhiim ah hadana dabeecada waa gooni.
Runti waa dhif wax ku dhaqma sida diinta sheegtay
marka wadaada magacyada iskubaxshay meesha waxba kuma hayaan qofkasta tiisa ayaa aaqiro lasoo istaajinyaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dumar la taliye...

Wednesday, December 06, 2000 - 07:56 am
TO.HABLAHA..
asalaamu calaykum...
ayan waxa an ku leeyahay walaal kuma lihi wadaadada aya wanaagsan .oo qof waliba waxa uu si taa dabecadiisa laakiin waxa wax lagu xulanayo ayan sheegay oo ah diinta keliya waxa jira rag xumaa oo markay diinta barteen soo baxay ragdhaaf..waxaana hubaal ah in qofku haduu barto diinta ay wax weyn ka bedelayso ..tusaale ahan ... anigu waxa an ahaan jirey nin aad uxun dabeecad xun oo aan diin ku dhaqmin wax kastoo xuna sameeya , belwad kastana sameeya ... waa ilaahay mahadii maanta waxa an ahay nin ay dadku ka amaan helan, aan belwad lahayn ,,waxaana waxa ii keenay waxa an raacay kitaabkii rabi oo keliya ...
marka walal waa hubaal hadii aad kitabka raacdo in aad helayso dadbadan oo ku dhaqmaya kitaabka iyo kuwa ka beensheegayaba laakiin waxa badan kuwa ku dhaqma kitaabka..
marka adigu isku day inaad raacdo kitab ka waad helaysa mid ku dhaqmee....
ogbad waxa an leeyahay..run iyo ilkaba wa lacadeya walaal waxa ad doonaysa aduunka masaara ee qoonkale ka eeg ... hadii kale raac qawaaniinta ilaahay u dejiyey sida lo xusho raga wa hadaad nin doon tahay hadii aad hadal doonaysana ... ok...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wardheer

Wednesday, December 06, 2000 - 11:12 pm
salaan ka bid waxaad tahay gabar aad codkar u ah marka waxaan ku waydiin hadaad codkar tahay maskax furan tahay garanay intaad nin ku sheegtay waala yahay waxaanse ku waydiin adiga sariirta aad ma ugu fiican tahay, ma aha cay ee waa sual hadaad cay u qadato iga raali noqo 1000 jeer hadii kale jawaab baan kaa sugi soomaida waxey ku maah maahdaa ninkii ceesan kugu dhiba isii kaxeynteedaa la dhibaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

awey mohammed nuur

Thursday, December 07, 2000 - 12:53 am
walaalo ogbaad narka hore hadii aad diyaar u tahay
guur waad heleysaa ee haka dhigin wax adag
hadii aad rabto nin fiican waad heleysaa ee adiga
noqo naag fiica

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ogbad

Thursday, December 07, 2000 - 05:00 am
To wardheer

Walaal horta waad ku mahadsantahay su'aasha aaad iwaydiisay lakin nasiib daro kaagama jawaabi karo waayo kofka ka jawaabi kara su'aasha waa :
1. Inan arrimahaa soo tijaabisay oo khibrad u leh dee walaal taana ma ihi oo haddaan dadka ahay kumaan idhaaheen waxaan rabaa nin diin leh .
2. Inan ka akhrisata arrimahaa magazines , iyo daawata filimo taana walaal ma ihi , oo xattaa qofka arrimahaa walaal daawadaa dee wuxuu ka sheegaagaba waa been .
3. Ama gabadh guri la'aahn jirtay , dee walaal anigu waxaan ku idhi waxaan inan aan wali guursan .

Markaa mudane su'ashaaada maad waydiin qofkii kaaga jawaabi lahaa ee raaali noqo .

ogbad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ogbad

Thursday, December 07, 2000 - 05:08 am
To away mahamed nuur

Mahadsanid walaal , marka hore
lakin walaal ilamaha walaal inaan dalbaday wax adag , waayo waxaaan dalbaday waa asaaska nolosha oo ah :
1. Diinta oo ah lagama maarmaan , waayo nin aan diin lahayn isaguna naftiisa wax uma aha gabadha uu ka mas'uul yahayn wax uma aha , ilamaaha diintuna inay adagtahay ee waxaan u arkaa inay tahay natuaral need qofkastaana u baahanyahay .
2. Maskax furnaanta dee walaal ma rabo nin dhagax ah oo haddii lays qabto ama aynu kala tagno ama waxaan ahay igu qaado uu xaalkiisu yahay .

maal iyo magac iyo duni midna maan dalban ee tolow maxaa adag een dalbaday .

wallaahi nimanka somaliyeed sida loo raali galiyaa garanmaayo kii layidhaahdo maal keen wuu qaylinayaa , kii la yidhaahdo diin iyo akhlaaqna waa kanoo wuu adkaysanayaa ilaahow adaa garan waxa raggayaga raali galinaya .
ogbad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abu c/rahman

Thursday, December 07, 2000 - 06:38 am
to ogbad...
aslaamu calaykum..
horta markii hore waa ku wareeray arintaada oo wax aan ku jawabo ayaan garan waayey laakiin hadeer waxa ad soo istaagtay meel fiican ,,,,
1. waxa aad istaagtay xadiiskii nebiga ..c.s.w o ahaa diin ku doorta akhlaaqduna diinta ayay lasocotaa..
marka waxa an ku leeyahay hadaalin waad heliye ..
iskana ilaali mid ku yidhaahda waan ku jeclahay oo keliya ...murti baa ahayd "hadii laguu qoslo ha moodin in lagu jecel yahay....
xaq baadna u leedahay in aad xulato kii guriga aad isla geli lahaydeen oo gurigu ku dhismi lahaa....
waadna ku mahadsan tahay qodobka aad istaagtey ee ah diinta..
waana kugu garab taagnahay walaashay.....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, December 07, 2000 - 07:01 am
Ogbad:

Walaal Ogbad si fiican ayaad su'aalaha uga soo jawaabaysaa halkan ku qoran,hase yeeshee waxaa aniga si fiican iigu cad inaanad Guur u jeedin,eed wakhti isku dhaafis halkani ka waddo, markaa waxaan walaal kugula talin lahaa hawareerin dhallinyarada guurku daacadda ka yahay ee raadinaya gabdho daacada sida adiguba aad halkan ku sheegtay.Ugu dambayn Illaahay ayaa qofkastaba niyaddiisa waxa ku jira og,ogowna bil Ramadan ayaynu ku jirnaa markaasi Barakadeeda ka faa'idays ayaan ku dhihi lahaa.Nabadgelyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

omar

Thursday, December 07, 2000 - 08:51 am
salaam , waxaa kaa sugaa jawaab waa ku sidde mise jawaabtii baa dhamaatey----
waxaan ula jeedaa waa inanta ogbaad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ogad

Thursday, December 07, 2000 - 05:50 pm
To anonymous


walaalo waad ku mahadsantahay taladaada lakin walaal ogow inaanana annigu walaal diintayda iyo dhaqanka aanan midna waxba u dhimin waayo:
1. Ceeb kumaan hadlin , ilaahay iyo rasuulkiisuna way baneeyeen taa,si guur lagu dalbadana waxay ila tahay sida ugu fiican baan ku dalbaday , oo xaq baan u leeyahay diinta islaamkuna iyo xittaa dhaqaanka somalidu xaqqaa way isiyeen.
2.Xittaa haddaaan ka soo qaadno hadalka aad tidhi ee ah waqti baan isku dhaafinayaa , walaal kasina maaha waqti is dhaafis ee waa aqoon is waydaarsi , oo xittaa qofkasta oo soo jawaabay ama akhriyay bogan waxyaabo iyuu igu kurdhiyay aan tix galindoona noloshayda , walaalo aqoonta iyo somalidu oo wada wada xidhiidha meelkasta aa ay joogaan ilamaha waa cay ama ceeb .
3. Arrinka saddexaad ee walaal aan codsanayaana waxaa weeeye dadka diinta lehoow u fiirsada waxaad ku hadlaysaan oo kala saara waxaad idinku shakhsi aheeneed aaaminsantihiin iyo waxa diintu fartay dadka .

ogbad
ogbad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ogbad

Thursday, December 07, 2000 - 05:59 pm
To Omer
walaal emailkagu waaa ogbad_20@yahoo.com
ogbad (_ means underscore = shift+minus sign)
ogbad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ogbad

Thursday, December 07, 2000 - 06:02 pm
Abu cadirahmaan

mahadsanid walaal , gacantaad i siisayna waa dhiiri galin iyo ixtiraam aan wax loodhigaa aanu jirin
ogbad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Haboon

Thursday, December 07, 2000 - 08:54 pm
Asalama Alayku,

Waxaan ahay gabar somalia oo tacliin leh, family jecel dadaydu waa 27 sano, Ardayd ah Nin wax bartay oo somalia , family iyo nolol wanaagsn oo ilbax ah doonaya ayan jeclan lahaa inan barto.Diintu aad ayay muhiim igu tahay iyo weliba somali rasmi ah inaad tahay kama helo nimanka ajanebiga.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wardheer

Friday, December 08, 2000 - 01:20 am
salaan ka dib waxaan ka afeeftay hadii aad cay u qaadatid raali noqo waxaan kuu sheegi markale inaad 1000 jeer raali noqotid ogbad waxaan kuu rali galin waxaa weeye hadaad codsatay qof sidaa ah waxaa la gaa cosadaa adna ma yaraanayaan waxaan ula jeedaa qof waliba iin buu leeyahay waxa la yiraahdo riyo iyo run kala fog qofwalibaana siduu wax u doonayo uma helo marka ogbad aad ayaad ii xiiso galisay ma is baran karnaa mustaqbal iyo calaf waa meeshooda just isbarasho labo qofood oo soomali dhex marta hadii raali ka tahay.Waxaan kaaga xog warami rag wax uu yahay sababtoo ah qof dumar ayaad tahay.markale hadaad u aragtay inaan ku aflagaadeyay raali noqo oo reerkaada dhaqo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, December 08, 2000 - 04:18 am
Ogbad;

Salaan ka dib, raali noqo haddii aad khalad u qaadatay arrinta meesha aan ku qoray.Waxaan uga jeeday wax weeyaan markii aan arkay dhallinyaro badan oo si fiican kuugu soo jawaabay talo iyo wacdiba leh, hase yeeshee waxaan arkay adiga oo ilaa hadda arrintaadu sii dood dheeraysay,marka
waxa aniga ay iigu muuqata in Guurkka wanaagsan khayr iyo barakoba uu leeyahy,marka inta diyaar baa laguugu yahay ee adiguna sidoo kale diyaar ma u tahay, mise weli dood baad ka qabtaa..Nabadgelyo,haddii aan meel ka dhac qorayna raali ahow.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ogbad

Friday, December 08, 2000 - 04:25 am
To wardheer
walaal waad mahadsantahay hadalkaagana umaan qaadan xumaan ee waxaan kaaga jawaabay su'aal aaad i wadiisay ee wax ceeb ahi may dhicin walaalo barashaduna ma xuma haddaan la xumayn oon la xad gudbin.
Tan aad i leedahay dumarbaan ahay oo nimanka waxba kama ogi walaalo waxaan la ogayni ma jiro , ninka waxa ugu xun ee samayn karaa soo inuu inan khiyaameeyo oo uu waan ku guursanayaa ku soo dhaweeyo oo kaga yeelsiiyo inanta wax iyadana ka ha jacayl isagana ka ah khiyaamo sowmaaha, taasina ogow ninna gabadh waxu ugu dhimi maayo haddii uu wax ugu dhimana waa mid isaga meel utaala waayo ninkastaaba walaal buu la dhashay ama wuu dhali doonaa , aniguna walaal waxaas waan ka waynahay oo mid nin ku khiyaamaynayo waan ku guursanayaa ma ihi , waayo walaal anigu guur kasta ma raadinayo nin kastana ma raadinayo .
Guurka laftiisana noloshaydoo dhami kuma xidhna haddii aan waayo ninkaan doonayao noloshaydu waxay leedahay hadafyo kaloo badan.
waanad ku mahadsantahay waanado iyo taladaba.
ogbad
Ha

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ogbad

Friday, December 08, 2000 - 04:34 am
To Anonymous
salaam walaalo
Horta kala saara dooda iyo qalad anigu wallaahi qofna uma qaato hadalkiisa ceeb ama qoon oo haddaan jawaabana waxay i tahay aniga oo mawqifkayga caddaynaya ee walalayaal haiiga qaadanina qalad.

Takala adigu walaal waxaad akhriday halkan oo innamo badani igala hadleen lakin ma ogid waxa ka danbeeya intaa ee hadalka halkan ku qoran ha ku qiyaasin arrimahoo dhan .

ogbad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, December 08, 2000 - 05:42 am
Ogbad;

Salaam wacan iga guddoon,mar labaad waad caddaysay mawqifka aad taagan tahay, wiilashuna sidoo kale ayey mawqifkooda u caddeeyeen,marka wax is weydiin
miyaanay ahayn in aan halkaasi lagu joogine ee tallaabo khayr leh oo kale la sii qaado.Bisha Ramadaanna Barakdeedana la xusuusto Eebbena inoo dambi dhaafo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abu abdirahman.....

Friday, December 08, 2000 - 07:48 am
to ..haboon and ogbad...
asalaamu calaykum..
horta labadiinuba waad mahadsantihii..marhadii aad soo bandhigteen hadafkiina iyo doonistiin waxa aan ilaahay bisha rabadaan idiinka baryayaa in ilaahay idin siiyo bisha rabadaan wiilaal wacwacan...
walalayal aniguna waxa aan ahay wiil guur doona ee hadii ay meeli idinka banaan tahay waxa aan idin leeyahay soo dhawaada ..
abu abdirahaman....
ali_is75@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wardheer

Friday, December 08, 2000 - 09:40 am
salaan ka dib waxaan kaa codsaday in aan wada xiriiri karno marka hadaadan wax ka qabin adoo raali ah ma kaa heli karaa e-mailkaga waa sidaa sheegtay nin waliba gabar baa la dhalatay hooyana waa dhashay waxaan ku leyahay waxaan ahay bro fem.marka waxaan jecleystay inaan wada xiriirno hadii agtaada ok ka tahay. waxaana i dilay magaca ogbaad.soon wanaagsan ayaan kuu rajeyna yaa,waxey ila tahay in aad joogtid usa. ha kuu macaanato,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cayni

Friday, December 08, 2000 - 10:06 am
To Freeman,

Freeman perche Hai Scrrita al lingue Italiana,Non lo sai che chi sarrano tante Somali donne Che ti capiscano molto di quela donna se lei non ti capice molto. stai molto attenti quel che dice.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, December 09, 2000 - 06:36 am
Ogbad,

Walaalo soon wanaagsasn, ka dib waxaan halkan jeclaystay inaan kuu sheego in ay adduunyadu wakhtigeedu yar yahay oo uu laba cisho yahay,sidaa darteed taladii aan walaashay siin lahaa oo kale ayaan adigana kula jecelahay.Horta raggu guurka way yara raajin karaan, laakiin gabdhaha wakhti ayaa ku socoda, marka walaalay wiilkii aad is tidhaahdo Illaahay xaggiisa ayuu aad ugu dhowyahay inaad Eebe xaggiisa talada saarato oo aad ku ducaysato ayaan kugula talin lahaa.Guul ayaan kuu rajaynayaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ogbad

Monday, December 11, 2000 - 10:26 am
To Anonymous

Walaalo waad ku mahadsantahay waanadda
ogbad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dheeg

Monday, December 11, 2000 - 11:41 pm
waan ku salamay salan ka dib waxaan u maleynayaa intaan wax kale ku waydiin in ay haboon tahay in aan ogaado in aad heshay ninkaad raadineysay hadii aadan helin waxey ila tahy in aay ii furan tahay in aan is barano.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

omar

Tuesday, December 12, 2000 - 12:59 am
SAlaam ,ogbaad ugu horeyn bal isku deygii qorshe camiran, oo lamid ah kaad dooneyso, in aan kuugu soo baahiyo eimelkaaga waa ay suuroobi weyday ,oo waaba ku dawakhmey ereyga ama magacaaga oo dhaliyey isweydiin ah ku aad weyday eimeylkii maad ka hartid qofkan aadba weydey oo muqaal iyo codna aad kala kulmin waa sheeko taariikh reebeysa khaasatan bejkan aad furtey oo keenay,in aad soo jiidato ,oo kuna arag kuna maqlin, balse fikirka kaa soo yeray uu hadafkiisu uu ahaa mid suura galin karayey in aan beegsado qorshaha caynkaas qof igula taamqada, oo aan filayo in ay nasiib la helaa yahay, ilaa wajiga i horyaal ma mid ka quusasho mudan baa oo aan nafteyddii riwaayada ogbaaad ee ay dhexdabaashey siddi aan uga gaari lahaa in uu ugu fido , halis jacel cidla kaa helay uu igu noqan lahaa, in baadi goob u galo in aan kuu soo gudbiyo in uu talaal halis galin kara qofka ka hela erayada aad adeegsaneyso oo aad bejkan kaala qeyb qaata hasaawe dheer oo aad ku mashquul noqato qancinta ogbaad waa kaf iyo kala dheeri ee waaku kaas , talo adiga weeyaan, intaa igu sin ,inta aad sameyn karto si ka fudud oo lagula xiriiri karo, ramadaan wanaagsan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ogbad

Tuesday, December 12, 2000 - 01:46 am
To Omer

Walaal mahadsanid
walaalo waan kuu sheegay emailku waaka ku qoran baygka hore , lakin haddaad soo diri kari wayday ii sheeg adigu kaaga anigaa kuusoo diri doonae
ogbad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ogbad

Tuesday, December 12, 2000 - 01:49 am
To dheeq

walaalo macadsanid

Horta gabadhu dunidan nin uunbay ka guursataa ninkuna gabadh uunbuu ka guursadaa, qofkuu noqonna ilaahay baa og
lakiin walaal barashada iyo aqoon is waydaarsiga ayaan wax loodhigaa jirin

ogbad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

OMAR

Tuesday, December 12, 2000 - 02:13 am
ogbaad walashey mahadsanid, igama aha, in aan diri kari waayey, balse markkii aan diro ayuu la yimaada soo celin oo ay soo celiyaan qollo u qaabilsan malaha, qeybaha eimeylada, alayaxaal waa kan eimeylkeyggi ee halgaa helo ayatiin wacan ABDIHUSSEIN@HOTMAIL.COM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, December 12, 2000 - 05:46 am
Ogbad;

Salaan wacan ka dib,aad baan uga xumahay inaad ninkii aad doonaysay meesha aad joogto ka weyday.Arrintaasi aad bay iigu adagtahay.Tolow ma laga yaabaa inaad Internatka ka hesho;;;;;waa haddii Eebbe qoray.Guul baan kuu rajaynayaa waayo waxaad tahay gabadh Soomaaliyeed oo guur doon ah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sahra

Thursday, December 14, 2000 - 04:31 am
Salaam 2Ugbad iyo dadka kale oo idil rag iyo dumarba..
sis Ugbaad waxaan kuu rajeynayaa aniga oo ku hadlaya gabdhaha magaca soomaaliyeed ee dibadaha jooga inuu Illaahey kula qabto,waxa aad jeceshahayna inuu kuu sahlo Aamiin..
Waxaan kaloo aad ugu faraxsahay dad soomaaliyeed maadaama aan nahay aqoonteenuna ey aad uga yar tahay wadamada kaleee hor marey inaan hadda yara dhaano xag haddii la yiraahdo electronic ama sosialnimaba, taasna ey kuu cadeyneysa wada hadal INTERNET-ka..
Welise waxaa jira dad markii ey halkan akhristaa oranaya waa maxay naagtan meeshan iska baafineysa ma nin la,aan ayaa ku dhacdey sida dad qaarkood oo hadalkooda ka dareemey..Arintu sidaa ma ahan ee pointiga laga hadlaayo ayaa waxaa ah ma heli kartaa qof aad isku dabeecad tihiin ama is fahmeysaa xag kasta, taasna ey sababtey in meesha ugu muhiimsan ee lagala xiriiri karo oo halkan eey tahay, maadaama ey soomaalidii ey QAXOOTI ey wada noqdeen is kahelitaankooduna uu yaraadey, qiyaano, lacag ama Qabiil cideyda ah ey ku raadis badankood noqdeen.
Ani ahaan waxaan ku waanin lahaa dadka weli mugdiga uga jira waxyaalo qaarkood in qofka ugu dhow ee fahansiiska ku fiican uu la tashado isaga oo caay iyo af lagaado uuna la deg degan..
Haddii aan ka hadlo rageena soomaaliyeed badankood waxa kaliya aan ku jeclahay waa dhiiga oo ma jecla gabar soomaaliyeed oo qalad yar galeysa, laakiinse ogaada waxan waa cilmi horey loo marey aduunka, kuuna fududeenaya shaqadaada adiga oo gurigaaga fadhiya..Taa haddii aan wada is ticmaalmo marna gadaal uma laabaneyno inaad horey u socotid mooyaanee.
Aniga oo hadalkeyga soo gaba gabeynaya waxaan ahay Gabar Soomaaliyeed oo cilmi baratey, da'deyduna tahay 22, deggen EUROPE.
Ugbad sis let me know meesha aad degen tahay??

To Hamza,
Bro, E-mailkaaga meesha kuma aadan qorin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, December 14, 2000 - 04:47 am
Sahra,

Salaan ka dib, waxaan kuu rajaynayaa Ramadan wanaagsan.Talada fiican ee aad walaashaa Ogbad aad
halkan ugu soo qortayna waa talo iyaduba kuu soo diri lahayd.Walaal sidaad ogtahayba Somalidu dhaqankeedu wuxuu ku salaysam yahay Diinta Islaamka, waa kii la inagu wada dhalay oo muddo badan soo jiray.Hase ahaatee, aniga waxay iigu muuqaataa inay taladeedu tahay qof meel u caddi meel u modaow sida hadba somalidu ku maahmaahdo.
Markaasi waxaanu annagu halkan ugu rajaynaynaa guur xalaal ah iyo ninka ay doonayso oo Illaahay siiyo.Waan ka baxay waanad salaamantahay .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cabdi kariim

Thursday, December 14, 2000 - 06:12 am
TO:MISS UGBAAD
--------------
waan ku salaamey walaal.
cajiib inantan ragga xiijisey ee daalisey ma ugbaad baa ??? waxaan filayaa in page-kan aad furtey uu ka mid yahay page-yada loogu akhriska iyo qorida badan yahay <<is barasho>>.
waxaan u malaynayaa inaad fikrad weyn hadda kala baxdey ama ka haysato qaab fikirka ragga iyo dhalinyarada iyo waxa maskaxdooda ku jira ,waanad arkaysaa dabcan qaar ku aflagaadeeya ,caaya ,ciyaara ,taagera ,hanbalyeeya ,waaniya iyo more and more.
waxad tidhi waxaan rabaa nin diin leh ,tacliin leh ,maskax furan, waa basiid waanad helaysaa kaa ,waxaadse iska jirtaa nin diin leh oo tacliina leh laakiinse ah kuway soomaalidu u taqaano masdilka<<masdilku waa ninka subixii marka raggu guryaha ka baxo ku soo hadha ee dumarka iska dhex- joog jooga ,markaasaa waxa dhacda inuu bahal mas ahi muska guriga ka soo boodo oo ka dibna ay dumarku qayliyaan UUUU alla waa mas naa raggii yaa ka jooga markaasuu soo boodaa isagoo is qaadqaadaya oo is muujinaya ka dibna wuxuu dilaa maskii lol >> dabcan shaqo wanaagsan ayuu qabtey oo isaga la,aantii dumarkaa iyo maskaa dhibaato ayaa kala gaadhi lahayd ,laakiin maaha nin ragga ku tirsan ama raaci kara oo waa mas dil ama nin liita . lol
maahmaahdan waxaan uga jeedaa ninku wuu noqon karaa mutacalim diin leh laakiin raganimadu maaha labadaa shay oo keliya ee waxaan ku odhan lahaa shuruudahaaga ku dar(( waa inaanuu noqon mas dil LOL) lol .
doodu inoo furan . byeeeeeeeeeee
cabdi kariim kaabuli .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, December 14, 2000 - 06:19 am
Ogbad;

Ilaa hadda intay doodu socotay sida Abdul-Karim ba kuu sheegay maxaad kala baxday yaase si fiican kuu cajib geliyey.Waxaan jecelahay inaad waalidkaa si fiican iigu soo duceeya dhahdo ayaa iyaduna mid meesha ku jirta ah.

Nabadeeey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xubeera

Thursday, December 14, 2000 - 07:22 am
waad salaaman tihi dhamaantiin
salaan ka dib waxaan lee yahay gabadhan gabadh soomaliyeed oo ka caqli badan ma arag aan ahayn xaaskayga gabadha ha loo duceeyo niinkii shuruudaha lehna ha isu sharaxo waad salaaman tihiin sidaa iyo nabadey
fowzi waad salaaman tahay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ogbad

Thursday, December 14, 2000 - 10:49 am
To Sahra
mahadsanid walaalo

waanadaadana waa arin walaalo aad aan u tix galidoono


To xubeera
mahadsanid walaalo
ogbad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ogbad

Thursday, December 14, 2000 - 11:09 am
To abdikarim

walaalo waad mahadsantahay

marka labaad waa maxay raganimadu tolow
ma inuu ninku ragga raaco , oo gurigiisa ka magnaado , nacasnimaduna waa inan dumarka lala joogo waa arrin la yaable leh walaalo haddaad raganimada taa u aragto and you disappointed me

walaalo ninka raganimadiisa uma dhinto guri joog ama dumar la joog , kumana kurdhiso dibad la tagaa oo rag lala socdaa haday somalidu rag la socod iyo dibid fadhi raganimo ku helayaan illaahay somalida taa waa ku manaystay ee tolow meeday raganidoodii, ee raganimadu waa u dhalad taana walaal waan soo sheegay .

Waar kabadhaad ka adkow oo haysku jilcin ayay ku waaniyaan qaar dumarkooda taasina waa raganimada somalida anna walaal waxaan u arkaa nacasnimo,waxaan ku heleyo jacayl iyo wanaag iyo kalmad fiican maxaa igu watta jikaar iyo waxaan loo jeedin .

Ragga somaliyeed walaalo waxaa ka dhiman ficlan qaarkood raganimo oo ah inaanu ka soo bixin doorkii laga rabay qoyska iyo caruurtiisa , carkee waa su'aale intaad somalida waydiiso ha kuu sheegaan inta qof ee aabihii rabeeyey ( ha ahaato wax u sheegid , barbarin , salada barid , waayaha adoonka.....) ee noloshiisa wax ka gaystay , waalaaal ragga somaliyeed badidooda waxaa kuriyey hooyooyinkood , waxaana ka maqan raganimadii aabaha , taasina waa ta keentay dagdagan iyo caadifaddan aan waxba ku dhisnayn ee ay ragga somaliyeed leeyihinn .

hadalkayga ha u qaadaninna xumaan ee bal miskastowba is waydii intii aabahaa kaa gaystay , waydii asxaabtaadana.


Diinta walaalo raganimo ka maqani ma jirto , waayo diinto waa wax kastoo fiican , raganimada ka fiican inuu ninka iska ilaaliyo xaraanta isagoo karaya waamaxay bal ii sheeg, waxaan walaalo arkay innamo joogay USA oon cidina wax udiidayn haddan diintoodu ay qabatay raganimada taa ka fiicani waa maxay , qofka inuu naftiisa runta u sheego oo haddii xaq laga leeyahay siiya , waamaxay raganimada ka fiicane , ninka gabadhiisa ku hanta diinta ,ee ku daryeela wuxuu ilaahay faray waa maxay raganimada ka fiican , ninka caruurtiisa ku barbaariya diinta iyo qalbigooda galiya raganimada ka fiicani .


walaalo anigu raganimo taa ka badan ma rabo kuma doorsanayo wax ay dad samaysteed wax ilaahii macbuudka ahaa dadkiisa faray .


ogbad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qaadi Huurshe

Thursday, December 14, 2000 - 03:42 pm
To Ugbaad:
Waxaan hubaa in maxkaxdaada iyo magacaagu ay isku qalmaan!

Ugbaad mean undiscovered pasture, in other word pure & fresh!!

Aniga gabar heer sare ah baad iila muuqataa, dhankastaba, mark amaandheey aan kuu duceeye wiilashaas walaalahaas mid kaad rabtid la soo bax, aniguna qaadi baan ahaye aan internetka dushiisa meher dhakab kuugu siiyo. Arooskuna over the internetka ha ka dhaco! Walaayadana aniga igu soo wareeji, ilayn aabe, hadduu noolyahay, ma oran kartid wiil aan internetka ku bartay oo aduunka meel uu ka joogo aanan aqoon baan guursanayaye! Yaab!

Anigu 80kii baan cagacagaynayaa, wiilashana midkii aad la soo baxdid anigaa CVgiisa kaa saxay!

Marka maandheey shukaansi waxaani dhaafyaye raga ha daaline, mid uun qoorta soo qabo!

War yaa diyaar ah oo aan hadda Ugbaad ku meheriyaa?

Ooh no, you will have to checked out first though! by me, the qaadi!

Waxaan sugnaaba waa bariiskii iyo bunkii iyo in arinta aysan ciida inla dhaafin!
Ramadaam Kariim
Qaadi Huurshe

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ogbad

Thursday, December 14, 2000 - 04:32 pm
To Qaadi

salaaam , ramadaan karim

Gabbaatiga intaada waad leedahay , arintana idigoo ka taliya mooye dhicimayso .


hahahaaaaah lol

ognbbad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ogbad

Thursday, December 14, 2000 - 10:52 pm
To Abdikarim

walaalo abdikarim ninkaan doonayaa ha lahaado , diin iyo akhlaaq iyo cilmi .

intaasoo kaliya ha lahaado anigaa wallaahi raggoo dhan dhafine oo waan is hubaaa, xittaa haduu yahay kaad sheegayso.

Waxaa la yidhi ragu waa iskuwada mid lakin dumarbaa is dhaafiya

ogbad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ogbad

Thursday, December 14, 2000 - 10:54 pm
To Abdikarim

walaalo abdikarim ninkaan doonayaa ha lahaado , diin iyo akhlaaq iyo cilmi .

intaasoo kaliya ha lahaado anigaa wallaahi raggoo dhan dhafine oo waan is hubaaa, xittaa haduu yahay kaad sheegayso.

Waxaa la yidhi ragu waa iskuwada mid lakin dumarbaa is dhaafiya

ogbad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cabdi kariim kaabuli

Friday, December 15, 2000 - 06:39 am
TO.MISS UGBAAD
--------------
RAMADAAN KARIIM YAA AANISA UGBAAD
-----------------------------------
Ugbaad anigu wixii jira waan kaaga garaabaa adiguse waxaad moodaa inaanad ka garaabin.
-1-waa runtaa oo waa raganimo in macsiyo iyo xumaan aan kari karo naftayda ka ilaaliyaa ama cabsi ilaahay aan isaga daayo ama caafimaadkaygaba aan u tudhee waa raganimo taasi.
-2-mid kalena waa raganimo oo inaad xaaskaaga si fiican ula dhaqantaana waa raganimo oo maaha raganimadu inaad intaada adag tusto ama ku tijaabiso xaaskaaga(dabcan adigoo haybadaadii iyo karaamadaadii ilaashanay ),ee waxay tahay inaad siduu nabiguba sheegay noqoto ka macruuf ahaan ula dhaqma.
waxaadse ugbaadeey isku khaldaysaa laba xaq iyo laba waajibaad oo ay kala leeyihiin aabaha iyo hooyadu ,diinteenu saddex xaq ayey siisey hooyada aabahana waxay siisay xaq keliya sababtuna waxa weeye masuuliyada hooyonimo iyo barbaarinta carurta iyo had iyo goor xanaaneyntooda waxa u badan hooyada taasina waa xaq dabiici ah oo diini ah oo ay hooyadu leedahay diintuna u tixgelisey(inkastoo imika caruurta ay hooyooyinku u dhiibtaan filibiinta iyo hindida oo ay hilmameen doorkoodii hooyonimo)halka aabuhu uu leeyahay masuuliyada guud ee labadoodaba -waa hooyada iyo ilmahabee-madaama uu isagu yahay madaxweynihii guriga xaajiyaduna ay tahay wasiirkii daakhiliga waxa u kala qeybsan shaqada iyo waajibaadka, markaa labadaa waajib fadlan hays dhex gelin oo raggu eed aanuu lahayn ha saarin .
ugbaad wa runtaa oo ninba ninkuu ka naag wanaagsan yahay wuu ka horeeyaa ka kale ,akhlaaqdu waa shay muhiim ah marka laga hadlayo qoyska iyo waxyaabaha dacaa,imta ama tiirarka u ah ,sidoo kale diintuna waaba aasaaska qoyska iyo waxa isu keeni kara labada qof laakiinse ilaa intee ayuu cilmigu saameyn ku leeyahay nolosha qoyska ????????????????????????????????
adiguse markaad leedahay nin cilmi leh -dabcan waxaad u jeddaa aqoonta maadiga ahe -ilaa heerkee nin ay ay aqontiisu tahay ayaad doonaysaa ama takhasuskiisu maxay yahay??????????>
mise waxaad u jeedaa nin waxna khriyi kara waxna qori kara oo aan gacanta la hayn turjumaana aan u baahanahayn?????????????.
bal su,aalahaa walaal adigoo mahadsan jawaab ma iga siin karaysaa.

cabdi kariim kaabuli

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ogbad

Friday, December 15, 2000 - 02:20 pm
Abdi kariim

walaalo sida muuqata adigu hadalkaan soo qoro si fiican uma akhridid

anigu waxaan i soo hormariyay hadalkayga , sida tan :

1. Diinta : waayo waa asaaska nolosha


2. Cilmiga : Cilmiga oo ah lagama maarmaan , ilaahayna walaal dadka wuu ku kala fadhilay cilmiga wayna adagtahay walaalo heerkan aan joogo in nin wax qora iyo waxuun akhriya aan guursado waayo waxay leedahay waxyeeladeeda , anigu waxaan rabaa inay caruurtaydu ka faa'idaystaan cilmigaaan bartay waaayo haddaanan guursan qof ila garanaya dee waa khasaaro


Cilmiguna markay diintu walaalo ka horrayso walaal walaalo khayr ee waxaa xun cilmi aan diin lahay .

Cilmigu intuu sameeeyaa nolosha qoyska taa walaal jawaabteedu way dheertahay , waxaan kaaga jawaabi doona inta u dhaxaysa caruurta ka dhashay reer waalidkood leeyahay aqoon diin aheeneed iyo duni ahaneed .

3. Midna aaad baaan kaaga soo horjeeda oo ah nolosha caruurta hooyada ayaa u badan , walaalo somalinimo ayay u badan tahay ee dadka kale uma badna hooyadu , waaana ta somalida ka dhiman , bal diraasadaad sheegi jirtay oo kale samee oo eeg ummadaha kale intay aabayaashood ku leeyihiin barbarintooda .

Anigu walaal ummada badan baan dhex galay waxaan murugu igu ah inaad sidan u hadasho , waaayo sida muuqata waxaa kaa dhaadhacsan in ninka looga bahanyahay maamul guud .

Maamulka guud waa maxay????

lacag : haday lacag tahay walaal lacagta imika dumarkaaba keenideeda u badan haddaad ka hadlayo taaa.

Haddaad u fiirsato somalida dibada joogtana maanta ta ku dhacday waaa taaa , ninka somaiyeed wuxuu moodayay in reerkiisu ka rabo lacag uun , iyo ag joogjoog iyo maamul guud sidaad i leedahay laakin qaxootiguba walaalo wuu siiyaa lacagta , maxaa se dadkii kal daadiyey taa iiga jawaab ....


Ha moodin inaan hadalkayga ku eedanayno ragga ee waa dhibaato maanta dadkeena haysata , inaad aragto ilmo yar oo ku leh aabahay ma arki karo , oo macalimiintii gaaalada sidaa ku leh , marka la waydiiyana waayo ay jawaabtu tahay waxba nooma taro , hooyaday oo dhibaataysan ayuu iska hurdaaa, ama qaad cunayaaa.


hadal iyo dhamaan guurku maaha laba qof oo is ag jooga ee nolol dhan qofkana waxaa ugu muhiimsan noloshiisa inuu arko ilmisiisa oo heer fiican maraya ha aado diin, cilmi anigoon kala saarayn cilmiga iyo diintaba anigu .

cilmigan walaalo aad yaraysanaaana waaka dadka is dhafiyay .


byeeeeee

ogbad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cabdi kariim kaabuli

Saturday, December 16, 2000 - 07:22 am
TO;DIKTOOREESO UGBAAD
---------------------
Ugbaad wacan oo wanaagsan.
anigu qoraalka aad qorto si fican ayaan u akhriyaa laakiin ma ihi nin kugu raacsan waxyaabo badan oo ka mid ah fikradahaaga aad soo qorto.
su,aasha aad i weydiisey ee aad tidhi maxaa dadkii dibada iyo qurbaha u qaxay kala daadiyey taa jawaabteeda waxaad weydiin dumarka oo markay maqleen yurub ragga adigaa ka baawar weyn ama hadalkaaga ayaa la tixgelinayaa kibir bilaabay iyo iney raggii bustahooda dibada u dhigaan ,anigu shkhsiyan waxaan aqaanaa qoys wadankii ku nabdoonaa oo ku negaa oo aan wax dhibaato ahina dhex oolin oo markii la tagey yurub ay naagtii bilowdey iney ninkii indhaha ku cadeyso ,aakhirkiina waxay ugu yeedhay booliska iyada oo leh ninkani waa terrorism ama argagixiso bal eega gadhka ku yaala ,waxa uu galabsadeyna waxay aheyd inuu ku yidhi naa gurigaaga joog oo ha tegin night clubska iyo cinemooyinka ,markaa su,aashaa jawaabteedA DUMARKA WEYDII OO NAA MAXAAD RAGA U ERIDAAN DHEH, ..
midda kale ugbaad waxaad tidhi nin wax uun qora ma guursanayo anigoo maustawahaa taagan ,maan garan mustawaha aad sheegayso walaal waayo horeyso iyo danbeysoba wuxunbaad tahay qof dumar ah oo laga masuul yahay ama aabahaa ayaa kaa masuul ah ama walaalkaa ama ninkaaga (ugama jeddo inaan ku yaso ama xaqiro).
midda kale maaha walaal wax kasta oo aynu ku aragno bulshooyinka caalamku iney sax yihiin oo aynu khaldanahay no,hadday sidaa tahay qabaail nayjeriya degan naagtu markay dhasho ayaa ugu danbeysa ilmaheda ilaa uu ka qaan gaadhayo intaa kalena waxa haya (kaabe qabilka)markaas kasiba waa dhaqan jira walal ee ma ku dayanaa.
yurub waa runtaa oo dhibaatooyin badan ayaa kala haysta qoysaska jooga laakiin ilmahan yar ee aad tidhi wuxuu ku yidhaahdaa macalinka gaalka ah aabahay waxba nama taro oo ma arki karayo su,aashu waxay tahay yaa ilmahan yar waxaa u sheegay ee maskaxdiisa ka buuxiyey nacaybka aabihii soo koriyey ee la soo tacabiray ???. dabcan waa hooyada dhashay waana waxyaabaha ceebta ah ee ay ku kacaan dumarka somaaliyeed markay tagaan dibada.
ugu danbeyntii ugbaadey waxaan hubaa markaad hooyo noqoto ee aad caruur dhasho(waxad ii shegtay inaad weli inan tahaye)waxaan hubaa iney fikradahan badan iyo waxyaabo badan oo aad aaminsan tahay iney maskaxdada ka bixi lahaayeen oo ay badalkeeda gali doonaan jacaylka iyo ku mashquulida awlaadaada iyo ubadkaaga lagana yaabee intaad shahaadadaada muraayad iyo fareem fiican intaad galiso inaad xasuus ahaan u soo sudhi lahayd qolkaaga hurdada ama fadhiga oo marka qaxwaha casariyaha aad cabaysaan adiga iyo xaawaleyda kale inaad ka sheekayn lahayd berrigaad diyaarinaysey waxbarashadaa iyo dadaalkaad u soo martay iyo aakhirkii markaad hooyo noqotey sidaad uga mashquushey......!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!. ALLAAH YAA SAMAAN .IYO XASUUS .
Waad salaaman tahay
qalin duure cabdi kariim kaabuli `

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ogbad

Saturday, December 16, 2000 - 08:49 am
Abdikarim

laba meelood oon is lahayn ayeynu ka hadlaynaaa


byeee

ogbad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ogbad

Saturday, December 16, 2000 - 11:56 am
abidikariimoooow

dibad baanad arag malaha , oo waxaanad arag waxay ragga somaliyeed kusugan yihiin ]

ilmaha dibada jooga ilma waxa loosheego maaaha

walaalo xatta waxay ogyihiin inta goor oo abahood hooyadood la sameeyo sex

waa carruur waxkasta lagu baray iskuulka oo uga baahan aabahood iyo hooyadood waqti badan si u baraan waxa saxa ah


please intanad iska hadlin orodaa taga yurub oo soo arag waxa ka jira , kaga bilow london , hollan, swiss , denmarka ...


anigu walaal ma eedaynayo dadka ee wax i dhibaybaan ka hadlayaa ee iska daa jikaarka oo u arag arrimuhu siday yihiin

iskana illow inaan ahay inan oo iga soo qaad nin

haddi hadalku ku yeelanayo macna kale gabadh uu ka soo baxay awgii

byee
ogbad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mohamed

Saturday, December 16, 2000 - 08:02 pm
Ogbad

Salaan ka dib,waxaan horta kuu rajaynayaa inanka aad doonaysa in Eebe ku siiyo .Marka xigta doodda adiga iyo Abdul-karim hadalad idiin wada socda.Orta sidaad ogtahay ragga iyo Dumarku marnaba ma wada sinna oo waa laka horayaa.Diinta islaamkuna marna ma abto in gabdhu salaadda imam ka noqoto.Amirka dadka muslimka ahi markastaba waa xagga ragga.

Dumarka europe,iyo North Amerika joogaba qaarkood ayaa waxay aaminsan yihiin wax la dhaho Feminists oo ah Dumarnimada xeesha dheer leh oo ragga doonaya inay la tartamaan dhinac kasta oo nolosha ka mid ah.

Markaasi malaha dumarkii somalida taasi way soo gashay iyadoo qurbuhu ugu wacan yahay.Iyo nolol aanay arki jirin oo ku cusub( taasi waxa la dhahaa Cultural Shock) oo qofku laba dhaqan oo aan islahayn doonaya inuu isku keeno.

Dooda adiga iyo wiilka idiin socota aan u soo noqdee,aniga oo aanan dhinac u xagliyeynin waxay ila tahay in Dumarku hashii ay hayeen ay ku noqdaan oo waxaa lagu ogaa Marwonimo ee dood laguma ogayn iyo ragga oo la critise-lagu samaeey.

Ugu dambayntii Miyaanad arrag dhaqanka Asiatic-ka sida Hindid iyo Pakistaankuba diintay doonayaan ha haysteen sida ay uga dambeeyaan ragga.Dumarku had iyo jeer xataa marka banaanka la socda way ka dambeeyaan ragga oo taasi dhaqanka ayaa ugu wacan,

Innagoo dad Muslim ah dhaqan baynu leenahay, waxaanu ku salaysan yahay diinta islaamka,waalidkeenuna dhaqankaasi ayey weligood haysteen, marka mana noo sheegu gartaa bal sida ay arrimuhu isku beddeleen iyo waxa ugu wacan.

Raali noqda haddii aan sheekada dheereeyey.

Nabadgelyo.

Mohamed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cabdi kariim kaabuli

Sunday, December 17, 2000 - 08:16 am
TO;UGBAAD
---------
Ugbaad anigu yurub maan tegin inaan tagona diyaar uma ihi inaan tago intii inan yar oo meel fadhida oo aan soo kaxeeyey anigu ay hadhow karaamada iga qaadi lahayd walaal ma tagayo,waxaanse kuu sheegayaa yurub warkeeda wax igu seegani ma jiro oo cid kale ka waraysan maayo.
waxaanse ugbaadeey kuu sheegayaa anigu intii aan inan arkayey ama la sheekaysaney inaad tahay inanta keliya ee aaminsan afkaar ka fog waxaynu nahay soomaali ahaan ,oo sidoo kalena jecel ama uu la wanaagsan yahay cid kale dhaqankodu ,waxaan u malaynayaa waxaad xubin ka tahay ururada yurub iyo maraykan ka jira ee loo asaasey la dagaalanka ama bahdilida raga iyaga oo ku gabanaya magacyo iyo waxaanu raadinaynaa xuquuqda dumarka <haddii aany sidaa aheyn maxaa keenay canaantan iyo edayntan faraha badan ee aad raga dusha ka saarayso mid ay leeyihin iyo mid aanay lahaynba>?!!!!!!!!!!!!!!!!!!cajiib.
midda kale ugbaad anigu dumarnimo iyo hadlkaad tidhi (waxaan rabaa nin soomaaliyeed oo ad u maskax furan )ayaan kugula hadlayaa ee in raganimo iyo alaab kale aad nola soo baxayso oo aad odhanayso iga dhig nin waa arin aanan filahayn,wase adunyo waana aakhiru samaan oo wax walba waad la kulmi kartaa .
walaal waxaan u malaynayaa inaan doodeena caynkan ahi midho keenahayn waana i jiid aan ku jiido iyo gacmo daalis iyo ragaa khaldan iyo maahee dumarkaa khaldan ee waxa fiican in wixii macquul ah ee jira la kala qaato laysagana garaabo ,wixii laysku dhaamona la kala faa,iideysto laakiin difaac iyo is giijin wax natiijo ah lagama gaadhayo.
ugu danbeyntii waxaan ku odhan lahaa ugbaadeey xasuusnow ineynu nahay dad muslimin ah islaamkuna xad ayu u kala jeexay raga iyo dumarka ,mid kastana xuquuq iyo waajibaad ayuu siiyey ,mar labaadka xasuusnow ineynu nahay soomaali somaaliduna dhaqan ayey ledahay ee kaana ha ka tegin oo haku doorsan waxaad meelo kale ku soo aragtey ,marka sadexaadna dee walaal dumarnimadu ceeb maaha ee nin iga soo qaad waxba ha odhan marka afraadna raggu ma jecla in qof dumar ahi wax ka sheegsheeto ha jirto ama yaaney jirine marka shanaadna u malayn maayo inuu jiro nin fikradaa badan ee maskaxdaada ka guuxaya sidooda kaaga qaadanayaa ee bal kala yar yaree oo inta lama huraanka ahuun la so hadh ,marka lixadna waxaynu ku jirnaa bishii ramadaanta ee barakaysneyd marka todobaadna waxaynu ku jirnaa tobankii danbe ee khayrka badnaa ,marka sideedaadna waxa ku jira habeenkii (leylatulqadriga) ee ducada badso iyo in ilaahay waxaad jeceshahay ku siyo .
waxaan kaga baxayaa ugbadeey raga somaaliyeed waxy doonayaan gabdh marku guriga soo galo dharka iyo kabaha ka bixisa o labada dhabanba ka dhunkata oo marka uu hadlayo dhegeysata oo aan ka garb hadlin , faanisa oo libaax ka dhigta her kasta iyo aqoon kasta o uu leeyahayba ee walaal sidaa dumarka soomaaliyeed yihiin hadaad ka duwan tahay waxaan kugula talin lahaa inaad gacantaada nin sida aad doonayso ah ku samaysato .
iga dhan
ramadaan kariim
hadaladaydani igama aha hadalo cadho ama xanaaq ee waa hadalo mabda,/
byeeeeeeeeeeeeeeeeeeeee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ogbad

Sunday, December 17, 2000 - 10:17 am
abdikariim


wallaahi waaa yaab haddaad illaa imika i fahmi laadahay

hadalkayga ugu horreeyay wuxuu ahaa nin diin leh iyo akhlaaq iyo cilmi

haday taasi waxaasoo hadal keentay wallaahi waaa yaab

diin baan ku leeyahay ood ileedahay ururada dumarka ee yurub , wallaaahi waa yaab

kala saar waxaan tusaale ka dhigayo iyo waxaan aaminsanahay , markaan ka hadlayo anigu yurub ugama hadlayo wanaag aan ku arko ee mushkulad i damaqday oon kuu sheegayo .

waanan ku idhi ha u qaadan hadlakayga eedayn anigu nimanka somaliyeed ma necbi waa walaalkay oo aabahay marka hore


hadalkaygiina anigu aankuu yara jilciyee waxaan ku idhi anigu waxaan aaminsanahay inuu ninku yahay hogaanka reerka u fiirso hadalkayga hugaanka reeerk hogaaan reeerka hogaahka reeeerka hogaaanka reeeeerka hogaaaaanka reeeeerka hogaaaanka reeeerka .

yurubna anigu kuma lihi tag ee waxaan kaala hadlayaa dhibaatada dadkeena ku haysata , rag iyo dumarba , tagitaankeeduna walaalo ceeb maaha waayo dad badan ayaa ka faiday oo waxa ku bartay oo dalkooda iyo dadkoodaba kur u qaaday


Waxaa jira inamo dhaliyaro ah iyo hablo joogay 20 sano oo wallaahi kuwa xaramka jooga uga aqoon badan diinta oo cilmi duni iyo aakhiroba is raacsaday oo caruurtooda si fiican u barbariye


bal waa yaabe

ma diintiiba qoon noqotay ,

mise cilmigii

mise iyo dumaroow raga ka danbeeya sidoo ilaahay yidhi

yaaaaab

walaaal haddaa diinta wax ka taqaano adigoo iga raali ah ilaahay wuu adkeeyay doorasha ay gabadho doornayso ninka waaayo oo wuxuuku xidhay shuruudo
ah :


1 . Inuu waalidkeed ogalaado ninka ay guursanayso
waayo inantu laga yaaba iyo wado xamaas shabaab lakin aabaheed oo ka hadlayo waayo aragnimo guur aanu walaalkeed ogaalina waaa baadil markaa wilaayadii aabuhu waa taaa markaa waaa inuu aabuhu ka fiirsadaa inantiisa ninkuu siinayo

xatta haduu aabuhu diido ninkay doonayso hadduu yahay munaasib , xaq bay u leedahay inay u tagto imaamka magaalada ,markaa imaamku wuxuu yeedhayaa inanka inanta aabaha waxaanu waydiinaya wuxuu kudiidayo inanka haday tahay diin aabaha ayaa xaqqa leh lakiin haday tahay doonyo iyo magac iyo waxaan miisaan lahayn wilaayada inanta waxaa la wareegaya imaamka oo u guurinaya inanata

aabuna inantiisa uma guurin karo iyadoo ogalaata mooyane

2. rasuulku salllaahu calayhi wasalam wuxuu yidhi u guuriya hablihiina ninkaad diintiisa iyo akhlaaqdiisa ka raali tihiin akhladiisa iyo diintiisa ka raali tihiiiin u fiirso hadalkaaa walaalo oo si fiican u akhri .

3. Cali ibna abiidaalib wuxu yidhi inantaad u guuri ninka cilmiga leh waayo haduu jeclaadana wuu hagaajin hadii jeclaan waayana xumayn maaayo

markaa walaalo dumark ilaahay islaaamka wuu ku sharfay maxaa waxaa soo dhan oo digtooniya ilaahay guurka ugu xidhay ???? waayo wax kasta waxbaa la socda ooh


1. gabadhu inay ninkeeda adeecdo haddaanu wax ilaahay diiday amrayn

2. daacada ninku waxay ka gaadhay rasuulka sallaaahu calayhi wassalam inuu yidhaahdo haddaaan cid amrayo in u sujuudu qof gabadhaan odhan lahaa ninkaaga u sujuuud , taasina gabadha oo qadarkeeda hoos loo dhigayo maaha ee qiimaha qoyska islaamku mudanayahay oo wax wayn ah


markaa anigu gabadh muslimad ah baan ahay diinta islaamkana fahamsan rumaysanna hogaanka ninka uu ilaahay siiyay ha ahaado aabo walaal iyo nin aan guursan dona

ilaahay ogol amarkiisa laakin inaan doorto ninkaan hogaankayga u dhiibayo walaal ilaahaybaa isiiyay oo walaaliday ii siiyay

ee walaal waxaad doonto ka qab cabdikariimooooow adigay ku jirtaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaa


ogbad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cabdi kariim

Sunday, December 17, 2000 - 11:42 pm
TO:UGBAAD
--------
WAAD SALAAMAN TAHAY .
Intii ay dodeenu socotey ugbaadeey maalinkaa maanta ah maalin uu hadalkaaga ka wanaagsan yahay maan arag ,sida ay diintu ka qabto u guurinta inantuna waa sidaa aad sheegayso oo lagu daray inanta ogolaanshiyaheeda ama si cad haw tidhaahdo waan rabaa ninka ama si dadban iyo aamusba haku muujisee iyada ayaa leh go,aanka nafteeda waana sidaa aad u sheegtey.
waxaadse moodaa inaad ka boodey ama aad hilmaantey xadiis rasulku S C W ) uu ku yidhi (hadduu idiin yimaado nin aad diintiisa iyo akhlaaqdiisa ka raalli tihiin u guuriya ,haddii kale waxa dhacaysa fidno iyo fasaad ) xadiskan kuma cada in ninka lagu xidho heerka uu aqoonta ka gaadhsiisan yahay tana waxaan ka daba socdaa hadalkaagii aad tidhi ninka aan doonayaa waa inuu ahaadaa nin aqoon sare leh (xaga maadiga).
horaa loo yidhi shan faroodle isma afgaran waayo ,sheekona ma dhamaato ee hotmailka ma ku wada xidhiidhi karnaa hada iyo wixii ka danbeya???.
bal si aynu doodan taagtaagana u debcino hadalkana isugu jilcino hotmailkaygu waa sidan
kaabuli2000@hotmail.com
byeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ogbad

Monday, December 18, 2000 - 02:53 am
abdikarim walaalo

anigu marka horeba hadalkaygu sidaasuun buu haa ee adigaa jikaarka somalida wada boqol goorna waaan ku cilcilyey ee haddaad rag somliyeed tihiin iska daaya impulsive atitude ka aad leedihiin een waxba lagu hubsan

cilmigana walaal anigaa waa iii darruuri oo waayo heer baan gaadhay anaan doonayn nin hoos ii dhiga ama dib ii ciliya waayo markuu ninku gabadha ka aqoon hooseeyo walaal mashaakil farabadhan bay leedhay waxaan anigu u arko muhiim isago uma arko

sheekadaa kala duwanaaanaysa

Haddaad u noqoto diinta islaamka mabda'a takafu'a waa la baneeyay walaalo , waayo walaalo waa inay labada qof is indho buuxiyaaan , oo ninkayga weedhiisu i deeqdaa oo qalbigayga buuxisaa

sheekadan bal dhagayso :


gabadh ayaa bari u tagtay nabiga SCW markaasay ku tidhi ninkayga iga fur markaasuu ku yidhi nabigu sallaahu calayhi wassalam waayo ma diintiisa xun, ma dhaqankiisaaa xun , ma si fiican baanu kuu dhaqin .

markaasay ku jawaabtay walaali waa saxaabi oo safka hore ku jira , geesinamo kama maqna , lakin naftayda ayaa diida oo markaan arko ee ragga la soo socdo isagaa ragga ugu gaaban uguna foolxun markaa sidaa awgeed ayay nafteedu u diida , markaa rasuulku sallaahu calayhi wasallam wxuu ku yidhi meherkii uu kaa bixiyay u soo celi markaa sidaasuu kaga furay waxaan ahaa kaasi KHULC ki ugu horreyay islaamka :

u fiirso sheekadaaa

Ninku waa saxaabi quraanka xafidsan , diinta yaqaana , akhlaaq fiican geesi ah

lakin muu buuxin qalbiga gabadha markaa rasuulku sallaaahu calayhi wassalam wuu ka furay gabadha

markaa walaalo anigu cilmiga diintu ka horreysaa waa ii muhiiiiiiim

byeee
ogbad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cabdi kariim kaabuli

Wednesday, December 20, 2000 - 01:01 am
TO:UGBAAD
---------
Ugbaad salaan ka dib .
walaal waxaad moodaa weli inaanad ka tanaasulin edayntii raga iyo wax ka sheegidoodii aynu dhowr jeer oo hore ka wada hadalay ,laakiin bal aan taa kaba soo qaado mid ka mid ah dabeecadaahaaga iyo sidaad raga u aragtee, ,anigu kuma jikaarayo hubsimo la,anina ima hayso ee waxad moodaa iney aragtideenu meelo badan ku kala duwan tahay , ninku diin ha lahaado haa ,ninku ha akhlaaq wanaagsanaado haa ..
mabda,an khuluca ee aad ugbaadeey aad sheegtay wuu jiraa laakiinse xadiiskan aad soo daliilsatey wuu kaa qaldan yahay ee wuxuu sax ku ahaa (gabadhan saxaabiyada ahi waxay saxaabiga kaga cabanaysey xaga gogosha iyo raganimadiisa hoose ee kumay eedaynahayn folxumo iyo gaabnaan midna oo waa ta tidhi <alaabtisu waa marada faraqeeda o kale>macnaha waa jilicsan tahay ,la yaabna malaha oo ninka iyo naagta waxa isu keenaa waa sex-ka ama galmada taana haday naagtu waydo dee ninka waxba isuma aha .
tusaale yar hadaan ku siiyona laba nin oo ragii hore ee mujaribiinta ahaa ka mid ah ayaa ku murmey dumarku waxay inagula joogaan caruurta iyo maahee waxay inugula joogan galmada iyo naagaysiga ,markaasay ku heshiyeen iney bal tijaabiyaan ,waxa loo anbabaxay dulaan aan jirin ,markii dhowr maalmood la maqnaa ayaa ayaa la soo noqdey iyada oo labadii nin mid ka mid ah la sido oo dhaawac ahaan laga dhigayo ,gurigiisii ayaa la geeyey markaasay gabadhii daalkii iyo diiftii ka biisey oo ay cunto siisey ,aakhirkiina waxay u keentay caanihii caruurtii xoolaha raacdey loo dhigey ,markaasay tidhi waar imika halkee wax kaa gaadhen markaasuu intuu afka u soo dhoweeyey yidhi naa cid ha u shegine guskii ayuu waran igagaga dhacay oo iga go,ay ,markaasey intey istaagtey tidhi hadalkan <OO HADDAA MAXAAD CARUURTA CAANAHA UGA CABAYSEY >. macnaha dee adigu rajo danbe ma lihid oo waxba danbe lagugu fali maayo ,ragii kale oo guriga docdisa ka dhegaysanayey ayaa qosley ogaadeyna inay dumarku kula joogaan galmada ee aanay caruurta awgeed ula joogin.
waxaan uga socdaa arintan gabadhaas khuluca doonaysey tan oo kale ayey aheyd ee may ku diidin wax kale saxaabiga ,hadaba adiga iyo gabadhaasi waxba ma wadaagtaan ee meel iska dhig xadiiskaa oo ha ku dabiqin dorashada ninka .
midda kale ugbaadeey aniga waxa maalmahan danbe maskaxdeyda ku soo dhacaysey waar malaha waanad fahmine ugbaad waxay furanaysaa jaamacad oo waxay doonaysaa nin aqoon sare leh oo wax kala dhiga jaamicadaas ileyn waxani nin doorasho ka badane ,bal arinta ma wax baa ka jira ugbaadey. .
ciid wanaagsan .
bye
qalin duure cabdi karim kabuli

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ogbad

Wednesday, December 20, 2000 - 01:47 am
To abdikarim

Horta arrinta khuluca waad ku qaldantahay ee dib ugu noqo walaalo , waaayo waan hubaa anigu walaalo .

Walaal haygu noqon nin somaliyeed ee hadalkaygu siduu yahay siduu yahay u faham hadalku siduu yahay boqol goor waaan ku idhi anigu walaal ma necbi ragga , waxaanan rumaysanahay inuu ninku yahay hugaanka reerka , walaalo waxaa layga rabaa inaan ninkaa ka danbeeyo oon ku raaco wuxuu doonayao haddii uu ku adkaysto , walaal anigu uma dhiibayo hugaankayga nin indhahayga buuxiya muuyaane .

Walaalo jaamacada qoyska ka fiicani ama ka muhiimsane , ama ka qaayo wayni waa tee , haddii jaamahadaha aad moodayso in loo dhigto dibada lagaga soo shaqeeyo , walaalo anigu waxaaan u arkaa inuu qofku gurigiisa horta ku dhaqo , waayo qofku markuu wax barto cilmiga waxba umuu kordhin , lakin waaa inuu cilmigu adiga wax kugu kordhiyaaa .

Noloshuna walaalo way waayo badan tahay mana aha inuu qofku ku tala galo wanaag uun , waayo xanuun baa iman , gaajo ayaa iman , waayo kale oo iska jira ayaa iman , markaa walaalo haddii aanay labada qof marka hore is indho buuxin ogow waxa isku xidhaa inay yihiin wax jilicsan oo dhakhso u duma sida dadka aad sheegtay.

Aniguna walaal taan la yaabanahay maxaa cilmiga kaaga dhigay dhagax , ma waxbaanad baran , illayn waxaan maqli jirnay cilmigu waa nuure maxaa adiga kaaga dhigay muqdi , waxaa la yidhi haddii la ogaado sababta , cajabku wuu yaraadaaye , bal sababta ii sheeg adiyoo mahadsan yaabku hayga yaraaaaaadee.

ogbad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cabdi kariim kabuli

Friday, December 22, 2000 - 06:26 am
TO:PROFESSORO UGBAAD.
--------------------
WAAN KU SALAAMAY .
Anigu walaal ma necbi cilmiga iyo aqoonta mana ihi jaahil alxamdulilaahi in igu filan aqoonta mid maadiya iyo mid diiniya labadaba waan ka bartey laakiin ninkii soomaaliga ahaa wuxuu yidhi hashu maankaygii gadaye ma mansaar bey liqdey ,anigu waxaan hore kuu weydiiyey markaad leedahay ninkaan guursanayaa waa inuu aqoon lahaadaa aqoontaa maxaad uga jeedaa ilaa heerkee ayaase ku qancin kara laakiinse kamaad jawaabin su,aashaas.!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!
waxaanse u arkaa anigu ugbaadeey inaad gudcur madoow gudayso oo halkii bari aheyd galbeed kula tahay inaad cid wax weydiiso ama aad ka qaadatana aanad diyaar u aheyn sababtana aan kuu sheegee dhegeyso ((wakhtigan imika lagu jiro sida nin wanaagsanlagu helaa oo ilaahiisana ka baqaya qofka dumarka ahi xaqay ku leedahayna garanaya sida ninkaa lagu helaa aad ayey u adag tahay ,naagta nin caadiya ilaahay ku soo beegaana way iska alxamdulileysaneysaa oo ninkaa waysada ayey isku dhowranayaan ,laakiinse adigu sidii uu ragu xero kuugu xeraysan yahay ayaad sidii adhigii la kala sooci jirey ayaad wadaa,.
midna aan kuu sheego ugbaadeey ilaa intii aynu doodan furney adiga ayuunbaa lahaa ninkaa ma rabo iyo ka caynkaas ah ayaan doonayaa ee waxaad ogaataa in ninka guurdoonka ahi adigana si weyn kuu miisaami doono oo ku kala shaandheyn doono quruxdaada ,dherekaaga hilibkaaga ,joogaaga ,qaab dhismeedka jidhkaaga ,qaab labiskaaga ,ama direys qaadkaaga ,socodkaaga ,wejigaaga ,sanqaroorkaaga ,qosolkaaga , codkaaga ,dibnahaaga,timahaaga ,indhahaaga ,afkaaga , ,badhidaada , sii jeedkaaga , soo jedkaaga ,dhaqankaaga ,diintaada ,raaska ama familiga aad ka dhalatey iyo dabeecadahooda ,akhlaaqdaada iyo sidaad ula macaamisho bulshada aad la nooshahay ,waxaad tidhi waxbaan bartaye bal xume iyo same waxaad soo kordhisey, ,baak-garoonkaagii .ilaa yaraantaadii ,ilaa dhowrkii fasax ee aad yurub tagtey .......e..t..c............ yacnii faallo iyo faaqidaadi way danbeysaa oo walaahi waan kaa helay ee adiguna ma iga heshay maaha xaaladu arinta guurkuna dhayalkaa ma aha ee ogow iney arimahaa aan soo sheegay oo dhami ugbaadeey yihiin wax ku horyaala ,halka adigu aad nin professor ah ka doonayso raga soomaliyeed waxa u muhiimsan arimahaa aan soo sheegay ,natiijaduna waxay ku xidhnaaneysaa hadba sidaad imtixaankaa uga soo baxdo ee aad ninka ku soo dona u qanciso.
walaal ugbaadey ninka soomaaliyeed ee guurka dhabta ah kaa doonayaa wuxuu u baahan yahay inaad waxyaalo badan ku qanciso ama ku cajbiso ee bal maxaa ka mid ah waxyaalaha aad ninka soomaaliyeed ku soo jiidan karto ama ku qancin karto ee aan aheyn aqoon ayaan bartey oo waxaan ka gaadhay heer , maxay kale ayaad haysaa ee aan intaa aheyn????????? ???????????????????????????????????????????.

ciid wanaagsan ,
byeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CABDI KARIIM

Sunday, December 24, 2000 - 05:36 am
TO :UGBAAD
---------
MA DAASHEY KU MEE UGBAAD


CABDI KARIIM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ogbad

Wednesday, December 27, 2000 - 09:12 am
To abdikarim

salaam walaalo ciid wanaagsan raaalina iga noqo waaan yara mashquulaye , lakin waynu wada xidhiidhi doonaaa

byeee
ogbad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cabdikariim

Saturday, December 30, 2000 - 02:48 am
to;ugbaad ..


ok war baan kaa sugayaa .


byeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeee.
waa cabdikariim

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ogbad

Wednesday, January 17, 2001 - 07:57 pm
To Abdikarim iyo dhammaaan dhalinyarada kale:


maaalin wanaagsan oo wacan walaalo raalina uga noqda waaayo waxaan lahaa course , waqtina umaan ahayn inaan idinla xidhiidho , dooduna way inoo furantahay sidii oo hore oo kale

ogbad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mohamed

Thursday, January 18, 2001 - 06:13 am
Ogbad,

Salaan ka dib,doooddii aad furtay waxay ku fiicantahay inaad ku soo gabo-gabayso Guur wacan oo mustaqbal fiican leh.

Midda kale e-mailada laguu soo dirana bal ku dadaal inaad ka soo jawaabto.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cabdi kariim

Thursday, January 18, 2001 - 07:41 am
TO:UGBAAD
-----------
Waad salaaman tahay walaal .

waxaan is idhi malaha ugbaad wey daashey oo dib loo arki maayo marse hadaad soo noqotey waa inoo halkeedii doodu ,ogowna kan aynu wadno laftiisa ayaa ah course iyo siminaare.

cabdi kariim

byeeeeeeeeeeeeeee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AZ

Thursday, January 18, 2001 - 10:45 am
Ugbad

Waxaan hayaa waxyaalo badan oo aan kuu sheegi lahaa, balse nasiib darro ma wada sheegi karo si kastaba ha ku timaadee.
Waxaanse kaliya kuu sheegayaa hal arrin oo waano iga ah: Waxaad isticmaashey kalmad loo isticmaalo fidinta iyo faa'finta dhaqaalaha iyo maamulkiisa oo ah "open-minded", laakiin badelkeeda waxaa dadka loogu isticmaalaa "intellectual" ama waxgarad oo aan filayo inay tan tahay midda aad u jeedey markaad isticmaashey, "... aad u maskax furan", oo loo yaqaano qof aan xuduudda laheyn ee ah "indifferent" kaas oo iskala qabsada ama soo dhaweeya waxii uu arko ama aqriyo.
Haddaba qofka islaamka ahi waa ka duwan yahay noocaas oo Rabbi baa u yeeley xuduud iyo dariiq uu qaadi karo oo ah muqadis, waana inuu taas ku dhaganaadaa, oo uu kala qaloodaa inta kale ee aan Alle jideyn.

Midda kale ogow, wax walba waxey faa'ido ku leeyihiin meeshii loogu talagaley, haddey dhaafaan iyo haddey ka yaraadaanba wey faa'ido beelaan.
Haddii aad aamintid caqligaaga iyo cilmigaaga inay kaa kaxeen karaan inaad dhaaftid dumarnimada iyo sidii la yiri nolosha ha ula wadaageen ragga, waxaad gaari kartaa oo kaliya inaad ka fogaatid ama ka maqnaatid guurka iyo macaankiisa.

Marka waxaan kugu oran lahaa: soo dag sidii dumar, oo raadi nin Allahiis yaqaan oo leh caqli iyo cimli uu ku qaado mas'uuliyada guurka iyo qoyskaba, asagoo og in barri laga xisaab qaadayo.

Intaasi waa iga waano, annoo jecel inaan waaniyo dadka aan dareemo inay wanaagsan yihiin, haddiise aad ka xumaatid, walaaley i soo cafi, iina soo sheeg si aan kaaga raali galiyo.

Mar kale iga raalli ahaada, adiga iyo inta kale ee sheekada kula qeybsaneysaba.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ogbad

Thursday, January 18, 2001 - 11:27 pm
To mahamed
walaalo waad mahadsantahy , waxaanan rajaynayaa dhamaanteenba inuu ilaahay inala kulmiyo dadkaan ku dagi doono

ogbad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ogbad

Thursday, January 18, 2001 - 11:28 pm
to adbikarim

soo dhawow walaalo oo halkeenii aynu ka wadno
ogbad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ogbad

Thursday, January 18, 2001 - 11:32 pm
To AZ

horta mahadsanid walaalo inaad isku howshay inaad akhirdo bogayga

talabaad waxaan u malaynayaa waxaad akhirday uun cinwaanka ee inta kale maad akhiyin

ee bal waxba yaanan hadalka kuugu celina adigoo iga raali ah akhri mar danbe waxaan uga jeedo , maskax furnaanta iyo aqoontaba, dhibatana ma jirto ee dooda lafteedu waxay u baahan tahay maskax furnaan .

ogbad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

waxmafahme

Friday, January 19, 2001 - 03:57 am
TO:OGBAD ASALUCALYKUM:

INTAAS KADIB WAXAAD TARI NINBAAN RAADINAYA OK MAXUMA LAAKIIN WALAL MA U MALAYNASAA RAGU BADANKOODA INAYSAN JECLEYN GABAR SAAS U HADAL BADAN WAXAAN AQRIYEY KULI LUCTURADAA MARKA YAA RABA NIN XAASKIISA WAXWALBA KAJAWAABAYSO ANY SUBJECT...LOL..HADII AAD DIINTA TAQAABID WAAINAYSAn gabadhu ninkeeda kadanbaysaa lakin adiga umalaynmayo waayo waxad meesha ku qortay adigiiba reerka nin ka ah.....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CABDI KARIIM

Friday, January 19, 2001 - 07:47 am
TO:dhalinyarad ka qeyb galaysa doodan furan.---------SALAAMU CALAYKUM.

Hore ayey soomaalidu ugu maahmaahdey hadal nina si u yidhi nina si u qaadey ,gari laba nin kama wada qosliso, hadalna waa mergi .
waxaan uga jedaa ilaahay dadka ma simin xag maskaxeed caqli waxgarasho aduun caafimaad si kastaba ,qofba qadar ayuu ka siiyey ,dadkan ka qeyb galaya doodan iyo barnaamijkan ay ugbaad furtey waa kala afkaar ,sidaa daraadeed bal waxaan ku talin lahaa dhalinyaro horta ha la fahmo mowduuca laga hadlayo inta aan wax lagu darsan,runtana halaga sheego fikradaha uu qof weliba aaminsan yahay ,cay iyo af legaadona waa dibada ,waxaanad ogaataan ugbaad waa inan inanina waa guur u joog ee bal nasiibkaaga nin walowba tijaabi laga yaabee inuu mid inaga mid ahi noqdo seyga ugbaad oo loo qaado ((LABADII HODMEE HOY WADA GALEE HOODAALE NOQDEE HIBO IYO DUCABA NAGA HOOYA ))).

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ogbad

Friday, January 19, 2001 - 09:10 am
To waxmafahmi

hahahaha

thanks waad iga qoslisay

byeee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ogbad

Friday, January 19, 2001 - 09:12 am
To abdikarim

adigana inshaallah walaalo khayr iyo wanaagbaan kuu rajaynayaa

ogbad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mohamed

Sunday, January 21, 2001 - 05:27 am
Abdul-kariim

Walaal wad mahadsantahay,sidaa aad sheegtay weeyaaan, run ahaantii mawduucan ay walaasheen Ogbad furtay waa mowduuc aad u xiiso leh oo mararka qaarkood iga qosliya mararka qaarkood aan ka faa'iidaysto odhaahyada maahmaaahyada iyo dhaqan somaligaba , gaar ahaan waxay i xasuusinaysa sidii ay gabdhihii hore iyo wiilashihii hore ay u hasaawi jireen.Waxaa dhaci jirtay inay erayo gaar ah iyo weedho gaar ah ay isku fayhmi jiraan ka dibna ay halkaasi reer lagu aasaasi jiray.Maalin ayaa gabadh meel fadhida wiil doob ahi dul is taagay ka dibna wuu salaamay, salaan ka dib ahna si ay ka muuqato cilaaq ayuu wuxuu weydiiyey maxaa meesha ku fadhiisiyey, markaasay ugu jawaabtay dhulku wuu kala dheeryahay(maaha xagga distance-ka hase yeeshee level-ka dhulka ayay ka hadlaysaa).Wiilkii si fiican oo cilmiyaysay ayuu ugu jawaabay.Talow jawaabtu maxay noqonaysaa wax hal xidhaalle wiilasha ayayna u taalaa.Marka jawaabta aay Ogbad inaga doonaysaa sida aan anigu u arko waxay u muuqaal eegtahay su'aasha aya gabdhaasi weydiisay wiilka.

Ogbad,

waad ku mahadsnathay jawaabta aad i siisay, sideey kuula muuqataa su'aashaada iyo arrinta hal-xidhaala kor ku qoran sida arrigtaadu ay tahay.

Dood wacan,dhammaan dhallinta halkan ku kulantay.

Mohamed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

waxmafahme

Monday, January 22, 2001 - 04:19 am
to:ogbaaad ii waran waa waxmafahmee fiiri walal anigu markii hore waxaan kii malaynayey niniska dhigaya gabar guur doon ah ilaa iyo hadana kuma rumaysni ilaa aan codkaaga maqlo mooyee taasna siday suuro gal u tahy ma qaan o adigay kugu xiran yahy waayo dadkan meesha ku qoran internatka waa dad tuugo ah beenalayaal.marka si dadkaa ninfican uga heshid aad bay u adagtahyn waa one milloin to one nasiibkaa marka ilaa iyo hada wad daadalysaa meeshaas hawsha ka wad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ogbad

Wednesday, January 24, 2001 - 12:34 am
To Waxmafahme

Horta waa guul haddaad fahamtay hadalkayga .

Markaa ma tihid waxmafahme ee waxaad tahay waxfahme .

Gabadh baan ahay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

waxmafahme

Thursday, January 25, 2001 - 04:47 am
to:ogbaad waxad tahay qof aad u maskax badan/furan kulama yaabayo hadii aad raadinayso nin maskax furan laakin aniga siday ila tahy waxaa kuu fiican nin aan maskax furnayey waayo adigaa maskax furan ama wadankii u raadso.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ogbad

Thursday, January 25, 2001 - 06:34 pm
To waxmafahme :

horta walaalo magacan iska badal , oo la bax waxfahme oo waliba aad wax u fahme,waaayo you are so funny man ,
and thanks for your advice

ogbad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kamal

Friday, January 26, 2001 - 01:04 am
Walaal i had a hard time reading all the somali text so forgive me if i didn't understand even a bit of it.

I am not aviable, but just wanted to add something to this little collection you have triggered off.

From my understanding no matter how perfect a person is or how perfect a relationship begins; there is always the so called "x factor" that has to be considered in the analysis of people and relationships...

Proof me wrong, but it is my believe that there is
-no perfect somebody for anyone, we make it happen over time.

-no fundamental education for the young bro/sis of the emigrated clans... in terms of basic knowledge required to be a productive partner...

I lived in 3continents and that sure causes serious disorientation culturaly... To the level where bros don't know how to be MrRight and sisters don't know how to be MissRight.

If anyone has any words of wisdom to share with an ignorant brother bleached of all cultural wealth... if you can tell me how a man is supposed to be a man then let me know?

It would be interesting to hear from sisters too, if they know what a man is?

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.