site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

QURUXLOOW RAADINAAYA QURUXLEEY

SomaliNet Forum (Archive): e-pals - Isbarasho: Archive (Before Dec. 16, 2000): QURUXLOOW RAADINAAYA QURUXLEEY
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

quruxloow

Thursday, October 26, 2000 - 05:04 am
WAXAAN WIIL SOOMAALIYEED OO ILAAH QURUX JIREED IYO MID DABEECADBA KU MANAYSTAY, HADAAN WAX KAAGA TILMAAMO WAXAAN WIIL DHERERKIISU YAHAY 1,83M, MIDABKEYGU WAA MIDABKA U DHAXEEYA CADAANKA REER YURUB IYO MADOWGA QAARADEENNA AFRIKA WAXAAN AHAY CAATTO XIGEEN AAN MACALUULNA LAGU TILMAAMIKARIN CALOOSHAYDA WEY DHISANTAHAY GARBAHAYGA SIDOO KALE GABDHAHA CADAANKA WAXAY IGU TILMAAMAAN IN AAN WAX AY IYAGU KU TILMAAMAAN SEXY EYES LEE YAHAY AMA INDHO JACAYL TAAS WAXAA II SII DHEER IN AAN AHAY WIIL DABCI WANAAGSAN OO DADKA YAQAANA AY AAD U JECEL YIHIIN IN AY WAQTIGOODA QAALIGA AH LA QAATAAN.

ISU KAA FAANIN MAAYEE WAXAA TAAS II SII DHEER IN AAN AHAY INNAN KU WANAAGSAN DHAQANKA IYO DIINTEENNA MACAAN OO DUKADA 5ta SALAADOOD.MARKA AAN WAX KAAGA SHEEGO WAX QABADKAYGA WAXAAN WELLI KU JIRAA WAXBARASHO OO MA IHI NIN SHAQEEYA WAXAAN WAX KA BARTAA JAAMACAD KU TAALO DALKA HOLLAND AMA NETHERLAND HADBA SIDA AAD U TAQAANO.WAXAAN JECLHAY IN AAN XIRIIR LA SAMEEYO GABAR SOOMAALIYEED OO DA"DEEDU U DHAXAYSO 19-23 OO AMA WAX BARATA AMA SHAQAYSATO OO AAN LAYSI AHAYN JECEL DHAQANKEENNA IYO HIDAHEENNA XOOGAA QURXOON DAACAD AH OO AAN REERO LUG GOYS AHAY KU TALO JIRTO IN AY DALKEENII MACAANAA MUSTAQBALKA DHOW HADDII ALLE YIRAAHDO KU NOQOTO OO AAN JECLAYN IN AY WADAMADAAN QALAAD KU ILKO DHACSATO, HADABA HADDII AAD TAHAY QOFKAAS AAN SOO SHEEGAY BALLAN WAXAA IGU AH IN AADAN KA SHALAYN XIRIIRKA AAD ILA SOO SAMAYSID. IGALA SOO XIRIIR quruxloow@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, October 27, 2000 - 06:24 am
I DON'T HAVE TIME TO WASTE ON SOMEONE LIKE YOU.
YOU ARE LUCKY IF I GOT THE TIME TO JOT DOWN THIS FEW WORD'S FOR YOU

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hani

Friday, November 10, 2000 - 05:06 am
To: quruxloow


Walaal quruxloow waxaan la yaabanahay inta aad sheegatay ma kaa dhab baa haddii ay taasi dhab kaa tahay waxaan u malaynayaa in ay taasi kaa dhigayso wiilka qarniga soomaaliyeed taasoo ay suura gal tahay in ay gabdho badan horey kuula soo xiriireen ee ma waxaad tahay noocyada daadiska badan maxay ku dhacday in aad haatan raadiso gabar kuu qalanta?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

suleeqo

Friday, November 10, 2000 - 05:16 am
yaa quruxloow miyaa aboowe wxaan ku weydiiyay sida hani oo kale runtaa miyaa mise waa is faaninaysaa haddii ay runtaa tahay waxaa laga yaabaa in aan jaanis siiyo sidaan kuula soo xiriiri lahaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SAMSAM

Friday, November 10, 2000 - 06:03 am
To:quruxloow
walaal waxaan kaa codsanayaa in aadan gabdhaha hunguri weynin aadan ku ridin oo aysan soo dhaafin raggii ay la socdeen sababta oo ah sifaha aad isku tilmaantay waa mid lagu magacaabi karo "MAR LA ARAG" ee fadlan ka tir tir bogaan waxaad ku soo qortay in aad taas samaysana allaha kugu duwo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QURUXLEEY

Friday, November 10, 2000 - 01:14 pm
TO QURUXLOOW

I THINK YOU NOT ALL THAT BUT LET ME
TELL ONE THING BROTHER CUTE GUYS ARE NOT
WORHT IT THEY DONT EXIS THAT MUCH SO PLEASE
STOP MAKING YOURSELF AND BE REALY MAN

FING GIRL WHERE U R OR ANYWHERE AS REALYMAN
AND KNOW THIS GIRL DONT MIND IF U R CUTE BUT
REALY LIKE U HAVE MONEY OR LOVE THEM WITH UR
ALL LOVE AND BE HONEST OT THEM,

GOOD LUCK TO U QURUXLOOW
PS AND LOVE
QURUXLEEY

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QALANJO

Friday, November 10, 2000 - 09:08 pm
ABOOWE HADII AAD SAASHAKTAY U QURUX BADAN TAHAY
WAKH AAD COMPUTERKA IS KA XAYAY SISID MA HASHEEN
'COZ' HONEYZ OO DHAN BAA HADAA KADABA ORDI LAHAA
EE NACNACDA HADEE IS KADEYSID QURIXI WAX MATARTEE JECEYL BAA WAX TARA

ONE LOVE QALANJO

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QURUXLOOW

Saturday, November 11, 2000 - 05:44 am
Walaalayaal gebi ahaanba waad ku mahadsan tihiin warcelintiina ha ahaato mid aad igu aflagaadeyseen ama mid aad igu amaanteenba. Waxaan u malaynayaa gabdhaha qaar ayaa afsoomaaliga ku dhibban oo jecel in ay af qalaad ku caytamaan balse horaa loo yiri "QOF WALIBA GARAADKIISUU HADLAA" waxaanse ilaahay uga mahadnaqaayaa in ay gabdhaheena carfoonka iyo dabeecad wanaaga dunida ugu haysta ay ku badan yihiin qaar afkooda in ay qoraan jecel.Haddaba abaayayaalkayga rumaysan la in aan ahay waxyaabaha aan sheegtay maxay ku dhacday in aad i rumaysan weydaan mise waxaan idiin noqday "DREAM MAN" oo maskaxdiinaa qaadi weysay in uu inan nooaan ahi uu dunida maanta ku nool yahay?
illaahay waxaan uga mahad naqaayaa taas sababta oo ah waxaan ogaaday in uu waxyaabo badan iigu hibeeyay waana mahadsan tihiin intiina sida wanaagsan ee asluubta ku jirto waxii soo weydiisay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SHANKAROON

Monday, November 13, 2000 - 03:10 am
To quruxloow

Walaal quruxloow run ahaantii waxaan si aada ula yaabay markii aad u mahad celisay xataa kuwii ku aflagaadeeyay waxaan jeclaan lahaa in aan ogaado dulqaadkaada miyaa sidaa u badan oo waad samir badan tahay mise waxaad tahay xariif ka damacsan hadalkiisa waxyaabo kale?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

canabeey

Monday, November 13, 2000 - 03:38 am
To QURUXLOOW

aboowe aad baa uga helay hadalkaga macaan oo asluubta leh iyo sida sharafta leh aad wax uga jawaabaysay anigu waxaa la iyirahada canabeey ceeb laawey lol. aad baa u qurux badanahay hasayeeshe balo waxaan ku dhigay cod wanaagsan ma lihi wadanka aan joogo oo carabah ka mid ah waxaa la iiga yaqaana "soot bila sura" aniga aboowe runti ba ku shegaya, wadankana sharci darro ba ku jogaa waxaa ku fakiray wadankii in aa isaga noqdo.

Maxaa ka qabtaa inaan sharaf iyo wanaag isu aroosno lol

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, November 14, 2000 - 12:14 am
Aboowe aad baan uka helay hadalataada qaarkood laakiin aboowe ma ahayn in aad ilaa xadkaa is faaniso waayo maah maah soomaaliyeed ayaa jirta oo oranaysa (nin is faanshay waa ri is nuugtay) Aboowe ika raali ahow waan ku kululaynayey kaftanku waa furan yahay ayaan u malaynayaa. Aboowe aniga waxaan dagan nahay some where in Europe i would like to introduce you aboowe hadaad doonayso emailkayga ayaan kuu soo qorayaa.Hadalataada aad baan uka helay--
sidaa ula soco...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QURUXLOOW

Tuesday, November 14, 2000 - 05:52 am
To: canabeey

Walaal canabeey waad ku mahadsan tahay qoraalkaadi balse waxaan la yaabanahay aan is guursanno ma xumee marka hore in aan is barano sow kama horeyso waana ku faraxsanahay goaankaada ah ku noqoshada dalkii hooyo sababtoo ah lama huraan waa cowskii jiilaal ayay soomaali hore u tiri.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QURUXLOOW

Tuesday, November 14, 2000 - 05:57 am
To:anonymous

Walaal laf ahaantaydu waan ka helay sida quruxda badan ee aad iila kaftantay balse waxa aan sheegtay ma aha runtii wax aan isku faanshay ee wax aan ahay. haddii aan xiriirno waxaan u malaynayaa in aan wax badan iska ogaan karno yaana og in aan calaf isku leenahay oo aad tahay taydi ciwaankayga wuxuu ku qoran yahay kor waana igala soo xirriii kartaa had iyo goorba.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

XAMDI

Tuesday, November 14, 2000 - 07:43 am
To:quruxloow


WALAAL QURUXLOOW WAXAAN KU WEYDIIYAY WAXAAN U MALAYNAYAA IN GABDHO BADAN AY HORE KUULA SOO XIRIIREEN EE WELI BOOS MA KAA BANAAN YAHAY?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

canabeey

Tuesday, November 14, 2000 - 09:52 am
Astaqfirulah waa toobad keenay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QURUXLOOW

Wednesday, November 15, 2000 - 02:03 am
To:canabeey

Walaal canabeey wax dambi ah igama aadan gelin marka wax istaaqfurulaysi ah oo aad u baahan tahay ma jiro balse haddii aad taas jeclaysatay iyada lafteeda waxba kama qabo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HANI

Wednesday, November 15, 2000 - 09:39 am
To quruxloow


aboowe quruxloow waxaan u malaynayaa in aadan suaashayda welli ka soo jawaabin? balse aan weli jeclahay in aan ogaado jawaabtaas

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

iza

Wednesday, November 15, 2000 - 01:32 pm
waraa quruxloow aniga waxaan ku oran lahaa qoftaas canabeey ah wax la qabo hadii aad meesha booto ke heeysana gabdhaha sxb hunguriga haka soo ridin lol,,,anyways ,,,, canab abaa waa ka xumahay aniga koleey kuma cawin karo anaaba teeydii qaadi la' lol,,,,i mean i was in holland now in USA marka abaayo wadankii isaga laabo hadii aad carabta si fiican aad ugu noolaan weeysay ,,,,i know what is goin' on there sis coz i have been in UAE back 1992-94 so wish u good luck need any advice don't hesitate to email me aight i like helpin' ppl
mustaf45@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

quruxloow

Thursday, November 16, 2000 - 06:02 am
To: iza


walaal iza waad ku mahadasan tahay taladaada saad rabto adigu ka wade. balse sow ma wanaagsana in aad naga dhexbado aniga iyo canabeey waxaan u malaynayaa in aan wixii dhaxdeenna ah aan annaga ka wada hadli karno oo aan si fudud ku xallin karno qaladna hadalkaas ha iiga qaadan.haddii aad afka ingiriisiga wax ku fahantana don"t take it personal bro.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

quruxloow

Thursday, November 16, 2000 - 06:21 am
To:hani

abaayo hani waxaad i soo weydiisay suaal aad u adag jawaabteedana aanan jeclayn in aan goob fagaaro ah ku sheego waxaad igala soo xiriiri kartaa ciwaankayga kor ku yaallo waxaana rajaynayaa in aad jawaab ku qancisa igala kulmi doontid.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xassan

Friday, November 17, 2000 - 06:45 am
quruxloow sxb i hope you get the best you wish.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BAD-GIRL

Monday, November 20, 2000 - 03:40 am
quruxloow do you wanna •••• or get fucked?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

quruxloow

Tuesday, November 21, 2000 - 02:34 am
To:xassan&badgirl

walaal xassan waad ku mahadsan tahay.
abaayo badgirl sow ma fiicna af aan fahmi karo in aad igula hadashid.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

iza

Wednesday, November 22, 2000 - 02:17 am
qurux.

sxb i won't take it personally, it's just an idea plus ur mr personality,,, wish u good bro.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FARTA

Wednesday, November 22, 2000 - 10:37 am
TO QURUXLOW ABOOWE QURUXLOOW WAA KA HELAY SHEEKADAADA IYO SIDA AAD NAFTAADA UGU KALSOON TAHAY WAXAA LA YIRI QURUXDU WAA QALBIGA WANAAGSAN EE MA U QALBI WANAAG SAN TAHAY SIDA AAD U QURXOON TAHAY

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

quruxloow

Monday, November 27, 2000 - 03:50 am
TO:FARTA

Walaal marka hore iga gudoon ramadaan wanaagsan,Walaal runtii qalbi qurxoon allaha na wada siiyo gebigeenba balse ma qalbi xumi sida aan jeclahay oo ilaa iyo hadda ma aanaan maqal wax ka cabanaaya qalbi samaantayda.marka waxaan dhihi karaa waan qalbi wanaagsanahay inkastoo aanan dhihi karin waxaan leeyahay kan ugu wanaagsan ayaan leeyahay walow aan taas jeclaan lahaa waa tii ay ingiriisku hore u yireen (the best is still to come).

Waxaan rajaynayaa abaayo in aan wax uun kaaga taabtay su,aashaadi.
xiriir wacan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FARTA

Monday, November 27, 2000 - 04:14 am
QURUXLOOW RAMADAAN WANAAGSAN WAAD KU MAHAD SANTAHAY JAWAABTII AAD I SOO CELISAY WAA RUNTAA OO ILAAHEY AYAA QALBI WANAAGSAN SIDA AAD II SHEEGTAY HADII AAD QALBI WANAAGSAN IYO QURUX ISKU DARSATAY YAABA KU HELI KARO ABOOWE? WAXAAN U MALEYNAYAA INAAD TAHAY RIYADII GABAR WALBA OO SOOMAALI AH MARKA WAXAAN JECLAAN LAHAA INAAN KUULA SOO XIRIIRO SI GOONI AH BYE QURUXLOOW TALK TO YOU SOON

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

quruxloow

Tuesday, November 28, 2000 - 08:22 am
TO: FARTA

walaashiis mahadsanid waxaanna rajaynayaa in aadan ku qasaari doonin wax allaale iyo wixii xiriir ah oo aad ila soo samaysid.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ANISO

Tuesday, November 28, 2000 - 09:29 am
to quruxloow


aboowe ramadaan wanaagsan waxaan ku waydiiyay ma lagaa batay mise boos weli waa bannaan yahay kaftan waaye akaftanna aan ahayn ee jawaab wacan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

quruxloow

Monday, December 04, 2000 - 02:49 am
TO: ANISA


Anisa abaayo waad ila soo xiriiri kartaa,waanad ku mahadsan tahay sida quruxda leh ee aad wax ii soo waydiisay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Diizaa

Monday, December 04, 2000 - 03:20 am
Walaal waan kusalaamay salaan cabacdi waxaan ku oronlahaa in taad naag soomaliyeed raadin lahayd aduunka ilaahay oo kale ka qaraabo ku laad Hollandse muslim ahna wadankaagii kula laabatidna maxaa yeeley maya qaanaan gabdhaha soomaaliyeed ixtiraanka ay isku leeyihii nin iyo xaaskiisu

qurus how ever the case I wish you good lucky

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QURUXLOOW

Wednesday, December 06, 2000 - 01:25 am
TO:Diizaa


Walaalkiis diizaa marka hore waad ku mahadsantahay waanadaada.balse aniga oo ay iga ahayn ku gacansayris ayaan run ahaantii jeclahay dhaqanka iyo hishoodka iyo carfoonaanta ay hablaheenna dheer yihiin hablaha dunida kale oo idil marka laysku daro.marka waxaan u malaynayaa in aan ka helli karo gabadhaheenna mid iga dadda wax allaale iyo wixii baahi ah ee aan gabar shisheeye u qabi lahaa.Mar labaadna waad ku mahadsantahay taladaada balse anna waxaan kuula talin lahaa in aad jaanis siiso hablaheenna carfoon oo aad dhanka wanaagsan arinta ka fiiriso ee aadan ka fiirin kuwa fara ku tiriska ah ee dhaqan gaddoomay eena xishoodka ka tagay.Walaalkiis welli way badan yihiin kuwo wanaagsane bal luuqyada fiirfiiri.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Leila

Wednesday, December 06, 2000 - 03:15 am
Hi to yall guyz who is just haveing fun for
live .I just like to say dont waste of your time ant pretty somali girl would U coz u r so NAIV
Love Leila

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gabar

Thursday, December 07, 2000 - 02:46 pm
Hello Qurulow,
Ma heshay gabadha aad raadinaysa? hadii aad weli raadinayso ma kula so xiriiri karaa, Aniga waxaan ku nolahay Holland, zo wie weet?
Bye.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

farah

Saturday, December 09, 2000 - 12:55 am
Asalaamu aleykum, ramadaan kariim all.....

Walaal gabdhaha waqtiga ha ka dhumin

Mida kale quruxdu faa'iido eeleedahay ma jirto,
waana og tahay in kabdhaha badaana ay ku doortaan wiilasha quruxdooda ee faaniskanaga dhaaf pls....
Mida kale quruxda aad sheegeysid waa tee :
- Tan jirka
mise
- Tan wadnaha.

Ogowna hadey gabar kugu doorato quruxdaada mise aad adiga ku dooratid quruxdeeda ,jeceelkaas mise guurkaas mawaaraayo.....


Hakuu macaanaato.....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Quruxloow

Tuesday, December 12, 2000 - 02:34 am
TO;Gabar

Abaayo waad ku mahadsan tahay jawaabtaada waxaana ku lee yahay gacmo furan ayaan kuugu soo dhaweynaayaa waadna ila soo xiriiri kartaa mar walbo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Quruxloow

Tuesday, December 12, 2000 - 02:50 am
TO:leila & farah

Walaal leila sow ma fiicnayn in aad igula soo hadasho af aan fahmi karo.......

Walaal faarah ninba intuu gartuu hadlaa waa tii hore loo yiri waad ku mahadsan tahay taladaada sidoo kale ha kuu macaanaato........

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gabar

Wednesday, December 13, 2000 - 11:48 am
Hello Quruxlow,
Waad mahadsantahay in aad ii jawaabtay laakiin, waxaan ku waydiiyay labo su'aal. Mida hore waxay ahayd "Ma heshay gabadha aad raadinaysay?". Fadlan iiga so jawaab.
Bye.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qanciso

Thursday, December 14, 2000 - 06:24 am
TO Quruxloow!

Waxaan ku iri nin kaa ayaan badan malaha saa intaa oo gabdhood ayaa saf kugu jirta alaha ka dhiga anigaba!!lol!!!
Laakiin horaa loo yiri NIN IS FAANSHEY WAA RI' ISNUUGTEY...ha iga xanaaqin waa maahmaah horey soomaalida u sheegtey. I wish inaad hesho gabar kuu qalanta....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hot girl

Thursday, December 14, 2000 - 07:12 am
hi lover how are you am find i hob you are to write me back lover on janetjackson17@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

quruxloow

Wednesday, January 10, 2001 - 06:10 am
TO:gabar

abaayo marka hore waad ku mahadsan tahay wargelintaada iyo suaashaadaba balse runtii jawaabta aan ku siinayo waxaan u malaynayaa in ay tahay YAA YAQAANAHEEE walow aan taas positive ka wado,waxaan rajeynayaa in aan kaaga jawaabay suaashaadi

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

quruxloow

Wednesday, January 10, 2001 - 06:12 am
TO qanciso


qanciso abaayo waad ku mahadsan tahay ducadaada runtiina waan ka helay kaftankaada.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qanciso

Wednesday, January 10, 2001 - 10:42 am
Hi Qurux.'

Ur really to slow qurux, hurdada ka kac walaalkiis
sidii saf ey gabdhihii guugu jireen wey wada daaleen macalinka....

by Qancis

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

quruxloow

Monday, January 15, 2001 - 03:37 am
TO;qanciso

walaashiis waaa daaleen aad tiriye aniga dhinacayga maad arinta ka fiirisid anigaba waxaan hayaa howl wayna taas oo ah qancista intaas oo gabdhood marka ma kula ahan miyaa in aan daalay mise?!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

amiira

Monday, January 15, 2001 - 07:43 am
quruxloow horta nin isfaanshey waa ri isnuugtey aa soomalidu tiraahdaa,quruxdu necessary ma ahan ee wax kale meesha ma ku heysaa 100 qurxoon ood ka matagi baa jira markey hadlaan,ma waxaad tahey flower gurga la dhiganayo.gabar qurux isku faaniso waa la arki jirey maantase waa duni dhalan gadoontey, noloshaada raagta geel dhalayaey ku tustaa, anigu gabar rabi qurux u dhameeyey baan ahey balse ma awoodo in aan is cajabiyo waayo dad badan in aysan ii arag in aan qurxanahey baa dhacdo ileen quruxda qofiba si buu u sharaxdaa, soo maadan maqal nin walbaa tii cajabisaa waa u carbara luula.marka ceebtaada si kale oo caqli xambaarsan gabdhaha ku soo jiido laakiin"quruxloo"lol.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QURUXLOOW

Tuesday, January 16, 2001 - 02:56 am
TO:AMIIRA


walaal amiira waad ku mahadsan tahay waanadaada balse hadii aan sheego sida aan u ekahay taasoo ah arag qurxoon ma waxaad u aragtaa in aan faanaayo maxaase keenay in aad maahmaah hadda ka hor mid qaad suu u cunaayay uu marqaankii hadal ka qabtay uu maahmaaho u tiriyay. walaal anigu ilaahay baan uga mahad naqayaa sida uu ii abuuray taasoo runtii ah mid ay dadku isku raaceen xataa gabdhaha soomaaliyeed marka wax qarsoon waa jiraan ama la qarin karo laakiin taydu taas kuma jirto oo waa iska muuqataa mida kale dabcigayga oo sii wanaagsan ayaa keentay in ay arjiyadu soomaali ku koobnaan oo ay cadaan iyo guduudba la soo socdaan.
walow anigu aan fiiriyo oo kaliya kuwa ay gabdhaheena carfoon ii soo qorteen.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

GABAR-FICAN

Tuesday, January 16, 2001 - 07:31 am
to;quruxloow

aboowe waxaan u malaynayaa in ay waxxoogaa cunsurinimo soomaaliyyed kuugu jirto taas oo aan ka qaatay hadalkaaga maxaa yeelay oo aad gabdhaha aan soomaalida ahayn wax ula qaban wayday. Aniga waxaan ahay gabar soomaali iyo cadaan iska dhal ah oo ku nool haatan qaaradda yurub balse ku soo kortay dalka soomaaliya jecelna dhaqanka soomaaliyeed taqaano caadooyinka soomaaliyeed marka haddii aan arji kuu soo qorto ma aadan fiirin lahayn miyaa? adoo u aanaynayso in aan soomali ahayn ama bar-soomaali ahay?

waxaan ku soo barbaaray dalka soomaaliya oo aan jeclahay in aan ku noqdo halkaas marka ay xaaladdu
degto,marka haddii ay wiilashi soomaaliyeed ee wax bartay sidaan u fekerayaan maxaan ka sugnaa kuwa kale ee aan wax baran?

waxaan u malaynayaa in afsoomaaligaa sida aan u qori aqaano ay ku cajabiso oo aad la yaabtid balse ogow in dad noocayga ah ay jiraan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QURUXLOOW

Wednesday, January 17, 2001 - 03:29 am
TO:GABAR-FICAN

Abaayo marka hore waxaan kaaga mahad naqayaa warcelinta aad ku soo qortay bogayga.Marka xiga hadaan kaaga hadlo dhanka cunsurinimada taas oo ah mid runtii i taabatay waxaan u malaynayaa in aan marnaba cunsuri ahayn balse waxaan uun sheegay in aan ka hello gabdhaheena taasna waxaan u malaynaa
waa dooqayga sababta oo ah waxaan aaminsanahay gabadha soomaaliyeed in ay ka carfoon tahay tan kale ee shisheeye taas oo aan ula jeedin in gabdhaha kale ay urayaan balse kuweenaa igala nadaafad iyo carfoonaan badan.

Horaana loo yiri habar waliba XAARKAY DHASHO AYAY XAAYOW ULA BAXDAA.. marka taas waxaa laga yaabaa in ay tahay mid aniga qaas igu ah balse
waa wax iga dhaadhacsan oo aanan xumaanna ka wadin haday ku waxyeelaysayna iga raali noqo kama aanan
wadin in aan qof waxyeello ugu gaysto.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

GABAR-FICAN

Thursday, January 18, 2001 - 03:21 am
to;quruxloow

aboowe waxaad u hadashay si caaqilnimo ah balse
waxaan u malynayaa in aan weli ka qancin,inkastoon
garaystay hadana timir lafaa ku jirtaa hore loo yiri marka wax lee ku jiro sababta ay gabdhaha soo maaliyeed oo kaliya kuula carfoon yihiin waxaan jeclaan lahaa in aad taas iga jaahil bixiso.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sagal

Sunday, January 21, 2001 - 11:05 pm
to quruxloow
waatan quxleey raadinaysa quxloow marka aboowe igla soo xiriir e mailkan quxleey86@hotmail.com
bye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QURUXLOOW

Wednesday, January 24, 2001 - 06:08 am
TO:GABAR-FICAN

Wl marka hore waad salaaman tahay marka xiga runtii ma ihi aniga ruux ay ku jirto nacayb shisheeye. Taasna waxaan runtii kuugu cadayn lahaa hadii aan iskumeel ku noolaaan lahayn in aan ku tuso saaxibadayda shisheeye haday ahaan lahayd,cadaan,madow,ama naacyada kale ee banii aadamka balse waxaan uun door biday tayda soomaali ahaaneed in aan mudnaanta koowaad siiyo.

haddii ay qalad tahay & haddii kaleba.adigase abti ayaan kuugu aadanahay ama adeere bal iga xishoo waa ku sidee qof yahay hadalka ha igu durin see waaye adiga qofyahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QURUXLOOW

Wednesday, January 24, 2001 - 06:25 am
TO:quruxleey

Abaayo iga gudoon salaan,marka xiga waxaan u malaynayaa in wax yar uu ka qaldan yahay e-mailka aad i siisay waxaan rajaynayaa in aad ii soo sixi doontid sidaas iyo xiriir wacan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

GABAR-FICAN

Thursday, January 25, 2001 - 05:44 am
to;quruxloow

aboowe waxaad iga siisay suaashii jawaab wanaagsan balse adeer ama abti waxaan u malaynayaa dadka waaweyn lee iigu aadanaan karo balse adiga waxaan kaloo ku waydiiyay haddii aan arji kuu soo qorto maxaad ka dhihi lahayd.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sagal

Friday, January 26, 2001 - 01:03 am
to quruxloow
aboowe waan kusalaamay salaan kadib waaruntaa waa qalad e mailkayga ok marka hadaan kusaxaa ok sorry quruxleey@hotmail.com bye sidaa iyo jawaab wanaagsan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QURUXLOOW

Monday, January 29, 2001 - 12:42 am
TO:gabar-fican

Wl suaasha aad i weydiisay jawaabteeda haddii aan isku dayo waxaan ku dhihi lahaa mar hadaadan isku dayin oo aadan samayn ma garan karo sida aan ka yeeli lahaa ee marka hore bal taas ha dhacdo kedib ayaan arki doonaa sida ay noqoto.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

GABAR-FICAN

Tuesday, January 30, 2001 - 03:05 am
to;quruxloow

Aboowe ma waxaad rabtaa in aan kula soo xiriiro kedibna aad igu tiraahdo haaf soomaali ayaad tahay mise wax kale aad hadalka ka damacsan tahay? waxaan kaloo ku weydiiyayay quruxdu ma soomaaliday qaas u tahay?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QURUXLOOW

Tuesday, February 06, 2001 - 01:38 am
TO:gabar-fican

Wl waxaan u malaynayaa in ay wax xoogaa qalad u muuqan karto haddii aan iraahdo quruxdu waxay qaas u tahay soomaalida balse qof walba quruxdu isku si uma arko ummad walibana isku si uma arkaan quruxda marka aniga waxaan jeclahay qaabsamida gabdhaheenna taas oo uu ugu hreeyo xishoodka.

waxaana laga yaabaa in dhaqamada kale ay la yaabaan marka ay arkaan gabar soomaaliyeed oo ka xishoonaysa waxyaabaha qaarkood halka aan anagu ku farxayno.Adigase wax aadan isku dayin waxba ha sharaysan hana qayraysan inta aadan isku dayin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

qiima badan.

Tuesday, February 06, 2001 - 04:36 am
to quruxloow

horaa aboowe waxaa loo yiri qofkii muqaalkiisa qurxoonyahey gudaha ayuu ka dhintay sababtoo ah nin aduunkaan ku nool oo ilaahey u dhameeyay ma jiro, ilaa NIBI YUSUF MOYEE XADIISTA DIB UGU NOQO.


waxaan kaloo u sheegaayaa ma isweydiiseen ninkaan inuu diinta wax kayaqaano sabab too ah guri wuxuu ku dhismaa diinta ee qofka quruxdiisa wax aad darbi ku dhegsaneysiin maha oo guriga lagu qurxinaayo ee ha isbeecinina waad ka qiimo badantihiin hadaad tihiin gabdho somaaliyeed.


salaamu caleykum warax matu laahi wabarakaatu.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

qiimo badan

Wednesday, February 07, 2001 - 04:30 am
to quruxlow


Maxaa kugu dhacey ma hadaldey aad ka naxdey
in gabdhaha ay kugu daadiyaan.


macsalaama

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

GABAR-FICAN

Wednesday, February 07, 2001 - 09:28 am
to;quruxloow


saaxiboow aad & aad aad u caqli badan tahay laakiin waxaan ku weydiiyay maxaad jawaabaha qaarkood uga leex-leexanaysaa maad iiga soo jawaabtid mise wax xoogaa wax kalaa jira bal ii soo sheeg.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QURUXLOOW

Sunday, February 11, 2001 - 10:56 pm
TO:gabar-fican

Walaashiis waxa jira ma aanan dareemin ee hadaad adiga dareentay bal ii soo cadeey waxa aad uga dan leedahay suaalahaas aad i soo weydiisay ee aan ka soo jawaabin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

runsheeg

Monday, February 12, 2001 - 12:37 am
waryaara gabdhow iska ilaalsha ninkaan anaa garanayaa wacde waa loodkayga waa nin wayn oo buuran kalsooni badan ma qabo balse waa hadal badan hadhowdii hadaad kulantaana wuxuu rabaa inuu idin baryo anaa arkay asagoo wax baryaaya ... i rumayso ama ha i rumaysan bal nin ragi qurux muxuu ka sheegaa war waa koombo wacde meel kale oo lagula hadlo buu waayey. .......

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QURUXLOOW

Monday, February 12, 2001 - 06:04 am
TO:runsheeg

hahahahahah Wl runsheeg waayahaan si aanan u qoslin baad iiga qososhiisay waadna ku mahasan tahay haddii aad hayso waxyaabo sidaan oo kale ah bal ii soo qor sabata oo ah waan ka helaa dadka kiriitikada badan oo misana eedeeya waxyaabaha aysan ogayn.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

qiima badan

Tuesday, February 13, 2001 - 12:55 am
To quruxloow

walaalkiis waxaan ku weydiiyey maxaad igu soo jawaabiweysey ama su aasheyda ayaad gees gees mareysaa.


jaaw jaaw.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

GABAR-FICAN

Tuesday, February 13, 2001 - 05:43 am
TO:quruxloow


aboowe markii aan hadalkaaga cabiray waxaa ii soo baxday in aadana rabin in aad si toos ah hadalka uga jawaabto waxaan ku weydiiyay haddii aan luuqa suaalo kugu weydiiyo malaga yaabaa in aad si cad uga jawaabto.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

quruxloow

Wednesday, February 14, 2001 - 01:33 am
TO:gebi ahaan gabdhaha somaaliyeed
& kuwa half-somaliga ah

Wl waxaan idin lee yahay maanta oo ah maalintii jacaylka farxad wanaagsan waxaana idiinku bishaaraynayaa in aad tihiin kuwa kaliya ee u qalma biladda dahabka ee gabar dunida ku nool la siiyo ku socda habsamida, xishoodka & dabci wanaagga aad uga duwan tihiin gabdhaha dunida ku nool

with all my love to you

QURUXLOOW

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

qiima badan

Wednesday, February 14, 2001 - 04:44 am
to quruxloow


quruxloow mey ku dheeheen ee ka tageen.
walaahi su aal waad ka gees gees marikartaa inta kale been.waan kaa gaabisanaa hadeer yey sheekada kugu qarxine.


jaaw walaakeyga soomaaliyeed.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HANIYAREY

Thursday, February 15, 2001 - 01:28 am
to:quruxloow

Aboowe aad baad ugu mahadsan tahay amaanta aad mar walbo u soo jeediso gabdhaha soomaaliyeed waxaan ku weydiiyay ma cilmiga psycologiga ayaad wax ka bartay mise aad baad u dulqaad badan tahay?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QURUXLOOW

Saturday, February 17, 2001 - 01:51 am
TO:HANIYAREY


Abaayo aad baad ugu mahadsan tahay ereyada qurxoon ee aad halkan ku soo qortay.

Abaayo runtii gabdhaheena way u qalmaan amaanta midda kale haddaana anigu amaanin yaan kaloo ka sugayaa in uu iii amaano ma shisheeye jawaabtu waa caddahay aan u malaynayaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HANIYAREY

Tuesday, February 20, 2001 - 01:50 am
to:quruxloow

aboowe waxaa kaa cosanayaa in aad u dulqaadato qaarka qaabta daran ee wax ma garadka ah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

quruxleey

Wednesday, February 21, 2001 - 10:57 pm
fiiriya gabdho wiilkaan waa idinkaladhexbaxay marka iskadaaya waayo waan isjecelnahay marka ilaawa bye saaxibayaal

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HANIYAREY

Friday, February 23, 2001 - 03:16 am
to;quruxleey


Walaashiis see camal adiga kaligaa maa isku koobaysid ma ogtahayse waxad ku aragtay in aan annaggana ku aragnay marka adiga kaligaa luuqa ha la galin see waaye walaashiis.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MUGDI

Thursday, March 01, 2001 - 02:50 am
gabdhayahow iimaanka ilaahay ka qaaday ha isku dagaalina wiilka waa ceebe wax isula hara oo labdiinaba ka tashadda.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, March 02, 2001 - 02:34 am
labadooda haddii ay ka tagaan adigaa dheda ka qaadanaayo miyaa MUGDI hadalkaada waanada u eg waa la fahmay yaaqay ee xariga sii daay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QURUXLOOW

Monday, March 05, 2001 - 04:08 am
To:gebi ahaan Gabdhaheenna


Wlyaal saaxiibayaal iga gudooma ciid wanaagsan meelkasta oo aad joogtaan & wax kasta oo aad ku sugan tihiinba.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FARAXLEY

Friday, March 09, 2001 - 03:14 am
TO QURUXLOOW

WALAAKIIS HAYE IIGA WARAN GABDHAHA ISKU KADILAAYO HAYE MAXEY MESHAAN KU HAYAAN ANIGA WAXAA WAYE JE WEET WEL.SIDAAS KU SII SOCO NAGAHA HA ISKU KADILAAN JUST KIDDING MAN DAMIIR FIICAN AYAAD LEEDAHAY.WALAAL KIIS AAD BAAD U FIICAN TAHAY I KNOW U WHERE U R? HOW U LOOK LIKE LAKIINSE MA KU QAR XINAAYI EE WAA ISKA KAA DHAAFAA.(GEINJE).

HA KUU MACAAATO Q+Q......LOL.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QAMAR

Tuesday, March 13, 2001 - 06:55 am
walaalkiis aniga oo ah gabar soomaaliyeed oo degan yurub aqristayna wixii ku qornaa kor ee ahyd warbixintaada ma laga yaabaa in uu boos weli kaa banaan yahay!!!??

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

quruxloow

Wednesday, March 14, 2001 - 05:35 am
TO:qamar

abaayo marka hore waad ku mahadsan tahay booqashada aad bogayga soo booqatay marka xiga waxaan u malaynayaa jawaabta aan kuu hayaa in ay tahay "yaa yaqaanohee"

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

RUUN

Thursday, March 15, 2001 - 02:38 am
haa haa quruxloow aa lagu dahaaa miya quruxdaanaaa intee ka keentay soomaali qurxoon hore looma arkineeeee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

faraxley

Thursday, March 15, 2001 - 05:10 am
To Ruun

washiis waxaan ku dhahay maxaad saas noogu dhameynee anaga yaa naga qurxoon oo soomaali ah abaayadiis waxaan u maleyen in ay adiga quruxda kugu yar tahay marka waxaad u moodaa in uu qofkasto sidaas yahay. Hana iga xumaan hadaladeyda kul kul lul waa iska kaa kulu leysanaaye.


bye sis

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

suuban

Wednesday, March 21, 2001 - 01:26 am
To:ruun
abaayo waxan la yabanahay in aad sidas negativeka ah uga fekereyso wiilasha somali ma arkin miya wiil somali oo qurxon?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SUHUUR

Thursday, March 22, 2001 - 03:45 am
WARYAA QURUUXLOW WADIGAAN ISKU SHEEGAAY QURUX EE MIYAAD WEYDEEY MIID KALE AAN EHEEN INTERNETKA?? HADI AAD LEDAHAAY TILMAANTA AAD ISTILMANTAAY WAYO HADANA WAYO,WAYO OO WAYOOOOOOO AYAAD MIID U LADAHAAY?? WAA WAX AAN SURTO GAAL EHEEN!! NIIN QURUXBADAAN OO DABECAAD WANAGSAN OO INAAN'LA ?? WAA SU'AAL JAWAAB AAN U LA'AHAAY ILAAH HAKU SAHLO AMUURAHA GARAAN MAYO WAXA SI'AH EE

PEACE&LOVE
SUHUUR

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

RUUN

Thursday, March 22, 2001 - 04:54 am
suhuur waa kula heshay sasa la raba dadkanana iskufikaaraynaya hehey ka soo jawabhee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HANI

Monday, March 26, 2001 - 02:02 am
Aamin ama ha aminina waa jiraa wiil soomaliyed oo qurxoon oona tacliin leh waase yar yahay marka doqomayahow wax kale ku hadla oona isku xishooda

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QURUXLOOW

Tuesday, March 27, 2001 - 12:46 am
TO:gebi ahaan walaalahay

Walaalayaal waad ku mahadsan tihiin soo booqashada & rayi ka geysashada aad ku soo qorteen bogayga haday ahaan lahayd amaan & haday ahaan lahayd caayba (NIN KASTAA GARAADKIISUU HADLAAYE) waxaan idin leeyahay ha idiin macaanaato.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ms BEAUTY

Tuesday, March 27, 2001 - 04:54 am
wa wa wa yibi yo! yibi yey! where my quruxlow at come2me now yo! this is ms beauty in da house sorry cant write somali but would like i can read it wel i got Uer masage above so welcome 2 love boat bro.


LOvE ms BEAUTY

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

lol

Tuesday, March 27, 2001 - 08:59 pm
ms beauty>>> loooooooooooooool since when did u come to beauty world!!i only thougth that was for me loool honey good luck with the brother >>>> but be sure if he is beauty as u are other wise kick his ass out of the net(sorry about my language)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HANI

Wednesday, March 28, 2001 - 12:11 am
qurxloow walaal maxaa kugu dhacay maad u jawaabtid gadhaha mise hoos baad uga jawaabtaa oo kor waxba kuma soo qortid waa ku kululeysanayaa ee wax ha u arkin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QURUXLOOW

Wednesday, March 28, 2001 - 03:40 am
TO:miss beauty

walaal waad ku mahadsan tahay booqashadaada aad bogaygan soo booqatay balse qofyahay waxaan la yaabanahay in aad afkeena aqrin karto aadanse qori karin taas waa runtii mid u baahan fahan goonni ahe ma ii soo jilcin kartaa?

TO:hani

Abaayo waad iga qoslisiisay waana ka helay hadaladaada ee ma shaaciro badan tahay mahadsanidna booqashadaada bogaygan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HANI

Friday, March 30, 2001 - 04:16 am
shaaciro waa dhameeyay naqtiinaan ku jiraa laakin adiga waxaan ku weydiiyay jaamcadda hadal macaanida maa ka soo baxdaybo waa ka yaabay saad dadka isugu dayaysid inaad u qanciside abow-abow hadaad saan qurux ku darsatay lagu gatto leewaayaan u maleynaa qofyahow,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QURUXLOOW

Sunday, April 01, 2001 - 04:17 am
TO:hani

hahahaha lolololol qofyahay waxaan u malaynayaa in gadasho xoogaa laga fiican yahay haddii wax lacag laga bixinaayana waxaa laga bixiyaa gabdheheena marka taas shaakada ka bixi qofyahay
mida kale adiga ma isu jeedid miyaa sida aad u hadal macaan tahay?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HANI

Tuesday, April 03, 2001 - 05:43 am
quruxloowoow walalow amanta iga daa yaan kursigayga ka dhicine see waye yaqay adiga sida aad u hadalmacaan tahay wiil ama gabar u hadal macan weli ma ku riyonin xata aragti ama maqal iska daaye.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, April 04, 2001 - 03:04 am
quruxloow qabilkaada ayaad kor ka hilmaantay bro

take care

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

quruxloow

Wednesday, April 04, 2001 - 10:18 am
To: ananymous

Walaal sow ma fiicna in aan qabiil iska dhaafno oo aan wax kale oo ka wanaagsan ka hadalno.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HANI

Sunday, April 08, 2001 - 11:59 pm
quruxlow walalkis waaw si fican ayad uga jawabtay su"aashaas laakiin maxaad tayda uga soo jawabi weyday?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QURUXLOOW

Thursday, April 12, 2001 - 12:42 am
to:hani

Abaayo hani waxaan kuu sheegaayaa in aad runtii aad u hadal wanaagsan tahay oo aan ku oran karo SHEEKO XARIIR baad tahay.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.